HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 9 MARS 2021

0
Tuesday March 09, 2021 - 10:14:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 9 MARS 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farqiga u dhaxeeya wafdiga kiiska badda u baxay 2021 iyo midkii 2016-kii

Farqiga u dhaxeeya wafdiga kiiska badda u baxay 2021 iyo midkii 2016-kii Inkasta oo do wladda aan garab taagnahay, ilaahna ka rajeyneyno in dalkeenna uu ku adkaado kiiska, ha ddana si ka duwan dowladdii Xasan Sheekh, maamulka hadda jira aamusnaantiisa iyo xog ya rida jirta waxay sababtay in aan lagu kalsoona an karin waxa socda!

Sidaasi ay tahay, waxaan horay idiin ku shee gay iney qareennada na difaacaya ay kala yihi in: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet oo khubaro ah, laakin ma heystaan garabkii Al-sharmaani iyo dal ama hey’ad naloo sheegay iney bixineyso qarasha kiiska, taasi oo soo dedejineysa inuu jiro farqi u dhaxeeya 2021 iyo 2016!

2021: Wafdiga Shalay baxay waxaa hogg aaminayey Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuu madda xil gaarsiinta Mahdi Guuleed, waxaa qe yb ka ah: Yusuf Garaad oo ah safiirka Badda cas iyo bariga Afrika, Xeer ilaaliyihii Hore iyo midka hadda Axmed Cali Daahir iyo Suleymaan Maxamed iyo Eng Maxamed Saalixi oo ah khab iir badaha, hayey keydka, khariidadaha iyo sir aha isla markaana 10-kii sano ee lasoo dhaafay xafiiska Madaxweyneyaasha kala talinayey kiis kan!

Si ka duwan 2016-kii, inta Shalay baxday waxaa hoggaaminayo siyaasi, sagootintooda qe yb kama aha Madaxweynaha, lama arkin xubno bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan ah ama khubaro madaxbannaan! Laakin 2016-kii, waxaa kiiska hor kacayey Safiir Fiqi iyo Mu na Al-sharmaani, teeda kale sida sawirka hoose ka aragtaan, waxaa kale oo bulshada laga wa day dadkii indhaha u ahaa, oo badaha iyo qanu unka fahmayey!

Ugu dambeyntii, arrinta kale ee muhiimka ah waa qarashka kiiska, sida ay ii xaqiijiyeen ilo mu hiim ah, 2016-kii waxaa kiiska badda meel u taa llay $5 milyan oo ay ku deeqday dowladda Imaa raadka si loogu bixiyo qareennada iyo wax wal ba oo kiiska ku saabsan, lacagtaas oo aan la og eyn wax ka haray, warar qaar ayaa sheegaya in lacagtii loo leexiyey dhismaha machad, lamana oga iney taasi sabab u tahay in Muna iyo qaree nno kale lacag loo waayey iyo in kale!

Ra”iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray Haweenka Soomaaliyeed oo Shalay..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo ku aaddan maalinta caalamiga ah ee Haweenka adduunka, u di ray haweenka Soomaa liyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dhismaha qaran ka, daryeelka bulshada iyo badbaadin bulshada oo door wax ku ool ah ay ka qaataan, dowladd una ay xaqiijinayso ilaalinta qoondooda 30%.

"Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso awgeed, Waxaan hambalyo u dirayaa guud aha an Haweenka Soomaaliyeed oo aan uga mahad celinayo kaalintooda nafhurnimada,kartida, hagar la’aanta iyo daacadnimada ku saleysan ee ay kaga jiraan dhismaha qaranka & dhan kas ta oo nolosheenna ah”.

Eng. Rooble ayaa sheegay in dowladda Soo maaliya aysan marna aqbalayn tacadi lagula ka co haweenka Soomaaliyeed, una taagan tahay ilaalinta xaquuqdooda.

Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo culus qaadaya

Guddoomiyaha G/Banaadir, Cumar Maxa muud Maxamed (Filish) oo ay hareero tag nay een wasiiro ka tirsan xukuumadda Sooma aliya ayaa ku dhowaaqay in la dhaqan-gelinayo go’a anada lagu xakameynayo cudurka Covid-19.

Cumar Fiish ayaa shaaca ka qaaday in haista cudurka ay kusii ba aheyso dalka oo dhan ,is lamarkaana loo baah an yahay in la qaato talooyinka lagu xaka meynayo Coronavir us. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo rogi doo naan ganaax culusu wixii ka dambeeyo 15-ka bishana March, si loo dhaqan-geliyo go’aanna da dowladda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qof kasta oo aan soo qaadan af-xirka laga qaadi do ono tallaabo adag, isaga oo xusay inay muhi imaddu tahay bad-baadinta shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto la dagaalanka Covid-19 oo mar labaad kusoo la bo-kacleeyey Soomaaliya.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soo maaliya ayaa horey usoo saartay xiyaarado la gu xakameynayo fidista Coronavirus, iyada oo mamnuucday isu imaatinada dadweynaha.

Musharaxiinta oo qoraal ay ku dalbade en 3 arrin u diray wasiiro dibadeed yo iyo madaxda ururo caalami ah

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaal iya ayaa qoraal ay ku sheegeen "inay kula soc od siinayaan xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soo maaliya” u diray qaar ka mid ah madaxda uru rada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeed yada dhowr dal.

Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Marey kanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Mid owga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dib edda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrim aha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoo miyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshise kedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha gu ud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qora alkooda ku sheegay, in xubnaha ay u direen ay doonayaan inay gacan ka gaystaan, in si deg deg ah loo fuliyo hanaan doorasho oo xaqiijinaya doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweyne.

"Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xile eka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farm aajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen do wlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen "in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid be ddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhi gtay hanaankii doorasho.”

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay she egeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaa jo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, islamarkaana saam ileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalala ah, sida qoraalka loo dhigay.

Waxay intaas ku dareen inay rumeysan yih iin in Farmaajo uusan si iskiis ah talada u war eejin doonin, islamarkaana "uu si wadi doono in uu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.”

Waxa ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladi isa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedya da Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay

Waxa kale oo ay sheegeen in xoriyadda had alka caburin lagu hayo islamarkaana uu Farmaa jo diiday dibad-bax nabdoon oo lagu damaanad qaaday dastuurka dalka, ayada oo loo adeegs anayo ciidamada militariga.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale uru rada iyo dalalka qoraalka loo diray ku wargeli yey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaali ya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loo na adeegsanayo caburinta dibad-baxayaal nab adeed.

Ciidamada ay xuseen waxaa ka mid ah Gor gor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababareen iyo Waran oo ay tababareen Mareykanka.

Qoraalka ayey ugu dambeyn Golaha Midowga Musharaxiinta ku dalbadeen:

1 – In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrmiha doorashada ku wareejiyo ra’iisul was aaraha.

2 – Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidam ada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdo on u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha muc aaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siy aasad ku lug yeeshaan.

3 – Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowlad da.

Madaxtooyada Soomaaliya si deg deg ah ug ama aysan jawaabin qoraalkan. VOA

James Swan oo fariin u diray Farmaajo iyo siyaasiyiinta kale ee Somalia (Aqriso)

Wakiilka xogyahaha guud ee Qarmada Mido obay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan oo Shalay ka qeyb-galay Munaasabadda Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa farr iin la xiriirta kaalinta haweenka Soomaaliyeed u diray siyaasiyiinta Soomaaliya.

Fariinta Swan oo u muuqa ta mid si gaar ah ugu soc ota mad axweynaha waqti ga ka dham aaday iyo sa amileyda siyaasa da, gaar ahaan madaxda go bol ada ayaa sheegay in muhiim tahay in la ixtir aamo ballan-qaadkii la sameeyay ee ahaa hirge linta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee la gu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqal ka Sare iyo Baarlamaanka 11-aad.

"Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haween ka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri James Swan.

Waxa uu intaas kusii daray "Wada-hadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay into da badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa loo guna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la ta aban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaas adeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed”.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxay ka marqaati kaceen dadaallada ba axadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada, ay ada oo Swan ku baaqay in laga dhabeeyo kaal inta haweenka ee heshiiskii siyaasadeed.

"Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haween ka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soo maaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku (COVID-19) si xad-dhaaf ah u same eyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay waj ahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordhey sa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-ho rtaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan ade egyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada”.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ku beegan Shalay ayaa laga xusayay adduunka oo dhan laga soo billaabo 1975kii, wuxuuna ah aa hal-kudhigga sanadkan ‘Haweenka hoggaan ka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’.

Madaxda u sareysa ee Soomaaliya ayaa he shiiskii ay September ku gaareen magaalada Muqdisho ku saxiixay qoondo u gaar ah haween ka, midaasi oo ay saaxiibada beesha caalamka soo dhaweeyen, hase yeeshe ma muuqato ha naankii loo mari lahaa, maadama dalka ka taa gan tahay xaalad cakiran oo la xiriirta doora shada.

Mahdi Guuleed oo shaaciyey inta ay le’eg tahay rajada Soomaaliya ee kiiska badda

Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xig eenka oo horkacaya wafdi culus oo dowladda u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cada aladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Mahdi Guuleed ayaa muu jiyey rajo wanaags an oo uu ka qabo inay Soomaaliya guul ka soo hoyn doonto dacwada as oo marxalado kala duwan soo martay tan iyo markii la gudbi yey dacwadaan, ayada oo dib u dhacyo badan wajahday.

"15-ka Maarso 2021 ayay bilaaban doontaa in dacwadda la dhageyso, rajo wanaagsan ay aan ka qabnaa in aan guul ka gaarno halganka badda oo maraaxil kala duwan soo maray, kals ooni wayn baan qabnaa, 2019-kii dabayaaqad keeda ayay ahayd in la isugu yimaado dhageys iga dacwadda balse sababo jiro awgeed & cu durka Covid-19, hadda diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri.

Mahdi ayaa horkacaya wafdi u badan wasiiro oo ay qeyb ka yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qar anka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwa dda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Ken ya, kuwaasi oo ka qeyb-galaya dhageysiga dac wada oo dhaceysa toddobaad kadib.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka, Suleyma an Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa shee gay ‘in u halganka badda uu qayb ka yahay xorr iyadda waddanka’, islamarkaana Soomaalida guud ahaan mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo garab istaagi lahaa qareennada difaacaya Badda Soomaaliya.

"Kenya marar kala duwan ayay codsiyo u dir tay maxkamadda ICJ si dib loogu dhigo dac wadda, badda Soomaaliya waa qayb kamid ah xorriyadda & awoodda Dalka, dastuurka dalka ayaa dhigaya in aan la aqbali karin in taako ka mid ah dhulka, badda & cirka Soomaaliya lagu soo xad-gudbo, ujeedkii Soomaaliya ay ugu biir tay ICJ 1963-dii waxa ay ahayd in sidaan oo ka le si nabadgalyo ah ugu gudbiso dacwadaha tan lamid ah,” ayuu yiria.

Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar ba dan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay Maxkamadda ICJ.

Si kastaba, dhageysiga dacwaddan ayaa to os loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowl adaha Soomaliya iyo Kenya ay heystaan qare eno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala doodaya labada dhinac.

Maxay ku dhisan tahay dooda Somalia ee dacwadda ICJ?

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suley maan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah xub naha gudiga Soomaaliya u qaabilsan dacwadda badda ee kala dhexeysa Kenya ee hortaalla ma xkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska biyaha lagu murasanyahay, xilli uu kusii jeeday magaala da Hague.

Dr. Suleymaan ayaa shaaca ka qaaday in dooda Soomaaliya ee dac wadda badda ay ku dhisan tahay xeerarka caal amiga ah ee Badaha, islamarkaana ay qab aan kalsooni weyn. "Soomaaliya doodeeda oo la xiri irsan baddan waa dood adag, waxayna ku dhis an tahay, kuna saleysan tahay xeerarka caa lamiga ah ee badaha oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaran ka oo warbaahinta kula hadlay Aadan Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay rajo wan aagsan ka qabaan in Soomaaliya ay ku guuley san doonto kiiskan, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay soo taageeraan, una soo duceeyaan inta ay socota dooda iyo dhageysiga dacadda.

"Waxaan rajeyneynaa in Ilaahey SWT nagu guuleeyo, Ummmadda Soomaaliyeedna ay ma qasho war farxad leh, maadaama ay horey dac wooyinkii horudhaca ahaa oo la xiriirsanaa is ho rtaagyadii ay keentay dowladda Kenya laga ga soo guuleystay, waxaan rajeyneynaa in gaba-ga bada aan guuleysano” ayuu markale sii raaciyey xeer ilaaliyaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhag eysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ay si rasmi ah u bilaaban doonto 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota.

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo laga helay COVID-19

Sii hayaha wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa xaqiijiyay in laga helay caabuqa safmarka ah ee Car ona virus xilli uu ka soo muuqday shir jaraa’id oo ay dowladda Shalay qaba tay.

Sheekh Cu mar wuxuu she egay in 16 qofood oo ka mid ah 20 qof oo gurigiisa joogta laga he lay xanuunka, balse ma uusan cararbaabin wak htiga laga helay xanuunka walow uu sheegay inuu kasoo kabanayo.

Wasiirka oo sheegay iney xaaladi isa tahay mid wanaagsan ayaa yiri: Aniga waxaan kamid ahay dadka ka soo kabanaya xanuunka”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Cud urkaan aniga kaligey iguma dhicin. 20 qof oo gu rigeyga joogta 16 kamid ah ayuu halmar soo ri tay. Wasaaradda caafimaadka si gaar ah ayaan uga mahadcelinaynayaa gurmadka ay noo fidisay”

Sheekh Cumar wuxuu culumada Soomaaliy eed ka codsaday iney umadda alle u baryaan si xanuunka uga dulqaado, sidoo kale wuxuu bul shada ku booriyay iney taxadarka badiyaan oo ay ka fogaadaan waxyaabaha uu ku gudbi karo.

Marka la tixraaco warbixintii ugu dambeysay oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka ta biso xanuunka Covid-19 waxey sheegeysaa in tirada guud ee la diiwaangaliyay kiisaska ay tahay 8,321, geeridu tahay 302 qofood halka ay ka bogsoodeen 3,968.


Xog: Shirkii DF iyo dowlad goboleedya da oo hab cusub u dhacaya iyo madax kusoo wajahan Muqdisho

Shirka doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubnaha beesha caalamka.

Shirkaan oo dhowr jeer oo hore baaqday ay aa haatan ku dhacaya dadaal ay beesha caal amku ugu jirto sidii dhinacyada isku haya doora shada dalka ay miiska wada-hadalka iskugu imaan lahaayeen, isla markaana loo dhameys tiri lahaa heshiiskii 17-kii September 2020.

Xog ay heshay Wabaahinta waxay shee geysaa in toddobaadkan gudihiis ay Muq disho soo gaari doonaan qaar ka mid ah mada xda maamul goboleedyada, kuwaas oo hadda ka maqan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Punt land oo markii hore si cad u diiday casuumaadii madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sheeg ayaa in Shalay ama maalmaha xiga ay soo ga ari doonaan Muqdisho, shirkuna uu ka dhici doo no gudaha xarunta Xalane, oo iyagu ay dalba deen in lagu qabto.

Si dhab ah weli looma oga cida sida rasmiga ah garwadeen uga noqoneysa shirkaan, maad aama maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen shirar uu hore ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.

Beesha caalamka ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay iskugu keeni laheyd dhinac yada isku haya arrimaha doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in horay ay u guul-dare ysteen shirar ay iskugu keentay madaxda Soom aalida, mana cada natiijada kasoo bixi doonta shirkaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta shirka ay ka baxsanaan doonto Villa Somalia oo uu horay uga dhacay shirkii doorashada ee dow ladda federaalka iyo maamulada dalka, maad ama madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka muujiyeen shaki la xiriira ammaanka.

Waxaa weli xaalad cakiran ku jirta Soomaa liya, gaar ahaan caasimada dalka oo ay ku hir damayaan dhinacyada isku haya arrimaha doo rashooyinka, ayada oo muddooyinkii da mbe laga deyrinayay xaalada ammaan ee caasima da, kadib iska hor-imaad dhamaadka bishii hore dhex-maray dowladda iyo mucaarad ka.

Shir looga hadlay amniga Jubbaland iyo dagaalka Alshabaab oo ka dhacay Kismaayo

Madaxweyne Ku xigeenka D/G/Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Shalay shir gud oomiyey shirka bilaha ee golaha Amniga Jubb alan.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Sar aakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbalaand, Xooga Dalka iyo kuwa Howlgalka Nabad ilaalin ta Midowga africa ee AMISOM. Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixin la ga dhagaystay gudiga Amniga Jubbaland taas oo ku saabsan waxyaabihii bishii tag tay u qabsoomay hay’ adaha amniga Jubbaland iyo sidii looga horta gay falal Amniga lid ku ah oo ay isku dayeen argagixisada Al-shabaab.

Waxaa la isla soo qaatay intii uu shirka soc day in lagama maarmaan ay tahay in wadajir ho wlgal ka dhan ah Al-shabaab loo qaado kaas oo lagu xoreenayo deegaanada ay wali gacanta Ay ku hayaan kooxda Argagixisada ah Al-shabaab.

Sheekh Umal oo farrin cajiib ah u diray Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

Sheekh Maxamed Cabdu Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ugu caansan ayaa mada xweynaha Puntland Saciid Deni iyo dhiggisa Ju baland Axmed Madoobe ugu baaqay inay ka qeybgalaan shirka arrimaha doro ashada oo ay san shuruud ku xirin.

"Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruu daha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. Mas aaliixda caamka ah ka shaq eeya”.

Shumal ayaa sheegay in De ni iyo Axmed Mo odoobe ay " muuqato qaabkaad u dhaqm eysaan aad qeyb ka tihiin mushkiladda dalka ka jirto”.

"Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wada hadalkii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan”, ayuu yiri Sh Umal.

Isbuucii hore ayuu sheekha far riin tan la mid ah u diray madaxda mucaaradka iyo madax weynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan maslaxad da caamka ah oo danahooda gaar ah ay meel is ka dhigaan isagoo ka digay dibadbaxyo ay su uragal tahay inuu dhiig ku daato.

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay inay shacabka Muqdisho ‘afduuban yihiin’

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Shalay baarlamaanka maamulka asi ka jeediyey khudbadiisa sanad-laha ah ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda adag ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Muqdisho ‘ay yihiin dad af duuban’ islamarkaana laga yeesho sida la rabo, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in madaxda talada heysa ay sidoo kale qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaali yeed sii kala fogeneysa.

"Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaab ooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri madaxweyne Biixi. Dhinaca kale wu xuu soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu xafiiska sii joogo, isaga oo aan heysan sharci ama muddo kordhin heshiis lagu yahay.

"Shalay Muqdisho dowladdii hore wakhtig eedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa, ”ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale khudbaddiisa diirada ku saaray arrimaha Somal iland, gaar ahaan doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada la gaaray.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Somaliland ka hadasho arrimaha Soomaal iya gaar ahaan doorashooyinka iyo xaaladda ka la guurka ah ee lagu jiro.

Ciidamo Lagu Soo Tababaray Dalka Turkiga Oo Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan Cadde

Ciidamada oo ka ka tirsan ururka 6-aad ee Guutada 17aad ee Gorgor ee Kumandooska oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dalka ku soo laabtay,

Ciidamadan oo ay keentay diyaarad laga lee yahay dalka Turkiga oo nooca ciidamada cirka ayaa waxaa soo dhoweeyay W/ G/dhiga & Tali yaha Ciidanka Lugta ee xoog a dalka Soomaali yeed .

Wasiirka Difaaca ee XFS Xasan Xuseen Xa aji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka la gu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.

Soomaaliya ayaa helaysay tababaro ciidan oo dibedda ah, balse imaatinka ciidamadan ay aa yimid xilli dalka doorasho loogu hanweyn yahay in ay ka qabsoonto.

Howlgal lagu laayay xubno ka tirsan Alshab aab oo ka dhacay gobolka…

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qor sheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay ku dileen ma leeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaanka.

Howlgalka ayay ciidanka si gaar ah kaga ful iyeen deegaanka Baloow oo ku teedsan wabiga Shabeelle,waxaana howlgalkaas lagu khaari jiyay 11-horjoogeyaal iyo maleeshiyo isugu jira, sidoo kale, waxay ciidanka halkaas ku dhaa waceen 9-kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa SNA Radio u she egay in ay sidoo kale ciidanka xoogga dalka bur buriyeen goobo gambaad ay ka dhiganayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Generaal Odawaa ayaa sheegay in howlgal ka uu ka dambeeyay ka dib markii ciidanka ay ka war heleen in ay argagixisada ku dhuumaal eysanayaan deegaanka Baloow ee gobolka Shabeellaha.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa inta badan gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka ka wa da howlgalo lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogtay 5 Ruux

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Faga are kuyaal magaalada Bu’aale ee xarunta Jubb ada dhexe waxaa ay ku toogteen illaa 5 ruux oo ay ku eedayeen in ay geystaan dilal iyo shirq oollo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dadka ay Al-Shab aab dileen ayaa waxaa ka mid ah Nin lagu ma gacaabi jiray Max’med Soo moow Ibraahim oo ku magac dheeraa Boo roow, kaasi oo ay shee geen in uu madax u ahaa Shan ta ruux ee lagu qabtay Bu’aale laguna dilay.

Sidoo kale waxaa ka mid ah dadkaasi Al-Shabab Fagaaraha ku toogteen Max’med Cus maan Maxamuud oo ku magac dheeraa Max ’med Deeq oo 16 sana jir ahaa, Ismaaciil Saciid Kariib oo 49 sana jir ah, Max’med Axmed Aad am oo ahaa 42 sana jir ahaa iyo C/qaadir Xasan Cali oo 22 sana jir ahaa, kuwaasi oo dhammaan tood la toogtay, waxaana Al-Shabaab ay ku eed eeyeen shantaasi ruux in ay dilal gaysteen iyo inay gaacn saar la lahaayeen Sirdoonka Dowl adda federaalka Soomaaliya.

Fagaare ku yaalla Bu’aale ayaa lagu dilay shantaas nin, balse mid ka mida ahaa oo lagu magacaabi jiray Max’med Soomoow Ibraahim ayay gowraceen Al-Shabaab

Feysal Cali Waraabe: "Muuse wuxuu nagu wada wadadii aan ku lunnay 1960-kii”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu qorshe la’aan siyaa sadeed ku hagayo xuk uumaddiisa.

Faysal Cali ayaa wax laga xumaado ku til maamay hogaaminta Biixi oo uu sheegay in ay mareyso meeshii u liidatay, islamarkaana dib u dhigtay Somaliland oo horumar wanaagsan u bidhaamayey, sida uu sheegay.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in So maliland ay ka jirto qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinac xukuumadda ah, wuxuuna aaminsan yahay iney taasi dib u dhac ku keentay hormar ay xukuumadda sameyn laheyd.

"Lixdankii waxa ina kharibay waxa ay ahayd Hoggaan xumo, Shalayna waxa halkaa inna dhi gay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaaf ayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka bar yayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dusha u saaray Muuse Biixi dhaqaalo xumada ka taagan Somaliland iyo sicir bararka aan xal laga gaarin sanadihii u dambeeyay, ayada oo ku eedeyay inuu waqtiga xukunkiisa ku lumiyay shaqsi xumeyn iyo xifaa ltan siyaasadeed oo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay.

"Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qura oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Was iirku ku shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa kusoo afme eray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

"Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siya asadda Arrimaha dibedda, midda dhaqaalaha, tan Bulshada, tan difaaca, kuwaa midna ma lih in, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii,” ayuu yiri mar kale Feysal.

Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo xiisad xo ogan ay ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana diyaar garow loogu jiro doora shada golayaasha Wakiiladda iyo guurtida oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed.

Xog: Wasiirada HirShabelle oo ku dhowaad sanad aan mushaar qaadan + Sababta

Xog Warbaahint qaar ay heshay ayaa sheeg eysa in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka Jubaland, halka baarlamanka na cusubna aysan qaadan muddo bilood ah.

Xubnahaan wasiirada ah lacag usoo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sa nadkii hore waxaana kadib aysan helin xuqu uqdii ay lahaayeen.

Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqn aanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan was iirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyah ay iyo shaqo la’aan ku dhacdo.

Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo she egayaa inuu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cu sub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaato oyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamul ka horey u haystay.

Sidoo kale maamulka HirShabelle ayaa waj ahaya go’doon cusub oo dhanka Al-Shabaab ah. M/Jowhar iyo degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa muddo ku dho w bil hadda wax raashin ah galin kadib cuna-qabateyn ay saareen Al-Shabaab.

Xigasho:Caasimadda.Net

Sacuudiga qiimaha Shidaalka oo gaaray meeshii ugu sareysay

Qiimaha saliidda ayaa gaaray $ 70 halkii foo sto markii ugu horreysay muddo 14 bilood ah ka dib markii Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha saliidda adduunka ugu sarreeya, ay sheegtay in xarumaha tamarta la wareeraray maalinkii Axa dda aheyd. Diyaarad Drone ah oo ka soo kac day badda oo ku jirtay haanta keydka shidaalka ee Ras Tanura, oo ah mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee maraakiibta shidaalka ee add uunka, ayaa dhacday subaxnimadii Axadda, si da ay sheegtay boqortooyada.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa maalintii Axada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo ga ntaalada ku garaacnay wadnaha warshadaha saliida ee Sacuudi Carabiya, oo ay kujirto xarun Saudi Aramco ah oo ku taal Ras Tanura oo muh iim u ah dhoofinta batroolka, taas oo Riyadh ay ku tilmaamtay weerar fashilmay oo lagu qaaday amaanka tamarta aduunka. Fiidnimadii Axada firir ka mid ah gantaalaha ballistic-ka ayaa ku dhacay magaalada Dha hran, halkaas oo shirkadda shidaalka ee dawlad da ee Saudi Aramco ay ku taal xarunteeda isla markaana ku dhow halka ay ku nool yihiin kum aankun shaqaalaha iyo qoysaskooda.

In kasta oo wasaaradda tamarta ee Sacuudi Carabiya ay sheegtay in weeraradu "aysan ka dhalan wax dhaawac ah ama khasaare naf iyo maalba leh”haddana weerarada kooxda fadhig eedu yahay Yemen ayaa naafaysay Shidaalka Sacuudiga.

Lacagtan ay bixisay 12 kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa timid xilli dunida ay la daala dhaceyso saameynta ka dhalatay waxyeelada cudurka corona.

Gabar ardayad ah oo qiratay in ay ka been sheegtay macalin qudha laga jaray kal hore

Dilkii macalinkii Faransiiska ahaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay dalkaas

Gabar u dhalatay dalka Faransiiska oo ardayad ah ayaa qirtay inay been sheegtay oo ay faafisay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan macalin la dilay sanadkii hore.

Samuel Paty ayaa madaxa laga jaray bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay ka dib markii uu ardayda tusiyay sawir gacmeedyo lagu aflagaadeynayay Nabi Muxamed NNKH.

Gabadhaan oo cabashadeedu baraha internetka ka abuurtay olole ka dhan ah Paty, ayaa hadda qirtay inaysan ku jirin xiligaas fasalka.

Mr Paty ayaa dilkiisu gudaha Faransiiska ka abuuray caro xooggan iyadoo loo sameyay xaflado baroordiiq ah,waxaana dilkiisa ka xumaaday dad badan oo u badnaa bahda waxbarashada.

TACSI TIIRAANYO LEH...

Maamulka Wargeyska Mogadishu TimesIyo Howladeenada wargeyskani waxaay Tacsi Tiira anyo leh u dirayaan Maxamed Sh. Xasan, C/qa adir Sh.Xasan,Fartuun Sh. Xasan.Fowlasiyo Sh .Xasan iyo Farxiyo Sh.Xasan Iyagoo ugu Tacsid eynaya geeridii ku Timid walaalkood Muxuddiin Sh.Xasan oo habeen hore ku geeriyooday mag aalada muqd isho waxaayn Alle ugu baraya yaan in marx uumka uu jannadii fardo wzo ka waraabiyo ehelka iyo axsaabtana uu sa mir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo

Aamiin Aamiin Aamiin

Sidoo kale Waxaa Tacsi taa la mid ah u Dir ayo qoyska Rerr Sh.Xasan dadka kala ah:-Tal iso Cali Fareey,Madiino Axmed Jimcale, Nuurto Sh.Cali Cumar,Najiib Sh.Cali Cumar, Nasro Sh. Cali Cumar. Nimco sh. Cali CumarNuuradin Sh. Cali Cumar, Dr. Cismaan Axmed Jimcaale, Xab iibo Axmed Jimcale {Biibto}, Qadro C/laahi Cali Hagreey, Salaado Axmed Jimcaale, Hibo Maxa med Faarax,Xasan Maxamed Jimca ale {Gees-diir} iyo Carruurtooda ,Cabdi Cali Xasan {Yuub ane}, Safiyo Axmed Rooblei {Shiino} iyo carruur teeda dhammaan dadk aasi waxaay u Tacsiya deynayaan Qosyka Reer Sh. Xasan waxayna leeyihiin Samir iyo iimaan saadaq ah Alle ha id inka siiyo Walaalkiin Muxuddiin Sh. Xasan isag ana jannadii fardowzo haka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.


KHILAAFKA SOOMAALIYA IYO KENYA: MADAXWE YNAHA JABUUTI OO KA HADLAY XIISADDA LABADA WADDAN


Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay Jabuuti, xilli ay wehlinayeen madaxda Itoobiya iyo Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca xkuumadda federaalka Somaaliya.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xiriirka 2da dal, ka dib markii DFS ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/hi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara tabashooyinka ay Soo maaliya qabtay.

Hase ahaatee, xaaladda ayaa waji kale yeelatay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay aad uga carootay natiijada guddigii Jabuuti oo muujisay in ay "inta badan waxba kama jiraan ahaayeen eedeymihii ay Soomaaliya u jeed isay Kenya.

MUXUU YIDHI MADAXWEYNAHA JABUUTI?

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo BBC-da wareysi sii yay ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasar adda 2-da wadan Geelle ayaa sheegay in laga ma maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi

"Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqee yaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan," ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay.

Soomaaliya: 'Jabuuti waxay dhaawacday walaaltinimadeenna'

Jabuuti oo ka carootay hadal uu Farmaajo ka yiri Eritrea

Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana aysan sina u kala maarmin.

"2da dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noola an doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaa fna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo," ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

"Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri 'idinkaa ugu dhowe bal soo eega', waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay," ayuu yidhi.

'Shir madaxeed baa lala sugayaa'

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: "Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrininba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeed baa lala sug ayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa ayaa ku qoran, waxa loo buunbuuniyay ee loo qeyliyay annagu ma garaneyno."

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii Jabuuti.

"Waan iska diiday inaan jawaab iyo waxba ka bixinin arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu keenayaa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo," ayuu yidhi mada xweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dacwadda Badda

Arrinta Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban farogalinta ay So omaaliya ka cabatay iyo arrimaha gobolka Gedo oo kaliya, balse labada wa dan ayaa sidoo kale waxaa u dhaxeeyay muran dhinaca xadka badda ah oo in muddo ah soo jiitamayay.

Maalmaha soo socda waxa ay mar kale indhaha warbaahinta caalamka ku mashquuli doonaan khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la filayo in 15-ka bishan ay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) billowdo dhageysiga kiiska dacwadda Badda.

Kenya ayaa dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska inkastoo garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya labaduba ay ar rintaas ku gacan seyreen.Shalay ayuu guddiga Soomaaliya u qaabilsan kii skaas ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxaana ay u diyaar garoobayaan inay dacwada uga qeyb galaan maxkamadda.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Ma hdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga matalaya Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajo fiic an ka qabaan kiiska.

Kenya ayaa heysata fursad ay dhageysiga dacw adda uga qeyb gasho qaab maqal iyo muuqaal ah ama in wakiilladeedu ay ku xaadiraan xarunta ICJ.


MARWADA MADAXWEYNE JOE BIDEN OO BILLAD GUDDOONSIINEYSA HAWEENEY SOOMAALI AH


Maama Sahra Maxamed Axmed oo aan Aqoon fiican u leeyahay Wax qabadkeeda waa Asaasaha iyo La-taliyaha Sharciga ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (Somali Women Development Centre) (SWDC).

Waxay ku dhalatay magaalladda Muqdisho sanadkii 1952-kii.

AUN Aabaheeda waxa uu ahaa Askari ka tirsanaa Boliska Somalia, waxayna isaga iyo AUN Xaaskiisa, Maama Zeynab ku dadaaleen wax-barida iyo tarbiyeynta carrurtooda oo ka kooban 5 Wiil iyo 2 Gabdhood, Maasha Allaah.

Maama Sahra Maxamed Axmed waxay sanadkii 2005-tii ka qalin jebisay Jaamacadda Hamar University oo ku taallay KM 4. waxaana Hormuudka Jaamacadda Hamar University ahaa Prof. Admiral Faarax Cumar Axmed "Faarax Qare” .

Hadafkeeda ugu weyn ee Barashadda Shareecadda waxay ahayd inay noqoto Qareen difaaca Xuquuqda Haweenka (Advocacy of women’s rights).

Waxay aad u rumeysan tahay inay Diinteena Islaamka ku dhiiri-gel inayso inay sii wado Shaqadeeda, iyadoo Islaamku dhiiri-gelinayo in la caa wiyo dadka saboolka, la badbaadiyo dadka baahiyaalka Gaarka qaba, laga difaaca Tacadiyada Kufsiga, Ka-hortaga Falal Dhaqameedka ee waxyeell adda leh iyo Dhismaha Nabadda iyo Ammaanka. Xarunta Horumarinta Haw eenka Soomaaliyeed (SWDC) waxay diiwaan gelisaa Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha iyo Kiisaska Tacadiyada ee ka dhaca Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.SWDC waxay kaloo caawimaad u fidiyaan Dhibanayaasha, iyagoo siiya Taageero dhinaca Sharciga, Qareen u dooda iyo inay u ololeey aan dadka aadka ugu nugul ee Mujtamaca.

Maama Sahra Maxamed Axmed oo ahAsaasaha iyo La-taliyaha Sharciga ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ( SWDC) waxay Difaace Xuquuqda Aadanaha ka tahay mid ka mid ah Wadadamada ugu kha tarsan Caalamka, iyadoo Somalia figta sare kaga jirto Qiimeynta Tusmada Dalalka Taagta daran ama burburay (The top of Fragile States Index).

Xaqiiq ahaan, Qoraal laguma soo koobi karo Waxqabadka Maama Sahra Maxamed Axmed ee U-Kaalmaynta iyo Daryeelka Hooyooyinka iyo Carruurta Somalia.

Waxay Shaqadeedii u horeysay ka bilowday Ururka Bulshada ee HINNA, oo Lacago kaalmo ah u ururiyey si loo furo Isbitaalo iyo Dugsiyo, iyo in Maleeshiyada Xilligii Dagaal-oogayaasha lagu baraarujinayey inay dhigaan Hubka, oo ay Qalinka qaataan.

Dadaalkeeda Waxqabad oo lagu caana-maalay waxay ugu damba yntii asaastay Xarunta Horumarinta Haweenka iyo Carruurta ee SWDC oo ay haatan ka tahay La-taliye Sharci iyo Agaasime.

Si kastaba ha ahaatee, Maama Sahra Maxamed Axmed waxay guul u soo hoysay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta, waxaana Xalay Marwada Madaxweynaha Maraykanka Jill Biden ay guddo onsiin doontaa Billadda Caalamiga ee Geesinimada Haweenka Soomaali yeed "Somali’s International Women of Courage” oo ay ku muteysatay Dha qdhaqaaqa Nabadda iyo Difaacida Xuquuqda Aadanaha (Peace Activist and Human Rights Defender), iyadoona Biladda lasoo dhigi doono Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho.Ugu dambeyntii, waxaa sharaf inoo ah inaan Maama Sahra Maxa med Axmed ku bogaadino Waxqabadka muuqda ee Halyeeynimada ee ay u gu adeegayso Ummadda Soomaaliyeed, gaar

ahaan Haweenka..

XIGASHO:RADIODALSAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip