Xaajadu Dhago la Qabto ma lahee, Dhankee baa u Ciirsanaa?!!!.

1
Friday March 19, 2021 - 22:49:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaajadu Dhago la Qabto ma lahee, Dhankee baa u Ciirsanaa?!!!.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ma yara jah-wareerka jira, is jiid-jiid siyaasadeed oo aan dhammaad laheyn ayaa socda, isbahaysiyo cusub ayaa dhismayo, khilaafka doorashada cirka ayuu isku sii shareerayaa, wey adag tahay in si sahal ah loogu heshiiyo doorashada la isku hayo.

Lama oga goorta ay dhici doonto doorashada la hadal-hayo, bil ka badan ayaa ka soo wareegtay xilligii loogu tala-galay in ay qabsoonto doorashada ku aadan madaxtinimada Soomaaliya, arimo siyasaddeed ayaa loo aaneynayaa in ay horseed ka yihiin dib u dhaca Doorashadaasi.
 
Isku daygii ugu dambeeyay ee lagu Baadi-goobayo sidii ay Soomaaliya uga dhici laheyd Doorasho ayaa la wadaa, beesha caalamka ayaa dadaalkaas horseed ka ah, inkasta oo saaxiibbada Soomaaliya ay halgamayaan ayaa haddana waxaa ku hor-gudban caqabaddo badan oo fashil keeni kara!
 
15-kii bishaan ayaa la filayay inuu ka furmo xarunta Xalane shir looga hadli lahaa arimaha Doorashada, dib u dhac ayaa ku yimid shirkaasi, haatanna lama yaqaanno goorta uu bilaaban doono.
 
Waji cusub ayay iminka yeelatay siyaasadda Soomaaliya, intii uu taagnaa is jiidjiidka doorashada ayaa waxaa lagu baraarugay dhismaha Gole cusub oo loogu wanqalay Golaha Badbaadada, golahaan oo lid ku ah Villa Somalia ayaa waxaa ku mataanaysan maamulada Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharaxiinta.
 
Madaxtooyada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada la safan ayaa Wali wax hadal ah ka oran golahaasi, diidmo cad inay kala hor-yimaadaan ayaa loo badinayaa!
 
Marka loo kuur-galo xaaladda Soomaaliya waxaa si fudud kuugu soo baxayo in xaajadu aaney wali fari ka qodneyn, dad badan ayaa haatan is weydiinaya halka ay xaaladdu ku raad go’i doonto, cabsi waxaa laga qabaa khilaafka ka taagan doorashada in uu sababo gacan ka hadal u dhaxeeya dhinacyda isku diidan doorashada.


 
Allow na Badbaadi, Doorasho la isku dilo Dan nooma ahee!!!
 
WQ:C/Laahi Shiikhaalow

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip