
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA MAARSO 2016-KA
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo doorkeedu yahay fududeynta iyo taageerada barnaamijka baahinta xukunka ay si diiran u soo dhoweyneyso tallaabadan geesinimada leh ee ay shalay ku dhawaaqeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.
"Aad baan ugu faraxsanahay in tallaabadan horay loogu dhaqaajinayo geeddisocodka dhismaha maamulka labadan gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Marnaba kama daaleyno inaan shacabka ku dhiirigelino inay wadahadlaan, aayahoodana ka tashadaan. Dowladda waxay sii wadeysaa dadaalkeeda ku aaddan in shirka ka socda Jowhar uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana qeybaha maqan loogu bishaareynayo in albaabada wadahadalka ay mar walba u furan yihiin’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiim ay tahay in goob kasta oo dalka ka mid ah ay ka jirto maamul lagala xisaabtamo arrimaha amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada, sidaa darteedna gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay dan ugu jirto inay yeeshaan maamul u horseeda hourmar, nabad iyo barwaaqo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay tallaabada beelahan ay dib ugu soo biirayaan shirka ka socda Jowhar, waxaana uu ballanqaaday in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii qeybaha weli shirkaasi ma maqan loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka muhiimka ah ee Jowhar ka socda.
Odayaasha dhaqanka ee shalay ku dhawaaqey tallaabada dib ugu biirista shirka ayaa sheegay inay maalinta beri ah si rasmi ah ugu ambabaxayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa saddexdi sanno ee ugu dambeysay dadaal ugu jirtey fududeynta iyo taageerada dhismaha maamullada dalka, iyadoo ku guuleysatey dhismaha maamullada Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
DOWLADDA FEDERAALKA OO HESHIIS LA GAARTAY QAAR KA MID AH ODAYAASHA DHAQANKA HIIRAAN
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay heshiis la gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, iyadoo lagu heshiiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Odayaasha u tagaan Jowhar, si loo ambaqaado shirka dhismaha maamul u sameynta.
Kulamo saacadihii la soo dhaafay u socday Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa markii dambe la isku afgartay, iyadoo illaa sideed ugaas ah ay aqbaleen inay Jowhar tagaan, shirkana dib loogu laabto.
Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah ah, in shirka Jowhar dib loogu laabto, in talada gacanta loo geliyo odayaasha labada gobol, dowladduna ay fududeyso iyo in wada jir loo raadiyo dadka diidan ama dhaliisan shirka.
Fulinta heshiiska ayaa waxaa loo saaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, kaasoo dhameystiri doona wixii tabasho ah ee ay qabaan beelaha.
Qaar ka mid ah Odayaasha shirka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiska, ayna tagayaan shirka Jowhar.
Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in wixii berri ka bilowda la bilaabi doono daadgureynta ergada ka qeyb galeysa shirka.
Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad oo ka mid ahaa illaa sideed oday dhaqameed ee heshiiska la saxiixday dowladda ayaa sheegay inay tagayaan Jowhar, shirkana ka qeyb qaadanayaan.
Odayaasha goob jooga ka ahaa heshiiskan ayaa waxaa ka dhex muuqday odayaal ka soo jeeda galbeedka magaalada Beledweyn.
Hase ahaatee odayaasha kale ee uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa heshiiska ka soo horjeestay, iyagoo sheegay in aanu quseyn heshiiskaas.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in Ugaasyadii kale ee la safnaa la kala fur furay, waxaana uu xusay in cidii rabta ay tagi karto magaalada Jowhar, isagoo xusay in isaga iyo labo ugaas kale aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan shirka Jowhar
Dowladda Federaalka ayaa adeegsaday qorshayaal ay ku kala fur furtay odayaashii dhaqanka ee horay isku mowqifka ahaa, waxaana la sheegayaa in odayaasha qaar ee heshiiska ogolaaday ay balan qaadyo ka heleen Madaxweynaha.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in wax kasta oo suura gal ah in shirka Jowhar socodsiiso, maadaama muddo saddex bilood ku dhow uu hakad ku jiray.
Odayaasha dhaqanka ee uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa markii hore isku mowqif ka ahaa gogosha shirka la keeno Beledweyn iyo in la qabto shir dib u heshiisiin, balse waxaa muuqata in odayaashii horay u mideysnaa inay hada labo dhinac kala noqdeen.
MADAXWEYNAHA: "HESHIISKA KISMAAYO WAXAA UU MUUJINAYA BAAHIDA LOO QABO IN LA BALLAARIYO LANA DHIIRIGELIYO HAWLAHA DIB U HESHIISIINTA’’
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhowaan magaalada Kismaayo ay ku kala saxiixdeen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolladaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ka tarjumayo biseylka shacabka ee fahamka dib u heshiisiinta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
"Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan u hambalyeynayaa maamulka Jubbaland iyo beelaha degaankaasi, tallaabadan horumarka leh ee ay sameeyeen. Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta. Waxaan Jubbaland iyo beelaha ku dhaqan ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan hawshan quruxda badan oo aasaas u ah dhismaha Soomaaliyada cusub ee aan doonayno inay ku saleysnaato wada noolaansho, nabad , isaqbalid iyo in horumarka laga wada shaqeeyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Jubbaland ay tusaale fiican u noqotay Soomaaliya inteeda kale, isagoo ugu baaqey maamullada iyo degaannada kala duwan ee dalka inay iyaguna qaadaan dhabbada hirgelinta iyo ballaarinta hawlaha dib u heshiisiinta.
Waxaa uu Madaxweynuhu xusuusiyay shacabka in dib u soo celinta kalsoonida isaaminaadda dhexdooda ay ku imaan karto inay is cafiyaan, kana wada shaqeeyaan dib u heshiisiinta
RA’IISUL WASAARE CUMAR OO UGA MAHADCELIYEY DAWLADDA TALYAANIGA TAAGEERADA AY SIINAYSO SOOMAALIYA.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dawladda Talyaaniga iyo Urur Gobolleedka IGAD uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, kadib, kulan uu xarunta Madaxtooyada Puntland kula qaatay Xoghayaha Guud ee Urur Gobolleedka IGAD Danjire Maxbuub Macalin. Kulanka oo lagu soo bandhigayay dhameystirka mashruuca wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dawladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dawladda Talyaaniga ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, wuxuna xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsatay Talyaaniga in gacan ay ka geystaan dhismaha wajiga labaad ee Garoonka, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.
‘’Sidaa la socotaan dawladda Federaalka Soomaaliya waxay horey u balanqaaday in gacan ay ka geysan doonto wajiga labaad ee Mashruuca dhismaha Garoonka Boosaaso, anagoo balanqaadkaas ka duuleyna waxaan ka codsanay dalka Talyaaniga in ay naga caawiyaan dhamaystirka Mashruucan waana naga aqbaleen, iyagoo noo soo maraya Urur Gobolleedka IGAD, shalayna waxay noogu yimaadeen sidii loo hirgelin lahaa fulinta qorshahaas.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin.
QEYBAHA BULSHADA OO KU EEDEEYAY GUDDIGA QM INAY IS HORTAAGEEN SOO KABASHADA SOMALIA
Shir balaaran oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho in ka badan 500 hogaamiye oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada sida, Ganacsatada, Bulshada rayidka, Culimada, Saxaafada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka, ugana doodeyn dhibaatada joogtada ah ee Gudiga Qaramada Midoobay ee lasocodka Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya & Eretriya, diiradana lagu saaray saameynta xun ee ay ku yeelatay warbixintoodu horumarka iyo sookabashada Soomaaliya. dood iyo falaqeyn dheer kadib waxaa laga soo saaray Qodobadan:
Shirku wuxuu si cad uga soo horjeestay warbixinta joogtada ah ee Gudiga oo u jeedadeedu tahay dhaawaca Sumcada iyo Sharafta Hay’adaha iyo Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliyeed iyo Hogaamiyaasha Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka oo ay ku eedeeyaan mar kasta ku lug lahaanshaha falal dembiyeed aan loo heyn haba yaraatee wax caddeyn ah.
Eedeymahaas beenabuurka ah ayey Bulshada sheegtey in looga gol leeyahay in dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo argagaxisnnimo lagu magac dilo shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee magaca ku dhex leh bulshada, u jeedkuna yahay majaxaabinta dadaalada lagu soo celinayo Dawladnimada iyo Magaca Umadda Soomaaliyeed islamrkaana waxay Bulshada ay sheegeen in Gudiga la socodka Hubka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay is hortaagen Soo kabashada Soomaaliya isla markaana ay faregin ku hayso arrimaha Dhaqaalaha iyo Siyaasadda .
Maalintii shaley ahayd ayaa qaybaha kala duwan ee Blshada Waxay Dhigeen Banaanbax looga soo horjeedo Gudiga la socodka Hubka Qaramada midoobey ee Soomaaliya iyo ereteriya kuwa oo watey Boorrar ay ku dalbanyaan in Qaramada midoobey ay dib u eegaan Gudigaas oo ay sheegeen in ay Faregin ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed
AXMED MADOOBE OO SHEEGAY IN KA BADAN 100 CARUUR AH SHABAAB INAY KA KAXEYSTEEN JUBBOOYINKA
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Al Shabaab deeganada Jubbooyinka ay ka kaxeysteen caruur aad u da’yar kuwaasi oo ay doonayaan inay dagaal geliyaan.
Axmed Madoobe oo ka hadlaayay Shabaab iyo sida caruurta u askareeyaan, ayaa wuxuu sheegay deegaano ka tirsan Jubbooyinka inay ka aruuriyeen caruur ay si xoog ah waalidoontooda uga kaxeysteen.
Wuxuu ku eedeeyay Shabaab inay qaldayaan caruurta oo ay u sheegayaan inay Shahiid noqonayaan hadii ay dagaal galaan, xilli uu sheegay caruurta aysan garaneyn macnaha Shahiid iyo asbaabaha qofka uu ku noqdo."Deegaankaan shalay aan joogno Tuulooyin badan hada waxaa aruursan 165 Caruur ah oo kan ugu weyn uu yahay 14 jir oo hada tababar la siinaayo war umadaan da’yartii ugu yareyd ayaa halkaan mareyso oo la xasuuqayo oo la leeyahay kaalaya Shahaado ayaad qaadanaysaan, ma garanayaan Shahiidka waxa uu yahay.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Isaga oo ka hadlaayay Dhalinyaradii Lagu qabtay dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Puntland ayaa wuxuu sheegay Dhalinyarada la qabtay intooda badan inay yihiin 14 jiro la qalday.
Shabaab ayaa inta badan awoodo dheeri ah siiya caruurta yar yar ee Ururkaasi ka tirsan si dhalinyarada aysan uga bixin Shabaabka, ayna Xarakaad ugu muujiyaan hubka Shabaab ay u dhiibeen ee lagu dagaalgeliyo,Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday in caruurta la askareeyo Somaliya
Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay in Halmilyan oo doolar ay dowladdu ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen
Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Gudmadka Abaaraha ayaa looga hadlay Abaaraha ba'an ee ka jira dalka, shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Ururada bulshada rayidka, Culumo u diink iyo Dhalinyarada waxayna dhamaantood muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada abaaraha baahsan ee ku dhuftay qaybo badan ka mid ah goboladda dalka.
Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farketi oo xubin ka ah gudiga ayaa intii shirku socday wuxuu balan qaaday in dowladu bixinayso lacag gaaraysa1,000,000 Milyanoo doolar si wax looga qabto Abaaraha ka jira dalka.
Gudigaan oo shaqadoodu tahay wax ka qabashada abaaraha ayaa waxaa looga dhawaaqay khamiistii la soo dhaafay shirkii golaha Wasiiradda, waxaan hogaaminaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Gudigan ayaa u xilsaaran isku xirka Dowladda dhexe, Dowlad Goboleedyada, Beesha caalamka, Wacyi galinta Shirkadaha gaarka loo leeyhay, Ganacsatada, iyo Hay’adaha Maxaliga ah iney gacan buuxda ka gaystaan ka qayb qaadashada Abaaraha saameeyey gobolo ka tirsan dalka.
Ugu danabayntii Gudiga ayaa ugu baaqay Beesha caalamka, Jaaliyadaha dibadaha, Shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka gaysataan wax ka qabashada Abaaraha, oo saamayn ku yeeshay Xoolaha, Beeraha iyo Dadka intaba.
TARSAN OO SHEEGAY SI QALDAN DOWLADDA INAY U WAJAHDAY MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN & SH.DHEXE
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa si adag u dhaliilay hanaanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku wajahayso Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Tarsan oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay marka la eego qaabka dowladda ay u wajahday maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay tahay arin ka fog talada dadka shacabka ah.
"Aniga waxaan aaminsanahay Dowladda inay si qaldan u mareynayso Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaad u malaysaa inay meesha ka saartay taladii iyo wax ku yeelashadii shacabka labada Gobol degan, waxaad u malaysaa in rabitaanka iyo hawadeeda ay ka xoog badisay.” Ayuu yiri Tarsan.
Waxa uu muujiyay in Dowladda Federalka Somaliya aysan wada hadalada ka muujin natiijooyin miro dhal ah, isaga oo sheegay in Dowladda looga baahnaa inay tanaasulaad u sameyso dadka shacabka ah ee reer Hiiraan.
"Dowladda waxa ay aheyd inay tanaasul sameyso Madaxweynaha waxa ay aheyd inuu tago iyadoo tanaasul uu wado Odawaa ayaa labo Isbuuc meesha joogay oo wax ka keeni waayay, hadii Madaxweynaha uu tagayBaledweyne oo arinta halkii Odawaa ka sii wado maxaa hagaagaya.” Ayuu yiri raaciyay hadalkiisa Tarsan.
CIIDAMADA DOWLADDA OO QARAX KHASAARO GEYSTAY LAGULA EEGTAY GOBOLKA SH.DHEXE
Wararka laga helayo Magaalada Mahaday ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Qarax khasaaro geystay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Degaanka Burane ee Gobolka Sh.Dhexe.
Qaraxan oo lagu aasay Geed hoostiisa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 5Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo fadhiyay Geedka la qarxiyay hoostiisa.
Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Maamulka Degmada Mahaday ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa inoo suuro gelin in aan qadka teleefonka ku haleelno si aan wax badan uga ogaano Qaraxaasi.
Wararka ayaa sheegaya in askarta ku dhaawacantay Qaraxaasi loo qaaday Isbitaal, si halkaasi Xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi, inkastoo inta badan Qaraxyada lagu beegsado Ciidamada Dowladda ay mas’uuliyadoodu dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.
KENYA OO KA CABSI QABTA WEERARO AY AL SHABAAB KU SOO QAADAAN LAMU
Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa ka walaacsan weeraro Xarakada Al Shabaab ay ka geysan karaan Magaalo Xeebeedka Lamu ee dalka Kenya halkaas oo ka mid ah goobaha Dalxiiska loo tago.
Kenya ayaa xustay in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro Argagixiso ee ay ku qaadaan degmada Lamu iyo weliba deegaanno kale oo ku yaalla Xeebaha dalka Kenya si ay uga jawaabaan weerarkii Ciidamada Kenya ay Al Shabaab kaga dileen dagaalyahannada badan waa sida ay Kenya sheegtee.
Guddoomiyaha Lamu Joseph Kenyari ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka dalka Kenya la geeyay dhowr goobood oo ka tirsan Lamu.
Lamu ayaa la geeyay bishii hore illaa iyo 700 oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee dalkaas si ay uga hortagaan weeraro ay Al Shabaab ka fuliyaan halkaasi.
Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geysanayay dalka Kenya tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya.
GUDDIGA DIB U HESHIISIINTA QARANKA: DOWLADA SOOMALIYA WAA IN AY WADAHADAL LA FURTAA ALSHABAAB..
Madaxda Dowlada Soomaliya ayaa loogu baaqay in ay wadahadal la furaan xarakada alshabaab oo Dowlada soomaliya iyo Ciidamada amisom Dagaal kula jirta.
Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka warsaxaafadeed ay shalay soo saareen ayay Dowlada soomaliya ugu baaqeen in wadahadal ay la furto hogaanka xarakada alshabaab oo Dagaal ku jira Dowlada soomaliya.
Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa sidoo kale ugu baaqay Hogaamiyaasha alshabaab in ay diyaar u noqdaan wadahadalka ay la galayaan Dowlada Dhexe ee soomaliya si meesha loogu saaro dagaalada iyo dhibaatada soomaliya ka jirta.
"Dowlada soomaliya waxaa loogu baahan yahay in ay wadahadal la gasho alshabaab xal waa laga gaari karaa dagaalada iyo colaada ka jirta soomaliya alshabaab hogaankooda waxaa loogu baahan yahay in ay aqbalaaan wadahadalka ay la galayaan Dowlada soomaliya ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.
Hadalkaan kasoo yeeray Guddiga dib u heshiisinita Qaranka marka laga soo tago alshabaab ayaa horey u shaaciyay in aysan wadahadal lagali doonin Dowlada soomaliya inta ay Dalka soomaliya ku sugan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee amisom.
TALISKA AMISOM OO BEENIYAY IN AL SHABAAB AY KU WEERAREEN GOBOLKA SH.DHEXE
Ugu yaraan 1 askari ayaa dhintay, labo kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay Weerar gaadmo ahaa ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan la weeraray ayaa ka soo baxay Degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh.Dhexe, iyadoona sheegay ay ku sii jeedeen Degaan kale oo lagu magacaabo Biyo Cadde, halkaasi oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya loogu qeybinayay mushaaraadkooda.
Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu beeniyay in Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerareen Xero Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh.Dhexe.
Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM ay ka hortageen Weerar qorsheysanaa oo Al Shabaab ay doonayeen in ay ku qaadaan Saldhig militari oo Degaankaasi ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Bayaanka AMISOM ayaa sidoo kale lagu xusay in Ciidamada huwanta ahi ay gacanta ku hayaan Degaanka Ceelbaraf oo ka mid ah Degaanadii ugu dambeeyay ee Al Shabaab laga saaray.
Ilaa iyo hadda majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Ciidamada AMISOM ay fashiliyeen Weerar ay fulintiisu damacsaneeyeen Dagaal yahano ka tirsan Ururkooda.
AL SHABAB OO LA WAREEGTAY DEEGAANKA CEEL BARAF EE GOBOLKA SHABEELADA DHEXE
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Kooxda Al Shabab ay shalay la wareeg tay deegaanka Ceel Baraf Ee gobolka Shabeelada Dhexe kadib markii ay halkasi isaga baxen Ciidamada Dowlada.
Al Shabab ayaa dadka deegaanka ku kala hadlay halkasi iyaga oo galay dhowr guri oo looga shakisan yahay iney ku jiran Odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo ay raadinayan Al Shabab.
Warar kale oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Al Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaaden Ciidamadii Dowlada ee halkasi ka soo baxay,waxana la soo sheegaya inuu khasaare xoogan jiro.
AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh deegaankaCeel Baraf oo ay shalay galen Al Shabab,xaalada ayaana kacsan sida dadka deegaanka ay sheegayan.
WELIGAA SHISHEEYE MA KUGU MAAGAY DALKAAGA?
(QORMO XIISO BADAN LEH)
F Hammer oo ah video qaade German ah ayaa ka sheekeeyay "Bisad aad uu nasiib badan" annagoo mag aalada Marka joogna 1993 fiidnimo mar aan maalin shaqo badan ku jirnay, cod qaadihiisi Frank ayaa ii weydiiyay bisad maxeey tahay.
Balse waan diiday in aan sheekada ka qeybgalo ka dibna wuxuu ku qasbanaaday Hammer in uu warkiisa furfuro. "Waxaan ka hadlayaa waa adigoo 10 maalmood shaqeeya bishiina qaata $ 1500 cuntadana lagaa bixiyo.” ayuu igu yiri.
"Adigoo Somaali ah ee fursadaa helay miyaad aheyn Bisad ama Mukulaal nasiib badan.” Mar haddii aanu waxba ka badalin karin qaabkey shaqadu u socoto waxaan weheshaday dulqaad umana jawaabin.
Hasse yeeshe dulqaadkeygu ma dhameystirneyn ee mar kasta aargoosi ayaa dabo socon jiray wixii igu dhaca illaa xilli dhow oo aan ka waantoobay, sideedana aargoosigu waa ficil aad uu xun marar badan.
Saaxiibki wuu igu celceliyay inaan ka jawaabo balse ma dhageysan.
Waxaa ku mashquulay in aan wax ka diyaariyo sidey uu howlgalaan guutada 10 ee ciidanka Mareykanka (10th Mountain Birgade) oo gacanta ku hayayay Marka iyo wixii aan ka diyaarin laheeyn deegaanka.
Maalinti ku xigtay iyadoo hoowshi socoto ayaa Hammer ku dhuftay camera nin Somasli waxaanan ka codsaday inuu raaligalin bixiyo.
"Markan kadib camerada wuu ka fogaan doon,” ayaa jawaab uu noqotay isagoo ku daray "Raaligalin uma baahana.” Anigu waxaan la hadlay ninkii camerada ku dhacday una sheegay inuu aad uga xumaaday camera kugu dhacay sooryana waan siiyay isagoo faraxsan ayuuna iga tagay.
Habeenkii markii aan guriga tagnay ayaan dacwad gudbiyay iskugu jirta run iyo aargoosi.
Anigu arrinka culeys saaraya ayaan isu muujiyay qof cabsanaya. Ninka gobalka Afrikada Baari iyo Dhaxe xukuma ee TV aan ka soconee ZDF ee Germalku wuu maqna markaa xarunta guud ayaan la hadlay.
"Dhibaatada ixtiraamdaro ee uu geystay weerar la nagu soo qaado ayeey keeni karta markaa waxaan ku talinaya in la soo badalo Hammer oo dalkan aan ka adeegi karin,” ayaan fariinta ku sheegay.
"Naftiisa iyo taayaduba halis ayay galin kartay”. Labadoodu waa yaabeen waxaan uu dul fadhiyi Satelite telfoonka balse cabsi kama qabaan "bisad nasiib badan” ficil ka iman kara.
Markii aan shaqadi dhammeystay ee aan seexday ayaa waxaan ku toosay qeylo iyo oohin ka baxeeysa Hammer oo dalkiisa laga soo hadlay. Marku ii arkay ayuu yiri "maxaad ii dacweeysay waxa la iga qaadi doona tallabo xun qofki ii badali lahaana Nicosia ayu Nairobi uga soo duulaya.”
Waxu raaciyay ” waad buunbuunisay shaqadeeyda inaan waayo ayaad sabab uu noqoneysa.”
Aniguna difaac ayaan galay "badbaadada adiga wax walba ka weyn iyo naftayada, bal ka waran haddii nin Soomaali ah qof Germala wax ku dufto raaligalin diido.” Habeen adag ayaa uu soo galay balse anigu hoos ka qosol ayaa ii socda, In yar ka dib saaxiibadii naag ah oo Spain joogta ayaa soo hadashay oo ii seegtay inuu Hammer yahay qof "aad uu fiican.”
Si kasta ha ahaate ninki murugo xun ayuu galay wuxuuna iga baryay inaan xal raadiyo.
Waxaan ka baqay inuu naf iisa wax yeelo. Waxaan uu shee gay inuu ixtiraam darri sam eeyay oo Somaalidu dhaqanka nec ebta hay.
Waa fikir aan maalinta she egi karay balse shalay Soma ali ah aan aanan ku dhawaaqi karin mar kii aan fiiriyo sideey ajaaniibtu noo yeelatay.
Fikir gaaban kadib ayaan uu sheegay inaan xal isku dayi doono. "Raali galin bixi”ayaan uu sheegay wuuna aq balay.
Ninki wuu iska tagay cameradu ka dhacday balse oday markii xaalad qaboojiyay oo ilaalada ka mida ayaan raali galin ugu dhiibnay iyo lacagna.
Telefoonkaan ku gudbiyay inaan xalinay oo raali galin uu bixiyay ee odayna uu joogay ee xaaladi caadi noqotay wayna ku qanceen xaruntii TVgu balse canaan badan ayuu la kulmay maalinti kadib "bisad nasiib badan” lagama hadal. Aniga iyo Hammer waxaa noo horeey khilaaf mar uu dabo socday Gaalkacayo kaare duqoobay oo saliid ka soo tuuray qiiq bixiyaha markii saliid oo madoow ku soo daadtay ayuu ku qeeylyay "stupid Alimsa” ana uga jawaabay "xabadaha soo dhacaya camerada ka ilaali oo daba soco kaaraha stupid” Sidoo kale anagoo Xamar joogna xerada afsioone ee cidaanka cirka agtiisa ayaa wiil yar oo Somaali kala cararay koofiyad yar. Intuu xanaaqay ayuu yiri .”markuu ordayay nimankan inala socda ee qoryaha wata maxeey qabanayeen.”
Waxaan la yaabay garaad xumada uu ku fikiray in wiil somaali loo toogto koofiyad. Anigu si kooban ugu jawabay una sheegay inaan is hortaagay in xabad la rido, waxaan uu sheegay hadalkan.
"Waxaan ka baqay in rasaastu ku dhacdo koofiyada oo halka khasaaro kaaga yimaado.”
Balse saaxibki ayaa ku yiri; "Alimusa wuu kugu maad sanaya.”
W/Q:Cali Muuse Cabdi
WARBIXIN: MULKIILAHA KOOXDA PSG EE NASSER ALKHELAIFI OO IBRAHIMOVIC & EDINSON CAVANI ISKA FASAXAYA ISAGA OO DOONAYA INUU REKOODHKA SUUQA KALA IIBSIGA KU JABIYO NEYMAR DA SILVA IYO CRISTIANO RONALDO
Mulkiilaha kooxda Paris SaintGermain ee Nasser AlKhelaifi ayaa doonaya in uu kooxdiisa ka diro Zlatan Ibrahimovic iyo Edinson Cavani isaga oo badalkooda doonaya in uu rekoodhka suuqa kala iibisaga ku jabiyo soo xero galinta xidigaha Real Madrid iyo Barcelona ee Cristiano Ronaldo iyo Neymar da Silva Junior sida ay ku warantay Il Corriere dello Sport.
Nasser AlKhelaifi oo mashruuc kubbada cagta ah oo guulaystay ka sameeyay PSG ayaa doonaya in uu qaado talaabada xigta ee uu ku hormarinayo mashruuciisa Paris, wuxuuna lacag waali ah ku doonayaa Ronaldo iyo Neymar in uu xagaaga kula soo wareego.neymarronaldo
Ma aha markii ugu horaysay ee Nasser AlKhelaifi iyo kooxdiisa PSG lala xidhiidhinayo Neymar ama Ronaldo, balse waxay ahayd mid joogto ah in ay PSG doonayso labadan xidig ama midkood . Wararka ayaa sheegaya in Ronaldo uu heshiis waqti gaaban ah ugu biiri karo PSG ka hor inta aanu waayihiisa ciyaareed ku soo gabagabayn horyaalka Markaynka ee MLS.neymarandcristianoronaldo
Nasser AlKhelaifi ayaa u arka in Ronaldo iyo Neymar ay isbadal wayn ka samayn karaan kooxdiisa PSG oo haddaba soo gaadhay sideed dhamaadka Champions Leaquega isla markaana muddo afar sano ah iska rahmatay koobka horyaalka Lique 1ka. Waxayna maamulka PSG u arkaan in haddii ay xidigahan helaan ay si dhab ugu tartami karaan Champions Leaquega oo ah ahmiyadooda kowaad.Ronaldo and Neymar
Nasser AlKhelaifi iyo kooxdiisa PSG ayaan wax walwal ah ka qabin dhaqaalaha badan ee lagula wareegi karo Neymar iyo Ronaldo balse waxay ka walwalsan yihiin sida lacagtoodu ay Neymar iyo Ronaldo ay xagaaga ugu midayn karto PSG.
Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis waqti dheer ah ka saxiixato Neymar oo ay u arkaan xidiga badali doona Lionel Messi laakiin iyada oo Real Madrid xagaaga laga samayn doono isbadal wayn, ayaa shaki la galinayaa mustqabalka xidiga saddexda jeer ku guulaystay Ballon d’Orka ee Ronaldo. Perez ayaa mar hore la sheegay in uu la kulmay Nasser AlKhelaifi isla markaana ay ka wada hadaleen iibka Ronaldo inkasta oo uu markii danbe Perez beeniyay.
JUVENTUS OO MUSHAARKA U KORDHINEEYSA PAULO DYBALA SI UU U SII JOOGO KOOXDA
Kooxda reer Taliyaani ee Juventus ayaa mishaarka u kordhineysa laacibkeeda Paulo Dybala si eey ugu joojisao dalabyada dibada ka soo gaarayaan .
Laacibka qaranka Argentine ayaa kooxdan ugu soo biiray Palermo xagagii la soo dhaafay waxaana ku raad joogan kooxo badan oo wa weyn .
Si kastaba Laacibkan waxa uu dhaliyay 18 gool kadib 40 kulan uu saftay isagoona caawiyay sideed gool .
Hishiiskiisa waxa uu ku egyahay June 2020 waxaana uu horey u heli jiray €3mxili ciyaaredkiba.
Dybala’s waxaa rabaan kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Manchester City iyo Paris SaintGermain
ISBARBARDHIGA LAGU SAMEEYO ISAGA IYO CRISTIANO, WAXA KALIYA EE UU MAALIN WALIBA KA FAKARO, DHIBTA AY KU QABAAN IYO SIDA UU ULA DHACSAN YAHAY MADRID, LEO MESSI OO WAXYAABO BADAN UGA HADLAY WAREYSI UU BIXIYAY
Xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay inuusan dooneyn in lala barbardhigo dhigiisa kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ama cid kaleba isagoo sheegay inuu yahay cida uu yahay.
Messi ayaa haatan loo aqoonsan yahay xidiga ugu fiican aduunka kadib markii uu ku horqaatay abaalmarinta Ballon D’or xidigihii la tartamayay ee Ronaldo iyo Neymar laakin xidigaan xulka Argentina ayaa dooneyn inuu ku lug lahaado wax dood ah ama falaanqeyn ku aadan isaga iyo xidig kale uu ku xamaasha kubad cagta.
"Saxaafada waxay u muuqdaan kuwo ka hela isbarbardhiga waxyaabo kala duwan, waxa kaliya ee aan aniga doonayo waa inaan kooxdeyda ka caawiyo iney guulo gaarto xili ciyaareed waliba” ayuu Messi u sheegay TVga ree Masar ee MBC, sida ay qoreen jariiradaha ESPN iyo Sport.
"Aniga nafteyda lama barbardhigo Cristiano ama cid kale, kaliya waxaan isku dayaa inaan iska fakaro aniga, saaxiibadeyda kooxda iyo inaan guul gaarno”.
Messi ayaa sabtigaan wajihi doona Ronaldo marka ay labada dhinac isaga horyimaadaan El Clasico wuxuuna sheegay in kooxdiisa ay marwalina dhib qabto in ay jirto kooxda Real Madrid "Iyaga (Real Madrid) waxay heystaan ciyaartooy waa weyn, waxay marwaliba soo heysteen xidigo waa weyn oo geyrul caadi ah waana mid kamid ah kooxaha ugu fiican aduunka, marwaliba waa cadow dhib badan, dhib badna ayaana ku qabnaa iyaga, waxaan marwaliab dhib ku qabnaa inaan ku garaacno horyaalka Spain, sidoo kale waxaa jira tartano badan waxaana isku dayeenaa inaan gacanta sare lahaano”.
JUVENTUS OO MANCHESTER UNITED KA DOONEYSO ANTHONY MARTIAL
Kooxda reer Taliyaani ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay lasoo wareegeyso xagaaga weeraryahanka da’da yarka Manchester United Anthony Martial.
Bianconeri ayaa lagu soo waramayaa in ay lumin karto Alvaro Morata iyadoo Real Madrid ay san karto in ay dib u iibsato. Haddaba Juve ayaa loo arkayaa in ay suuqa bedelkiisa ka raadineyso, waxaana durba ay u dhaqaaqeen Martial, sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star .
Kooxda ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Paris SaintGermain Edinson Cavani.
KOOXAHA LIVERPOOL, MANCHESTER CITY IYO CHELSEA OO XAGAAGA KU DAGAALAMAYA SAXIIXA DIFAACA DORTMUND EE MATS HUMMELS
Kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ayaa xagaaga ku dagaalami doona soo xero galinta difaaca dhexe ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Borussia Dortmund ee Mats Hummels sida ay ku warantay jariirada Sunday Express.
Xidigan koobka aduunka ku guulaystay ee Mats Hummels ayaa in ku dhaw saddex boqol oo kulan u saftay kooxdiisa Dortmund oo uu ku soo biiray sanadkii 2008 kii, wuxuuna kula soo guulaystay laba koob oo Bundesligaha ah iyo waliba koobka DFBPokal trophy. Waxa uu kooxdiisa la soo gaadhay finalkii Champions Leaquega ee Wembley isaga oo waqti fiican la soo qaatay tababaraha kooxda Liverpool ee Jurken Klopp.hummelslallana
Laakiin Mats Hummels oo ka hadlayay kulanka Dortmund iyo Liverpool ee uu ka hor iman doono Klopp ayaa sheegay in ay kooxdiisu soo dhawayn iyo sagoontin fiican u samayn doonto Klopp balse ay doonayaan in ay ka guulaystaan wuxuuna yidhi: "Kulanka Liverpool aanu la yeelan doonaa waa mid aanu u heelanahay in aanu garaacno Klopp. Waxaanu doonaynaa in aanu isaga garaacno. Dabcan waxaanu u samayn doonaa soo dhawayn diiran iyo macsalaamayn diiran, laakiin waxaan rajaynayaa in ay udhaxayn doonto waali aanu ku ka xayn doono”.Hammels and Klopp
Mats Hummels ayaa tan iyo xagaagii hore ay kooxaha horyaalka Ingiriisku doonayeen balse wali kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ayaa diirada ku haya sidii ay Mats Hummels kugu soo dari lahaayeen kooxahooda marka uu xagaaga suuqu furmo.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA MAARSO 2016-KA
MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY GO'AANKA HOGGAAMIYEYAASHA DHAQANKA EE GOBOLKA HIIRAAN AY DIB UGU NOQONAYAAN SHIRKA MAGAALADA JOWHAR Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go'aank