Madaxdu in la Amaanana waa rabaan, wixii lagu Amaani lahaana sameen maayaan=Nasashada Jimcaha. Q- 239aad=

1
Sunday February 21, 2021 - 17:33:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdu in la Amaanana waa rabaan, wixii lagu Amaani lahaana sameen maayaan=Nasashada Jimcaha. Q- 239aad=

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

1. Haweeneey Xildhibaanad ah, ayaa la weeydiiyay, Maxaad ku jawaabee haddii Aakiro lagu weydiiyo, kitaab ayaad ku dhaaratay ee ballantii maxaad uga baxday.

 
Waxay tiri: Waan is waalayaa, waxaana leeyahay Dunida ayaan ku waalnaa.
Sheydaan Meesha marayay, ayaa ka sii Cowdibileystay, isaga oo leh tanaa iga daran weligeey sidaa uma fikirin. ( Xildhibaanadaa Magaceeda ha sheegin)
 
2. Gabar ayaa tiri: Wakhtigii Covid 19 Aniga oo dukaan saf ugu jiro ayaa Nin iga horeeyay Dhuuso ka fakatay. intii aanan hadal, ayuu igu yiri: Haddii aad wax maqashay, Khalad ayaad gashay, Ma dhowrin Nidaamkii kala fogaanshaha ” Social Distancing”. Haddii wax kuu soo ureen khalad ayaad gashay. Ma xiran ” Face Mask”. Haddii ey aad kuugu soo uraty Nasiib ayaad leedhay Covid 19 ma qabtid, Qofka Covid 19 qabo wax uma uraan…..waxa ey tiri: Maxaad ka rabtaa Anna waan u jawaabaye. ( F.S: 1aad).
 
( Siyaasiyiinta Somalidu inta Siyaasada ku dhuusaan, ayey inta uuna Shacabku hadal Dambiga u saariyaan. Shacabkuna waa ka xishoonaa in uu u jawaabo, Haddise laga Badbadiyo….).
 
3. Aabe ayaa lagu yiri: maxaad u garaacee wiilkaaga. waxa uu yiri: wiilkeeygu waa damiin, imtixaankii waxa uu keenay EBER, xataa hadduu wada isticmaalay jawaabihii qishka ahaa ee aan Anigu u qoray.( F.S: 2aad)
 
(Waxaa jiro Taliye, Talada ey ku siiyaan oo dhan haddii aad u raacdo sidii ey kuu siiyeen, lagu khasaarayo ,eedana Adigu aad yeelanee).
 
4. Nin ayaa yiri: Xaaskeega cusub ayaan Dalxiis u qaaday, intii aan Gaariga saarneen ayey aragtay 2 Dameer oo waddada dhax tagan . dameeradii ayey farta ku taagtay oo igu tiri: Fiiri Qaraabadaadii ayaa wadada dhax taagane.
 
Markii aan dhinac mareeynay Dameeradii, ayaan Dameeradii ku iri: waa idin salaamay qarabo, Sodogeey iyo Dumaashi. xaaskii xanaaq ,yaa gar dharan?.
 
(Waxaa jiro Dad Dadka caayo, Jawaabtana aan Xamili karin)
 
5. Nin sheikh ah oo Dad ku wacdinayay Masjidka ayaa yiri: Sannadihii Nolosheyda Ugu Wanaagsanaa Waxa ey ahaayeen Markaan Nolol macaan oo naxariis leh la soo qaatay Haweeney aan Xaaskeyga aheeyn.
 
Dadkii ayaa la yaabay in Shiikhu uu sidaa Dadka ula hadlo, Dadkii qaarna way ka caroodeen. Shiikhii oo hadalkii sii wato ayaa yiri: Qofkaa Dumarka aheyd ee waqtiga fiican ee Naxariista leh aan la qaatay waxa ey aheyd Hooyadeey. Dadkii oo neeftu ka soo fuqday ayaa yiri: waa Run waqtiga Hooyo lala qaato wax ka fiican male.
 
Nin Jaamacadii ka mid ahaa ayaa markuu Gurigiisa tagay isku dayay in uu Xaaskiisa uga yaabiyo sidii Shiikha oo kale, Xaaskii oo Kijinka Casho ku karinee ayuu ku yiri: Sannadihii ugu Wanaagsana Nolosheydu Waxa ey ahaayeen Markan la joogay Haweeney aan Xaaskeyga aheeyn !
 
Waxaa warkiisa noogu dambeeysay Markii Dhakhtarkii nagu yiri: Mididii Hilibka lagu jarjarayay Calooshiisa waan ka soo saarnay, qaliinkiisa oo qaatay 7 Saacadoodna waan ku guuleysanay.( F.S: 3aad
 
( Ogoow Hadal kasta Munaasabad lagu sheego ayuu leeyahay).
 
6.. Haddii saaxiibtaa and u keentay Hadiyad qaali ah 2021 oo iyada oo aad u faraxsan ey ku tiraa: kalmad aan kuugu mahad celiyo ma aqaan. Hadiyada Labaad ee 2022 aad u keeni doonto, ha noqoto dictionary.( F.S: 4aad)
 
( Madaxdu in la Amaanana waa rabaan, wixii lagu Amaani lahaana sameen maayaan)
 


Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip