Coronavirus uu kusoo laba kacleeyey Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay

0
Friday February 12, 2021 - 19:27:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coronavirus uu kusoo laba kacleeyey Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay

    Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xiriir cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaasi oo muddooyinkii dambe hoos u dhacayay. Kiisaska cusub ee wasaaradda ay diiwaan-gelisay ayaa waxay gaaraye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xiriir cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaasi oo muddooyinkii dambe hoos u dhacayay. Kiisaska cusub ee wasaaradda ay diiwaan-gelisay ayaa waxay gaarayeen 28-qof, kuwaasi oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo maamulka Hirshabeelle, iyada oo tirada u badan laga diiwaan-geliyaya caasimada dalka. Cudurka Koronaha ayaa u muuqda mid markale si tartiib tartiib ah ugu soo labo kacleynayay Soomaaliya, midaasi oo laga dheehan karayo kiisaska marba marka kasii dambeysa kor usii kacaya. Wasaaradda ayaa bulshada kula talisay inay ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada aan daruuriga aheyn, isla markaana ay muujiyaan taxadar dheeri ah, maadama uu weli dalka kusii fidayo cudurka. Hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda; Laga Helay: 28 Banaadir: 27 HirShabelle: 1 Lab: 22 Dhedig: 6 Dhimasho: 2 Tirada Guud ee Laga Helay: 5,013 Bogsashada Guud: 3,733 Dhimashada Guud: 144




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip