Khubaro dhanka xisaabta oo ka tirsan Jaamacadda Bath ee dalka Ingiriiska ayaa bilaabay inay baaritaan ku sameeyaan fayriska dunidii oo idil kala xir xiray ee Corona, waxayna baaritaankooda ku ogaadeen waxa dhib ee intaasi le’eg dadka u gaysanaya inuuba ku cabir yahay gasaca cabitaanka Coca Cola, oo tankiisu yahay 330ml.
Kit Yates oo hoggaaminayay baaritaankan ayaa sheegay in waxa fayris ee dunida ku wareegaya oo dhan, haddii meel la isugu geeyo uu qaadayo gasaca Coca Cola.
Xanuunkan ayaa dunida oo idil ku dilay dad tiradooda lagu sheegay 2,347,015, sida ku cad jadwalka maalinlaha ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Khamiistii shalay.
Sheeko layaab leh: Coronavirus oo dhan waxaa qaada gasaca Coca Cola
..