Qaraxii labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
Wednesday March 10, 2021 - 12:28:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxii labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho

    Qaraxan oo noqonaya kii labaad oo maanta oo kaliya ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiye ku--xigeenka degmada Yaaqshiid. Qaraxan oo ka dhacay isla gudaha degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay in uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxan oo noqonaya kii labaad oo maanta oo kaliya ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiye ku--xigeenka degmada Yaaqshiid. Qaraxan oo ka dhacay isla gudaha degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab iyo askar isugu jira. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shiiloow ayaa lagu waramayaa in uusan xiligaa la socon gaariga la bartilmaameedsaday. Qaraxan ayaa imaanaya kaddib markii galinkii hore ee maanta qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen koox caafimaad oo dadka ka wacyigalisa khatarta cudurka Covid 19, waxaana ku dhintay qaraxaasi Darawalkii waday gaariga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip