Ascaarta iyo Bisha Ramadaan.=Faallo=

1
Thursday April 01, 2021 - 21:27:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ascaarta iyo Bisha Ramadaan.=Faallo=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Haddii aad dareentay waxaa Maalmahaan Dalka ka jiro kororka Ascaarta oo aad xoowli ugu socdo.

 
     Gaar ahaan, Cuntada lagama maarmaanka ah oo kororkeedu u dhexeeyo 15%–70%.
 
Badeecooyinka kale ee muhimka ah ayaa qaarkood sicirku kor u dhaafay 60%.
 
     Haddii uu sii socdo kororka Badeeceeyinku waxaa ka dhalanayo in ey Dadku iibsan waayaan, kadibna Ganacsatadu waxa ey waayayaan Faa’iidadii ey filayeen, kadibna waxaa yaraanayo Badeecadii ey Suuqa keeni lahaayeen, taa oo sababee in uu hoos u dhac ku yimaado Dhaligii Canshuurta ee Dowladu ey ka heli leheyd Badeecada.
 
       Iyada oo Bishii Barakeysneed ee Ramadaan soo dhawdahay, Dadka Danyarta ah waxaa ku adkaanayo in ey Maareeyaan kharajka Ramadaanka, Bacdamaa Awoodii wax iibsi ee Dakhligoodu hoos u dhacayo, Mushaaraadkiina aan la kordhin karin. Dadkii Qurbaha wax uga soo diri jirayna Covid 19 uu Dakhligoodii hoos u dhigay.
 
      Sicirku waa kordhayaa, (F.S: 1aad). Markii uu kordhana waxaa yaranayo Dalabka Badeecooyinka( F.S: 2, 3 & 4aad). Markii Dakhligu yaraado "Elasticity” ayaa Cirifyada Garaafka u jaheeysanee, ( F.S: 5 & 6aad). waxaa kale oo isbedelayo Barta dheeli tirka ee "D & S”. ( F.S: 7, 8, 9aad).waxaana bilaabanayo Dhaqdhaqaaqa Suuqa oo ey suura gal tahay in uu meel ku xasili waayo ( F.S: 10aad). waxaana xigayo Marxalad Hoos u dhac dhaqaale.( F.S: 11 & 12aad).
 
Codsi.
 
      Anniga oo og in Madawga Yurub ey Shalay 30/3/2021 ey jareen dhamaan dhaqaalihii ey siin jireen Dowlada Somaliya ee lagu kabayay Dhaqaalaha, taasina ey saameyn doonto kharajyada Dowladda, gaar ahaan Mushaaraadka iyo Adeega Guud. Aniga oo tixgalinayo in ey ku adkaanee Dowladdu in ey Amaah ka qaadato Ganacsatada Gudaha iyo Dibadda oo Amaah bixiyayaashu ey ka cabsanayaan haddii Dowlad Xil-gaarsiin ah ey Deyn amaahiyaan, sida ey ka yeeli doonto Dowladda xigto. Haddana, waxaan ka codsanayaa Rugta Ganacsiga Somaliyeed iyo Wasaaradda Maaliyaddu in ey arrintaan Go’aan ka gaaraan, oo si wadajir ah loo helo Qorshe lagu dhimayo kororka Ascaarta Bisha Ramadaan, taa oo si fudud looga hor tagi karo culeyska ku dhacayo Maciishadda Dan yarta.
FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii iga dhimanna ku dar.
 
Mahadsanid.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip