Halkaan ka Akhriso Wararka W.M.Times ee Maanta oo ah Sabti 6da Maarso 2021

0
Saturday March 06, 2021 - 10:11:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka Akhriso Wararka W.M.Times ee Maanta oo ah Sabti 6da Maarso 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

CIIDAMO LA WAREEGAY TAALLADA DALJIRKA DAHSOON KAHOR DIBADBAXA SABTIDA

Dowladda Soomaaliya ayaa Shalay ciida mo badan gaysay taallada Daljirka Dahs oon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la fil ayo in berri uu ka dhaco dibadbax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kaasi oo ay dhigayaan mucaaradka iyo taageerayaashooda.

Waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa lagu arkayaa cii damo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaamn gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada.

Ciidamadan ayaa sidoo kale celinaya mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno oo aan loo ogolayn in ay maraan halkaasi oo markii hore ay si caadi ah u mari jireen.

Ma cadda sababta ay dowladda ciidamada halkaas u gaysay, waxaana suurtagal ah in ay sugayaan amniga dibadbaxa sida ay xu kuumaddu ballanqaaday markii ay heshiis ka galeen ra’iisul wasaaraha xilka siihaya iyo musharaxiinta mucaaradka.

Dowladda ayaa dhicitaanka dibadbax aas ku xirtay laba shardi oo kala ah; inay dadka imanayaan kala fogaadaan, iyo inay soo xirtaan afxirka, si looga hortago faafita anka cudurka Coronavirus.

Wixii ka dambeeyey markii ay heshiiska gaareen Rooble iyo mucaaradka, waxaa jirt ay rajo weyn oo isu soo dhowaansho, hase yeeshee kulankii ugu dambeeyey ee Ha been hore ayaa lagu kala tegay ayada oo mucaaradka ay Rooble ku eedeeyeen inuu ahaa nin meel kale laga hagayey oo aan la hayn go’aan qaadasho, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma cadda, haddii kala tegistii Habeen ho re ay wax ka beddeshay mowqifka dowlad da ee ogolaanshaha dibadbaxaas, hase ye eshee Rooble waxa uu sheegay in wadaha dallada mucaaradka ay sii socon doonaan.

ROOBLE OO KA HADLAY FASHILKA KU YIMID SHIRKII MUCAARADKA, SI DADBANNA U WEERARAY

Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee So omaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay fashilkii ku yimid shirkii 3aad ee uu Habeen hore la yeeshay xubnaha Mido wga Musharaxiinta mucaaradka.

Rooble ayaa sheegay in isfaham laga sameeyey qodobadii laga wada hadlay, laa kiin mid ka mid ah dalabaadka midowga mu rashaxiinta aanu la jaanqaadi karin hanaanka geeddisocodka doorashooyinka dalka. Rooble ayaa xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wada hadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo q odobkaasi uu caqabad noqday oo laga gud bi waayey, sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ayaa caddeeyey xukuumaddiisu "ay dhiirigelinay so wadahadalada oo ay albaabadu u furan yihiin cid walba, laakiin loo baahan yahay in la muujiyo daacadnimo iyo tanaasul, isla markaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.”

Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka, iyadoo lagu salaynayo he shiisyadii hore loo gaaray.

Rooble ayaa sheegay in loo baahan ya hay in mudnaan la siiyo danaha qaranka, is la markaana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaadaan daacadnimo iyo tanaasul ka tarjumaya waaqca dalku marayo.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlay magaca Midow ga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu aw ood waayey inuu go’aan gaaro, isla markaa sna uu mar kasta la tashanayey xubno uu san magacaabin oo shirka ka baxsanaa.

"Rooble Xalay oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii Xalayna waxaa fa shiliyay dadka fariim aha soo dirayay,” ay uu yiri Cabdiraxma an Ca bdishakur Wa rsame.

Cabdiraxmaan ay aa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilga arsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eede yey inuu garan waayey sidii uu isticmaali la haa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay.

MIDOWGA MUSHARAXIINTA OO SOO BANDHIG AY 4TII QODOB EE AY HORDHIGEEN RW ROOBLE.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdira xmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sha aciyay qodobadii ay hor dhigeen Ra’iisul wasaaraha Soomaal iya ee ka biyo diiday inuu fuliyo si loo aado.

Qodobada oo kala ahaa:

1 In madaxweynaha muddo xileedkiisa dha mmaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2 Si loogu kalso on karo amaanka dalka iyo kan doora shooyinka in ciidan ka laga saaro siyaa sada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqa da laga joojiyo taliyayaasha ciidanka, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3 In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dib adbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doo rashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa diiday fulin ta qodobaan oo sheegay

DFS OO SHEEGTAY IN MUCAARADKA AY DIIDE EN IN DF AY SUGTO AMNIGA BANAANBAXA

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muca aradka uga mahadcelisay in ay joojiyeen ba naanbixii loo ballansanaa in Maanta uu ka dhaco magaalada Muqdisho, islamarkaana ay jeclaan lahayd in aan mar kalena la isu imaanin.

Wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in amniga banaanbaxa ay sugaan cid kale, isa goona sheegay in dowladda ay weli ogo shahay in mucaaradka ay banaanbax qab sadaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha la isku fahmi waayay ay qeyb ka tahay sugida amniga goobta uu ka dha cayo banaanbax oo ah Taalada Daljirka Da ahsoon ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka ayaa sheegay in mucaaradka ay diideen in dowladda ay sugto amniga ba naanbaxa

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay baajiyeen banaanbixii ay ku dhowaaqe en, kaasi oo loo ballansanaa in uu maalinta Maanta ka dhaco taallada Dajirka Daahso on D/Boondheere ee gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sha riif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan is ku halleyn karin ammaanka, isla mark aasna dowladda ay Ciidamo badan geysay Taalada Daljirka Daahsoon oo aheyd halkii la asteeyay in banaannabaxa

uu ka dhaco.

MIDOWGA MUSHARAXIINTA OO BAAJIYEY DIBADBIXII SABTIDA

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo Shalayeyd shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay si adag uga hadleen banaanbixii ay icla amiyeen inuu dhacayo maalint berri ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Sha riif oo barbar taagan yihiin xubnaha Mido wga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah u shaa ciyay inay dib u dhigeen banaanbixii loo bal ansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Taalada Daljirka Dahsoon.

Waxay sheegen inay wajahayaan culeys dhanka amaanka ah, kadib markii dowl adda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciida mo badan ku daabushay goobta banana baxa, islamarkaana la kala xiray inta badan qeybaha magaalada dalka.

"Waxaa isku qabanqaabineyn mudahar aadkii, laakiin goobihii loogu talogalay mud ahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciid amo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiis kii hore loo galay, waxayna muujineysa doo da musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray "Madasha Musharaxiinta waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii lagana shaqeeyo xili ay soo goynayaan musharaxiinta, amn iga ay ayagu sugayaan, markaa mudahar aadkii berri qorsheysnaa dib ayaa loo dhig ay”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Mu sharixiinta Mucaaridka ayaa wax laga xum aado ku tilmaamay in dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamada u adeegsato caburinta shacabka, xili qeybo kamid ah dal ka ay gacanta ku hayso AlShabaab.

Md.Xasan Sheekh ayaa isaguna sha aciyey in Midowga Musharaxiinta ay bilaa been ciidamo urursi, islamarkaana ay la ka ashan doonaan cidkasta oo ka qeyb qaad aneysa sugida amniga, ayada oo laga mad axbaneysiinayo dowladda oo uu sheegay inay balanta uga baxday, sida uu hadalka u dhigay.

"Kama tanasulin mana ka tanasuleyno banaanbixii maalinta ay ku haboon tahay waa soo sheegayna, amnigana anagaa sug aneyna, ileen wax kale oo noo dhiman mal aha haddii ay taas ka dhalatay waa in amnigeeda suganaa oo nagala shaqeyso cidii nagala shaqeyn karta,” ayuu yiri.

Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili Shalay ay dowladda ciidamo badan gaysay taalla da Daljirka Dahsoon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco dibadbaxa ay baajiyeen ee ka dhan ah madaxw eynaha waqtigiisu dhamaaday.Waxaa waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa lagu arkayaa ciid amo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaan gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada.

Arrintan ayaa markale sarre u qaadeysa walaaca ka taagan xaalada dalka, ayada oo lagu waday in wadahadalada xukuumadda xilgaarsiinta iyo musharaxiinta ay wax ka badalaan xaalada cakiran ee dalka, hase yeeshe waxaa muuqata midaasi badalkee da.

DFS OO KA DEYRISAY XAALADAHA ABAAREED EE KA JIRA DALKA

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadash ay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta xili gan ka jirto deegaano iyo tuulooyin ka tirs an gobolada Gobolada Gedo, Jubbooyinka.

Shir jaraa’id oo ay Shalay magaalada Muqdisho ku qabteen guddi ka kooban was iiro ka tirsan XFS, kuwaasi oo uu Ra’iisul wasaare Rooble u xilsaaray ka soo tala bi xinta abaaraha ka jira dalka ayay kaga had leen sida ay dowladdu u wajaheyso abaar ahan saameeyay nolosha dadka ku nool goboladaasi.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta mus iibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khad iijo Maxamed Diiriye ayaa walaac ka muuji say abaaraha iyo musoobooyinka ka jira qeybo ka mid ah gobalada dalka.

Sidoo kale wasiir Khadiijo ayaa sheegt ay in ay muhiim tahay iskaashiga ka yimaa da Dowladda Federaalka, Hay’adaha gar gaarka iyo Beesha Caalamka in loo isticm aalo sida ugu munaasabsan ee Dadkaa wax lagu gaarsiin karo.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Mus iibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in 2.5 milyan oo qof oo soomaali ah oo kunool gobolada dalka ay wajahaya an Xaalad Bini’aadanimo. Deega ano ka tir san gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira aba aro saameyn ku yeeshay dadka iyo duuny ada, mana jiraan weli gurmad deg deg ah oo la gaarsiiyeen dadka halkaasi ku dhiba ateysan.

ROOBLE OO WAR KASOO SAARAY KULANKA MU CAARADKA EE XALAY KADIB WARAR SOO BAXAY

Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo wajiga sed axaad ee shirarkii u socda xukuumadda xilgaarsiinta iyo golaha midowga musharax iin ta, kaas oo loo balansanaa Khamiista Sha lay ah. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibra ahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in Xalay fii dka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaara daha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhac een. "Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Max amed Xuseen Rooble la ballansanaa Mido wga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Deca le ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Maca limuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxaa jira shaki weyn oo laga muujina yo qabsoomidda shirkaas, sida ay ilo ku dhaw shirka u sheegeen Caasimada Online wax aa Ra’iisul wasaare Rooble lagu cada adina yaa inuu ka baaqdo shirka Midowga Mush arixiinta, waxuuna cadaadiskaas uga imaa nayaa dhanka madaxweyne Farma ajo.

Hadii uu Xalay qabsoomo, waa shirkii seddaxaad oo Rooble uu la yeelanayo gola ha midowga musharaxiinta, waxaana qodo bada looga hadlayo oo mi iska saaran ka mid ah, in xukuumaddu ogolaato in shirka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada laga qeyb geliyo xubno metelaya midowga musharixiinta iyo saamileyda kale ee siyaasadda dalka.

Dalabkaas oo soo taagnaa mudo dheer, isla markaana ay horay u soo jeediyeen Ax med Madoobe iyo Saciid Deni, waxaa si weyn u diidan madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale waxaa Shalay fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedya da, kaas oo markii horaba ay midowga mu sharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagaldacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukumada.

AFHAYEENKA BOOLIISKA '' 10 RUUX AYAA KU DHIMATAY QARAXII XALAY LAGU WEERARAY MAQAAXIDA LUUL YEMENI

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soom aaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlayay goobta uu ka dhacay qarax culus oo caawa lagu weeraray maqaaxi la gu magacaabo Luul Yemen oo ku taala deg mada XamarJajab ayaa sheegay in ay ku dhinteen 10ruux oo u badnaa dad shacaba.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qara xan oo loo adeegsaday sida uu hadalka u dhigay mooto nooca xamuulka lagu qaado ah sidoo kale ku dhaawacmeen 30 ruux oo u badnaa dadkii goobta ku caweynayay.

Sadiiq Afhayeenka ciidanka Booliiska ay aa ku eedeeyay Alshabaab in aysan wali ka tanaasulin waxyeeleynta shacabka iyo in ay caqabad ku yihiin sida uu hadalka u dhigay hormarka wadanku sameynayo.

Qaraxa caawa ayaa marka laga soo taggo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sidoo kale waxaa uu geystay burbur

Hantiyeed oo weyn.

DF OO GUDDI U MAGACOWDAY ABAARAHA GOBOLKA GEDO

Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilgaars iinta ayaa shir jaraa’id oo deg deg ah Shal ay aheyd ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku shaaciyeen guddi cusub oo qeyb ka noqonaya samato bixi nta abaaraha dalka.

Shirka jaraa’id ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta, gaar ahaan meelaha ay xaal adaha biniaadantinimo ka taagan yihiin ha da, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobol ka Gedo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, C/ra xmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in do wlada uu muddo xileedkeedu dhamaaday ay sameyn doonto gurmadkii ugu horeeyay ee wax looga qabanayo xaalada adag ee ay wajahayaan shacabka.

Guddiga cusub ee loo xilsaaray abaara ha ayaa waxay ka kooban yihiin Wasiiro iyo kuxigeeno ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta, waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda = Gud doomiye

2. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka = Xubin

3. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta = Xubin

4. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta = Xubin

5. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada = Xubin

6. Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha = Xubin

7. Wasiir kuxigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha = Xubin

Sanadkaan ayaa waxaa dalka saameyn xoogan ku yeeshay biyo la’aan iyo abaaro meelo kamid ah dalka ka jira, kuwaasi oo ay guddigan cusub ka shaqeyn doonaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada xaalada adag wajahaya.

RW ROOBLE: ”WAAN SII WADAYNAA WADAH ADALADA SI DOORASHADA LOO HIRGELIYO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xus een Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooy inka, iyadoo lagu salaynayo heshii sya dii hore loo ga aray.

Ra’iisul Wasaara ha ay aa tilmaamay in loo baahan yahay in mu dnaan la siiyo danaha qaranka, isla mar ka ana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaa da an daacadnimo iyo tanaasul ka tarju maya waaqca dalku marayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo tixraacayey wa dahadaladii uu la qaatay midowga mura shaxiinta, ayaa sheegay in isfaham laga sa meeyey qodobadii laga wada hadlay, laakiin mid ka mid ah dalabaadka midowga murashaxiinta aanu la jaanqaadi karin ha naanka geeddisocodka doorashooyinka dalka.

Md.Rooble ayaa xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wada hadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo qo dobkaasi uu caqabad noqday oo laga gudbi waayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu ay dhiirigelinayso wadaha dalada oo ay albaabadu u furan yihiin cid walba , laakiin loo baahan yahay in la muuj iyo daacadnimo iyo tanaasul, isla markaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.

AGAASIME cusub oo loo magacaabay HERITAGE

Dr. Afyare Cabdi Cilmi ayaa Shalay loo magaacabay Agaasimaha Machadaka dar asaadka siyaasada ee HERITAGE, kadib markii uu dhawaan iska casilay xilkaasi Ca bdirashiid Khaliif Xaashi oo isagu xilkaasi hayay muddo ku siman lix sano.

Qoraal kasoo baxaya Machadka Heritage ayaa waxaa lagu sheegay in Dr. Afyare uu 1June ee sanadkan 2021ka uu si rasmi ah ula wareegi doono xilkaas, ayada oo uu hadda si ku meel gaadh ah usii hayn doono Agaasime kuxige enka Machadka Heritage Mursal Sane.

"Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo magacaabista Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasad da inuu u magacaabay Agaasimaha fulinta cusub ee machadka, laga bilaabo 1 Juun, 2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa sidoo kale lagu yiri "Cilmi wuxuu ahaa Cilmi baarre sare oo ka tirsan Mac hadka Heritage tan iyo markii la aa saasay 2013, wuxuuna gacan weyn ka geystay daa bacaadda machadka sanadihii la soo dhaafay”.

Dr Afyare oo ah Aqoonyahan Cilmiga siy aasadda ka dhiga Jaamacadda Doha Uni versity ayaa waxa uu bedeli doona Agaasi mihii hore ee Machadka, Cabdirashiid Kha liif Xaashi oo horanta bishii hore iska cas ilay xilkaas, oo uu hayay muddo ku siman lix sano.

Afyare ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa aqoonyahanka waqtiga badan geliy ay Machadka Heritage, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga hogaaminta ee machadkaas, kaasi oo lagu bogaadiyey kaalinta uu kasoo qaatay horusocod ka. Guddiga Hoggaaminta ee Machad ka Her itage oo iyagu doorkoodu yahay inay korm eer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiri yaan hoggaaminta iyo maaraynta Machad ka ayaa soo dhaweeyay kaalinta Dr Afyare oo ah aqoonyahan sarre oo 12kii sano ee u dambeeyay qeyb weyn ka qaatay cilmi baarista amniga.

MADAXWEYNE DENI OO GAARAY MAGAALADA BOOSAASO

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdul laahi Deni ayaa Shalay oo Jimce ah ka de gay magaalada Boosaaso, isagoo xiran dir ayska Ciidanka, kadib weerarkii Habeen hore lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaa so. Qoraal kooban oo ka soo baxay Mada xtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweyne Deni uu la xiriiro u kuur gelidda xaaladda Amni ee magaalada iyo guud aha anba Gobolka Bari.

Sidoo kale, waxa Qoraal ka lagu xusay in Madaxwe ynuhu uu kulamo la qaadan doono Sar aakiisha Amniga iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Bari.

Weerarkii Habeen hore ka dhacay xabs iga Boosaaso oo aysan weli dowladdu faahf aahin rasmiya ka bixin, waxa mas’uuliyaddi isa sheegtay ururka Alshabaab.

DOWLADDA OO DIB U QAADAY CIIDAMADII XIRAY WADOOYINKA SOO GALA DALJIRKA DAA HSOON

Dowladda Soomaaliya ayaa dib uga qaaday Ciidamada ka tirsan NISA oo shalay la geeyay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada

Boondheere iyo xaagadaha ku dhow dhow. .Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay shalay ilaa xalay xireen wadooyinka so gala Daljirka Daahso on, iyaga oo u diidayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo Mootooynka Bajaajta.

Ujeedada Ciidamada loo geeyay ayay aheyd markii sida uu sheegay Wasiirka Amniga ay Midowga Musharixiinta ay sheegeen inay geey nayaan taalada Daljirka Daahsoon iyo wadooyin ka soo gala Ciidamo suga amniga banaanbaxa ay dhigi lahaayeen Maanta kaas oo baaqday.

Waaberigii hore saaka ayaa dadka ku nool Xaafadaha ku dhow dhow Taalada Daljirka ayaa waxaa ay kuso tooseen Ciidamadii shalay la keenay ee wadooyinka xiray oo laga qaaday, iyada oo gadiidka iyo Mootooynka Bajaajta ay si caadi ah u Shaqeeynayaan. Dhinaca kale Gud aha Taalada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa WARAN eek am id ah NISA, kuwaas oo la geeyay tan iyo markii Midowha Musharixiinta ay ku dhawaaqeen banaanbaxa.


MUXUU KA YIRI MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA WEERARKII LUUL YEMENI?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa ka hadlay Qaraxii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla degmada Xamarjajab ee Gobolkaan Banaadir.

Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay ba rtiisa Facebook ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray dhammaan ummada Soo maaliyeed iyo Ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday qaraxii xalay dhac ay oo loo adeegsaday Mooto laga soo buuiyay walxa qarxa.

Musharax Xasan ay aa nasiib darro ku tilm aamay in la laayo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isa goona shacabaka ugu baaqay inay u mid ooban la dagaalanka Alshabaab, isla mark aana la isku kashto.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan um madda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib dar ro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba gal absan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Qarax Ismiidaamin ah ayaa xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ay xiligaas ka cunteynayeen dad shacab ah, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, kadib markii ay dumeen dhis myaal.

Ugu yaraan 10 qof ayuu Booliska dowla dda Federaalka sheegay inay ku dhinteen qaraxaas, halka dad gaaraya 30 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, hayeeshee goobjoogayaal ayaa ku warramay in tirada dhimasho ay gaareyso inka badan 20 ruux.

Alshabaab oo warar ku baabiyay baraha Internetka ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegtay inay bartilmaameedsadeen Sara akiil ciidan oo isugu imaatin lahaa.

MACLUUMAAD LA XIRIIRA: WEERARKII HABEEN HORE LAGU GALAY JEEL WEYN EE BOOSAASO

Faah faahino ayaa ka soo baxaya we erar saf ballaaran oo saqdii dhexe ee Hab een hore lagu qaaday Gaalshira ha Magaa lada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xoogag aan illaa iyo hadda la xaqiijin waxa ay yihiin, balse loo maleynayo Shabaab ama Daacish midkood ayaa dhawr jiho ka weeraray jeelka weyn ee Magaalada Boo saaso.

Weerarkan ayaa ku bilowday qaraxyo xo ogan oo madaafiic magaalada bannaankee da laga soo tuurayna ay barbarsocdeen, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo xoog agaasi ay gudaha ugu galeen jeelkaasi, oo amnigiisa si weyn loo ilaaliyo.

Dagaalka oo dhawr saacadood socday ayaa waxaa xoogagaasi u suurtagashay xa bsiga inay ka sii daayaan maxaabiistii ku xi rneyd, kuwaa oo qaarkood ay horey u sii kaxeysteen.

Xabsigan ayaa waxaa ku xirnaa Saraak iil iyo maleeshiyaad ka tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish, horeyna uu xukuno kala duwan ugu dhacay. Xubnaha xabsigan lagu haayay waxay u badan yihiin max aabiistii ay Puntland ku qabqabtay dagaala dii ay Shabaabka kula gashay deegaanada Suud, Garmaal iyo aagga Garacad, bishii March ee sanadkii 2016.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Xuseen Cali Maxamuud oo shir jar aa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa qiray in maxaabiista qaarkood laga sii da ayay xabsiga, inkastoo sida uu sheegay ay kuwa ka mida dib u soo qabteen, kuwo kal ena lagu daba jooggo.

"Waxaa laga yaabaa meel dee dagaal ka socday xoogaa, waad dareemi kartaan oo waa laga yaabaa in maxaabiista qayb ka mid ah iyo jugihii meesha ka dhacayay ay fakadaan, iyadana waa lagu daba jiraa, kuwo bannaanka laga soo qabtay waa jir aan, intii kale ee maxaabiistana xabsiga ay ay ku jiraan, waxaana idin sheegayaa jeel ka dhammaantiis inuu caadi yahay.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa xusay in dagaalka uu dha nkooda kaga dhintay hal askari, laba kalana ay kaga dhaawacantay, wixii ku soo ko rdhana ay dib Warbaahinta ugala soo wa daagi doonaan.

"Waxaa jira laba nin oo dhaawac ah oo ciidanka ka mid ah iyo nin dhintay, inta ka lena dib baan ka soo sheegaynaa, markaan dhameystirno, haddii Alle idmo. ” Ayuu yiri Korneyl Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Hase ahaatee wararka laga helayo Maga alada Boosaaso ayaa sheegaya in khasaar aha ka dhashay dagaalkaasi uu aad u ba dan yahay, islamarkaana ay dhimasho bad an jirto.

Weerarkan ayaa qalqal ku abuuray dadka reer Boosaaso, gaar ahaan qoysas ka degan agagaarka xabsiga, iyadoona qoy saska qaarkood ka carareen guryahooda.

Su’aalo ayaa ku gadaaman kooxihii weerar ka soo qaaday, sida ay ugu suurtagashay abaabulka weerarka intaa le’eg ee lagu galay mid ka mida xabsiyada ugu ilaalada adag ee dalka.

Si kastaba haahaatee xaaladda Magaala da Boosaaso ayaa Shalay degan, iyadoo dadkuna uu si weyn u hadalhayo dhacda daasi.

NASASHADA JIMCAHA.NO242=( SIYAASIGA SOMALIGU DA’DEE UU SIYAASADA UGA HARAA?)=

5. Nin police ah oo Taliye Saldhig ahaa ayaa Taliyihiisi qeybtu u soo diray Fariin ah in uu soo qoro wax qabadkii Saldhiga 24 tii Saac ee la soo dhaafay. Sarkaalka oo Marqaansanaa ayaawii lkiisii oo 10 jir ahaa ka codsaday in uu warbixinta u diyaariyo, kadibna u diro Taliyaha qeybta.

wiilkii ayaa Qoray warbixintaan: Howl gal Habeen hore ka dhacay qolkeeyga jiifka, ayaa lagu soo qa qabtay 120 Dooli oo looga shakisan yahay in ey diyaarinayeen qaraxyo,

Shalayna Waxaan Si KMG ah u Joo jiyay cunista Muufada, Wa xaana Ka Fikirayaa Inaan gabi ahaanba joojin doono iyo In Kale, wiilkiina waa diray warbixintii.Subaxdii kale ayaa Aabihii Dalacaadi u timid. isaga oo faraxsan ayuu gurigiisii ku soo noqday, kuma yiri: wiilkeeeygiyoow warbixintaadii waan ku dalacay ee maxaad qortay?.Wiilkii ayaa yiri: Iska dhaaf Aabe, waan ogaa in aan cidina akhrin warbixinta police ka.

(wax qabadkaaka haddaan la qiimeyneyn, waxaad doornto qor soow ma ahan).

6.Oday 70 jir ah oo Taajir ah ayaa waxaa ku dhacay Xanuunka Covid 19, waxaa la geeyay Isbitaal, kadibna waxaa lagu xiray ( Oxygen) muddo 12 saac ah. waxaana lagu soo dalacay 150 Dollar oo ah qiimihii Oxygen ka. odaygii ayaa markii uu caafimaaday ooyay.

Dhakhtarkii ayaa ku yiri: maxaa kugu dhacay, Haddii Lacagtu kugu badan tahay makaa dhintaa?.Odaygii ayaa yiri: 12 Saac ay aad Oxygen iga iibiseen, Nolosheyda oo dhan ayaana Allaah lacag la’aan igu siiyay Oxygen hadda ayaana xasuustay Nicmadaa. waxaa Allaah mahadiis ah in uuna Oxygenka noogu soo dhiibin

wasaaradda Caafimaadka.Qore : Yahya Amir

JOE BIDEN OO AFRICOM KUSOO ROGAY AMAR SI WEYN U SAAMEYNAYA SOOMAALIYA

Sida uu baahiyey Wargeyska New York Times Militeriga iyo Hey’adda Sirdoonka ee dalka Mareykanka ayaa lagu wargeliyey in aysan Soomaaliya ka fulin karin howlgal dhanka cirka ah ama mid kumaandoos ah, ayagoo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu sheegay warbintan in amar kaas uu si hoose u bixiyey, isla markaana u jeedka laga leeyahay uu yahay yareynta waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu tuhmayo ama lagu beegsanayo kooxaha xagjirka ah ee AlShabaab iyo Daacish.

New York Times oo soo xiganeysa mas’ uuliyiin magacyadooda saxaafadda ka gaa bsaday ayaa warbintan ku xustay in maam ulka madaxweyne Joe Biden uu doonayo in si dhab ah loo hubiyo cidda lala beegsan ayo howlgalka ay fulinayaan ciidamadiisu, waxaana waajib looga dhigay howlgalaya asha in Aqalka Cad ay lasoo wadaagaan ca ddeymo muuqaal iyo faahfaahino qoraal ah, inta aysan howlgal fulin.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid bil ow u ah dib u qaabeyn uu maamulka Joe Bi den ku sameynayo shuruucdii uu ku shaqey nayey mamulkii ka horeeyey ee madaxwey ne Donald Trump, kuwaas oo ciidamada Mareykanka u ogolaanayey inay u madaxbanaan yihiin halka ay ku beegsanayaan ho wlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Nidaamkii Madaxwey ne Trump ayaa du qeymaha dhanka cirka ah gaar ahaan aag agga ka baxsan colaadaha waxuu ku daba qay siyaasad nuxurkeedu yahay dil ama qa basho, isagoo si gaar ah Soomaaliya ugu shaabadeeyay inay tahay ‘aag colaadeed’.

Afartii sano ee lasoo dhaafay oo ah intii uu xukunka joogay madaxweyne Trump 276 howlgal oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayey ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixin la baahiyey todobaadkii hore.

QM: FALAL NOQON KARA DAMBIYO DAGAAL AYAA KA DHACAY TIGRAY.

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa Shalay weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga ya abo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo dabayaa qadii 2020.

"Dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuq uuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka ca bsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada federa alka Ethiopia ee ra’iisul wasaare Abiy Ahm ed iyo kuwa ururka xukuma gobolka ee TPLF ayaa dilay kumanaan qof, kuna qas bay boqolaal kun oo kale inay ka qaxaan guryahooda.

"Xadgudubyo darran oo ka dhan ah xe erarka caalamiga ah, oo ay suurtagal ta hay inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada, ayaa waxaa suurtagal ah inay gaysteen dhinacyo kala duwan,” ayey tiri Bachelet, ayada oo xustay ciidamada Ethiopia, TPLF, Militariga Eritrea iyo ciidamada gobolka de riska ah ee Amxaarada.

Warbixinta Bachelet ayaa sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyey intii u dha xeysay December illaa Janaayo, ayada oo ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin. Waxay sidoo kale xus tay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab.

Dowladda Abiy, maamulka Tigray, TP LF iyo sidoo kale kale mas’uuliyiinta Amx aarada iyo Eritrea ayaan laga helin jawaab deg deg oo ku aadan bayaanka QM.

Ayada oo goobjoogeyaal ay xuseen kiis as xadgudub, oo ay ka mid yihiin dil, bililiqo iyo xasuuq ka dhan ah qaxooti, ayaa dhi nacyada dagaalamaya waxa uu midba mid kale ku eedeyey dhibaatada dhacday.

Abiy ayaa guul sheegtay markii TPLF ay ka baxday caasimadda gooblka ee Mekelle, dhammaadkii bishii November 2020, hase yeeshee dagaal hoosaad ayaa kasii socday meelaha qaar, sida ay sheegeen dad ku su gan Tigray iyo qiimeynta QM."Warbixino la ga naxo oo ku saabsan kufsi iyo rabshado jinsi ku saleysan, dilal ka baxsan cadaalad da, burbur baahsan iyo bililiqeysiga hanti do wladeed iyo mid gaar loo leeyahay, oo ay gaysanayaan dhammaan dhinacyada, ayaa nalala wadaagayaa,” ayey tiri madaxa xuqu uqda aadanah ee QM Michelle Bachelet.Dowladda madaxweyne Isais Afwerki ee As mara ayaa horey u beenisay inay wax lug ah ku leedahay dagaalka, halka maamul Abiy ee Addis Ababa, uu marar ba dan ku celiyey inuus oo celinayo amarka iyo kala dambeynta.

Xafiiska Abiy ayaa bayaan uu soo saa ray Arbacadii ku sheegay inuu baarayo tu hunada ku saabsan xadgudubyada, uuna cadaaladda horkeeni doono kuwa gaystay.

11 QOF OO KU GEERIYOOTAY DIYAARAD KU BURBURTAY TURKIGA

Diyaarad Helikopter oo ay Milliteriga dal kaasi lahaayeen ayaa ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Cekmece oo u dhow Deg madda Tatvan ee Gobalka Bitlis ee K/bari ee dalkaasi.

Diyaarada burburtay oo nooceedu ah aa The Cougar waxaa la sheegay inay 11 Askari ku geeriyoodeen, halka 2 kalena ku dhaawacmeen, sida lag sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga.

9 ka mid ah Dhibanayaasha waxay ku gee riyoodeen isla goobta ay Diyaaradda ku bur burtay, halka ay 2 kalena dhaawacooda ugu geeriyoodeen Isbitaalka.

Saraakiisha ku geeriyootay shilkaasi wa xaa ka mid ah Sareeye Guuto Osman Er bas oo ah Taiye Ciiddan.

Diyaaradda burburtay waxay ku sii jee day Degmadda Tatvan oo u dhow Gobalka Bingol, markii ay Maamulayaasha waayeen xiriirkii ay Diyaaradda la lahaayeen.

Dhinaca kale, Warbaahinta Turkiga wa xay sheegtay in Wasiirka Difaaca, Hulusi Akbar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sule yman Soylu iyo Saraakiil sarsare oo Milliteri u socdaaleen goobta ay Diyaaradda Heli kopterka ku burburtay.

Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan wa xa uu Ilaahay uga baryey inuu u naxariisto Askartii ku shahiiday shilkaasi, wuxuuna u tacsideeyey Qoysaskooda, Qaranka Turki ga iyo Ciiddanka Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NA TO, Jens Stolenberg waxa uu khadka Tel efoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dib edda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, isagoo uga tacsideeyey shilkaasi, wuxuuna u muu jiyey inay Isbahaysiga garab taagan yihiin Turkiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip