Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka Madaxweynaha laga keenay + Xanta Villa Soomaaliya

0
Tuesday August 25, 2015 - 11:24:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka Madaxweynaha laga keenay + Xanta Villa Soomaaliya

    Khilaaf aad u cakiran, ayaa ka dhex aloosan Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Sare Baarlamaanka, ka dib markii Guddoonku uu qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, 12-kii bishanMadaxweynaha, ayaa ka fekeraaya tallaabadii uu q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf aad u cakiran, ayaa ka dhex aloosan Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Sare Baarlamaanka, ka dib markii Guddoonku uu qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, 12-kii bishanMadaxweynaha, ayaa ka fekeraaya tallaabadii uu qaadi lahaa, ka dib markii Sabtidii uu Baarlamaanka go'aamiyay inaanan Fadhiga 6-aad la soo xirin Khamiista, oo dib loo dhigo, illaa iyo inta laga meelmarinaayo ajandayaasha Baarlamaanka horyaala, oo Mooshinka uu ugu weyn yahay. Xasan & Jawaari Madaxweynaha oo Madaxtooyada ay isu arkayn Gudoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa u sheegay in uu kala diri doono Xildhibaanada Baarlamaanka, haddii ay ku adkeystan inay dhaqangeliyan Mooshinkaasi.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Dastuurka ka saaray qodob Dastuuri ahaa, oo awood Madaxweynaha u siinaayay in uu kala diri karo Xildhibaanada. Xildhibaanada ayaa qodobkaasi laalay kulan ay yeesheen 4-tii bishii November ee sanadkii 2012-ka.
Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, ayaa qeexaaya haddii aynaan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo qaadda dacwadda Madaxweynaha, in markaasi loo laaban doono Dastuurkii Lixdankii, oo ku xusan in haddii Maxkamad Dastuuri ihi aysan dhisnayn, in kiiska Madaxweynaha ay qaadayso Maxkamadda Sare Dalka.

Hadaba arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay iyadoo Madaxweynuhu uu ku cago jugleeyay, maadaama Xildhibaanadu ay cuskanayan ku laabashada Dastuurkii Lixdankii, in isagana uu ku laabanaayo Dastuurkaasi, oo qaba in Madaxweynuhu uu kala diri karo Xildhibaanada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jawaari u sheegay kolka uu Xildhibaanadu kala diro, in markaasi uu ku dhawaaqi doono xukun deg deg ah (Marshall law), oo uu dalka ku soo rogaayo, muddo lix bilood ah.
Wararka laga helaayo Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya Ee Villa Hargeisa, ayaa sheegaaya in Jawaari uu walaac xoogani ka muujiyay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliya.
Xanta Madaxtooyada Somaliya
Madaxtooyada, ayaa waxaa leesla dhex marayaa in Xildhibaanada Baarlamanka ay doonayan inay kursiga ka tuuraan Madaxweynaha, lana soo doorto Madaxweyne kale oo ku meel gaar (Kmg) ah, si muddo laba sano ihi ay xilka ugu darsadan.
Laakiin Madaxweynaha waxa uu doonayaa in la wada jooggo laba sano oo dambe, lagana fogaado Mooshinka, haddii taasi laga fursan waayana uu Xafiiskiisa iska sii jooggo, isla-markaana uu kala diro Baarlamaanka.
Hadalhaynta Villa Somalia, ayaa ah in Madaxweynuhu uu ka dhabeen karo kala diristiisa Xildhibaanada, isagoo markaasi cuskanaaya Dastuurkii Lixdankii, ka hor inta aynaan Xildhibaanadu codka gelin Mooshinka ka dhanka ah.
Mooshinkan oo qalqal siyaasadeed ka dhex abuuray Hay’adaha Dowladda, ayaa waxaa laga digayaa in dib u dhac uu ku keeno shaqadii Xukuumadda. Ururada Bulshada Rayidka, ayaa waxay ku baaqayan in labada dhinac ay tanaasul la yimaadan            .Xigasho:-Dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip