Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaayay ciidamada Ilaalada Duurjoogta dalka Kenya oo toogasho ku dilaya Libaaxa baxsaday, waxaana goobta amuurtaan ay ka dhacday ku soo yaacay dadweyne fara badan.
Dilka Libaaxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo todobaad ka hor lagu qabtay Wadada Mombasa Road ee dalka Kenya, Libaax isna horay u baxsaday.
Dadka ag degan Xarunta National Park oo ah goobta Duurjoogta lagu xanaaneeyo ayaa waxaa soo food saaray walaac badan oo ku aadan Libaaxyada baxsanaya.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo xaruntan uu ka baxsado Libaax, hayeeshe feejignaanta ciidamada ay ku jiraan ayaa fududeysay in durbadiiba la toogto Libaaxaasi isaga oo aanan dhibaato badan geysan.
XIGASHO:DHACDO.COM
Daawo Video: Ciidamada Kenya oo toogasho ku dilay Libaax soo baxsaday
Ciidamada ilaaliyo Duurjoogta dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay Libaax ka soo fakaday Xarunta lagu xanaaneeyo Libaaxyada ee Magaalada Nairobi dalka Kenya.