Hooyadii iga ilmeysiisay! (Sheeko xiiso leh oo gaaban)

0
Thursday March 31, 2016 - 22:06:54 in Maqaallo by
  • Visits: 2502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyadii iga ilmeysiisay! (Sheeko xiiso leh oo gaaban)

    Waqtigu waa galab gaab, salaadii maqrib baa soo dhow, maamo waayeel ah oo ka muuqdo daal aan la qiyaasi karin ayaan kula kulmay xafiiskayga hortiisa anigoo shaqada ka sii rawaxi rabo, waxaan waydiiyay: Hooyo qof miyaa sugaysay, maxaase kuu qabtaa? W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqtigu waa galab gaab, salaadii maqrib baa soo dhow, maamo waayeel ah oo ka muuqdo daal aan la qiyaasi karin ayaan kula kulmay xafiiskayga hortiisa anigoo shaqada ka sii rawaxi rabo, waxaan waydiiyay: Hooyo qof miyaa sugaysay, maxaase kuu qabtaa? Waxay i tiri: Hooyo adaan kuu socday, talo iyo caawimaad ayaan kaa rabaa?
Waxaan ka dalbaday inay xafiiska gudaha u soo gasho, waxaana ka wareystay dhibkeeda.

Waxay tiri: Hooyoy, Gabar aan dhalay ayaa igu caasisay, mukhaadaraat ayay iga baratay, waana gabar yar oo 18 sano jirto, aabo ama wiil ka wayn oo ay iiga cabsanayso ma lahan oo aabihii mar hore ayuu geeriyooday, waxkasta waan isku dayay sidii aan uga goyn lahaa mukhadaartka, hadda waxay keentay inay ila dagaasho oo ay ii hanjabto oo waxay i leedahay "waad iga hor leexan wayday, laakiin anigaa iska kaa hor leexin doono”.

Hooyooy, waxaan kaa rabaa in aad igu caawisid sidii aan wadankii u geyn lahaa, haddii ay jirto daawo la siin karo oo ka dhigi karto qof daggan oo wixii loo sheego yeelayo si aan diyaarad u saarto, waan kuu duceynayaayee igu caawi in aan geesto meel aan kaga adkahay, inta way iiga adagtahayee!!!.

Aad ayaan ula qiirooday calaacalka hooyadaan, mana ii muuqan qaab aan ku caawin karo, sababtoo ah qof aan xanuun dhimir qabin sharci ma ahan in la siiyo daawo lagu dajinayo ama lagu jiifinayo, gabadhuna waa qof qaan-gaar ah oo lama qasbi karo iyadane ma ogola inay safarto oo dagaal ayay ka xigtaa.

Intaas markaan u sheegay, waxay tiri: hooyooy ciilaa i dilay, waxaad dhashay uga baq noloshaada waa imtixaaan adduun ee maxaan kaloo samayn karaa?

Waxaan u sheegay in lagu xarayn karo xarumaha dadka mukhadaraatka ku walfay lagu baxnaaniyo ee ra’yigaas ka waran.

Waxay tiri: hadda ka hor ayaa la ii sheegay in aan sidaa yeelo, laakiin markay ogaatay guriga ayay ka carartay, 3 bil ayay maqnayd, wuxuna waa gabar! raadin dheer kadib waan soo helay, waana soo raalli galiyay, waxaan ka cabsanaa haddii ay ogaato mar labaad inaan dib dambe u arki waayo ama wax i yeesho oo saas habaar ku muteysato!!!.


Wallee waxaad dhashay kuma dhalin!!!.
________________________________________________
Akhristow Talo noocee ah ayaad hooyadaan siin lahayd?
Maxaase samayn lahayd haddii caruurtaadu sidaan noqdaan, alle kama dhigee?

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip