
Hambalyo Ciidanka Badda Somaliyeed.=Warbixin=
...

Waxaa Hambalyo u dirayaa Ciidanka Badda Somaliyeed oo u dabaaldagayo Sannad guuraagii 56aad ee asaaskii Ciidanka Badda 10/2/1965. ( F.S:1aad)
waxaa Hambalyo u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, leyli sarkaal, Alidley , Dabley iyo Xaaskooda.
Waan Xasuustaa Xeryahiinii ku teedsanaa Xeebaha Dalka, iyo in aad ka qeyb qaadateen Dagaaladii Xuduudaha Berriga.
waan Xasuustaa Awoodiinii Ciidan Sida: Labadii Markab ee Osa II ee Gantaalada xambaarsanaa jiray. 4tii Markab ee Mol PFT Torpedo. Polnocny Class Landing ee awooday in uu qaado 4 Tangi iyo 120 Ciidan ah. 4tii kale ee ilaali jiray Xeebaha. Doomankii Deereeyay ee Subax kasta ka war bixin jiray Xaaladda Badda. Xarumihiinii Raadaar Badeedka sida kii Marka cadey iyo Qalabkiinii kale ee awoodda Ciidan.
waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Macallinkeeygii Admiral Farax Ahmed Cumar oo Sannadkii 2009 dib u bilaabay asaaskii Ciidanka, kuna bilaabay 500 Ciidan dhan oo kaliya, mushaarkooduna ahaa $ 60 Bishii iyo Dooman yar yar oo dheeraya oo uu ka keenay waddamo aan saaxiibo nahay sida Turkiga.( F.S: 2-6aad).
Waxaan u rajeeynayaa Allahana uga baryayaa in Ciidanku uu gaaro heer sare oo uu ku hanto Difaaca Dalka.
FG: waxaan ka xumahay in aan Hadda Dalka ka maqanahay oo aanan idinkala qeyb gali karin damaashaadka, laakin Qalbiga ayaan idinkala jiraa.
Weligaa Ha quusan.

Hambalyeeye: Yahya Amir.
Hambalyo Ciidanka Badda Somaliyeed.=Warbixin=
...