HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 6 APRIL 2021

0
Tuesday April 06, 2021 - 09:54:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 6 APRIL 2021

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

 

 

Rooble Oo Booqday Askarta Ku Dhaawacantay Weeraradii Awdheegle Iyo 

Bariire

R/Wasaaraha XFS ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay weerarkii maalmo kahor Alshaba ab ay ku qaadeen Sal dhiyada Awdheeglle iyo Bariire. R/Wasaare Rooble oo warbixin ku saabs an xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una raje eyay caafimaad deg deg ah.

Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaa ca dalka iyo la dagaalanka Alshabaab, waxaana uu u ballan qaaday in dowladda Federaalka Soom aaliya u heellan tahay daryeelkooda.

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaa ca Qaranka ayaa R/Wasaaraha uga mahadceli yay booqashadiisa, iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka.

M/Muqdisho ayaa waxaa la keenay Askartii kusoo dhaawacantay weerarkii xooganaa ee Alshabaab ku qaadeen Saldhiyada Ciidamada ee Awdheeglle iyo Bariire ee G/Sh/Hoose, waxaaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona Alshabaab iyo Dowladda ay guulo ka sheegteen weerarka.

  Madaxda DF Iyo M/Goboleedyada Oo Markale Maanta Shir Isugu Imaanaya

Shirka u dhexeeyay Madaxda DFS,kuwa ma amul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka G/Banaadir ayaa Maanta oo tallaado ah dib uga furmi doona Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo markii hore furmay maalintii sabtida ahe yd ayaa waxaa looga hadlay Aje ndayaasha Shirka guud ee Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada iyo sidii looga wada hadli la haa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxda ayaa 2dii maalin ee lasoo dhaafay si weyn do od uga yeeshay Shu ruudo Madaxweyne yaasha Puntland Saciid C/hi Deni iyo Jubbal and Axmed Madoobe ku xireen ka qeyb galka Shirka Wadatashiga Arri maha Doorashada.

Shirka Madaxda ee u socday sabti iyo Axad ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana shalay oo Isniin aheyd hakad galay shirka Madax da, iyadoo lagu balamay in Maanta uu dib u bilo wdan wadahadalka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis xoogan ku saar eysa inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Dhinaca kale dowladdaha Ingiriiska iyo Mar eykanka ayaa si toos ah ugu hanjabay dhinacyada isku haaya siyaasadda dalka, iyagoona u sheegay inay cunaqabeyn saari doonaan cidii fulin muujin weyda tanaasul iyo dabacsanaan.

 Maxay tahay arrinta Farmaajo ‘uu rabay’ in musharaxiinta mucaaradka ku dhaqaaqaan?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in madaxweyn aha waqtigiisa dham aaday Maxamed C/hi Farmaa jo uu rabay in mucaaridka ay kacaan oo dagaal bil aaban si xaalada dalka u gasho meel aan kasoo kabasho laheyn.

Xasan ayaa sheegay in madaxda mucaaridka ay ka baaqsadeen in dalka ka dhaco dagaal ca daadis kasta oo uu saaro madaxweynaha waqtigi isa dhamaaday oo lagu eedeynayo inuu hortaag an yahay in heshiis laga gaaro doorashada dalka.

"Dowladda uu mas’uulka ka ahaa madaxw eynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tolahey?,” ayuu yiri Madax wey nihii hore ee dalka oo wareysi siiyey idaacada KNN.

"Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaala maan.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018kii ay madaxda dowladdu daandaansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal.

Si kastaba, Xaalada cakiran ee dalka ayaa la aamisan yahay inay kasii dari laheyd haddii ay madaxda mucaaridka iclaamin lahaayeen dagaal ka dhan ah dowladda waqtigeeda dhamaaday, kadib dhacdooyinkii u dambeeyay ee sida tooska ah loogu beegsaday.

Madaxweynaha Galmudug oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta lagu wadaa in M/Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha Galmudug Axmed Ca bdi Kaariye QoorQoor,kaas oo maalinkii shalay ahaa gaaray M/Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeybgelaya shirka hordhaca ah ee Teendha da Afisyooni uga socda madax da dowladda iyo kuwa maamul gob aleedyada,kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay aa ku amray madaxda maa mul gobaleedyada in aysan ka tegi Karin magaalada Muqdi sho,iyada oo xal laga gaaarin muranka doorashada.

Maanta oo Talaada ah ayay mar kale madaxda Soomaalidu iskugu imaan doonaan Miiska wadahadalka,islamarkaana ka doodi doonaan caqaba daha ku xeeran qabsoomidda doorashada dalka.

 Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin ku saabsan shirka teendhada Afisyoone

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, Md. Cumar C/rashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa kaga hadlay xaal adda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo ha dal qaaday wadahadalla da u dhexeeya DF iyo D/G/yada ee ka socda M/Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni, kuwaas oo diirada lagu sa arayo is mariwaaga doorashada. Sidoo kale R/l wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay fashil ku yimaada wadahadallada socda oo ah kuwa ugu dambeeya ee lagu dhameystirayo heshiiska 17kii September.

"Haddii si dhab ah ay u wada hadlaan saamil eyd a siyaasadda waxaa lagu gaari karaa doora sho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyeyaasha waa in ay si faahfaahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgor tanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo we eciyo la guuldareysan doono,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharm aa’arke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyado ay hakad galeen kulamadii u socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, ka gadaal markii la’isku fahmi waayey qodobada qaar ee ku jiro wadahadallada looga arrinsanayo doo rashooyinka.

Odowaa oo markii ugu horreysay ka hadlay cii dankii loo adeegsaday weerarkii 19ka Febr aayo

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdadii 19Febraayo ee ciidamada dowladda ku rasaaseyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo weerarkii lagu qaaday madaxweyn ayaashii hore.

Jeneral Odowaa oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacada VOAda ayaa ugu hor eyntii ku dooday ‘in dhacdooyinkii 19kii Febraayo ay ahaayeen waajib lagu muujinayey dowladnim ada dalka ka jirta’.

Odowaa oo u muuqda mid ka gaabsanaya ka warbixinta dhacdooyinkaas ayaa carabka ku adk eeyay in ciidamada qaranka uu waajib ka saaran yahay ka hortaga falkasta oo wiiqaya nabadgely ada iyo jiritaanka dowladnimada.

"19kii Febraayo waxaa dhacay, dad kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo darajooyin ka ugu sarreeya leh ayaa magaalada Muqdisho qeybo kamid ah intay tageen ayey ka cadeeyay inay ayaga la wareegeen oo wax dowladd ah ays an jirin. Waajib ayaa naga saaran xubin kasta ee ci idanka xooga oo ku kacda wax baalmarsan sharciga iyo nidaamka u yaala dalka,” ayuu yiri.

"Waa mas’uuliyad nasaaran in tallaabo ka qa adno cidkasta oo baalmarta sharciga iyo waxkasta oo qalqal galinaya amniga dalka.”

Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed aysan ku dhex milmin siyaasada, balse ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan tallaabo kasta oo horseedi karta amni darro, sida uu ku dooday.

Hadalkaan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe ay mas’uuliyiinta mucaaridka ku eedeynayeen madaxda waqtigooda dhamaaday inay dano siya asadeed oo gaar ah u adeegsanayaan ciidamada dowladda, islamarkaana ay ka qeybqaateen tallaa booyin ka dhan ah mucaaridka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu dhawaan shaaci yey in 19kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isa ga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sh.Shariif Sh. Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

"Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xis aabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amar ada la idiin siinayo.”

Maxaa laga fahmay arrinta Waare uu ka sheeg ay beelaha HIIRAAN, GEDO iyo SSC?

Waare iyo waayoaragnimadiisa Federaalka! Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle waa nin xog ogaal ah oo awood u leh inuu qaab maangal ah u sharraxo dhibaatooyinka bulsho iyo tan siyaasade ed ee haysta deegaannada iyo beelaha Soo maalida. Wareysi lala yee shay oo aan dheggeystayna waxyaabaha uu ka hadlay ee aan aadka ula dhacay waxaa ka mida qeexid iyo qaabeyn cajiib ah oo uu u sameeyay sida ay reeraha Soom aaliyeed ula falgaleen nidaamka Federaalka, iyo kuwa weli cabashada qaba dhibka haysta.

Wuxuu sameeyay saddexxagal beeleed oo tab ashada Federaalka ay ku badan tahay, kuwaas oo kala ah Xawaadle (Hiiraan), Mareexaan (Gedo) iyo Dhulbahante iyo Warsangeli (SSC).

Sababaha ay saddexda reerood uga gowsade ygayaan waxkudarsiga maamullada ku hareera ysan ayaa uu Dr. Waare u faahfaahiyay qaab ay dad badan wax ku fahmi karaan.

Waxa uu sababaha ku soo koobay beelahaas oo aanan aragti mideysan ka lahayn siyaasadda ku hareereysan. Isaga oo warkiisa ku xoojiyay hadal u dhignaa "cid walba oo siyaasadda wax ka rabta, inta aysan waxa ay rabto doonan waxaa hor ta muhiim ah in ay meel isugu tagto oo isku raacdo waxa ay rabto.”

Dr. Waare oo kala dhigdhigaya saddexda ree rood iyo saddexda deegaan ee uu kiiskooda tus aalaha u qaatay, waxa uu sheegay in mushkiladda Xawaadle ay ka soo billaabatay iyaga oo aanan aragti mideysan ka qaadan labadii garab ee ay USC u kala jabtay ee dagaallamay (Caydiid iyo Cali Mahdi/Habargidir iyo Abgaal). Waxa uu tilmaa may in ay tolku isku raaci waayeen cidda ay la safanayaan iyo kan ay ka safanayaan, ama go’ aanka ay reer ahaan ka qaadanayaan ishaysadka labada dhinac.

SSC waxa uu xusay in aysan weli reer ahaan isugu waafaqin dhanka ay raacayaan labada ma amul ee ay dhexda uga jiraan. Mareexaanka Gedo degganna waxa uu sheegay in ay iyagu arrintooda markii hore culays gaar ah lahayd, oo deegaanka iyo siyaasaddiisaba ay u kala janjeertay Itoobiya iyo Kenya oo xudduudo la leh, markii Federaalka dhismayna uu kalajiitankii jiray sii xoogeystay.

Talada uu Waare hadalka ku soo dhammee yay ayaa ahayd "in qola walba ay garwaaqsato in aysan is hureynin cidda ay deegaanka wadaaga an, sidaas darteedna looga baahan yahay inay run ta wajahaan oo iyagoo mideysan wixii dantooda ah kala xaajoodaan dadka ay wax kala dhexeeyaan”.

Hadalka Waare waxa uu iftiiminayaa salka jah wareerka hadda ka taagan Federaalka, oo me elaha ay dhibaatadu saameysayna ay u badan yih iin deegaannada aan ka soo hadalnay.

Waxaa halkaan laga fahmi karaa in uu xiriir ka dhexeeyo aragtida Federaaldiidka ah ee lagu eed eeyo kooxda hadda Villa Somalia ku jirta, iyo caqa badaha ka taagan deegaannada markii horeba Federaalka u saluugsanaa qanacsanaanla’aan beeleed darteed.

Yey yihiin shaqsiyaadka uu sheegay C/C Sha kuur inay kasoo horreeyaan Farmaajo?

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur War same ayaa dhowaan shee gay in Farmaajo isaga oo aan afka kala qaadin ay jira an rag ka soo hor eeya oo u doodayey intii uu socday shirkii u dhax eeyey madaxda DF iyo D/Goboleedyada ee Afis yoone. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shakhsiya adka kasoo horeeyo madaxweyne Farmaajo oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qaar ka tirsan ma daxda maamul goboleedya da ay u ku doodayaan isla markaasna ay dhahayaan:

1 Looma baahna in laga hadlo muddo xileed ka dha maaday ee Baarlamaanka iyo Madaxwey naha.

2 Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dha cay.

3 Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto.

4 Looma baahna in damaanad loo helo fulinta he shiiska.

Waxa uu yiri "Taasi waxay ka dhigan tahay in la galo doorasho uu Farmaajo murashaxiinta la tart amaysa weerari karo, xildhibaanka uu diidan ya hay Baarlamaanka ka xiran karo, Madaxweyne D/Goboleedna uusan Muqdisho si nabad ah mura shaxii uu doono ugu ololayn karin. Waxaa nala kala dooransiinayaa Muddo kororsi mise doorasho qorayga caaradiisa ah.”

Caasimadda Online ayaa ogaatay in shaqsiya adka uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegayo ay yihiin madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir Shabelle Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Ma doobe inay madaxweyne Farmaajo kala hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa u muuqda inay yihiin kuwa aad ugu dadaalayo inaan la qaadan shuruudaha ay Axmed Madoobe iyo Deni ku xireen ka qeybgalka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku doodaya in ajandaha aan lagu soo darin wax ka baxsan heshii skii horey loo gaaray ee 17kii September 2020.

Wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mad axda DF ee Muddo xileedkoodu dhammaaday iyo D/Gyada ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan caqabadaha hortaagan.

Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xogogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta farogelinta tooska ah ee beesha caalamka. 

Xigasho:caasimadda.net

           Q/Midoobe oo war cusub ka soo saartay shir ka Afisyoone

Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda QM.ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wa dahadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiiragelisay joogitaanka dham maan madaxda DFS iyo D/g oboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wadatashiga ee 3dii ilaa 4tii April ka dhacay Muqdisho

QM ayaa sidoo kale ku boorisay dhinacyada ku shirsan Afisyoone inay xal ka gaaraan caqabada ha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021ka.

"Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorshey nayaan sii wadida wadahadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wadahadal ladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Mido obay ee Soomaaliya.

Shirkan u dhaxeeya madaxda DF iyo D/gobole edyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doora shada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey, sida ay ilowareedyo lagu kalsoon yahay u sheeg een Caasimada Online.

Kulankii Dorraad oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka.

Madaxda ayaa la sheegay in Shalay ay soo sam eyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kul anka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurtagal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin.

 XIGASHO:CAASIMADDA.NET

  Xukuumadda Rooble oo ku gacan seertay in la kala diro

Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuse en Rooble ayaa ku gacan seertay baaqyada ku aadan in la kala diro sababo la xiriira in muddo xile edka hay’adaha dowladda federaalka uu dhamm aaday.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Ab uukar Dubbe oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hey’adaha dastuuriga ah ee dalka aan loo kala diri karin "mudo xileedkii ayaa ka dhamaaday.”

Waxa uu sheegay inay kobocday dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana hormaro kala duwan ay dalka ka socdaan.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in aan loo baahn eyn in lagu celceliyo baarlamaanka iyo xukuumadd a waqtigii ayaa ka dhamaaday ee hala kala diro, balse ummadu ay arkaan waxqabadka socda, sida uu sheegay.

"Dalkeenu waxa uu ku socdaa kabasho fiican, dad ayaa raba in aan lasoo kaban, shisheeye ha ahaadaan ama Soomaali, banaanka ayaa laga soo dirayaa dadka qaar, iyadoo la leeyahay baarlam aanka hala kala diro, xukuumadda hala kala diro, waxaasi macquul maaha, dalka dowladiisu waa adkaatay, horayna waa u socanayaa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale Dubbe waxa uu sheegay in iftiinkii uu u muuqdo umadda Soomaaliyeed, isagoo tus aale u soo qaatay khasaarihii Shabaab ka soo gaa ray weerarkii Shabeellada Hoose ee maalin ka hor ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiir Dubbe waxa uu imaanayaa, xilli uu dhamaaday muddo xileedkii dhammaan hay’a daha dastuuriga ah ee Soomaaliya, isla markaana aan weli lagu heshiin hanaanka loo qabanayo doo rashada guud ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho, iyagoo maa lmihii lasoo dhaafay kulamo ka yeeshay khilaafka dhexdooda ah, in kastoo aan kulamadaas laga gaarin wax horumar ah.

Beesha Caalamka oo cadaadis ku saareysa madaxda Soomaaliya inay heshiis ka gaaraan khilaafka doorashada ayaa bogaadisay kulamadii ay yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Hal maalin oo lagu macneeyey nasiino iyo latashi yo ayaa maanta loo baajiyey kulamadii madaxda, waxaana lagu wadaa in berri oo Talaado ah ay dib isugu soo noqdaan.

   Somaliland oo soo bandhigtay saraakiil ‘kasoo goostay’ Danab iyo Gorgor

Xukuumadda Somaliland ayaa Shalay soo bandhigtay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska guud ee Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Saraakiishan oo Afar ahaa, waxayna sheegeen inay kasoo goosteen Soomaaliya, islamarkaana la qalday oo mabda’a midnimada wax kusoo bartay ayaga oo dhalinyaro ah.

"Waxaa soo dhoweynayaa saraakiisha iyo askarta kasoo goosatay ee mabaadida Soomaali Weyn ee lagu qalday kasoo noqotay ee Somaliland isku soo dhiibtay waan aqbalnay,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Afgaduud.

Saraakiishan oo qaarkood ay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa GORGOR ayaa waxay cafis weydiisteen mas’uuliyiinta Somaliland oo ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu qalday fikirka Midnimada, iyagoona ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madaxbanaan.

"Waxaan Shalay umadda Somaliland aan ka codsanayaa dhamaan cafis, waxaan ahayn dhalinyaro la qalday oo mabda’a Soomaaliyeed wax ku soo bartay laakiin Shalay waxaa kusoo laabanaya Jamhuuriyada Somaliland, calankayagii oo u dhalanay anagoo ogaanay xaqiiqada jirta,” ayuu yiri Labo xidigle, Jaabir Ismaaciil Cismaan.

"Dadka shacabka ah ee la qaldayo inay ku wax qaataan anaga oo Shalay ciidan ah oo ciidan xukumeynay, oo ciidanka ugu sareeya Kumaandooska DANAB ka nimid, waxaa kusoo noqonay dhulkayagii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hoos ka aqriso magacyada Saraakiishan iyo darajadooda

1. Jaabir Ismaaciil Cismaan = 2Xidigle

2. Maxamuud Axmed Cali = Xidigle

3. Yuusuf Maxamed Jaamac = Xidigle

4. Maxamed Xasan Xaashi = Dable

    Puntland oo sheegtay in degaannade eda uu ku kordhay kiisaska COVID19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilaAwgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka,kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.

Wasiirka ayaa ka hadlay in Puntland uu ka socdo tallaalka Covid19, kaasoo loogu talagalay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.

Wasiirka waxa uu xusay in wali in badan oo ka mid ah dadka waaweyn oo khatarta ugu weyn ku yahay xanuunku aysan tallaalka qaadan, wuxuuna rajeeyay inay qaataan si ay uga badbaadiyaan naftooda.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad ay amaro culus soo saari doonaan, iyaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee Covid19.

       Shil khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Burco

Shilka oo geystay khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu Habeen hore ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha magaalada Burco oo ah Xarunta gobolka Togdheer ee degaannada Soomaaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Land Cruiser ah uu jiiray Mooto Bajaaj mareysay Xaafada Biriishka Deero ee Magaalada Burco, waxaana halkaasi ku dhintay wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray Cabdicasiis Siciid Xasan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in burbur xoogan uu soo gaaray mootada, iyada oo markii hore dhaawac ahaan loo qaaday wadaha mooto bajaajta, basle markii dambe uu geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Wadooyinka ee Soomaliland ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo gacanta ku dhigay Xabsigana dhigay wadihii Gaariga Land Cruiser ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Soomaliland kusoo batay shilalka Gaari, waxaana shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ku geeriyooday Shacab iyo askar intaba.

 Dowladda Qatar oo Soomaliya u tababare ysa Ciidamo la dagaalama AlShabaab

Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Qatar ayaa Shalay oo Isniin ah kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Tababar u jooga dalkaas.

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) oo uu wehliyo uqeybsanaa arimaha Ciidanka Ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa kulan waxa ay la qaateen Saraakiil ka tirsan CXDS oo Tababar aqoon kororsi ah u joogay Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Dooxa Ee Caasimadda Dalka Qatar.

Saraakiishan oo Tababarka soo dhamestay ayaa dhawaan ku soo noqon doonna Gudaha Soomaaliya, uyaga oo ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhan ah AlShabaab

 VILLA SOMALIA oo markii ugu horreysay ka warbixisay shirarka Afisyoone

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Ca bdirashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu ho reysay faahfaahin ka bixiyey shirarka Afisyoone u ga socda madaxda dowladda federaalka iyo dow lad goboleedyada alka, kuwaas oo illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaa rin.

Shirarkaas oo teendha da Afisyoone oo ku taalla gud aha xerada Xalane ka dhacay 3dii iyo 4tii bishan ayaa laga nastay Isniintii shalay, balse Talaadada maanta ayaa lagu wadaa in dib loo sii amba qaado oo madaxdu ay isugu tagaan goobta shirka.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdi rashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay BBC ayaa xaqiijiyey in Talaadada berri ay madaxdu u balan san yihiin shir ka dhacaya Afisyoone.

"Kulamadaan ay labadii cisho ee u dambee ysay madaxdu yeelanayeen weli waa socdaan, la guma kala tegin, mana burburin, berri madaxdu wa xay u balansanyihiin inay kulmaan oo horay u sii wadaan wadahadaladoodii hor dhaca u ah shirka wadatashiga Qaran,” ayuu yiri C/rashiid Xaashi.

Afhayeenka ayaa dhinacyada ka dalbaday in wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17kii September ay madaxdu kala saxiixdeen, si dal ka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay.

DF oo go’aan kasoo saartay dacwadihii loo haystay Janan

Qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xiray gal dac wadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabd irashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Cabdirashiid Janan oo loo hey stay dambiyo ka dhan ah bani’a adanimada, ayey markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lagu cadeynayo in aan loo hey san wax dembi ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa horay dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Gedo ugu soo oogay Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale warqad kale oo ka soo baxday Maxka madda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xiray galdacwadeedka Cabdir ashiid Janan.

Dhawaan hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay dalab ah in cadaaladda la hor keeno Cabdirashiid Janan, si loo hubiyo dembiyada lagu eedeynayo.

Ma jirto wax sharci ah oo loo maray in laga laabto dambiyadii loo haystay Janan, marka laga reebo inuu heshiis siyaasadeed la galay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo Janan uu dhowaan kasoo goostay maamulka Jubaland soo wareegay dhanka dowladda.

Hoos ka aqriso warqadaha



Xigasho:-radiodalsan.com

      Dadka u dhintay cudurka Karoonaha ee Soomaaliya oo gaartay 568

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soo maaliya ayaa faahfaahisay tiradii ugu dambe ysay ee uu haleelay cudurka Karoonaha oo Soomaaliya oo kasii baahaya.

Tirada 24 saac ee ugu damb aysay laga baaray COVID19 guud ahaan wadanka: 1031

o Laga Helay: 125

o Somaliland: 62

o Puntland: 32

o Banadir: 20

o Jubbaland: 9

o Galmudug: 2

o Lab: 71

o Dhedig: 54

o Dhimasho: 11 (Somliland:9, Puntland:2)

o Bogsashada: 50

Tirada Guud ee Laga Helay: 11,908

Bogsashada Guud: 5,017

Dhimashada Guud: 568

   Xubno miino Aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Maamulka degmada Qansaxdheere ee gob olka Baay ayaa ka warbixiyey howlgallo ay cii damada Daraawiishta K/Galbeed ka sam eeye en duleedka degmadaasi, kuwaas oo looga hor tegayey weeraro ay soo qaadaan AlShabaab.

Guddoomiye ku xigenka amniga iyo siyaasadda degmada Qansaxdheere Max amed Muqtaar Cabdi oo la ha dlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan si ga ar ah looga sameeyey duleedka magaalada, isl amarkaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab.

Maxamed Muqtaar ayaa xusay in xubnaha asi oo labo ahaa la toogtay, xilli ay aasayeen qarax miino, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga lagu dil ay howlgalka ay ka furteen qoray Ak47 ah iyo bi stoolad ay wateen, isagoo intaasi ku daray in howlgalka laga gaaray ujeedka laga lahaa.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka am niga iyo siyaasadda Qansaxdheere ayaa shaa ca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaqdhaq aaqyada ka dhanka ah kooxda AlShabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huw anta ee isgarabsana ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dagaallada ka dhanka ah AlShaba ab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.

 Wasiir sare oo ka socda dowladda Zambia oo soo gaaray Hargeysa + Ujeedka

Wafdia ka socda dalka Zambia ayaa Shal ay gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaw eeyey wasiir kuxigeenka ahna kusimaha wasi irka arrimaha dibadd Somaliland.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaami naya Wasiirka wasaaradda cadaal adda dalka Zambia, Gavin Lub inda, waxayna saacadaha soo socda kulamo ka la duwan ay la qaatan madaxda u sareysa ee xukuumadda Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdiga an ka socda dalka Zambia ayaa waxay mas’uul iyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo madax weyne Muuse Biixi kala hadli doona xiriirka lab ada dhinac, waxaana lagu wadaa in 2da dhinac ay wada saxiixdaan iskaashi dhanka garsoorka ah.Somaliland oo ayada ku dooda inay tahay dal ka madaxbanaan Jamhuuriyada ayaa san adihii u dambeeyay waxay heshiisyo iskaashi la galeysa dalalka Afrika, waxaana muddooyinkii dambe caasimadeeda gaarayey wafuud caal ami ah.

Militariga Mozambique oo guulo ka sheegtay dagaalka AlShabab

Militariga dalka Mozambique ayaa sheegay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah koox musl imiin mintid ah, kaddib duullaan ay ciidanka ku qaadeen magaalada Palma ee waqooyi bari Mo zambique oo ay dhamaadki bishii hore qabsa deen kooxaha fallaagada.

Ka dib weerar uu dhiig badani ku daatay oo ay 24ki bishi Marso kooxaha mintidiinka ku qaa deen magaalada Palma ee gobolka Cabo Delg ado, hadda ciidamada dowladda Mozambique ayaa sheegay in ay laayeen tiro xoog leh oo ka mid ah kooxahaasi.

Chongo Vidigal oo ah abaanduulaha ciid anka howlgalka ka wada Palma ayaa wariyaa sha u sheegay, in dagaalka uusan wali dham maan, balse ay dileen tiro badan oo ka mid ah kooxaha argagixisada.

11 maalin ka hor, kooxo hubeysan ayaa weerar u muuqday in si taxaddar leh loo soo qorsheey ay ku qaaday magaalo xeebeedkan istar aati ijiga ah.

Weerarka ayay la beegsadeen meel dhowr kilomitir u jirto ceelasha gaaska dabiiciga ah oo ah mashruuc ku kacaya balaayiin dollar oo ay waddo shirkadda laga leeyahay Faransiiska ee Total.

Muuqaalki ugu horreeyay ee laga soo duu bay magaaladani oo ay ku noolyihiin 75,000 oo qof, ayaa laga arkay meydad dhulka daadsan, guryo burburay iyo baabuur la gubay.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Daa cish, Waxaa ku dhintay tobnaan qof oo rayid ah, boolis iyo millatari. Wali lama xaqiijin tirada ras miga ah ee guud ahaan dadka ay dileen koo xdani.

Shirkadda French Group Total waxay goob ta kala baxday howlwadeennadi ka shaqeynay ay gacanka Afungi oo ah goobta ay ka qod eysay gaaska. Mashruucaasi ayaa hadda u mu uqda mid gabi ka laadlaada.

Maalmihi lasoo dhaafay ciidanka qalabka sida ayaa isku dayay in ay dib u qabsadaan ma gaalada Palma. Dagaalka ayaa u muuqda inuu wali socdo. Kumannaan ka mid ah millat ariga ayaa goobta la geeyay.

Laakin tan iyo weerarki sannadki 2017ki, cii danka dowladda ayaa awoodi la in ay si muu qata u maquuniyaan kooxaha mintidka ah ee ar gagixinaya dadka ku nool gobolka Cabo Del ga do ee ku yaalla xadka Tanzania.

Kooxda fallaagada ah oo goobaha ay ka dagaa llamaan looga yaqaano AlShabab oo micnahe edu yahay dhalinyaro marka laga soo tarjumo lu qadda Carabiga, ayaa sheegtay in ay galeen he shiis ay qeyb uga noqdeen kooxda Daacish.

Q/Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 11,000 oo qof ay ku barakaceen weeraradi ugu danbeeyay. Horay waxaa aaggaasi uga cararay 670 kun oo qof, sababo la xairiira colaadda.

        Ciidamada KENYA oo Qarax lagula beegsa day LAMU

Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen magaalada Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari xamuul ah oo way wateen ciidamada Ken ya, xilli ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qar axa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iy agoona sameeyey howlgallo ay ku baadi goo bayaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadaha gaariga la la eegtay ayaa dhintay, iyada oo ay dhaawa cyo soo gaareen askar kale oo la socotay, sida ay shaaciyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale AlShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiyeen ciida ma da dalka Kenya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay sar aakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo la gu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi.

Inta badan kooxda AlShabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqo oyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

Koox hubeysan oo Xabsi ka siidaayay Boqo laal Maxaabiis ah

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsi iyo saldhig boolis oo ku yaalla koonfurta Nigeria, waxay dableyda ku guuleysatay inay xabsiga kasii daayaan maxaabiis ku xirnaa halkaas. Goob joogayaal ayaa sheegay in Shal ay ay maqleen dhawaaqa rasaasta xilli kooxda ay weerarayeen xabsiga ku yaalla magaalada Owerri.Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulsha da ayaa muujinayay ugu yaraan 30 baabuur oo la gubay iyo dhowr guri.

Ha’yadda Amnesty International ayaa sheeg tay in xabsiga Oweri ay ku jireen 2,000 oo max aabiis ah inkasta oo saraakiisha ay BBC u she egeen in xabsiga uu qaadi karo 900 oo maxa abiis ah.

    Dad ka badan 18 qof oo lagu dilay gobolka Daarfuur

Dhakhaatiir ku sugan dalka Suudaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay, 50 qof na ay ku dhaawacmeen dagaal Galbeedka Gob olka daarfuur ku dhex maray beelo halkaasi wada daga.

Dagaalka ka socda meel u dhow magaalada AlJaniinah oo bilaawday maa lintii Sabtida.

Wararku waxay intaasi ku dar ayaan gaadiidka gurmadka de gdegga oo siday dad dhaa wac ah in la weerar ay.Gobolka Daarfuur waxaa ku yaalla xeroo yin loogu tala galay dadka ka soo qaxay col aaddii lagu hoobtay ee soo billaabatay 2003.

Walina waxaa gobolka ka dhaca isku dhac yo salka ku haya helitaanka dhul iyo biyo.

Dowladda ku meelgaarka ah ee Khartoum wa xay heshiis nabadeed la gashay kooxaha mac aaradka ah ee ku sugan deegaannada ay cola adda ugu badan ka taagneyd oo ay ka mid tah

ay Daarfuur

Lead Construction Management Engineer

Job categories Engineering

Vacancy code VA/2021/B5001/21542

Level ICS-10

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type International ICA

Contract level IICA-2

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational

requirements, availability of funds and satisfactory

performance)

Application period 01-Apr-2021 to 18-Apr-2021

 


Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip