HALKAN KA AQRISO W/WARARKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 11-2-2021

0
Thursday February 11, 2021 - 11:44:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/WARARKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 11-2-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW oo Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqbaadka Xukuumadda ee boqolka maalmood

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Fed eraal ka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Roo ble ayaa Shalay uga warbixiyay Golaha Shac abka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyney say oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddu horay ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu ula wad aagay Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahi yay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee sa ldhigga u ah howlaha xukuu madda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horuma rinta

Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horu marinta Arri mmaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xu kuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu gey nayso in dalka ay ka qabsoomaan doora shooyin ku dha ca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol ya hay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan ta hay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saa ran tahay amniga dalka iyo ilaalintiisa, isla mar kaana aan qofna laga aqbalayn in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo deggananshaha dalka.

"Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qa lqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka. Dowladnimada aan Shalay haysannaa, waxay noogu fadhidaa qiime aad u weyn , waxaana wa ajib nagu ah in aan wada ilaashanno. Soomaa lidu waxay ku maahmaahdaa: Nin aan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin”.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu ba aqay bulshada Soomaaliyeed isku-duubni iyo in qof kasta oo muwaaddin ahi kaalintiisa ka qaato marxaladdan kala-guurka ah.

Duqii Hore Ee Muqdisho Oo Soo Dhaweeyay Shirka Uu Iclaamiyay Farmaajo

Guddoomiyihii horey ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo dhaweeyay Shirka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Go bolka Banaadir.Taabid Cabdi oo Qoraal soo saa ray ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay Shir ka Madaxda ee 15-ka bishaan Febraayo ka furmi doona Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, wallow Puntland ay ku talisay in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Taabid ayaa sheegay in fursad kale u tahaya Madaxda DFS, kuwa ma amul Goboleedyada iyo Gobol ka Banaadir, isla markaana mu hiim ay tahay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa."Waa wax wanaagsan inaan wax ku qaadano waaqaca lama gudbaanka ah, wallow mar wa lba ay haboon tahay in fogaan-arag la yahay. Waan soo dhaweynayaa in fursad la siiyo wada hadallada masiiriga ah, waxaana rajeyneynaa in shirkan uu noqdo mid miradhal ah, oo lagu dhameystirayo heshiiskii hirgelinta doorashada ee 17 Sept 2020. Shirrarkii hore waxaa muuq atay in 80% heshiis laga gaaray, sidaa darteed waxaa sahlan in 20% dhiman laga heshiiyo. Dal ka iyo dadkuba dan uguma jirto in waxwalba eber laga soo bilaabo” ayuu yiri Taabid Cabdi.

Guuddoomiyihii horey ee Gobolka Banaadir Taabid ayaa sheegay in muddo kororsi iyo is barbar yaac doorasho ay dhibaato ku tahay dow ladnimada Soomaaliya, isla markaana ay hor seedi karto qalalaalso siyaasadeed, xili haata marxalad kala guur ah lagu jiro.

Guddiga doorashooyinka mucaaradka oo soo saaray go’aano

Guddiga badbaadada doorashooyinka qar an ee ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa Shalay galankii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay arrima ha doorashooyinka.

Kulankan ayaa xubnaha Guddiga badba adada doorashooyinka qaran 2020-2021 ee Mid owga Musharixiinta uga hadleen shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha uu waqtigu ka dha maaday iyo weliba caqabadaha ku gadaaman qabsoomida doorashada.

Guddiga ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay mo wqifkii ay madaxad Puntland iyo Jubbaland ka qaateen shirka uu iclaamiyey Farmaajo inuu ka dhici doono Garoowe, kaasi oo ay dalbadeen in shirka wada-tashiga doorashada uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay taageero u muujiyeen qor aal uu Shalay soo saaray Gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi, kaasi oo uu ku dalbanayay in shirka 15-ka bisha uu iclaamiyey Farmaajo uu ka dhaco Muqdisho, iyada oo ay qeyb ka noq onayaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka ah, ayna goobjoog ka aha ato beesha caalamka.

Guddigan ayaa soo saaray go’aano ay ku sheegen inay yihiin qoddobo ay tahay in lagu xaliyo shirka, islamarkaana ay dhinacyada isku hayaan, kuwaasi oo kala ah;

1- Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.

2- Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.

3- Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doora sho ee Gobolka Gedo.

Dowlada oo sheegtay inay fududeyneyso qa bsoomidda Shirka Doorashooyinka ee Garoowe

R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadata shiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoom aya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowl ad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xuku umaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fudu deynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa ful inta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hag ayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragti yaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorash ooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Golaha Musharaxiinta oo ku baaqay shir deg deg ah

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ku baa qay in la qabto shir deg deg ah oo looga had la ayo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Warsaxafadeed kasoo baxay Midowga Mu sharaxiinta ayaa sidoo kale lagu dhaweeyay go, aankii maamulada Jubba land iyo Puntland.

Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxwe yna ha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo shir kaas ka ga qayb geli karo hab maamuus murashax oo la mid ah kan murashaxiinta haddi aanu tartanka ka tanaasulin


G.Aqalka Sare;Cabdi Xaashi oo ku taageray Maamulka Pun tland in shirka doorashoo yinka lagu qabto Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarla maanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka uu ku baaqay Farmaajo in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay guddoomi yaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirkaasi uu codsanayo inay goobjoog ka ahaadaan Ururada bulshada ra yidka iyo Beesha Caalamka si looga arrinsado badbaadada dalka heshiisna looga gaaro habr aacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha

Maxay wakiilada BEESHA CAALAMKA kala hadleen ururada bulshada rayidka?

Beesha Caalamka ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulan ay xubnaha ugu sareeya saacadihii lasoo dhaafay la qaateen, madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Kulankaas ayaa wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada rayidka ah ku dhex maray qadka internet-ka, waxaana aragtiyadooda ku aadan xaaladda dalka looga dhageystay xubnihii ku metelayey bulshada Soomaaliyeed.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha xilligan saameynta ku leh bulshada nugul ee Soomaaliya, sida haweenka iyo dhallinyarada.

"Wakiillada saaxibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa kulan miro dhal ah oo khadka Internet-ka ah la yeeshay kooxaha bulshada rayidka ah, iyagoo dhagaystay aragtiyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha xilligan saameynta ku leh Soomaalida, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga UNSOM.Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa marxalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxda dowladda dhexe,mana jirto wax doorasho ah oo loo dhaqaaqay, waxayna madaxda Soomaalidu ku heshiin waayeen hir-gelinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen 17-kii September.

Ciidamo ka tegay Muqdisho oo Shalay ka degay Garoowe

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Shalay ciidamo badan ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kuwaasi oo ay dowladda dhexe u tababartay maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa lagu sheegay inay yihiin cutub kii u horeeyay ee Booliska Puntland, gaar ahaan laanta taraafikadda oo magaalada Muqd isho kusoo qaatay tobabar 5 bilood ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Punt land, Sareeye-guuto Cabdi Xasan Xuseen (Ca bdi Yare) ayaa Shalay garoonka Garoowe kusoo dhaweeyay ciidamadan, oo door weyn ka qaadan doona dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada booliska.

Taliye Cabdi Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadan cusub door weyn ka qaadan doonaan shaqada sugida amni ga, gaar ahaan hagida gaadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu u mahad-celiyay Taliska booliska dowladda federaalka Soomaaliya oo qeyb weyn ku lahaa inay ciidam adaas tababar heer sare ah ku qaataan magaal ada Muqdisho.

Magaalooyinka Puntland ayaa muddooyi nkii dambe laga dareemayay saxmada baab uurta, waxayna ciidamadan gacan ka geysan doonaan kala hagida iyo bad-qabka gawaarida isticmaaleysa waddooyinkaas.

Maamulka Jubbaland oo taageeray Mowqifka Puntland ee Shirka Arrimaha Doorashooyinka

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa soo dhowaysay baaqa la xiriira in 15-ka bishan la isugu yimaado shir ku saabsan Arrimaha door ashada Soomaaliya oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Jubaland waxay taageertay mowqifka Puntland oo ah in shirka lagu qabto magaalada Muqdi sho. ”Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.”

"Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo.”ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.Sidoo kale Jubbaland waxay soo jeedisay in dhammaan Saamileyda Siyaasadeed ee dalka laga qayb-geliyo Shirka.

Shirkan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in shirkan loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka uu ka dhici doono magaalada Garowe,hase yeeshee maamulka Puntland ayaa sheegay inaan lagala tashin shirkan.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed ayaan ka hadlin shirkan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka dhici doono magaalada Garowe.

Wasiirka Shaqada oo daahfuray mashruuca TVET +

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa Shalay daahfuray mashruuca ballaaran eeFarsamada,Xirfadaha iyo Tababbarada ee TVET+ oo markii u horreysay dalka laga hirgelinayo tobanaan sano ka dib.

Mashruucan waxaa laga fulin doonaa wajigii sa koowaad saddexda Dawlad-gobolleed ee Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed, waxaana maamul kasta laga hirgelinayaa xarum o farsamo oo si casri ah u qalabeysan. Waxaa lagu baran doonaa xarumahan oo loo yaqaano ( TVET+) hannaanka barashada farsamada gaca nta ee dalka Jarmalka.

Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan uu diiradda saarayo ayaa ah shaqaalo xirfad leh, tallaabada oo lagu gaarayo kobac dhaqaale.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta Bulshada ayaa sheegay muddada uu socday inay ka faa’iideysan doonaan boqollaal bulshada qeybaheeda ah oo u badan dhallinyaro

. Wuxuu u mahadceliyay Dawladda Jarmalka oo mashruucan ka taageeraysa Sooma aliya,isagoo inta ku daray inay Dawladda Soom aaliya ka go’antahay horumarinta xirfadaha.

" Daahfurka mashruucan TVET+ ee xoojinta Shaqaalaynta iyadoo loo marayo Waxbarash ada Farsamada,Xirfadaha iyo Tababbarka oo laga hirgelinayo saddexda Dawlad-gobolleed waa qorshe ballaaran oo aan xal ugu raad ineyno baahida xirfadaha ee ka jirta dalka iyo in lagu dhimo shaqo la’aanta.” ayuu yiri Wasiir Dur aan.

Munaasabadda daahfurka mashruuca oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arri maha Bulshada, oo ay goobjoog u ahaayeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo xubne kale oo uu saameynta ku leh mashruuca, waxaa habka fogaan aragga uga qeybgalay saraakiil ka tirsan Dawladda Jarmalka, hay’adaha ful inaya, maamulka gobolka Mudug ee Dawlad-gobolleedka Galmudug oo xarunta ugu horreysa ee dugsiga Farsamada laga hirgelinayo.


Kenya oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa markale bayaan ka soo saartay xiisada kala dhaxeysa dowladda So omaaliya, taasi oo keentay in xukuumadda Muqdisho ay jarto xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay, kadib markii ay ku eedeysay fa ro-gelin ka dhan ah madax-banaanida Jamhuuriyada.

Kenya ayaa kalfadhigii 978 ee Golaha Naba dda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) ay isugu yimaadeen si ay uga fiirsadaan xaaladda ka jira Soomaaliya iyo howlaha Howlgalka Mido wga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ka shee gtay inaysan fara-gelin ku heynin arrimaha Soo maaliya.

Waxay bayaanka ay soo saartay ku she egtay in fara-gelinta ay dowladda federaalka ku eedeysay ay tahay "been iyo marin habaabin”, islamarkaana aysan jirin tallaabo xad-gudub ku ah Soomaaliya oo ay qaaday Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale waxay bayaankan uga codsatay Golaha iuu ilaaliyo isku dayga lagu doonayo ‘in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeya yaasha kala duwan’.

Dowladda Kenya waxey sheegtay iney si wanaagsan ula falgashay Soomaaliya oo ay daris yahiin isla markaana ay ka mid yahiin ciid amada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iya goo la hawlgalaya dalalka Burundi, Uganda, Dji bouti iyo Ethiopia.

"Kenya waxay sidoo kale ka codsatay Gol aha ammaanka in ay ka ilaaliso isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan ee sax iibada Soomaaliya iyo Gobolka, bixitaanka Cii danka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad” ayey war qoraal ah ku sheegeen wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhex aloosan khilaaf diblumaasiyadeed oo sababay in meesha ka baxo xiriirkii labada dal, kaasi oo lumiyay iskaashiga labada dhinac ee amniga, ganacsiga iyo waxbarashada.

Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eed eysay inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, midaasi oo ay iska fogeysay Kenya, wax aana khilaafka labada dhinac laga galay dad aalo lagu xalinayo, inkasta oo aysan wax badan ka bedelin xiisada taagan.

Xigasho:caasimadda.net

Maraykanka oo ka digey in Soomaaliya ay yeelato maamul xil gaarsiin muddo dheer

Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay khilaafka ka jira dhinaca doo rashooyika dalka Soomaaliya waxana afhayeenka wasaa rada arrimaha dibada Maray kanka uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka Sooma aliya.Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibad da Mareykanka Ned Price oo shirjaraa’id qabtay ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadal ada ay madaxda Soomaaliya ka yeelanayeen arrimaha doorashooyinka si loo qabto doo rasho."Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soo maalida in ay degdeg dib ugu bilaabaan wada hadalada, una xalliyaan ismari-waaga taagan, si dhaqsana loo gudagalo doorashada. "ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka digey in Soomaaliya laga dhiso maamul xil gaarsiin ah oo muddo dheer qaata taasoo sababi karta xas ilooni darro.

"Doorashooyin isdhinac socda, kuwa hal dhinac ah ama waqtiga diyaar garowga daba-dheeraanshaha maamul xilgaarsiin ah intuba waxay horseedi doonaan xasillooni darro” afh ayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mar eykanka Ned Price

Waxaa sii kordhaya walaaca Dowlada Mara ykanka ay ka qabto arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya waxaana dhowaan bayaan ka soo saaray safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya.

Erdogan oo shaaciyay inay Ciribixiyeeno u dirayaan dayaxa

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu dalkiisa mar kii ugu horreysay hawada ugu diraya dayax gac meed.

Wuxuu sheegay in sanadka 2023-ka ay dhaqan gelin ayaan qorshahan oo ay cirbi xiyeeno ugu dirayaan day axa xilliggaas oo loo dabbaal degayo 100 sano guuradii kasoo waree gtay markii la aasaasay jamhuuriyadda Turkiga.

Erdogan wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha hirgelintiisa ay ka caawin doonaan dalal caalami ah oo ay saaxibo yihiin.

"Hadafkeenu ugu muhiimsan wuxuu yahay in cirbixiyeenadeena ay gaari doonaan hawada xilli la xusi munaasabadda sanad guurada 100-aad, hadduu Alle idmo waxaan gaari doonaa dayaxa" ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu dhanka kale sheegay in hadafka Turk iga uu cirbixiyeenada ugu diraya daxaya ay ta hay in dalal kale la iska kaashado xoojinta tekn ooloojiyadda dhanka Satellite-ka ee hawada.

"Waxaan ku rajo wenahay in qorshahan uu Turkiga u horseedi doono in kaalmaha hore uu ka galo tartamada caalamiga ah ee dhanka hawada, wuxuuna noqon doona mid lagu guuleysta" ayuu madaxweynaha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Erdogan ma wuxuu hurinayaa colaadda liibiya mise waa nabadeeya?

Erdogan oo u digay Midowga Yurub

Erdogan oo codsaday in loo soo gacan geliyo dadkii dilay Khaashuqji

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Turkiga waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay warbaah inta dalkaas, wargeyska ay leeyihiin mucaarad ka ayaa sheegay in madaxweynaha laga doona yay in uu diiradda saaro taakuleynta dadka tab aaleysan intii uu ku dadaali lahaa dayax gacm eed hawada loo diro.

Dad Farabadan Oo Ku Naf-Waayay Musiiboo yin Dabiici Ah Oo Dhacay Masiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhacay dalka Indonesia tan iyo bilaawga sanadkaan yaagala aftay nolosha 213 oo qof.

Baya an kasoo baxay hay’adda maareynta mas iiboyinka ee dalkaas ayaa lagu sheegay in masi ibooyin isagu jira duufaano iyo dhulgariir ay ka dhaceen dalka laga soo bilaabo 1 January ilaa 9 February.

Bayaanka ayaa inta as ku daray in masii boo yinkaas ay aad u sam eeyeen ku dhawaad nol osha laba malyan oo qof sidoo kalena ay ku dhinteen 213 ruux.

Indonesia ayaa ka mid ah dalalka ay aadka uga dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Haweeneyda ugu da'da wayn qaaradda Yur ub oo ka badbaaday feyriska Corona

Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo ahayd haweeneyda ugu da'da wayn qaaradda Yurub ayaa ka badbaaday feyriska Corona, maalmo uun ka hor sanadguuradeedii 117-aad.

Lucile Randon, oo naaneesteedu tahay Sister Andre ayaa feyriska laga helay 16 bishii Janu ary, balse ma aysan qabin wax calaamadaha cudurka ah.

Waxay warbaahinta maxaliga ah u sheegtay "in xitaa aysan dareemin in ay qabto feriska".

Waxay isku karantiisha gurigeeda oo ku yaalla dalka Faransiiska, balse waxaa imika la shaa ciyay inay cudurka ka bogsatay.

Lucile Randon, oo ah haweeney indhoole ah ayaa waxay ku socotaa baaskiilka dadka naa fada ah islamarkana waxay imika isu diyaarin aysaa in ay u dabaaldagto dhalashadeeda maa linta Khamiista.

"Aad ayay u nasiib badnayd," ayuu yiri David Tavella,oo ah afhayeenka xarunta lagu xanaa neeyo dadka waayeelada, waxaa uu sidaa u sheegay wargeyska Var Matin.

Waxaa uu intaa ku daray in aysan waydiin caafimaadkeeda, balse ay waydiisay waxa ay tahay in ay sameyso.

"Ma muujin wax cabsi ah oo ay cudurka ka baqeyso, dhanka kale waxay aad uga walaacs anayd dadka la dagan goobta lagu xanaane eyo

." Ayuu yiri David Tavella.

Sister Andre ayaa dhalatay 11 bishii February sanaddii 1904.

Iyada oo ah qofka ugu da'da wayn Yurub ayaa hadana waxaa ay noqotay qofka labaad ee ugu da'da wayn caalamka oo dhan sida ay sheegtay xarunta Gerontology Research Gro up's (GRG).

Mar warbaahinta BFM ee Fransiiska ay wax ka waydiisay in ay ka ka naxday in uu feyriska ku dhacay, ayay Sister Andre ku jawaabtay: "Ma ya, kama nixin, sababtoo ah kama cabsado gee rida.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinla jo ogo, balse waxaan rabi lahaa in aan meel kale joogo, si aan ugu biiro walaalkey iga wayn , awo wgey Aabe iyo awowgey hooyo." Ayay intaa ku dartay.


NUUREYN MAXAMED SIDDIIQ: QAARIGII AFRIKAAN KA AHAA EE SANADIHII DAMBE UGU CODKA MACAANAA.

Baraha bulshada waxay horseedeen inay soo nooleeyaan habka Qur’aan akhrinta ee dadka Afrikaanka ah,

kaas oo kamid ahaan jiray dhaqamada iyo caad ooyinka dadka ku nool Bariga Dhexe, sida uu ku warramayo weriye Isma aciil Khushkush oo ka sheekeynaya mid ka mid ah culimada sida weyn loo jecelyahay marka ay akhrinayaan Qur’ aanka.

Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq wuxuu la haa cod aad u macaan marka uu akhrinayo Qur ’aanka, wuxuuna ahaa qaari si weyn looga yaqaannay dunida muslimka.

Nuureyn Maxamed Siddiiq wuxuu bishii Nofembar ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhintay shil gaari da’diisu ay ahayd 38 sano, geeridiis ana si weyn ayaa looga naxay, waxaana ka tacsiyeeyay dadweyne badan laga soo billaabo Pakistan ilaa Mareykanka.

"Waxaan weynay mid kamid ah dadkii ugu codka macaanaa wakhtigeena” waxaa sidaas barta Twitter-ka kusoo qoray Imaam Cumar Sul eymaan oo ku nool gobolka Texas ee Mar eykanka.

Hindi Makki oo ah khabiir heysta dhalashada Mareykanka iyo Suudaan ayaa sheegay inay adagtahay in uu sharraxaad ka bixiyo tayada Sheekha.

Sida laga soo xigtay Sylviane Diouf oo ah taariikhyahan ayaa sheegayaa in qaab akhrinta Qur’aanka, cibaadada iyo xadrooyinka dadka Afrikaanka ah ee ku nool galbeedka Afrika ay isaga eg yihiin dadka ku nool dalalka saxaraha ka hooseya, Suudaan iyo Soomaaliya, waxayna arrintani ka qeyb qaadatay in la sameeyo luuq gaar ah.

Sida sunnada ah, Qur’aanka Kariimka waa in lagu akhriyaa cod macaan sida uu Nebi Mux amed inoo sheegay "Qur’aanka ku akhriya cod macaan”.

Goobo kala duwan iyo qaabab kala duwan

Qur’aan akhrinta waxaa lagu diirsadaa mar kas ta, gaar ahaan marka laga akhrinayo goobaha lagu qabanayo muxaadarada iyo salaadda tar aawiixda ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xitaa waxaa jiraa tartamo caalami ah oo lagu soo bandhigo akhrinta Qur’aanka.

Waxaana jira qiraa’ooyin kala duwan oo lagu akhriyo Qur’aanka.

Sheekh akhrinayo Qur'aanka

Waxaa lagu kala duwan yahay qaab akhrinta iyo codka marka la eego dhaqanka, deegaanka iyo taariikhda guud ahaan dunida muslimka.

Qaabka uu Nuureyn u akhrin jiray Qur’aanka iyo geeridii ku timid waxay sababeen in lagu bara arugo qaabka waagi hore ay Qur’aanka u akhrin jireen dadka Afrikaanka ah.

Wuxuu Qur’aanka kusoo bartay malcamad ku taallay tuuladii uu kusoo barbaaray ee Al Far aab ee dhacda galbeedka magaalada caasimad da ah ee Khartuum, bartamihii sagaasham aadkii. Markii dambe wuxuu u wareegay maga alada Khartuum. Wuxuu dadka saaladda ku tujin jiray masaajiddo dhowr ah oo ku yaalla caasimadda.

Dadka inta badan waxay jeclaayeen qaabka uu Qur’aanka u akhriyo.

Sheekha ayaa sii caan baxay kaddib markii muu qalladiisa lagu baahiyay baraha bulshada, gaar ahaan YouTube.1px transparent line

Codka Sheekh Nuureyn wuxuu u eg yahay luuqda muslimiinta ku nool gobollada saxaraha ka hooseeyo iyo Geeska Afrika.

"Waa luuqda deegaankii aan kusoo koray, wu xuu u eg yahay luuqda dadka reer Suudaan,” waxaa sidaas yiri Al Zain Maxamed Axmed, oo isagana kamid ah culimada caanka ku ah akhrinta Qur’aanka.

Imaam Cumar Jabbie oo ku sugan deega anka Olympia ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, wuxuu ka soo baxay jaa macadda Madiina ee Sucuudiga, wuxuu ku dhashay dalka Sierra Leone. Waxaa markii ugu horreysay Qur’aanka soo baray culimo ku sugan dalalka Senegal iyo Gambia.

"Waa halka aan kusoo bartay qiraa’ooyin kala duwan” ayuu yiri Imaam Cumar.

Sanadihii u dambeeyay, qiraa’ooyinka culimada Bariga Dhexe ayaa ku baahay dhul badan oo ay kamid tahay Afrika, gaar ahaan dadka ku nool magaalooyinka.

Dadka waxay Qur’aanka heli karaan isaga oo duuban oo lagu baahiyo raadiyeyaasha, wa xaana dunida ku baahiyaa ha’yado ku kala sugan Masar iyo Sacuudi Carabiya.

Ardeyda wax kasoo bartay jaamaxadda Al Azhar ee Masar iyo jaamacadda Madiina ee Su cuudiga iyo saameynta ha’yadaha ay ma algeliyaan khaliijka ay ku yeesheen arrintaas wa xay horseedeen in la baahiyo qaabka Qur’aan ka looga akhriyo Bariga Dhexe.

Barashada Qur'aanka

Balse internetka iyo baraha bulshada waxay horseedeen soo nooleynta habkii akhrintii hore ee Qur’aanka iyo in da’yarta ay daneeyaan hab akhrintii hore ee Qur’aanka.

Qur’aanka waxaa lagu akhriyaa ilaa toddobo qiro oo kala duwan.

Qiraa’ada ugu caansan waa Xafsa oo inta badan ka dhaqan gashay dulkii ay maamuli jire en Cusmaaniyiinta, waxaana markii dambe lagu baahiyay musxafka uu ku qoran yahay qir aa’ada xafsa guud ahaan dunida muslimka, kaas oo lagu soo daabacay magaalooyinka Al Qaahira iyo Maka.

Qeybo kamid ah dunida muslimka, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ku yaalla Afrika wax aa Qur’aanka lagu akhriyaa qiraa’ada Al-Duri oo caan ka ah Suudaan taas oo inta badan uu Qu r’aanka ku akhrin jiray Nuureyn Siddiiq.

XIGASHO:BBCSOMALI

HAMBALYO CIIDANKA BADDA SOMALIYE ED.=WARBIXIN=

Waxaa Hambalyo u dirayaa Ciidanka Badda Somaliyeed oo u dabaaldagayo Sannad guur aagii 56aad ee asaaskii Ciidanka Badda 10/2 /1965. ( F.S:1aad)

waxaa Hambalyo u dirayaa Saraakiisha, Sar aakiil xigeenka, leyli sarkaal, Alidley , Dabley iyo Xaaskooda. Waan Xasuustaa Xeryahiinii ku teedsanaa Xe ebaha Dalka, iyo in aad ka qeyb qaadateen Dag aaladii Xuduudaha Berriga.

waan Xasuustaa Awoodiinii Ciidan Sida: Labadii Markab ee Osa II ee Gantaalada xambaarsanaa jiray. 4tii Markab ee Mol PFT Torpedo. Polnocny Class Landing ee awooday in uu qaado 4 Tangi iyo 120 Ciidan ah. 4tii kale ee ilaali jiray Xee baha. Doomankii Deereeyay ee Subax kasta ka war bixin jiray Xaaladda Badda. Xarumihiinii Raadaar Badeedka sida kii Marka cadey iyo Qalabkiinii kale ee awoodda Ciidan.

waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Mac allinkeeygii Admiral Farax Ahmed Cumar oo Sa nnadkii 2009 dib u bilaabay asaaskii Ciidanka, kuna bilaabay 500 Ciidan dhan oo kaliya, mu shaarkooduna ahaa $ 60 Bishii iyo Dooman yar yar oo dheeraya oo uu ka keenay waddamo aan saaxiibo nahay sida Turkiga.( F.S: 2-6aad).

Waxaan u rajeeynayaa Allahana uga baryay aa in Ciidanku uu gaaro heer sare oo uu ku han to Difaaca Dalka.

FG: -waxaan ka xumahay in aan Hadda Dalka ka maqanahay oo aanan idinkala qeyb gali karin damaashaadka, laakin Qalbiga ayaan idinkala jiraa.

Weligaa Ha quusan.

Hambalyeeye: Yahya Amir.

DF oo xoojineysa nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta Maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa kulan looga hadlayay kor uqaadista dhaqancelinta maxaabista la qaatay saraakiisha ciidanka, tali yeyaasha ciidanka asluubta, madaxda Hog gaanka,madax waaxeedyada, saarkiisha iyo ciidanka asluubta.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid looga hadl ayay xoojinta amniga iyo kor u qaadista dhaqan celinta maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan tababarada iyo tayeyn ta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

"Waxaan rabnaa ciidanka Asluubta naloo dhii bay inaan kor u qaadno, tabaradiisa, tayadiisa iyo ku dhaqankiisa sharci, cadaaladiisa inaan kor u qaadno oo mideyno ayaa rabnaa,” ayuu yiri Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la ha dlayay Saraakiisha iyo ciidanka Asluubta.

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay aa wado dadaalo ku aadan tayeynta ciidanka Asluubta si ay iyagana dhaqan celin wanaagsan ugu sameeyaan maxaabiista xabsiyada dalka ku xiran.

Nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo xoog aysanaya iyada oo DF ay dhistay Xabsi Cusub oo si casri ah loo dhisay, kaas oo qeyb weyn ka qaadanayaa dhaqan cel inta maxaabiista iyo sare u qaadista aqoon tooda.


Biyo la’aan ka taagan degaanno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka So omaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in biyo la’aan ba’an ay ka taagan tahay degmada Fiiltu ee xaruunta gobolka Liibaan iyo naw aaxigeeda.

Biyo la’aanta ayaa saamayn weyn ku yee latay shacabka magaaladaas ku dhaqan iyada oo laga cabsi qabo in maalmaha soo socda ay xaaladdu ka sii darto.

Biyo la’aanta ayaa timid kaddib markii warihii biyaha ee laga cabbi jiray ay gureen ayadoo markii horeba ay maalada ku yaraayeen biyaha oo inta badan ku tiirsnayd biyaha roobka oo qura isla markaana aan la hayn ceelal iyo riigag loo baxsado marka biyo la’aantu ay dhacdo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka day riyey xaaladda ay ku sugan yihiin dadka iyo duu nyada ku dhaqan deeganadaas haddii aanay wax isbaddalin maalmaha soo socda.

Diyaarad dab qabsaday kadib markii Xuutiyii ntu weerareen garoonka diyaaradaha Abha

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxda Yemen ay weerar ku soo qaadeen garoonka diyaaradaha Abha, taasoo sababtay dab ka kacay diya arad rayid ah.

"Weerar argagixiso oo fuleynimo ah oo male eshiyada Xuuthiyiinta ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ee Abha ayaa sababay inuu dab qabsaday diyaarad dhex taallay Garoonka,” Telefishanka ay maamusho dowlad da Sacuudiga ee Al-Ekhbariya ayaa soo xigtay isbaheysiga.

Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxyar kadib, afhayeenka milatariga Yehia Sareai wuxuu sheegay in fallaagada ay adeegsadeen afar diyaaradood oo ay ku raki ban yihiin bambaanooyin si ay u bartilmaameed sadaan garoonka diyaaradaha ee koonfurta Sacuudi Carabiya.

Bartilmaameedka wuxuu imaanayaa iyadoo laga jawaabayo duqeymaha cirka ee sii socda iyo go’doominta arxan darada ah ee lagu hayo dalkeenna, "Sareai ayaa yiri, isagoo xusay in Xuutiyiinta ay u arkaan garoonka diyaaradaha mid milatari oo aysan bartilmaameed u ahayn rayidka.

Muran Hareeyay Doorashada Itoobiya

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dal ka Itoobiya ayaa sheegay diyaargarowga doorashada ee guddiga looga baahnaa qaark ood inuu dhammeystiray balse deegaannada qaarkood ay kaalintooda ka gaabiyeen. Sida uu dhigayey jadwalka doorashada ee guddiga u yaallay bartamaha bishan waxay ahayd in la bill aabo furitaanka xafiisyada guddiga doorasho oyinka ee deegaannada iyo iney billawdaan tab abarrada doorashada la xiriira. Hase yeeshee, wuxuu guddigu sheegay howlihi loo igmaday inuu qabtay balse taageeradi loo baahnaa uu ka helin ismaamullada ka jira dalka Itoobiya.

Wuxuuna guddigu war qoraal ah uu soo saa ray uu ku sheegay inaan shan deegaan weli la ga furin xafiisyadii howlaha doorashooyinka ka shaqeyn lahaa.

Dimuqraadiyiinta Oo Sheegay In Trump Uu Doonayay inay Dhintaan Dadkii Ku Sugnaa Capitol Hill

Senetarada xil ka xayuubinta markii labaad ku sameynaya Donald Trump ayaa waxay soo bandhigeen muuqaal argagax leh oo muujinaya weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congreska e Capitol.

Iyaga oo soo xiganaya era yadii uu isticmaalay Trump iyo qoraaladii uu soo galiyay barta tweeter-ka, waxa ay xubnaha dimuqraadiyiinta ku doodeen in uu ahaa sha qsigii ” hormuudka u ahaa kicinta ” maalinkii weerarku dhacay iyo ka hor-ba.

Qaar ka mid ah Sanatarada ayaa qiirooday markii ay soo bandhigayeen rabshadaha ay ku kaceen taageerayaasha Trump.

Muqaal ay kamarooyiinka ammaanka duubeen, balse aan la shaacin ayaa sidoo kale muujinaya sida ay dibadbaxayaasha ugu soo dhawaadeen xubnaha congress-ka.


HAMBALYO AQAL FARXAD LEH

Ayeeyo Faadumo C/lle Siyaad, Hooyo Sacdiyo Cismaan Maxamuud Heesoow, Abti Cismaanciil Maxamuud Marwaaz ,Sagal Salaad Maxamed,Ismaan Maxamed Xuseen,Cabdi C/laahi Maxamuud,Maxamed C/laahi Maxamuud,Najmo C/laahiMaxamuud,Ismahaan Maxamed Axmed, Sacdiyo Maxamed Axmed,C/laahi Xuseen Axmed,Axmed Xuseen Axmed, Saabariin Maxamed Cabdi, Axmed Maxamed Cabdi, Maxamuud Qeylshe Cageey, Xaawo Qe ylshe Cageey ,Fartuun Qeylshe Cageey, Raxmo Qeylshe Cageey, Cabdinasiib Cali Maxamuud,Maxamuud Xasan Cageey, Cali Xasan Cageey ,Abshir C/qaadirHadaafoow, Salax C/laahi Xagaleey, Xasan C/laahi Maxamuud,Maxamed Saciid Maxamuud Maxamed Maxamuud,Malyuun Xamza Maxamed , Farxiyo Abuukar Caddoow,Sureeyo Cabdiraxmaan Maxamuud FalastiinMaxamuud Caddoow, Raaxo Xuseen Calasow,Ramla Xuseen Raage, Ariij Liibaan Axmed, Nimco C/qaadir Maxamed, Fardowzo Maxamed Raage,Saabariin Shadoor Xasan FaadumoSaciid Maxamed . Xaliimo Muxuddiin Cosoboow, Caasho C/qaadirMaxamed, iyo Ismahaan C/raxmaan Maxamed Dhamma an Dadkaasi waxaay Tahniyad Aqal Gal Farxad Leh u Dirayaan AROOSKA IYO AROOSADDA KALA AH:- CISMAAN MAXAMED AXMED{USAAMA} IYO WARDO CISMAN AXMED JIMCALE {RAYAAN}oo 7-da febrayo 2021-ka ku aqal gaeen degmada Shibbis ee M.Muqdisho waxayna leeyihiin Noqda kuwii guurkooda ka ku baraaro oo ubad aayo wacan kala ah

Aamiin Aamiin Aamiin.

 

AQALGAL FARXAD LEH

Aabbe Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy},Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud, Aayo Aahro Muxamuud Sahruuni Adeer Maxmuud Axmed Jimcaale {Xaaji Shataar}, Adeer Mux uddiin Axmed Jimcaale {Tusbax} Eeddo= Salaado Axmed Jmcaale.Madiino Axmed Jimcaale, Xabiibo Axmed Jmcaale {Biibto} Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrabeey} ,Maryan Axmed Jimcaale, Safiyo Axmed Jimcaale, Maxamed Cismaan Axmed,Qaalid Cismaan Axmed {Karaama} iyo Xaaskiisa Naciimo C/qaadir, ,Munasar Cismaan Axmed, Maahir Cismaan Axmed,Ayuub Cismaan Axmed,Xannaan Cismaan Axmed iyo seygeeda, Muna Cism aan Axmed, Cabbiir Cismaan Axmed, Ayaan Cismaan Axmed,Maxamed Xasan Xuseen {Anaaleh} Caasho Axmed M/xmud Karaani , Salaad Shataar iyo xaaskiisa, Maxmaed Cadi Gaafoow iyo xaaskiisa, Cabdi Maxamed Axmed jmcaale iyo xaaskiisa, Farxiyo Maxamed Axmed ,Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa, Najiib Cali Cumar, Nuu raddiin Cali Cumar iyo Xaaskiisa, C/hi siidoow axmed jimcaale. Xaliimo Saiidoow axmed Zakariye Siidw Axmed, Batuulo Nuur Hadaafoow, C/dir Nuur Hadaafoow Kalsoon Maxamed Salaad,C/raxmaan C/hi Cuunsheeye, Maxamed C/hi Cuunsheeye, Qadro C/hi Cali Hagareey. Maxamed Xuseen Coon,Xamdi Cumar Xasan Maryan Maxamed Maxamuud {M.Shantaay} Nuurta Cali Cumar, Aaamino Sahro Saciid. Suleymaan C/laahi Cali, Nimco Cali Cumar, Nasro Cali Cumar, Hibaaq jeeloow, Hiddaayo C.casiis, Ilhaan Xasan Bassar,Maryan Cabdi Gees, Farxiyo C/ Casiis, C/lhi C/casiis,Axmed nuur {Nuunoow} C/casiis, Mahad C/Casiis,Faadumo Maxamed Xasan, Xabiibo Maxamed Xasan,Batuulo Maxamed Xasan, Maryan Maxamed Xuseen, C/xafiid Maxamed Xuseen, Nasro yariiseey,Shkri X.Xuseen,Qaali Xaaji Xuseen,Nadiifo X.Xuseen Sahro X.Xuseen, Sahro Muxuddiin Muqt aar,Faadumiin Najiib Cali Ikraar C/Fitaax Maxamuud Salaad, Cabdi Cali Xasan {Yuubane} Safiyo Axmed Rooble {Shiino},Faadumo Cabdi Cali. Caasho Cabdi Cali ,Ceyni Cabdi Cali, Axmed Nuur Cabdi Cali, Maa’iddo Cabdi Cali,Ruweydo Cabdi Cali, Cali Cabdi Cali, Anfac Cabdi Cali . , Nuur Maxamed Cali {N.Qamadi} Macallin Xasan, Maxamuud Axmed Xasan{Xuurshe}, iyo Jabriil Maxamuud Nuur{Jabra} dhammaan dadkaasi waxaay tahni yada Aqalgal Farxad leh u dirayaan AROOSKA CISMAAN MAXAMED AXMED {USAAMA} IYO AROOSTADDA WARDO CISMAAN AXMED {RAYAAN} OO HABEEN 7-2-2021-KA AXAD AHEYD AQAL GALAY DEGMADA SHIBBIS EE M. MUQDISHO waxaana leeynahayGuurk iina guur Qeyr Gurigiina Guri Nagi Guulloow ka yeel Allena ha idin Siiyo Ubad Aaya wacan

Aamiin Aamiin. Aamiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip