DEG DEG:- Ciidamada Haramcad oo laga soo daabulay Dhuusamareeb loona soo qaaday Muqdisho

0
Saturday March 06, 2021 - 20:23:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:- Ciidamada Haramcad oo laga soo daabulay Dhuusamareeb loona soo qaaday Muqdisho

    Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dowladda fedraalka Soomaaliya ay soo daabuleyso ciidamadii horay loo geeyay magaaladaasi. Diyarad gaar ah ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dowladda fedraalka Soomaaliya ay soo daabuleyso ciidamadii horay loo geeyay magaaladaasi. Diyarad gaar ah ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ka soo qaadday ku dhawaad 50-Askari oo ka tirsan ciidanka boliiska gaarka ah ee Haramcad,kuwaas oo la soo qaaday magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa wararku sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay lagu soo war-geliyay in ay is diyaariyaan,islamarkaana loo safrayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa la sheegayaa in qeyb kale oo ciidamadaas ah loo soo qaadi doono magaalada Muqdisho,lamina oga sababta ka dambeysa soo daabulidda ciidamadaas.


 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip