HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 25 FEB 2021

0
Thursday February 25, 2021 - 09:05:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 25 FEB 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xog: Rooble iyo mucaaradka oo is-faham gaaray iyo laba shuruud oo uu aqbalay

Xog aan ka helnay waan-waantii laga dhex-waday golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheeg eysa in is-faham laga gaa ray xalay.

Ilo ku dhow dhow xubn aha Ergada waan-wa anta ka dhex wada Ra’iisul Wasa araha iyo Mura shaxiinta Mucaaradka ayaa Caas imada Online u sheegay in dhinacyada ay ku he shiiyeen inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan Hotelka Decale, kulankaas oo ay ka qeyb-gala yaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxw eynayaasha Galmudug iyo HirSh abelle.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in is-afgarad ka uu yimid kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta. Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ahaa:

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.

2- In bannaan baxa la ogolaado.

3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqbalay labada qodob ee hore, balse qodobka saddexaad ee ka qeyb-galka shirarla ayuu sheegay inuu yahay mid ku xir an madaxweynaha, oo gacantiisa ka baxsan.

Arrintan ayaa imaneysa in ayada oo Golaha Mid owga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ay mar kale ku celiyey in banaan-baxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaa may go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.

HSJS oo Hakisay Qabashada Codsiyada Baasaboorka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Shalay oo Arbaco ah shaacisay in la hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga ilaa wargelin danbe.

Hay’adda ayaa sheegtay in bixinta adeeggan ay hakad u gelisay halista xanuunka Covid-19 oo dalka ku sii fidayo awgii.

Sida ay hay’addu ku baahisay barteeda Facebook hakinta adeegga qabashada codsiyada baasaboorka ayaa bilaabanaysa Sabtida soo socota oo ku beegan 27-ka bisha Februay.

"Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe” ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda.

Dowladda Soomaaliya aya ahioray u soo saartay amar ay ku hor istaageyso isu imaatinka bulshada kaas oo looga gol leeyahay in lagu hakiyo faafitaanka xanuunka Covid-19 oo haatan ku soo laba kacleeyay dalka.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay wasaarada caafimaadka dalka ayaa lagu sheegay in saamaynta xanuun Korona ay dalka ku sii badanayso.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 6,444 qof, halka 3,781 ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafidda cudurka.

Covid-19: Yugaandha oo Beenisay in Si Qarsoodi ah loo Tallaalay Madaxweynaheeda

Wasiiradda Caafimaadka ee dalka Yugaandha, Jane Aceng, ayaa beenisay warar sheegaya in xubno sare oo ka tirsan dowladda la siiyay tallaalka la dagaallanka Covid-19, ka hor inta uusan waddan ka as si rasmi ah u helin tallaalka.

Marwo Aceng oo ka jawaabeysay warka ku saab san in si qarsoodi ah loo tallaallay madaxweyne Yoweri Museveni iyo madaxda ku hareereysan ayaa gabi ahaanba beenisay arrinkaas.

Wasiiradda aya aqoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxa ay ku tiri "Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aanu madaxweynaha iyo saraaki isha ku hareereysan midna aanay qaadanin talla alka Covid-19 sida ay ku warrameen wageysyada Daily Monitor iyo Wall Streey Journal”

Warkaas waxaa markii hore shaaciyay wargeys ka kasoo baxa gudaha Yugaandha ee Daily Monitor iyo wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo Wall Street Journal.

Qoraal iyo sawir Twitter-ka lasoo dhigay ayey was aaraddu ku sheegtay in madaxweynaha iyo xub naha kale ee madaxtooyada midna aan la siinin wax tallaal ah.

Yugaandha ayaa ilaa hadda soo tebisay in ay diiwaan geliay 40,221 kiis oo fayraska Korona ah.

Waddankan ayaa rajeynaya in uu macaawino ahaan u helo 100,000 oo ah tallaalka loo yaqaan no AstraZeneca, taasoo uu ka sugayo Hindiya. Sidoo kale 300,000 oo tallaalka Sinopharm ah ayey dowladda Yugaandha ka sugeysaa Shiinaha.

Dowladda Federaalka Oo Farriin U Dirtay Goobaha Waxbarashada Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaa cisay in adeegyadii Waxbarashada la sii joogtey nayo, iyada oo marwalba la raacayo habraacyada ka hortagga COVID-19 ee ay ku baaqday Wasa aradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafedeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarshada ayaa lagu sheegay inMacalimiinta iyo Ardayda iyo dhammaan cid waliba oo ku lugu leh waxbarshada la farayo in ay u hoggaaansam aan habraacyada looga hortagayo caabuqa Covid19.

"Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tac liinta Sare ee XFS waxa ay war-saxaafadeedkan ku cadeyneysaa in adeegyadii Waxbarashada la sii joogteeyo iyada oo marwalba la raacayo Habra acyada ka hortagga COVID-19 ee ay ku baaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha da ee XFS” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Hoos ka akhriso War-saxafadeedka Wasaaradda

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Saamaynta Covid-19 ee Soomaaliya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dad hor leh oo laga helay cudurka Covid-19. Warbixin ay soo saaray Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 823 qof, isla markaana laga helay 198 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Dad ka laga helay Cudurka 190 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir, GalMudug hal ruu ayaa laga diiwaangeliyay, HirShabeelle 2 qof ayaa laga helay, Jubbalaan 3 qof iyo Koonfur Galbeed 2 qof ah, waxaana dadkaas 118 kamid ah ay yihiin rag, halka 80-ka kalena ay dumar yihiin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaamtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay ka bogsad een 3 qof, ayna u dhinteen 7, waxaana tirada dhimasha guud ahaan dalka gaartay 215.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 6,444 qof, halka 3,781 ay ka bogsadeen, Wasaar adda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafidda cudurka.

Puntland oo qaabishay in ka badan 160 Qoys oo Qaxooti ka soo cararay Yemen

Qaxooti ka kooban Soomaali iyo Yemenyihiin, oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen, ayaa Shalay soo gaaray magaalada Boo saaso ee xarunta Gobolka Bari, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa Boosaaso ku qaabilay doonnida siday Qaxootigaas oo gaaraya 164 Qoys, kuwaas oo u badan Haween iyo Carruur, sida lagu sheeg ay Qoraaal ka soo baxay Wasaaradda.

Qaxootiga ka soo carara dalka Yemen, oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin, ayaa lagu diiw aan-geliya xarun qaabilsan Qaxootiga oo ku taalla gudaha Boosaaso, ka hor inta aan dib u dejin loo samayn.

Dowladda Itoobiya Oo Raalli-Gelin Ka Codsatay Hay’adda UNHCR

15 Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka Nabad-ilaa inta Ethiopianka u joogay dalka Koonfurta Suud aan ayaa diiday in dib loogu celiyo dalkooda hoo yo, iyagoo QM ka codsaday Magangelyo Siy aasadeed.

Ciiddankaasi waxay qeyb ka ahaayeen 169 As kar Ethiopian ah oo dib ugu laaban lahaa dalkooda Hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgalkii Nabad-ilaainta ee ay u joogeen dalka Koonfurta Suudaan.

Askartaasi waxa la sheegay inuu gacan-qaad ku dhex maray Garoonka Caalamiga ee Diyaarada ha ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Jubba, iyadoo 15 ka mid ah Askartaasi diideen inay raac aan Diyaaradii ku sii jeeday Addis Abeba.

Haddaba, Taliska Ciiddanka Difaaca Qaranka Ethiopia (ENDF) waxayugu baaqeen Hay’adda UNHCR inay raalli-gelin ka bixiyaan warka ay sida qaldan uga faafiyeen Ciiddankii ka soo laabanayey Koonfurta Suudaan.

Milliteriga Ethiopia waxay kaloo sheegeen in qaar ka tirsan Hay’adda UNHCR xiriir la leeyihiin Kooxda TPLF, isla markaana ay Caalamka u gud biyaan Farriin qaldan oo ku aadan Askarta

gadoodka sameysay.


Beesha caalamka oo Shalay laba qodob kala hadashay R/W Rooble

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay kulan gaar ah la qaatay wakiillada beesha caalamka ee Soo maaliya, ee isku dayaya inay xal u helaan mura nka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu ba ahiyey barta twitterka ra’iisul wasaare ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay laba qodob oo muhiim u ah Soom aaliya. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in labadaas qodob ay kala yihiin:

1- Ka gudbista caqabadaha hor-taagan xal u helia dda is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

2 – Iyo dhowrista xasiloonida guud ee dalka, kadib rabshadihii ka dhacay Muqdisho.

"Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey twitterka Rooble.

Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira turxaan bixinta khilaafka madaxda Soomaalida oo ku heshii waayey doorashooyinka dalka, waxayna caqabadda ugu weyn ka taagan tahay sidii la isugu keeni lahaa.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad u diiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu gogoshiisa Muqdisho dhigay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna shuruudo adag ku xireen ka qeyb galka shir dambe oo looga hadlayo doorashada dalka.

Hindiya oo soo saartay digniin la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay xaaladda dalka & rab shadihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirka Hindiya u qaabilsan Qar amada Midoobay TS Tirumurti Addresses ayaa shaaca ka qaa day in loo baahan yahay in xal deg-deg ah laga gaaro muranka doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoshada khil aafka ka jira dalka, isaga oo tilmaamay in culeyska uu kasii darayo, haddii aan meesha laga saarin muranka ka taagan dalka.

Mr. Tirumurti ayaa ugu baaqay hoggaamiyeya asha Soomaalida inay wada-hadal ku dhammeey aan xiisadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyin ka ee 2021-ka.

"Hadii shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cu slaaneysa xaaladda, waxaana muhiim ah in ho ggamiyeyaasha Soomaalida ay ka heshiiyan khil afka doorashooyinka,” ayuu yiri Danjire TS Tiru murti.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dib u dahc kasta ee ku yimaada doorashooyinka ay ka faa’iideysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee kajira Soomaaliya.

Si kasta digniinta kasoo baxday Hindiya ee xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli weli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana aan weli heshiis dhab ah laga gaarin hanaanka doorashada dalka dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Al-Shabaab oo 72 saac u qabtay shacabka da gan ku dhowaad toban tuulo

Dhamaan dadkii daganaa ku dhowaad 10 tuulo oo ka tirsan degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka baxay guryahooda kadib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay oo aheyd 72 saacadood.

Qoysaskaan ayaa daganaa tuulooyinka iyo degaanada kala ah Leego, Yaaqbari weyne, Bela dul-amiin, Goobaanle, Guulow, Saha-weyn, Saha-yar, iyo kuwa kale waxaana in ay barakacaan ku amray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhul ballaaran ayaa la gubay, waxaana la too gtay dad badan oo degaanadaas ku sugnaa, kuwa as oo diiday in ay ka baxaan guryahooda.

Sababta ay dadkaan halkaas uga guurayaan ayaa ah dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ma leeshiyo macawuusleey ah oo dhulkaas dagan, kuwaas oo looga adkaaday dagaalo ay la galeen Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa damacsan in ay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Ba ydhabo iyagoo fariisin ka sameysan doono deg aanada aan soo sheegnay oo muhiim u ah wad adaasi. K/Galbeed ilaa hada kama aysan hadlin talaabada ay qaadeen Al-shabaab oo degaanka halis ku ah.

Senator Naciima oo ku baaqday in gurmad deg deg ah lala gaaro shacabka Yaaqbari-weyne oo argagixisada

Senator Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan aqalka sare ayaa ku baaqday in gurmad deg deg ah oo amni iyo mid nololeedba lala gaaro shac abka Yaaqbari Weyne iyo Leego oo argagixisadu bara kici say.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa gub ay tuulooyin dhowr ah oo ay ku dha qnaayeen dad shacab ah ka dib mar kii ay ka diideen in si baad ah kaga qaataan xool ahooda.

Senator Naciima Ibraahim Yuusuf ayaa sheegt ay in dadka laga barakiciyay guryahooda ay u kala carareen Afgooye, Muqdisho iyo deegaano kale kuwaas oo hadda wajaha daruufo nololeed oo aad u adag.

Waxay madaxda ugu sareysa Dowladda Fede raalka iyo Hay’adaha samafalka ay ugu baaqday in ay gurmad deg deg ah dadkaas la gaaraan.

"Waxaan codsanayaa Dowladda Federaalka oo madaxweyne u yahay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaare Rooble, gurmad waxay u baahan yihiin dadkaas deg deg ah,” ayay tiri Senator Naciima.

Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Kaladire oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in argagixisada Al-Shabaab ay gubeen21 tuulo oo dhaca xadka ay wadaagaan Hirshabeelle iyo Koo fur Galbeed, iyagoo barakiciyay dadkii halkaas deganaa, waxayna dhaceen xoolahoodii.

Xarun lagu baaro Covid-19 oo laga hirgaliyey Beledweyne

Xaruntii ugu horeysay ee lagu baaro cudurka Covid-19 ayaa laga hirgeliyay magaalada Balad weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, maadama mag aalada laga helay dadka qaba cudurka Corono Virus.

Dr. Cabduqaadir Maxamuud Ibraahim Goodir oo ah baaraha Cudurkan ayaa sheegay in xarunt an ay tahay tii ugu horeysay oo laga hirgeliya guud ahaan gobolka Hiiraan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Bulshada fursad u heli doonaan in laga baaro cudurkan oo mar kale dunida ku soo laba kacleeyay.

"Shaqadda hadda aan ku heyno waxay tahay Corono Virus, TB iyo HIV,” ayuu yiri Dr Goodir,” oo la hadlayay wariyaha warbaahinta Qaranka ee Baladweyne.

Sidoo kale, Dhalinyaro isxilqaamay ayaa u istaagay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khatarta cudurka Covid-19 iyo sida ugu haboon ay isaga ilaalin karaan.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona siisa Bulshada Soom aaliyeed, iyadoo soo gudbisa xaaladaha cusub COVID-19 ee 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay Samareeb

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Samareeb ku shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga,.

Kulankan oo ahaa mid Bulshada ka qeyb gashay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Amniga Caasimada, Maamulka Degmada Samareeb, Gudigga Amniga Ba arlamaanka Galmudug iyo Masuuliyiin kale oo dha maantood diiradda saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amniga guud.

Wasaarada Amniga ayaa kulankan ku shaaci sey in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaab aha maanka dooriya ee guddaha deegaanada Galmudug iyo in Guryaha laga kireeyo dad aan og olaansho ka heysan laamaha amniga, isla mar kaana aan marin hubinta hey'addaha qaabils an howlahaasi.

Maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira xaqi ijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan deegaa nadaas.

Puntland Oo Go’aan Kasoo Saartay Banaanbax La Qorsheynayo Inuu Dhaco

M/Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa kulan looga hadlay amniga Gobolkaas ku yeeshay Hay’addaha amniga Maamulka Puntland, iyadoona kulanka laga soo saaray amaro ku socda shacabka Boosaaso.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada la gu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga Gobolka iyo kan Boosaaso, wadashaqeyn dhexmarta shac abka iyo laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo amni darro ah.

Guddiga Amniga Gobolka Bari ayaa kulanka ka soo saaray go’aan lagu joojiyay gebi ahaan isku imaatinada Bulshada iyo la qabto banaanbax la qorsheynayo in Jimcada soo socota uu ka dhaco halkaas.Taliye ku-xigeenka qaybta Bari Yuusuf Ca bdi Cartan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay mamnuuc yihiin isu-imaatinnada dadweynaha iyo dhammaan nooc kasta oo banaanbax ah.

Yuusuf Cabdi ayaa tilmaamay inay ka go’an ta hay sugida amniga Magaalada Boosaaso iyo ka hortagga in fowda laga sameeyo gudaha magaala da, isla markaana shacabka ugu baaqay inay qaa tan go’aanka soo baxay.

Si kastaba Go’aan lasoo saaray ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo la qorsheeyay in maalinta Ji mcada Magaalada Boosaaso uu ka dhaco banaan bax looga soo horjeedo khudbadii habeen kahor uu jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid

Cabdullaahi Deni.

JAMAAL KHAASHUQJI: MAREYKANKA OO DAABACAYA WARBIXIN KU SAABSAN DILKIISII


Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qorshaynayo inuu "goor dhaw" la hadlo Boqor Salmaanka Sucuudi Cara biya.Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli maa mulka Marey kanka uu isu diyaarinayo inuu daac abo warbixin ku saabs an dil kii weriyihii u dhashay waddanka Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji.

Mr Khaashuqji ayaa 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhexdilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku le eyahay M/Istanbul ee waddanka Turki ga.

Warbixinta ayaa si wayn loo sug ayaa in dilka ninkaasi ay ku xiriiriso hogaamiyaha ruuxiga ah ee Suc uudi Carabiya, Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Mr Biden ayaa sheegay inuu doonayo inuu "dib u qiimeeyo" xiriirka uu dalkiisa la leeyahay Sucu udi Carabiya, isagoo tilmaamay in Mareykanku uu doorbidayo inuu si toos ah ula tacaamulo Boqorka da'da ah ee Sal maan.

Hasayeeshee weriye ka tirsan BBCda ayaa wa xa uu sheegayaa in Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed ay aad ula dhacsan yihiin da'yarta Sucu udiga inta badanna uu gacanta ku hayo boqortoo yada.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dag aya, Donald Trump ayaa horay loogu eedeynayay inuu dhagaha ka fureystay xad-gudubyo bani'aad annimo oo lala xiriiriyay dhaxal sugaha Boqortooy ada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, balse waxaa su'aalo la iska weydiinayaa waxa uu noqon karo mowqifka madaxweynaha la doortay ee Ma reykanka, Joe Biden.

Warbixin uu daabacay wargeyska "Washington Post" ayaa lagu sheegay in maamulka Donald Tru mp uu ka arrinsanayo sidii uu u aqbali lahaa codsi uga yimid Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaasoo ku aaddan in dhaxal sugaha Mareykanka laga siiyo xasaanad ka ilaalineysa in dacwado looga soo oogo gudaha waddankaas.

Arrintan ayaa cirka kusii shareertay muranka la xiriira tallaabooyinka uu qaado Maxamed Bin Sal maan iyo sida ay arriahaas u wajihi doonto dowl adda cusub ee uu hoggaamin doono Joe Biden, oo ah nin ka soo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga, aadna uga mowqif duwan Donald Trump.

Codsiga xasaanadda ayaa, sida uu sheegay Washington Post, waxaa diiradda lagu saaray kiis ka dhan ah bin Salmaan oo uu Mareykanka u gud biyay Sacad al-Jabri oo horay u ahaa sarkaal ka tir sanaan jiray sirdoonka Sacuudiga, haddana isa goo baxsad ah ku nool waddanka Canada.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in ilo uu aqo onsigooda qariyay uu kasoo xigtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay qareennada Sacad ka dalbatay inay usoo gudbiyaan warqada ha dhinaca sharciga ee caddeynaya kiiskooda, si ay go;aan uga gaarto in la aqbalo codsiga xasaa nadda ee Bin Salmaan, xilli waaxda caddaaladda ee Mareykankana ay tix galineyso in ay kiiskaas furto.

Markaas wixii ka dambeeya waxaa la filayaa in waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay codsi u dirto mas'uuliyiinta waaxda Caddaaladda, kuwaasoo go'aankoodu uu yahay heer federaal.

Haddii ugu dambeyn la hirgaliyo xasaanadda Bin Salmaan, waxay micnaheeda tahay in magaciisa laga saari doono kiis walba oo uu Mareykanka ku lug leeyahay.XIGASHO:BBC


UGAASKA XAWAADLE OO L A XAQIIJIYEY INUUSAN U GEERIYOON COVID-19 – SIDEE WAX U JIRAAN?


Qoraallo ay soo saareen isbitaalka Madiina iyo Taliska booliska Soom aaliya ayaa lagu shaaciyey sababta keentay dhimashada Allaha u naxa riistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Habeen hore ku gee riyooday magaalada Muqdisho.

Warqadahaan waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaasku uusan u geeriyoon cudurka Coron avirus oo markii hore la sheegay inuu sab absaday.

Sida lagu sheegay qoraalkan, baaritaana dii la sameeyey waxaa lagu xaq iijiyey in Uga as Xasan uu u geeriyooday Wadne xanuun.

Dhakhaatiirta caafimaadka iyo laanta baa rista dembiya ee booliska Soomaaliya ayaa geerida Ugaaska kadib bilaabay baaritaano, si loo og aado sababta keent ay dhimashada.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska beesha Xawaadle ayaa Ha been hore fiidkii hore ku geeriyooday Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Mu qdisho, oo ugu dambeyn uu Habeen hore ku geeriyooday.Meydkiisa ayaa la sheegay in berri loo qaadayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan oo lagu aasayo, halkaas oo ay degaan qoyska reer Ugaas ee be esha Xawaadle.

Hirshabeelle Oo Soo Saartay Go’aan Looga Hortegayo Cudurka COVID-19

Maamulka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Shalay soo saaray Go’aan cusub oo looga hortegayo faafida Cu durka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soom aaliya.

Warqad kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Jowhar Cismaan Max amed Mukhtaar ayaa waxaa dhamaman shacabka kunool Magaalada Jo whar la faray inay joojiyaan isugu imaatinada, sida shirarka xafladaha, Aroosyada iyo wixii lamid ah.

Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday inay qaatan tallooyinka Caafi maadka ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida Cudurka COVID-19 oo kiisas farabadan laga helay deegaanada Maamulka Hirshabeelle. Guddoomiyaha Caasimadda Hirshabeelle ayaa laamaha amniga Maamu lka faray inay xakameeyan goobaha ay isugu yimaadan dadweynaha, isla markaana shacabka u hoggaansaman Digniinta Caafimaadka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Jowhar.

GAAS: Waa in la diidaa in shacabka awood milatari lagu caburiyo banaanbaxuna waa..

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Max amed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa si adag kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda adag ee mag aalada Muqdisho.

Gaas ayaa wareysigan taageero ugu muujiyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaa radka, wuxuuna shee gay in laga qaldan yah ay, sida uu hadalka u dhi gay.

Sidoo kale wux uu tilmaamay dibad-bax a ay abaabulayaan uu ka dhashay rajo xumo la ga qabo in ay dhacdo do orasho dimuqraadi ah.

"Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanba xan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanba xa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuq raadi ah dhacdo,” ayuu yiri Mudane Cabduweli Gaas.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga hortego in awood milatari loo adeegsado shacabka.

"Dalkan 21-sano oo Diktaatooriyad ah ayuu soo maray waana in la dii daa in shacabka awood milatari lagu caburiyo banaanbaxuna waa Dast uuri,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalinta beri ah lagu wada in dib ad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhaco gudaha Muqdisho, kaas oo ay hadda abaabulayaan musharraxiin ta, waxaana socda wada-hadallo ku aadan dibad-baxaasi.




Bashiir Raage Shiiraar Oo Codsi U Diray Madaxda Dalka Iyo Musharixiinta Cod Dheerna Ugu Dalbadan Madaxweynaha Turkiga Inuu Ka Soo Gaaro Xaladda Soomaaliya Dhibaatada Shacabka Muqdisho {WAREYSI}


Barnaamijka xog wareysi ee ka baxa radio kulmiye ee M/Muqdisho ayaa waxaa lagu wareyst ay ganacsadaha weyn ee soomaaliyeed oo sanad kii 2016-kii isu soo sharrax xilka Madaxweynenimo ee Dalka Soomaaliya ayaa si aad ah ugu hadlay xaaladda shacabka M/Muqdishoay ku sugan yih iin taasoo ah in la doonayo in dib loo celiyo ka dib daal badan iyo dhibaato badan oo ay soo mareen ka dib haatan wadanaha ay farta ugu hayaan in mar kale Qax iyo Dagaal ay Wajahaan.

Haddaba waxaa taasi si aad ah ugu qeyla dha amiyey ganacsade Bashiir Raage oo Afka furtay in dalka iyo dadka mar kale ay galaan walaahoow iyo burbur hor leh wuxuuna ugu digay siyaasyiinta musharaxiinta ah iyo madaxda soomaaliyeed in da nta dalaka iyo dadka aan la dayicin ummadda na aan la dhibaateyn .hadalladiisa ka mid ahaa:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Bismillaahi Raxmaa ni Raxiim,Bismillaahi Raxmaani Raxiim ,ilaaheyo ow Abshirta na waafaji Aamiin

Waxaan ka hadlayaa Xanuun aan la seexan waayey, oo beryahaan I hayey ayaan ka hadlayaa

haye oo ah?

Waa Xaalada Shalay ay mareyso oo ah in dad ku ay qarka u saran yihiin inay iska key Dilaan.

Haye Mana Aqbali karo Mana Aqbalaayo , taasina anigu ma Aqbali karoMana Aqbalaayo , haddiise Ilaaheey Idinkiis anoon Ciil qabin inaan sheegaan rabaa sida ay ila tahay oo Runta ah,

Waxaa jirta in 19-kii bishaan Mudaaharaad iyo wax la Abaabulay in Xabbado dhaceen in Dad ina dhaafay. Wixii laga soo gudbay haddana waxaa soo baxay Mudaahiraad kale inay 26-ka ayuu dha caa la sheegayo,

Marka Waxaan rabaa inaan Ummadda Soomaa liyeed u sheego Dadkoo dhanna aanOgeysiiyo Caalamkana inaan Ogeysiiyo

Su;aal:-Maxaad Ogesiineysaa Marka ?

Jawaab:- waxaan Ogeysiinaa waxa socdo oo dhan, wax sax ah ma aha ,in la is Dilo waxaa ku xi gta in dhibaato dhacdo in dad dhinto,Dad dhaa wacmo in la qaxo oo uu Cago -Barar yimaado Ho ogMadoow oo dhan ayaa ku Xigto.

Qibrad dheeraan u leenahay waxaan rabaa in arri ntaas dhulka la dhigolana joojiyo ayuu yiri Bashiir " Dadkaanu meel kala tegi maayaan ilaaheybaa is ku uumay ,wax ba danaa la soo maray meeshey haanta joogto ayaa la keenay in Dadkaan walaala ha ah waa inaywa da hadlaan ,waayoo waa wal aalo oomeel kala tigi maayaan ,

Su’aal:- Marka Bashiir Raage Dadka Soomaali yeed jahwareerbay ku juraaan oo Adigubaa had da Qiraya Dadka Marrasta ah, ama shacabka ah oo Siyaasadda Dibadda ka joogga ka ah waxaay garan la’yihiin Cidda ay Masuuliyadda Dusha u Sa arayaan oo haddii uu Qax dhaco haddii ay Dhima sho dhacdo, haddii Fowdo sidii Jimcihii hore dhac do ,Cidda lagula Xisaabtamayo iyo cidda hadda wax ka qabaneyso Yaa Weeye?

Jawaab:-Arrintaas haddii ay dhacdo Cid ku Shar La ‘aaneyso Ma Jirto, Cid ku Denbi La’aan eysa Ma Jirto " Laakin Marka waxaan Rabnaa in DadkuOg aado haddii la is khilaafo in Miis Du shiis la soo wada Fariisto oo la wada hadlo " Anna ga oo aanan isku halleynin dad aanwax inoo aheyn oo lagu leeyahay UN-ka war Annaga Shaqo kuma lihin UN. wax ay inoo yihiin ma jirto , Dalkaanu dhibaa to badan buu soo maray

Su’aal:- Bashiir Raage waayo joog hore ayaad tahay oo Colna Yaqaanna Nabadna Yaqaanna, Magaaladaan ayaad joogtaa, Marka Ma Waxaa ku la Habboon oo aad ku Talineysaa in Bannaabaxa si Nabad Galyo ah uu ku Dhaco oo ay Dowladdu Oggolaato, Mise waxaad ku Talineysaa in Bannaa nbayada la joojiyo oo Dowladda go’aankeeda ku Adkeysato, Taladaada Maxaa weeye Ujeedada adu waa Maxay?

Jawaab:-Ujeeddada waxaay tahay Bannaan baxaiyo Dowladdaba inaan Iraahdo waan Difaac aa 2 Badubama Taageerayo, waxaan taageeraa in Dadku Nabad Galo oo uu dhib La’aado no olaado Taasaan Taageeraa aniga , Fiiri Anigu Do wladda Difaac Uma ihi, Mucaaradka nimankaan Sheeganayana Difaac uma ihi .

Aan runta kuu sheegee Saamiley siyaasadeed haddii la yiraahdo anigu waxaan ahay Ninka ugu saam iga badan oo waddankaan wax uu ka qabtay Nin ka qabtay uusan jirin , laakiin waxaa horteyda ka muuqdo oo aan la seexan waayey Dalkeyga ,waxa aan ka soo maray Shalay waxuuna Qarka u saran yahay inuu Bur-buro oo Beel Beel la isku Di lo wax ah ayaa horteyda soo fuushay oo ii muu qanayo,

Su’aal:- Waa runtaaye Dadka soomaaliyeed waxaay u baahan yihiin inay nabad dhacdo oo uusan dagaal dhicin oo labada dhinac is fahmaan, marka masuuliyadda adigaku saran ee Dadka Aqoon iyo waaya Aranimada leh la saaray waxaa weeye qofkii Qaldan inaad tiraahdo waad qaldan tahay Miyaadan Caddeyn Karin ,Yaa lala hadlaa baaq iyo hadal waa lagu daalaye ?

Jawaab:-waxaa la yiri Ilma Adeer Isma Indha Buu xshaan ayaa " Fiiri yaa Nimankaan oo walaala heyna ah oo Mucaaradka Musharrixiinta iyo Nim mankaan wada Jooga 2duba dad aan wada dha lan waaye

imla adeerradeyna ah oo mucaaradka musharr ixiinta ah iyo nimmankaan hadda xukunka heysta waa dad aan ehel nahay, ma indha buuxin karno haddii aan runta u sheegno waxaa lagu leeyhay hebelow la jiraa iyo hebeloow la jiraa

Marka adduunyada meel aan u Cila dhaasanno ayaa jirta meeshaasaan u cila Dhaansaneynaa

Su’aal:-Xaggee weeye meeshaad u ciladhaamine ysaan?

Jawaab:- Meshaa inay wax ka qabato ayaana ku rajo wey nahay Jawaab:-waxaan u Qeyladhaansa neynaa annagoo ummadda soomaaliyeed ah oo dadka oo dhan oo shacabka ah oo ummaaddaan codkooda aan ku hadlayo ayaan leenahay walaa laheeyna Waa nimanka la yiraahdo Turkish.

Bahsiir Raage aya si xooggan afka u furtay isagoo leh Turkiga sida Un-ka ma aha Union ma aha,sida dowladaha waaweyn ma aha ,si dhab ah oo walaaltinimmo ah ay noo jecelyihiin oo ay wa dnaha noogu heystaa,waa Nimmanki noo soo gur maday markii Abaartu jirtay oo uu abaarbuhuna saarnaayeen. ”Ankara waxaa ka codsaneynaa oo aan u jeedin eynaa umaddaan oo aan ilmaalahoo da alle ka sow nahay inay Qatar ku jiraan isla ma rkaasina 24 saac oo tegay maba dhamma inay u soo gurmadaan oo ay soo gaaraan oo ay usha dhexda ka qabtaan .

Su’aal:-Mucaaradku turkiga waxay ku eedeeyeen inay dowladda la safteen adigu waad ogeyd in safiirka turkiga lagu eedeeyey in uu taageeray gud digii doorashada oo dooddu ka taagan tahay oo ayaan dhan lagu heystay .

Jawaab:-Haba ka yaabin haka yaabin in doc ka ye er ah Shuqul kuma lihi , Turkigu Cid uu la safan ya hay ma jirto” ayuu yiri Md. Bashiir Raage wuxuuna intaa ku daray "Turkiga Wuxuu la safan yahay um madd aan uu u soo Gurmaday ee Abaartu Heysay Madxweyne Ordigan iyo Carruurtiisa inta yimaadeen ,Qax ootiga iyagoo Boorka ka tiraya carruurtii dhibaateyneyd iyadoon cid inoo so gurm ay aysan jirin markaas ka dib ayey kuwaan kale inagu soo yaaceen mana dooneyno, sidaas ayaan ugu qeyla dhaansaneynaa Turkiga oo aan leenah ay waa dalka si weyn inooga naxayo .

Su’aal:- Adiga walwalkaan ku heysta ma ku qus eysaa dibadbaxyada kaliyaa mise si guud arrima ha doorashaduna wuu ku jiraa?

Jawaab:-Muranka doorashada iyo waxaas waxcil mi ku dhisan ma aha muranka doorashada wax dhiba ma leh, waxaa la yiri hashii Bil qadday Beri kuma dari weydo , Doorshada wax walwal ah oo ay igu heyso ma jirto aniga ,laakiin waxaan ka soo horjeedaa in la is Dilo , oo ay xabbadu dhacdo la Dhaawacmo oo qof inaga Dhinto taas ayaan ka soo horjeedaa oo Cuqdo la isku qaado, iyo wax aan ka soo hor jeedaa wax kasta oo xummaan ah oo dhiig ku daatoayaan ka soo horjeednaa, Waa nain la joojiyaa isu goodinta awoodaan leeyaay iyo xoogaan leeyahay, waa in la joojiyaa isu awo odsheegashada iyo wax aan doonaan sameyna yaa wax ay sameyneyso ma jirto intaasi in la is yir aahdo taasi waxaay ku soo dhammaneysaaEber Eber Eber{000}

Dadkuna waa dad walaal ah oo aan kala tag eyn oo aan kala maarmin oo qof hadduu dhinto Qofkii dhinto oo Godka la Geeyo Qofka kale Tebi doono

Su’aal:-Maxaad ka codsaneysaaBashiir ?

Jawaab:-Waxaan cidsanayaa ninka mucaarad ah iyo nimanka hadda joogo xukunka waxaa la leeyah ay waqtigooda waa dhacay, waqti wuu dhici kar yaa haddii la is af garan waayo waxaan ugu baaq ayaa inay heshiiyaan oo coll lagu heshiiyo Ragg aa musharrixiinta ahna oo bannaabaxa soo abaab ulayo inay cagta dhul u dhigaan , kuwaan ay qorya ha u afeysan yihiina ay cagta dhulka u dhigaan , waxaan u qeyshadayna inay inoo yimaadaan ay aan rajeyneynaa inuu odigaan ino yimaado ayaan Rajeyneynaa.

Su’aal:-Bashiir raage in la wada hadlo iyo in la heshiiyo gaal iyo muslinba way soo jeediyeen, wax natiijo ahna kama soo bixineadia wax ka du wan ma heli kartaa?

Jawaab:-Ma I maqleysaa wallaahi Billaai Tallaali Gaal iyo Muslinba in aysan ka daaleyn wallaahi in aanan ka daaleynin baaq , ma yeleyno mana yeele yno , in cunug ama wiil ama qof soomaali ah ay xabbad ku dhimato mar danbe ma dooneyno ma na dooneyno waxaana leenahay ma rabo, manta na u qeyshan meyno Yurubiyaan Union UN-ka wa xaan u qeyshaneynaa waa Turkish codkeyna waa dheer yahay waxaan u qeyshaneynaa walaalkeen kii saan ogeynay noo yeelay, waa Madaxweynaha

Bashiir Raage Shiiraar Oo Codsi U Diray Madaxda Dalka Iyo Musharixiinta Cod Dheerna Ugu Dalbadan Madaxweynaha Turkiga Inuu Ka Soo Gaaro Xaladda Soomaaliya Dhibaatada Shacabka Muqdisho {WAREYSI}

Dalka Turkiga Md. Ordigan waxaan leenahay oo aan ka codanseynaa in ay ANKRA inaga soo gaar to waxa socdo oo xumShalay badan leh ayuu si Murugo badani ay ka muuqato isagoo ciil ka qabo in shacabka dhibka ay wajahayaan ka xanuunsanayan in dhib kale lagu celiyo Cod dheer ugu Cod saday Dowladda

Turiga,Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar

Su’aal:- Muxuu ka qaban karaa Turiga arrintaan?

Jawaab:-Wax badan buu ka qaban karaa oo run ta ayuu u sheegi karaa midkastaa2da dhinaca kac ayuu dhihi karaa, muxuu wax ugu qaban waa yey nin Aaminsan walaalnimada waaye, waa ninkii ciidamada inoo soo tababaray Dalkana wax badan ka qabtay , waa ninka nalooga soo geli waaye.

Su’aal:- Laakiin Ciidmada uu soo tababary waa kuwaan dabaabaadka wata oo Magaalada gaaf wareegaya

Jawaab:-Wax yar oo qalad ah oo dhacay ma aha in wax laga soo qaado waa in la saxaa, laakiin an aga turkiga cid aan dhaafsaneyno ma jirto waxaan leenahay hana soo gaaro god baan ku dhacnay oo aan ku sii soconaaye alle hana baajiye naga soo gaar walaalaheyna Turkiga ahow.

Su’aal:- Madadxweynaha xiligisa dhamaday Md. M.C/hi Farmaajo iyo R/wsaare Booble iyo madax dii kale ee Dalkamaxaad ugu baqeysaa?

Jawaab:- Aniga luuqaddaas ma rabo noo, Farma ajo waa madaxweyihii xukumayey dalka 4ta sano Rooblena waa primo manestarkii walaalaeyna Xa shan Sh.& sh.Shariif waa raggii hore dalka u soo xukumay hadday ku guuleysanwaayeen waa in ay dadkooa badbaadiyaan, Cod dheer ayaana ku le eyahay ummaddiina badbaadiya dalkina ha burbu rinina ayuu ku soo gabagabyey Warisga Bashiir Raage uu ugu hadlay xaaladda cakiran oo ku soo fool leh bulshda soomaaliyeed qaasatan kuwa Mu qdisho oo wadnaha farta ku haya maalinta Jimca ha oo laga filan karo hadduusan caqligu shaqeyn in dhibaato lala damacsan yahay dano gaara ay ka leeyihiin masuuliyiinta iyo mucaaradka soomaaliya Alle hana Badbaadiyee. Bashiir Raage shiiraar ayuu kaasi oo ka hadlayey xaaladda murugsan ee dalkalooga baqayo dagaal iyo barakac cusub ee ciidan oo ay marti geliso muqdisho haddii uusan imaan tanasul iyo is afgarad Wareysigaan ayuu Bixiyey 24.2.2021

DHAMMAAD

Maalqabeen maalin qura ku waayay kaalinta koobaad ee taajirnimada caalamka

Mulkiilaha shirkadda Tesla Elon Musk, ayaa lumiyey kaalinti koobaad ee uu uga jiray maal qabeennada adduunka, kadib markii dhawaan uu hoos u dhac ku yimid saamiga shirkadda samaysa gaadiidka isticmaala korontada, oo ahayd halka uu ka helay hantida ugu badan.

Saamiga Tesla ayaa hoos u dhacay in ka badan 20% tan iyo markii uu horraantii January gaaray in ka badan 880 dollar saamigiiba.

Waxay aad hoos ugu dheceen toddobaadkan ka dib markii shirkadda ay dhawaan lacag ka badan 15 bilyan oo dollar ay ku lumisay lacagta Bitcoin loo yaqaan.Hoos u dhaca ku yimid ganacsiga Elon Musk ayaa waxa uu u horseedday Jeff Bezos inuu markale noqdo qofka ugu taajirsan dunida oo uu hogaanka u qabto liiska maal-qabeennada.

Khatarta lala xiriirinayo isbedalka Bitcoin oo maalmihii dambe hoos u sii dhacayay ayaa sare u qaaday suuragalnimada ah in qaar ka mid ah maalgashatada shirkadda Tesla ay iibiyaan saamigooda xitaa haddii aysan shirkadda dhaawac u geysan hoos u dhacan, sida uu sheegay Dan Ives oo ah falanqeeya dhanka amniga ah.

Hoos u dhaca ku yimid Bitcoin 48-dii saacadood ee la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah maalgashatada ku qasbay inay iibiyaan saamigooda.

Maxaa sababaya in saamiga Bitcoin la iska iibiyo?

Qiimaha Bitcoin ayaa 50% sare u kaacy toddobaadyo kadib markii Telsa ay shaaca ka qaadday inay iibsatay saami qiimihiisu gaarayo 1.5 bilyan oo dollar ay aqbashay in ay bixiso lacagtaasi.

Hase yeeshe Bitcoin ayaa 20% hoos u dhacay wixii ka dambeeyay Axaddii, taasi oo weli ka sarreysa markii uu ay Telsa iibsatay saamigeeda.

Musk oo ka dambeeyay sare u kaca Bitcion ayaa sidoo kale nafsaddiisa isku eedeynaya inuu ka dambeeyay hoos u dhacaan dhawaan ku yimid Bitcoin.

Dhammaadkii todobadkii hore ayaa Musk ku baahiyay barta Twitter in qiimaha Bitcoin uu sare u kacay.

Sidoo kale xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka Janet Yellen ayaa sheegtay in lacago si xawli loo baxayo, taasi oo uu muuqatay inay u digeyso Bitcoin.

Maxaa kale oo samaynaya shirkadda?

Maalgashiga Musk ee Bitcoin ayaa ku soo beegmay iyadoo shirkadda Telsa ay wajahyso caqabado kale.

Shirkadda ayaa dhawaan hakisay iibinta gaawaarida nooca Y SUV, taasi oo Musk uu kaga gol lahaa inuu hormariyo xilliyada u dhaxeeya iibinta noocyada kala duwan ee gawaarida.

Bilowgii bishan, sharci-dejiyaasha Shiinaha ayaa u yeeray shirkadda.

Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017.

Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee uu leeyahay Elon Musk ee Tesla, ayaa qiimo aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray 700 oo bilyan oo dollar markii ugu horreysay maalintii Arbacada ee Dorraad.

Mr Bezos ayaa sidoo kale dhaqaale badan ka faa'iiday xayiraadihii Fayraska Korona, maadaama ay shirkaddiisa Amazon ee internet-ka wax ku iibisa lacago badan ka soo xareysay dadka iyagoo guryahooda jooga wax iibsanaya.

Hase yeeshee 4% ka mid ah ganacsigiisa ayuu siiyay xaaskiisii hore, MacKenzie Scott, kaddib markii ay kala tageen, taasoo Musk ka caawisay in uu kala wareego booska taajirnimad

Intii lagu jiray sanadkii dhammaaday ee 2020, lacag dhan $140 bilyan oo dollar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ahaa $167 bilyan oo dollar. Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka.

Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta.

Malaysia oo musaafurisay dad u badan muslimiinta Myanmar

Maamulka Malaysia ayaa dalkooda ka masaafuriyay 1,086 qof oo dib loogu celiyey dakja Myanmar, ka dib markii maxkamadda dalkaasi ay diidday codsi ka yimid kooxaha xuquuqda aadanaha oo la xiriiray in la joojiyo tallaabadaasi.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in dadkasi la masaafuriyay ay ku jiraan qaar ka mid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee dhibaatada loogu geystay Myanmar.

Masaafurinta dalkaasi oo u badan muslimiid ayaa imaaneysa xilli dalka Mayanmar ay afgambi ku qabsadeen ciidamada,waxaana suurtagal ah in celinta kooxahaasi ay dhaliso khatar intaa ka sii weyn.

Xukuumadda Malaysia ayaa sheegtay in kuwa dib loo celinayo ay galeen dambiyo dhinaca socdaalka ah, waxayna dadka la celinayo ku tilmaameen in aysan ahayn magangalyo-doon.

Sirdoon U Dhashay Suuriya Oo Lagu Xukumay Dalkii Magangelyada Siiyay

Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Suuriya ku xukumay afar sano oo xarig ah.

Eyad al-Gharib, oo 44 sano jir ah ayaa lagu helay dambiyo la xiriira xad gudubka bini’aadannimada, dacwad oogayaasha ayaana ku doodayay in 2011-kii uu tacadiyo kula kacay dad bannaan baxayay.

Waa maxkamadeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah oo ku saabsan gabood fallo la sheegay in uu gaystay Nidaamka Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Anwar Raslan, oo u dhashay Suuriya ahna 58 jir ayaa weli maxkamad ku socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip