Iska hubi Qofka aad Aaminee, Dadka qaar ayaa dhararayo dhimashadaada= Nasashada Jimcaha. Q- 244=

1
Friday March 19, 2021 - 21:18:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hubi Qofka aad Aaminee, Dadka qaar ayaa dhararayo dhimashadaada= Nasashada Jimcaha. Q- 244=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Axmadey Suufi oo Reer Qoryooleey ahaa ayaa tagay Magaalada Cadaado waxaa uu guursaday Gabar deganeed Magaalada, Habeen kastana waa ku qeylin jirtay. Maalin ayaa isaga oo Darbi fadhiyo oo fikirayo, ayaa waxa u yimid Saaxiibkii oo ku yiri: Maxaad ka fikiree?. waxa uu yiri: waxaan la tacajubay uunka Ilaaheey. Nabi Aadam CS ayuu Abuuray, kadibna Feertiisii ayuu ka sii Abuuray Makaroofan.

 
Saaxiibkii ayaa yiri: Ha danbaabin, Makroofanka Cod baahiyaa lagama Abuurin ee Feerta waxaa laga abuuray Haweenka. Axmadey ayaa yiri: waa Runtaa, waxaa laga abuuray Haweenka, Laakin Xaaskeeyga ayaa la yiraa: Shamso Makaroofan.
 
( Ciyaalkaan yar yar ee Makaroofanada "Face Book” la dhax wareegaa intee laga Abuuray?). ( F.S: 1aad).
 
2. Nin ayaa yiri: Saaxiibkeey Mar kasta waxa uu igu yiraa, war Guurso, guurso. waan ogahay waxa uu u dan leeyahay, Dhaqankiisana waan aqaan. Waxa uu rabaa in markii aan Safar aado in uu Xaaskeyga ii daba maro.
 
Aniguna ma jecli in aan Saaxiibkeey isku dagaalno Arrimo la xiriiro qoyskeeyga oo la ii daba maray. Sidaa daraadeed ayaan guursaday Walaashiis.
 
( Nin Mas’uul ah ayaa yiri: Waxaan ka baqayaa in Saaxiibadey ey Dagaal igu soo qaadaaan, waan ogahay haddii ey igu soo qaadaan in ey iga guuleeysanayaan, Laakin Anna waxaa dhax dagay Gurigoodii Muraayadaha ka sameysnaa, Caruurtoodiina waxaan ku iri: waalidkiin iga celiya ).
 
3. Naag aad u buurneyd, oo Nin boqor ihi qabay ayaa Ninkii Shaqaalaha u ahaa ku tiri: waxaan Rabaa in 7 Cisho gudahood aan Caato ku noqdo, mana rabo JYM iyo Daawo in aan waqti ku dhumiyo, Haddii aadan Taladaa i siina waa lagu dilayaa.
waxa uu ku yiri: Ushaan qaado ee Duurka aad, kadibna marka aad aragto Libaax Jeefo Laba mar ku dhufo si uu uga tooso Hurdada.( F.S: 2aad).
 
(Waweeru Kukuuyu ayaa yiri: waxaan rabaa Badda Somalida in aan qaato Anniga oo aan Lacagi iiga bixin, Dagaalna aanan u galin.Waxaa ku iri: Shan kiilo oo Hilib dhiigaayo ah Dhabarka ku xiro, ee Badweeynta Fog kaligaa isku tuuro. Tala fiican ma siiyay? ).
 
4 . Maroodi Wabiga Biyo ka cabayay ayaa waxa uu arkay, Nin qaawan oo Wabiga dhinaciisa kale Biyo ka cabayo, Maroodigii ayaa ku qoslay Ninkii qaawanaa Cowradiisa kuna yiri: Ma Tubadaas yar ayaad rabtaa in aad Wabiga Biyo uga cabto?. ( F.S: 3aad).
 
(Musharax Madaxweyne oo wato Baabuur Bullet proof ah iyo iyo 10 Tikniko ah ayaa arkay Musharax kale oo Baabuur lift ah saaran oo Hotel sii galyo, inta ku qoslay ayuu ku yiri: Ma Baabuur lifta ah ayaad saaran tahay Kursina waad rabtaa?. waxa uu ku yiri: Baabuurka waxaan ku sugayaa Dayaarad "Jet ” ah oo Dalka Qatar ka imaanee, waxa ey sido).
 
5. Shan Arday oo isku Fasal aheyd ayaa ku heshiiyay in ey ka baaqdaan imtixaanka Maadada Xisaabta, Macalinkana ey Cudur daar been ah ey u sheegaan. Maalintii kale ayeey Macalinkii ku yiraahdeen, Shalay Annaga oo soo socono meel fog oo cidlo ah ayaa Tyre naga Banjaray, sidaa ayaan shalay ku baaqanay.
 
Macalinkii waa ka aqbaly, iyagiina waa ku farxeen in Beentii u gadantay, imtixaankiina dib ayaa loogu dhigay.
 
Usbuuc kadib ayaa Macalinkii 5tii Arday isgu keenay Qolka weeyn ee Shirarka, kadibna midba gees ayuu fadhiisiyay ,midkii shanaadna Bartamaha, si eyna u qishin, si taxadar lehna waa u ilaaliyay, waxa ey filayeen in su’aaluhu yihiin Duruustii ey soo qaateen. Laakin, waxa ey ahaayeen 5 su’aal oo kala ah: 1.waqtigee tyre ku dilaacay?.2. Tyre ku nuucuu ahaa?.3 kiinee waday Gaariga?. 4. Sideed u kala fadhideen?. 5. Halkuu tyre ku ka banjaray?. Haddii jawaabihiinu isku mid noqdaan, waad wada gubteen imtixaanka, Haddii ey kala duwan yihiina waad wada dhacdeen, beena waad sheegteen.
 
( James Swan ayaan 5 Su’aal, oo ku saabsan go’aanadii 19 September oo ey wada saxiixeen u qeybiyay Madaxda 5ta Maamul Gobaleed ee Xalane ku shirayo, si ey jawaab isku mid ah uga Bixiyaan, wixii ey hore ugu soo wada heshiiyeen. Jawaabihii ey ka bixiyeen ma kuu sheegaa? Maya, ee Adigu sheeg akhristoow). ( F.S: 4aad).
 
6. Boqor Axmedkii 2aad oo Turkey ahaa ayaa dagaal aadayay. Boqoradiisii quraxda badneed ayuu Qol u dhax dhigay Cunto 4 Cisho ku filan, kor ayuuna uga qonfulay, Furihiina waxa uu u dhiibay Saaxiibkiis Muuse oo uu Dadka ugu jeclaa, aadna u aaminsanaa. waxa uuna ku yiri: Haddii aanan Dagaalka ka soo noqon 4 Cisho kadib, Qolka fur, Xaaskeeygana Adigaa leh.
 
Boqorkii Faraskiisii ayuu qaatay, waxa uuna aaday dagaalkii, Mus saac kadib ayaa gadaashiisa waxaa uga muuqday Boor iyo Qof Faras saaran oo soo ordayay, waana sugay. Qofkii waxa uu noqday Saaxiibkii Muuse. Boqorkii ayaa ku yiri: Maxaa kugu dhacay 4 Cisho weli lama qaarine?. Muuse oo neef tuurayo ayaa ku yiri: Boqoroow Furaha yar ee aad ii dhiibtay ma ahan kii saxda ahaa ee Qolka Boqoradu ku jirto.( F.S: 5aad).
 
(Iska hubi Qofka aad Aaminee, Dadka qaar ayaa dhararayo dhimashadaada)
 


Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip