
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALADO 29-KA MAARSO 2016-KA
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Danjire Kuznetsov, isla markaana Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.
"Dowladda Soomaaliya way soo dhoweyneysaa tallaabadan ay Russia dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaana filayaa inaan iska kaashan doono dhinacyada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, waxbarashada, dhaqanka iyo in xukuummada Moscow ay gacan ka geysato dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Danjire Sergey Kuznetsov ayaa dhankiisa sheegay inuu si weyn u daneynayo xoojinta xiriirka labada dal, shirkadaha ganacsiga ee Russiana ay diyaar u yihiin inay maalgashadaan kana qeyb qaataan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxaa uu danjiraha sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka dhanka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu danjiraha ka codsadey inuu salaam diiran ka gaarsiiyo Madaxweynaha Xiriirka Russia, Vladimir Putin.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka haa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye, Wasiirk KuXigeenka Gaashaandhigga, iyo mas’uuliyiin kale.
Dowladda Russia, ayaa dal Soomaaliya xiriir aad u wanaagsan uu kala dhaxeyn jirey xilligii Soomaaliya uu ka talin jirey madaxweynihii geeriyooday Allah u naxariistee sareeyo gaas Maxamed Siyaad Barre, iyadoo Ruushka lagu xasuusto sida uu u qalabeeyay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan ciidanka xooga dalka SoomaALIYA.
JENERAAL XAAMUD OO KORMEERAY XARUMAHA CIIDANKA BOOLISKA EE BAYDHABO
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maalinti labaad booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa shalay kormeeray saldhiga Booliiska ee degmada Baydhabo, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan Booliiska Federaalka iyo kan maamulka Koofur Galbeed.
Taliyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ciidanka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba ka dhageeystay saraakiisha booliiska ee uu kula kulmay saldhiga booliiska degmada Baydhabo.
Sidoo kale Jeneraal Xaamud ayaa xarunta qeybta guud ee booliska koofur galbeed kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koofur galbeed, wuxuuna kala hadlay dar dargelinta howlaha adag oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalaan.
Taliyaha booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xaamud ayaa saraakiisha booliiska ku wargeliyay iney u diyaargarooban sanadkan tababarro sare loogu qaadayo aqoontooda la xiriirta xirtfadda booliiska, kuwaasoo uu sheegay in lagu kala qaban doono gudalha dalka iyo dibadda.
Jeneraal Xaamud ayaa ammaanay dadaallada dheeraad ah oo ay muujiyeen saraakiisha iyo ciidamada booliiska ee ka howlgala meelaha uu shalay booqday, wuxuuna kula dardaarmay iney sii kordhiyaan dadaalkooda, isagoo xusay iney heli doonaan qalab dheeraad ah oo u adeegsandoonaan howlahooda.
HOGGAAMIYAHA PUNTLAND OO QARKA U SAARAN INUU KA TANAASULO DIIDMADIISII 4.5-KA
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa qarka u saaran inuu ka tanaasulo diidmadiisii nidaamka 4.5, kaddib markii uu maalmahaan kulamo kala duwan la yeeshay wufuud ka soc ota Dowladda Federaalka, Q/Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika.
Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Garowe, gaar ahaan xarunta ma amulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne C/Weli Maxamed Cali Gaas lagu saaray culeysyo siya asadeed inuu ka tanaasulo diidmadiisii nidaamka 4.5 inay ku dhacdo hannaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya 2016ka.
Kulan dhex maray wafdiga Q/Midoobay ee dhowaan kulanka la qaatay Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas ayaa la sheegayaa in ka laabashadiisa 4.5ka uu ku bedelanayo lacag dhan 2Milyan Dollar, iyadoo dhaqaalahaan lagu horumarinayo gobolada uu maamulku ka arrimiyo.
Lama oga ilaa iyo iminka in Madaxweyne shuruud uga dhigay bixinta kharajka ka laabashada go’aankiisii hore ee uu ku diiday nidaamka 4.5, hase yeeshee warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in dhaqaalahaan ay ku bixineyso hourmarinta Puntland.
SAANAD CIIDAN OO LA GAARSIIYAY DEGMADA BARDAALE
Mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka dhaqan celinta iyo hubka dhigista maleeshiyaadka, wasiirka warfaafinta iyo taliyaha ciidanka daraawiishta ee maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayagoo halkaas gaarsiiyay saanad ciidan maadaama dhowaan halkaas ciidanka daraawiishta ka tirsan tababar loogu soo gabagebeeyay.
Ciidanka la qalabeeyay ayaa loo diyaariyay in ay sugaan ammaanka degmada Bardaale iyo dee gaanada kale oo ku dhow dhow si aynan dhibaato ugu geysan kooxda nabad diidka ah ee Alshaba ab.
Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa dhowaanahan waday qorshe lagu qalabeynaayo ciidanka maamulkaas si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.
MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO GAARAY DEEGAANKA AF-BARWAAQO EE GOBOLKA MUDUG
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa gaaray deega anka AfBarwaaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadka deegaanka.
C/kariin Xuseen Guuleed waxaa sidoo kale halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamo ka mid ah kuwa Difaaca Galmudug ee Shabaab kula dagaalamay deegaano hoostagga Deegaanka AfBarwaaqo.
Ammaanka deegaanka AfBarwaaqo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana isugu soo baxay halka asi Boqolaal dadweyne ah oo u sacbo tumaayay Madaxweynaha.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa meel fagaare ah kula hadlay Bulshada wuxuuna uga mahad celi yay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida Bulshada ay uga qayb qaateen dagaalka Shaba ab.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ciidamada Difaaca Qaranka Galmudug ku ammaan ay sida wanaagsan ee ay Shacabkooda uga difaaceen Shabaabkii ka soo firxaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa gaaray deeganada furamaha ah ee ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ay kula dagaalameen Shabaabka.
RA’IISUL WASAARAHA OO BOOQDAY ASKARTII PUNTLAND UGA DHAAWACANTAY DAGAALKII ALSHABAAB …
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Ma amul Gobolleedka Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa shalay booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay waxyeelladu ka soo gaartay dag aalkii dhawaan ay Ciidamadda Puntland la galeen AlShabaab. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT) oo ah mashruuc lagu Horumarinayo Isga arsiinta Gobollada dalka.
Ra’Iisul Wasaare Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada oo ku jirey Isbitaalka weyn ee magaa lada Garowe, wuxuna ALLE uga baryey in uu Caafimaad siiyo, isagoo tilmaamay kuwa qaba dhaawa cyada daran ay dawladdu gacan ka geysan doonto sidii ay u heli lahaayeen caafimaad dibedda ah.
"Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahadcelinayaa nafhurnimadiina iyo dhiiranaanta. Shakina iigama jiro in ciidanka geesiyaasha ah ay sharafteenna iyo karaamadeena soo Celinayaan Alshabaabna laga guuleysan doono, EEBBE waxaan idin kaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u bogsataan.” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar askartii dhaawaca ahaa ee uu booqday.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Boostada iyo Isg aarsiinta Soomaaliya, Mudane Guuleed Xuseen Qaasim iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Pun tland, Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa wadajir u dhagax dhigay Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT), waxana dhagaxdhigga kadib Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in mashruucani uu wax badan ka badeli doono adeegga Isgaarsiinta dalka iyo isdhaafsiga Macluumaadka.
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO KAMPALA KA FURAY KULAN HOWLEEDKA DIYAARINTA QORSHAYAASHA GOLAHA EE KALFADHIGA 8AAD..
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si rasmi ah uga furay shalay kulan howleed ku aadan diyaarinta qorsheyaasha Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankanna lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.
Khudbad uu ka jeediyey furintaanka shirka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu furan yahay kulan howleedkii 8aad ee lagu diyaarinayo qorshayaasha ama howlaha la doonayo in Ba arlamaanka uu qabto Kalfahdiga 8aad ee dhowaan furmi doona hadii uu Alle idmo waxaana uu Gudd oomiye Jawaari uga mahad celiyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Gal mudug iyo Koonfur Galbeed kasoo qeybgalka shirkan.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey Howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in Kalfadhiga 8aad uu qabto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shaqada ugu muhiimsan ay tahay dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka taasina looga baahan yahay Baarla maannada dowlad goboleedyada dalka ka jira iney gacan weyn ka geystaan taasi oo aheyd qodob ka mid ah is afgarad ay magaalada Muqdisho ku gaareen Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejineed ee dalka.
Kulan howleedkan oo kale ayaa la qabtaa mar kasta oo uu soo dhow yahay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse waxaanan kulanka kasoo qeybgalin markan oo aan lagu casuumin hay'adaha taageerra Baarlamaanka oo iyagu horey loo marti qaadi jirey ayadoo taa bedelkeedana la marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira si ay qorshe howleedkan talo ugu yeeshaan balse kulankii Guddoonka Baarlamaanka iyo hay'adaha taa geerra ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho horaanta bisha April ee soo socota insha Allah.
DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY INAY KA WAR HAYSO IN ITOOBIYA AY LEEXISAY BIYAHA WABIGA SHABEELLE
Dowladda Somaliya ayaa sheegtay inay ka war hayso in Dowladda Itoobiya Biyaha Wabiga Sha beelle ay u leexisay deegaano ka mid ah dhulka Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in gudaha Itoobiya laga leexiyay Wabiga taasina xilli hore jirtay balse biyo la’aanta ka jirta Wa biga aanay ku sifeyn karin sababteeda leexinta biyahaasi.
Maareeye, ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay qorsheynayso in Itoobiya ay kala hadasho arinta ku aadan Biyaha Wabiga iyo sidii loo qaybsan lahaa.
"Illaa hadda waxaa la ogyahay waxa weeye in laga leexiyay wabiga si dhul badan u gaaro wadanka Itoobiya gudahiisa oo dhul badan la gaarsiiyey, laakiin ku tala galku wuu jiraa sida shuruucda caalamiga qabto in laga heshiisyo sida loo isticmaalayo biyo wadamo isaga kala gudba, muddo ayeey leexsaneyd laakiin biyuhu wey ina soo gaari jireen, Abaarta Itoobiya ayaaba inooga horreysay, waxaan dhihi karaa tani waa musiibo caalami ah, laakiin in mar walbo aan ka wada hadalno dowladda Itoobiya sidii aynu ku isticmaali lahayn biyaha qorshaheena wuu ku jiraa” ayuu yiri wasiir Maareeye.
Biyaha Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ku tiirsan nolosha qoysas badan oo Somaliyed kuwaasi oo dega Gobolada uu maro Wabiga, sidoo kale Isticmaalka Biyaha Wabiga waxaa ku tiirsan wax soo saarka Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose.
Xilligan Somaliya waxaa ka taagan abaar daran oo saameyn ku yeelatay dad badan noloshooda, iyadoo Gobolada qaar dadka ay u geeriyoonayaan Haraad.
ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO FARRIIN KULUL U DIRAY MUCAARADKA DALKIISA
Dalka Jabuuti oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxtinimada dalkaasi, ayaa waxaa bil owday ololaha musharaxiinta ay ku doonayaan inay ku hantaan jagada Madaxweynenimada, iyagoona socdaallo ku maraya gobolada dalkaasi.
Madaxweynaha Dowladda Jabuuti ee hadda talada dalka heysa ayaa bilaabay ololihiisa mu sharaxnimada dalkaasi in markii shanaad loo soo doorto xilka Madaxweynenimada Jabuuti, isagoona farriin culeyskeeda leh u diray kooxaha mucaaradka ah.
"Cayda aad aniga i caayeysaan mashruuc idiinma noqoto” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle oo ku booriyay mucaaradka inay cayda iska dhaafaan, isagoona sheegay in doorashadu aanay marnaba dooneynin dagaal ee ay dooneyso barnaamij cad inaad dadkaada u sheegto wax aad qabaneyso.
MADAXWEYNAHA: "CIIDAMMADA MAAMULKA GALMUDUG CASHAR LAMA ILAABAAN AH AYAY U DHIGEEN CADOWGA”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku guuleystey inay jabiyaan cadowga Al Shabaab oo iyagoo firxad ah degaannadaasi si dhuumasho ah ku soo galey.
"Waxaan anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, aan ugu hambalyeynayaa ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya shacabka, sida degd egga ah ee ay uga jawaabeen maliishiyaadka naf la caariga ah ee Al Shabaab oo halkaasi qalalaase ka wadey. Waa wax lagu farxo in geesiyaasha Galmudug ay cashar lama ilaabaan ah u dhigeen cado wga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay kordhiyaan gulufkan cusub ee Al Sha baab la isaga xorreynayo iyagoo tusaale ka dhiganaya maamullada Galmudug iyo Puntland oo iyagoo kaashanaya shacabkooda iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysteen inay nabad diidka ka sifeeyaan dhulkooda.
‘’Waxaan taageero la garab taaganahay dhammaan maamullada ka jira dalka dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaanna ku dhiirigelinayaa shacabka inay la shaqeeyaan, taageerana u fidiyaan ciidammada dowladda’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay kuna baaqey in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa, loona tayeyn lahaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
BOLISKA KENYA OO DALKA CZECH REPUBLICKA IIBSADAY DIYAARADO AY KULA DAGAALAMAAN ALSHABAAB.
Diyaaradaha Dagaalka Noocoodu yahay Helikoptar ayay Boliska Kenya ka soo iibsadeen dalka Czech Republic, iyadoo diyaaradahaan ay soo gaai doonaan dabayaqaadda Isbuucaan.
Taliyaha Boliska Kenya ee dhinaca Diyaaradaha, Rodgers Mbithi ayaa jooga dalakaasi Czech si uu ula soo wareego Diyaaradahaasi oo noocoodu yahay MI 17, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Diya arado la soo isticmaalay oo Mustacmal ah.
Boliska Kenya waxay kaloo Diyaarado Helikoptar ka soo iibsanayaan dalka Raashiya, kuwaasi oo la filayo inay muddo kooban gudaheeda ku soo gaaraan magaalada Nairobi.
Tallaabadan ayaa timid, iyadoo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta horey u sheegay in la xoojinayo Awoodda Ciiddanka Booliska, si ay uga hortagaan weeraradda ay AlShabaab ka geystaan gu daha Kenya, gaar ahaan Goballadda W/bari oo ku dhow xuduudka Soomaaliya.
QORSHAHA SANADKA 2022KA ITOOBIYA KA DAMACSAN TAHAY WABIGA SHABEELLE ..
Ka dib markii uu guray wabiga wabiga Shabeelle isla markaana ay saameyn ku yeelatay qoys aska degan wabiga jiinkiisa, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Dowladda Soomaaliya oo kashiftay qorsh aha Itoobiya ka leedahay sanadka 2022ka.
Agaasimaha Wasaaradda beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamuud Maxa med Maxamuud oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay qorshe u dejisay wabiga shabeelle sanadka 2022ka oo uu sheegay inay ku dooneyso in wabiga Shabeelle uu baaba’o gebi ahaa nba.
"Urur goboleedka IGAD waxaan ka codsaneynaa inay dhowraan shuruucda caalamiga ah ee bi yaha” ayuu yiri Agaasimaha oo sheegay ka dalbaday dowladda Itoobiya inay ka digtoonaato qorshaha asi oo uu sheegay inay ilaaliso derisnimada labada wadan.
XABSIGA DHEXE EE XAMAR OO ISBEDELO LAGA DAREEMAYO IYO QOLALKA MAXAABIISTA OO SHAASHADAHA TVGA LAGU XIRAY
Xabsiga Dhexe ee xamar ayaa xilligan waxaa laga dareemayaa isbedelo ku aadan qalabeynta qolalka Xabsiga ee Maxaabiista ay ku xiran yihiin, xilli muddooyinkii u dambeeyay Maxaabiista Xabsiga ku xiran ay ahaayeen kuwa aanan nolol wanaagsan xabsiga ku haysan.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii xabsiga looga hirgelin lahaa isbedelo kala duwan, iyadoo Xabsiga Dhexdiisa laga furay Iskuulo maxaabiista ay wax ku bartaan.
Sidoo kale Isbedeladii ugu dambeeyay ee xabsiga lagu sameyay ayaa ah in Shaashadaha Tvga lagu xiray qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, waxaana Maxaabiista ay Tvga ka daawanayaan Ciyaar aha iyo Wararka.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay tani inay qayb ka tahay isbedelada kala duwan ee xabsiga lagu horumarinaayo si loo dhiso Mooraalka Maxaabiista Xabsiga ku xiran.
Dhalinyarada Xabsiga Dhexe ku xiran, inkastoo kiisas kala duwan ay u xiran yihiin, ayaa hadana waxa ay yihiin kuwa hada qaarkood ku qanacsan ku xirnaanshaha xabsiga, kadib markii ay heleen Sar iiro fiican oo ay ku seexdaan iyo sidoo kale Tvyo ay ka daawadaan Ciyaaraha.
Niyad Dhiska Taliyaha ciidamada Asluubta uu u sameeyo Maxaabiista ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah in xilliyada qaar uu Maxaabiista la cuno raashinka ay cunaan si dhiiragelin uu Maxaabiista ugu sameeyo.
XISBIGA MUCAARADKA AH EE UCID EE SOMALILAND OO DHEXDIISA MURAN UU HAREEYAY
Xisbiga ucid ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu dhexdiisa hareeyay muran kusaabsan cida murashax u noqoneysa doorashada guud ee dhawaan la filaayo inay wadankaa goonida isu taagay ka qabsoonto.
Guddoomiyaha xisbigaasi UCID, Mr. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegaay in Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa xisbiga UCID uu xilligiisu dhammaaday. Si kastaba ha ahaatee Mr. Jamaal Cali Xus een ayaa warbaahinta u sheegay in murashaxnimadiisu kutimid qaab doorasho ah oo gorgortan in la galiyo uusan dhag jalaq usiineyn. Wuxuu hase ahaatee Mr. Jamaal Cali Xuseen uu sheegay wax dhib aato ah in shakhsi ahaan aysan kala dhexeyn Guddoomiyaha xisbigaasi UCID Mr. Faysal Cali Wara abe.
Wuxuu intaasi ku daray Jamaal Cali Xuseen inaad moodo in khilaaf xisbiga lagu soo dhextuuray waqti iminka xisbigu uu teegeero badan ka helayo qeybo badan oo shacabka reer Soomaaliland ah, waa siduu hadalka u dhigaye.
Wuxuu sheegay Jamaal Cali Xuseen in loo codeeyay inta Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID uu far iistay, si gacan taag ah. Wuxuu kaloo sheegay in Guddoomiyaha xisbigaasi UCID, Mr. Faysal Cali War aabe uu mar hore saxiixay warqadii murashaxnimada loogu aqoonsaday dabadeedna warqadaa la gee yay maxkamada iyo meelo kale oo ay arintu khuseyso.
Doorashada guud ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada Somaliland ayaa lagu wadaa inay qab soonto 1da bisha 6aad ee sanadkaan 2016
ISBAHEYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE DALKA SWEDEN OO HOGGAAN CUSUB YEESHAY…
Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu soo gebagebeeyay shirweynihii Isba heysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden (Somaliska Riksförbundet i Sverige), kaasi oo socday intii u dhaxeysay 2527kii bishan Maarso 2016ka, waxaana ka qeybgalay wakiillo ka socday Jaaliyado Soomaaliyeed oo Isbaheysiga ku midoobay.
Shirweynaha ayaa wuxuu isugu jiray mid lagu soo bandhigayay waxqabadka Isbaheysiga labadii sano ee lasoo gudbay iyo barnaamijyo uu hadda ku howlan yahay Isbaheysiga, kuwaasi oo aan ka xusi karno barnaamij ku saabsan ka hortagga xagjirnimada iyo dhalinyarada la duufsado, kaddibna loo adeegsado in ay fuliyaan falal argagixiso ah.
Maalintii ugu horreysay ayaa shirweynaha waxaa lagu furay barnaamij loo bixiyay HAGE (Navigator), kaasi oo Isbaheysiga uu fulinayo, isla markaana lagu wacyigelinayo dhalinyarada iyo waal idiinta. Madaxa mashruucan Moa Fahlander ayaa sheegtay in barnaamijkooda ka hortagga argagixisada oo loogu talagalay 3 sanadood ay hadda galeen sanadkii labaad, waxayna intaas ku dar tay in tan iyo markii ay howsha billaabeen ay tageen magaalooyin badan oo dalka Sweden ku yaalla, ku waasi oo kula kulmeen Waalidiin, dhalinyaro iyo dad waxgarad ah. "Ujeedka ugu weyn ee aan magaalooyinkaas u booqannay waxaa ka mid ah in ay kor u qaadno wacyiga waalidiinta iyo dhalinya rada si meesha looga saaro xagjirnimada iyo argagixisada”ayay tiri Moa Fahlander oo sheegtay in bar naamijkan horay loogu fuliyay dalalka Ingiriiska iyo Denmark, haddana ay tahay markii ugu horreysay ee laga fuliyo dalka Sweden.
Sidoo kalena Axmed Cabdullaahi oo ah Iskuxiraha mashruucan ayaa madasha ka shee gay in mashruuca Navigator uu yahay mid looga hortegayo xagjirnimada, faquuqa, gacankah adalka iyo in dhalinyarada la marin habaabiyo, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay barnaamijka ay ku faafin doonaan dalka Sweden oo dhan ay kasoo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah.
Waxaa sidoo kale madasha khudbooyin qiimo badan kasoo jeediyay Shiikh Haaruun oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed iyo Mustaf Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Sweden horumarka ka sammeeyay, isla markaana ah mid ay ku daydaan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxayna khudbooyinkooda daarranaayeen sidoo ay qof kasta oo Soomaaliyeed uusan isu dhiibi lahayn, isla markaana uu uga dhabeyn lahaa himillooyinka uu qofka hiigsanayo, isagoo Allaah SWT talo saaranaya.
Intaas kaddib shirweynaha ayaa wuxuuu gudagalay howlihiisii waxayna wakiillada ugu dambey ntii ugu codeeyeen hoggaanka cusub ee Ururka, kaasi oo uu soo diyaariyay guddi doorasho oo loo igm aday, wuxuuna hoggaanka cusub ee Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden uu noqonayaa sidan:
1. Habbane C/qaadir Xasan Guddoomiyaha Isbaheysiga
2. C/llaahi Caddaani Maxamed Guddoomiye kuxigeenka Ururka
3. Caasha Ismaaciil Xoghaye
4. Maxamed Siciid Cali Qasnaji
5. Cabdullaahi Cilmi (Asad) Arrimaha Bulshada
6. Maxamed Cumar Warfaafinta
7. C/qani Jaamac Maxamed Ururrada
Hantidhowrayaal
1. Kulmiye Aadan Muuse
2. Maxamed Maki
3. Maxamed Gentleman
Xilsugayaal ayaa waxaa loo doortay
1. Sucaad Macallin Xoghayn
2. C/llaahi Cismaan Tarabbi Qasnaji
3. Seynab Abuukar Cabdulle Arrimaha Bulshada
4. Ruqiyo Axmed Diiriye Warfaafinta
5. Maryan Axmed Aadan Ururrada
Sidoo kale waxaa shirweynaha lagu doortay Guddi Odayaal ah, waxayna kala yihiin:
1. Maxamuud Geelle
2. Maxamuud Shiikh Dhoorre
3. Maxamed Cali Jimcaale Numcaan
4. Xarbi Amiin
5. Maxamuud Dayib
6. C/risaaq Axmed Cali
7. Faarax Maxamuud Qaasim
Intaas kaddib waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Isbaheysiga C/casiis Ge eddi oo bogaadiyay howsha ay qabteen guddiga doorashada iyo weliba wakiillada Ururrada ku bahoo bay Isbaheyisga oo iyaguna ansixiyay howshii guddiga doorashada. C/casiis ayaa intaas ku daray in Isbaheysiga oo soo jiray muddo 21 sanadood ah uu soo qabtay howlo badan oo qiimo leh, wuxuuna hoggaanka cusub Alle uga baryay in uu xilkooda la garabgalo.
Sidoo kalena Guddoomiyaha cusub ee Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden Habbane C/qaadir Xasan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in howsha Isbaheysiga aysan ku cusb eyn oo uu horay howlo badan u soo qabtay balse xilka guddoomiyenimada uu yahay mid ku cusub, wu xuuna ka rajeeyay xubnaha Isbahyeisga oo dhan in ay la shaqeeyaan si ay ugu guuleystaan howlaha horyaalla, wuxuuna u mahadceliyay hoggaankii ka horreeyay oo howlo fiican soo qabtay iyo weliba guddiga doorashada oo Iyana howl fiican soo qabtay.
Hoggaanka cusub ee loo doortay Isbaheyisga Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa waxaa uu xilka heyn doonaa muddo labo sano ah, waxaana labadaas sano kaddib la qaban doo naa shirweyne kale oo lagu soo dooran doono hoggaan cusub.
BOGGA CAYAARAHA..
JOHN OBI MIKEL OO CAYAARTOOYDA MANCHESTER UNITED UGA DIGAY MOURINHO…
Xiddiga Qadka dhaxe uga ciyaara kooxda Chelsea ninka lagu magacaabo John Obi Mikel ayaa uga digay xiddigaha Manchester United dabeecada Jose Mourinho ka hor inta uusan ku biirin.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo Nigeria ayaa saftay kaliya shan kulan tan iyo markii tababaraha reer Portugal uu ku biiray Blues.
Laakiin Mikel waxa uu noqday qayb muhiim ah oo kooxda Guus Hiddink kamid ah ,isagoo shaaca ka qaaday in ay adag tahay la shaqeynta Mourinho oo uu ku sheegay inuu baabbi’iyo kalsooni ciyaartooyda.
Mikel ayaa yiri: "marnaba ma guuleysan kartit haddii uusan , waxkalsooni ah kugu qabin macalinka.
"marwalbaa waxaa laga yabaa inuu go,aankiisa dhibaato keeno,
MIYUU OZIL AAMINSAN YAHAY IN ARSENAL AY WALI KU GUULEYSAN KARTO HORYAALKA PREMIER LEAGUEGA?
Kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa isku qancinaya in Arsenal ay wali ku guule ysan karto Horyaalka Ingiriiska xili ay 11dhibcood ka hooseyso kooxda hogaanka u heysa horyaalka Ee Leicester City iyadoo 8kulan oo qura ay ka harsan tahay dhamaadka xili ciyaareedka.
Gunners ayaa aheyd kooxda hogaanka u heysay sanadkii 2015 horyaalka EPLka balse kaalinta 3aad ayey u dhacday markii ay kaliya 3jeer badisay 10kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciya artay kulamada horyaalka inkastoo ay haatan kulan gacanta ku heystaan.
Inkastoo uu farqigaas jiro hadana Mesut Ozil ayaa aaminsan in Gunners ay horyaalka ku guuleysan karto isagoo rajeynaya ineysan sameyn wax qalad ah si ay xaga sare u noqdaan.
`"Ilama ahan wax aan macquul aheyn” Ayuu yiri Ozil oo la hadlayay wargeyska jarmalka la ga leeyahay ee Welt am Sonntag.
"Inkastoo ay hareen kulamo yar, Leicester waxaa u haray kooxo waaweyn, anaga qudhe ena waa inaan ka digtoonano dib u dhac, wali hamiga horyaalka wuu jiraa, waxaan heysanaa ciyaartoydii lagu qaadi lahaa horyaalka”
Ugu dambeyntiina Ozil ayaa qarka u saaran inuu rikoor u dhigo EPLka madama uu 19caa winaad ah sameeyay wuxuuna kaliya hal u jiraa rikoorka Henry uu sameeyay in ka badan 10sano ka hor.
MATS HUMMELS OO SHEEGAY INUU ISAGA KA TAGAYO KOOXDA BORUSSIA DORTMUND, XILLI CHELSEA IYO MANCHESTER AY WADA DOONAYAAN
Daafaca reer Germany iyo sidoo kale kooxda Borussia Dortmund Mats Hummels ayaa sheegay inuu ka tagi doono kooxda Bundesliga ee Dortmund.
Manchester United ayaa doonaysa saxiixa daafaca dhexe ee Kooxda Jarmalka Hummels xagaagii hore ka dib markii ay Kooxda Dortmund ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka Champ ions League.
Sida laga soo xigtay wargeyska German Bild, Hummels ayaa eegi doona fursadaha kaga banana Kooxaha dibada, xilli qandaraaskiisa ay kaga harsan tahay joogitaanka garoonka Westfalen sta dion wax ka yar labo sano.
Mats Hummels ayaa u sheegay TV Jarmal ah: "Waxaan doonayaa inaan sameeyo is bed el la xiriira xaga Kooxaha, taasi oo muhiim u ah mustaqbalkayga xulka Qaranka Germany.
"waa hubaal inaan heli doono yaboohyo waa wayn oo ay ku jiraan mushaar sare, waxaan ogahay inay jiraan Kooxo badan oo hore ila soo xiriiray waxaa ka mid ah Kooxda reer England ee Man chester United, balse hada ma hubo inay iyada noqon doono iyo in kale.
P.S.G OO DALAB LAMA FILAAN AH DUL DHIGTAY WEERARYAHANKA MANCHESTER UNITED ANTHONY MARTIAL
Kooxda Paris SaintGermain ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa Weeriryah anka Kooxda Manchester United Anthony Martial.
Sida lagu daabacay Jariirada Faransiis ee Le 10 Sport, kooxda haysata horyaalka Ligue 1 ayaa isha ku la raacaysa horumarada 20sano jirka Kooxdii hore ee AS Monaco.
United ayaa kusoo iibsatay qiimo dhan £ 36million oo ginni bishii September ee sa nnadkii hore, hase ahaatee Kooxda PSG ayaa ku fekeraysa inay lumiso saxiixyadeeda Zlatan Ibra himovic iyo Edinson Cavani, kuwaas oo laga yaabo inay ka tagaan gagida Parcs des Princes.
Cayaariyahan Martial ayaa xagaagan u dhaliyay 12gool dhamaan tartamada oo dhan, ha se ahaatee Kooxda Red Devils ayaa diidan inay ka fasaxdo gagida Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee Madaxwaynaha Kooxda PSG Nasser AlKhelaifi ayaa diyaar u ah in uu qiimo badan kusoo qaato Saxiixiisa, hase ahaatee Kooxda United ayaanan la ogayn waxa ay ka dhihi doonto.
LAURENT KOSCIELNY OO SOO DOORTAY SHAXDIISA ABID EE KUBBADA CAGTA UGU FIICAN, PELLE & MARADONA? MESSI MISE RONALDO? IYO XIDIGAHA UU KOSCIELNY SOO XUSHAY
Laurent Koscielny ayaa soo doortay shaxdiisa kama danbaynta ah ee xidigaha uu arko kuwo ugu fiican wuxuuna Koscielny uu shaxdiisa inta ugu badan ka soo doortay ciyaartoy hore oo kubbada cagta magac ku soo yeeshay laakiin Koscielny ayaa shaxdiisa boos uga waayay Pele, Diego Maradona, Lio nel Messi iyo Cristiano Ronaldo, laakiin haddana shaxdiisa ayaa wali ah u muuqata mid cajiib ah oo la gu riyoon karo.
Marco Verratti iyo Xavi Henandez oo ka mid ah xidigaha wali kubbada cagta ciyaara ayaa boos ka helay shaxda Laurent Koscielny, waxayna inta badan shaxdiisu u badan tahay ciyaartoy hore oo ay ka mid yihiin Zinedinez Zidane, Roberto Carlos, Henry, Beckham, Alessandro Nesta iyo xidigo waa wayn oo badan.laurentkoscielnys
HALKAN KAGA BOGO SHAXDA LAURENT KOSCIELNY OO DHAMAYSTIRAN:
GOOLHAYE: FABIEN BARTHEZ Marseille, Manchester United iyo France
DIFAACA MIDIG: CAFUSão Paulo, Roma , AC Milan Iyo Brazil
DIFAACA DHEXE: CARLES PUYOLBARCELONA Iyo Spain
DIFAACA DHEXE: ALESSANDRO NESTA AC Milan iyo Italy
DIFACA BIDIX:ROBERTO CARLOS Real Madrid ,Fenerbahçe,Corinthians.. Iyo Brazil
DHEXDA: MARCO VERRATTI PSG IYO ITALY
DHEXDA: XAVI HERNANDEZ BARCELONAAL SADD IYO Spain
GARABKA MIDIG:DAVID BECKHAM Manchester United, Real Madrid… Iyo England
CAAWIYAHA WEERARKA: ZINEDINE ZIDANEJuventus, Real Madrid… Iyo France
GARABKA BIDIX:CHRIS WADDLE Tottenham, Newcasltle United… Iyo England.
WEERARKA DHEXE:THIERRY HENRYArsenal, Barcelona… Iyo France.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALADO 29-KA MAARSO 2016-KA
MADAXWEYNAHA OO WARQADIHII KA GUDD OOMAY DANJIRAHA CUSUB EE RUSSIA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay xafiiskiisa warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee waddanka Xiriirka Rus