
HALKAAN-KA-AQRISO-W.MOGTIMES-EE-SAAKAY-OO-ARBACO AH 10-KA FEBARAAYO-2021-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAR KALE SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLAD GOBOLLEED YADA IYO GOBOLKA BANAADIR
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Max amed C/hi Farmaajo ayaa shir mar kale isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo go bolka Banaadir kaasoo ka furmaya 15ka bishan M/Garoowe ee xarunta D/G/ Puntland. Shirkan ayaa la shee gay in loo arinsanayo fulinta he shiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen M/Muqdisho 17kii September 2020.
Kulanka mar kale uu ku baaqay madaxweyna ha ayaa imanaya ka dib markii dhowr cisho ka hor lagu soo kala tagay shirkii Dhuusa-Mareeb ee madaxdu uga wad hadlayeen arrimaha door ashada ka dib markii leysku khilaafay arinta G/Gedo oo Dowladda dhexe iyo Jubbaland wali isku mari la'yihiin.
Dhinaca kale madaxweynaha DFS ayaa xa runta madaxtooyada Villa Soomaliya kula kulm ay guddoonka G/Shacabka lamana oga hoos ah aan waxa ay ka wada hadleen labada dhinac.
Hase ahaatee ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in madaxweyna ha iyo guddoonka G/Shacabka ka wada hadlle en xaalada dalka dhaqdhaqaaqyada sideed ee socda, iyadoo maalinta Maanta ah dhinaca kale la gu wado in R/Wasaaraha Soomaaliya uu horta go Baarlamaanka.
Kulanka uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya xili muddo madaxweynuhu uu ku ekaa 8 bishan Feberaayo, oo ku dhan afar sano ka dib markii xlkan loo doortay.
XOG: ROOBLE OO DAMACSAN INUU BF U GUDB IYO QORSHE ISUGU JIRA MUDDO KORDH IN IYO NOOC DOORASHO OO CUSUB
Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ee Sooma aliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheyna ya inuu Maanta Baarlamanka horgeeyo qorshe yaab leh oo ka kooban nooc doora sho oo cusub iyo muddo kordhin is la socda, sida ay ogaatay Caasim ada Online.
Xildhibaano dhowr ah ayaa Caas imada Onl ine u sheegay in Rooble, oo Maanta ka balansan golaha shacabka, uu soo jeedin doo no in lagu laabto hannaankii doorashada ee hor ey looga di iday madaxweyne Farmaajo oo ah aa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhaceysa hal deegaan doo rasho (Single Constituency) isla markaana ah midka liixska xiran (closed list).
Doorashada halka deegaan doorasho (Sin gle Constituency) ayaa ah mid qof iyo cod ah ba lse cod-bixiyayaasha kooban yihiin oo ay yihiin kaliya illaa dhowr kun ah, oo matalaya dhamma an shacabka oo dhan, kuwaas oo la isugu keen ayo hal deeegaan doorasho, kadibna ay codka ka dhiibanayaan.
Qorshaha Rooble ayaa ah inuu ku doodo in maadaama doorashadii kale lagu heshiin waay ey middan la qaato, si loo fuliyana ay u baahan yihin waqti dheeri ah, oo illaa laba sano ah.
Ajendaha baarlamanka ee Maanta kuma jirto ka-hadalka muddo kordhin, balse xildhibaano la ha dlay Caasimada Online ayaa sheegay in la doo nayo in lagu soo geliyo qaab su’aal weydiin ah ka dibna lagu meel-mariyo gacan taag deg deg ah. Dhanka kale xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamanka kuwaas oo kasoo horjeeda xukuumadda uu wakhtigeeda dhama aday ee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada ab aabul ay kaga soo horjeedaan arrintaan, ugana hortag ayaan.
Xildhibaanadan ayaa haatan shirar ku leh Ho tel-ka Jaziira ee M/Muqdisho, ujeedkuna waa in ey ka hortagaan qorshaha la sheegay inuu Maanta damacsan yahay Ra’iisul wasaare Rooble.
Arrintan ayaa waxaa sidoo kale lagu wargeli yey beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah inay deg deg ula hadlaan Mursal, ayaga oo uga digaya inuu qaado tallaabo noocan ah.
Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa dhawr jeer sheegtay inaysan koox gaar ah sameysan waddo ay iyadu faa’iido ku qabto, islamarkaana ay madaxda siyaasadda isku yimaadaan si ay u gu heshiiyaan arrimaha doorashada.
Sidoo kale waxey ka digeen muddo kordhin ay sameystaan madaxda uu wakhtigeeda dham aaday iyadoo sidoo kale mucaaradku ay diideen iney madaxweyne ugu yeeran Farmaajo kaasoo 8-Feb.2021 uu dhamaaday muddo xileedkiIsa.
MD.CALI MAHDI OO FARRIIN U DHIIBAY WASIIRADII DORRAAD KU BOOQDAY HOYGIISA MUQDISHO
Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilka sii heysa ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guri giisa ku booqday madaxweynahii hore Soomaa liya Cali Mahdi Maxamed. Kulankaan oo sida la sheegay ay codsadeen wasiirada ayaa ka dhac ay guriga uu Cali Mahdi ku leeyahay Muqdisho, waxaana hogaaminayay wasiirka amniga Xasan Xundubey Jaamac, ayada oo looga hadlay mar xaladda uu wadanka joogo iyo xiisadda ka ta agan khilaafka doorashada.
Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiira da ay Cali Mahdi ugu tageen iney kala hadlaan sida looga shaqeyn karo amniga dalka, looga fo gaan karo xasilooni darro, maadaama uu mada xweynahii hore yahay oday Soomaaliyeed oo ku lug leh siyaasadda.
Ilo wareedyada ayaa Caasiamda Online u sheegay in Cali Mahdi uu fariin u dhiibay mad axweynaha wakhtigiisa dhama aday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna u sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday, lagana doonayo in uu doorasho xalaal ah qabto ama kursiga bane eyo. Inkastoo aan la ogeyn sida ay wasiiradaan fariinta u gaarsiin karaan Farmaajo, hadana Cali Mahdi waa xubinta ugu weyn ee mucaaradka xu kuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday, waxaa na qof walba ay sugeysaa sida looga gudbi la haa marxaladaan.
Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in shir la isugu yimaado, musharaxiinta mucaaradka wax ey ku baaqeen in Farmaajo aan loogu yeeri ma daxweyne, waxaa kaloo jirta xan siyaasadeed oo sheegeysa in Ra’iisul wasaare Maxamed Xu seen Rooble goobayo muddo kordhin laba sano ah iyo iney xukuumadiisa qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.
KUTLAD CUSUB OO LOOGA DHAWAAQAY MUQDISHO IYO KULAN XASAASI AH OO SOCDA
Xildhibaano badan oo ka tirsan 2da gole ee baarlamaanka ayaa kulan xasaasiya uga soc daa Hotel-ka Jaziira, waxayna ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen "Kutlada bad-baad inta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo. Xildhibaanadan oo u bad an kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxw eyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ku shirsan Hotel Jaziira ayaa she egay in Maxamed C/hi Farma ajo uu la mid yahay madaxwe ynayaashii hore ee dalka, maadama uu dhamaa day muddo xileedkiisi dastuuriga ah.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in xildhibaan ada uu qeybta ka yahay ay ka shaqeyn doona an sidii meesha looga saari lahaa qorshe uu ra’I isal wasaare Rooble muddo kordhin kaga raadin ayo baarlamaanka oo uu hortagi doono maalin ta Maanta ah.
Kutladan looga dhawaaqay M/Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin xildhibaano badan oo ka ti rsan baarlamaanka ayaa waxay laf-dhuun-gash ay ku noqon doonaan damaca madaxweyne Fa rmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday.
Si kastaba, waxaa laga deyrinaya xaalada dal ka oo maraysa meel xasaasiya, iyada oo uu dha maaday muddo xileedkii madaxweynaha, xili a an weli heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashada, lamana oga sida ay wax u dhici doonaan maalmaha soo socda.
FARMAAJO OO SHALAY KULAN GAAR AH LA QAAT AY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA
Madaxweynaha J/F/Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa Shalay tallaado ah kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Gudddoonka GSh/Baarlamaanka.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa wa xaa lagu sheegay in kulanka Farmaajo iyo Gud doonka G/Sh. looga hadlay xaaladda siyaas adeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.
Madaxweyne Farmaajo, G/ Ma xamed Mursal, Muudey iyo Ma had Cawad ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaray sidii dalka Soomaaliya uga dhici lah eyd doorasho heshiis lagu yahay, xili uu khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.
Faah faahin intaas ka badan Warfaafinta Mad axtooyada dalka kama aysan bixin kulanka Mad axweynaha iyo G/Golaha Shacabka Baarlam aanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaaday.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iya doo mudoo xileedka Farmaajo idlaaday, sidoo kalena Maanta kulan ay yeelan doonaan Xildhiba anada Golaha Shacabka, isla markaaan waxaa hortegi doona R/Wasaare Rooble oo jeedin doo na Warbixin ku aadan 100-kii maalmood ee Xuk uumaddiisa.
Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaa no ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Ma daxda dowladda uga digay inay sameeyaan mu ddo kororsi, maadaama uu Dorraad dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha..
TALISKA BOOLISKA OO WAR KASOO SAARAY QARAX XOOGAN OO CAAWA LAGA MAQLAY MUQDISHO
Jugta qarax xooggan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka M/Muqdisho ee Caasimad da dalka, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa qarxiyay Ciidamo ka tirsan ku wa Booliska DFS, kadib markii ka war heleen in qarax meel la geliyay.
Miinada ayaa la sheegay in lagu aasay meel ku dhow Garoonka kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee deg mada Cabdicasiis ee G/Banaadir, laguna war geligay Ciidanka, iyagoona markii dambe halka as tegay, ka dibna qarxiyeen Miinada.
Taliska Ciidanka Booliska DFS ayaa Shalay war kasoo saaray qaraxii Caawa jug tiisa siweyn looga maqlay inta badan degmo oyinka Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay qarxiyeen miinada lagu dhex qariyey Jawaan oo la dhigay waddada hormarta xerada gaadiidka dhinacee da, hayeeshee laga hortegay oo la fashiliyay, iyadoo wax khasaaro ah geystan.
RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO DHAGAX DHIGAY BALLAARINTA ISBITAALKA YARDIMELI
R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu balaar inayo Isbitaalka Yar dimeli ee Muqdisho.
Dhismaha cusub ee lagu soo kordhinayo Isbitaalka ayaa labo ji bbaar ka weyn kii hore, waxuna ku yimid baah ida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed ay hela an xarumo caafimaad oo tayo leh, isla markaa na laga heli karo adeegyadii loo doonan jiray dal ka dibeddiisa.
Eng. Rooble oo uga mahad celiyey dowla dda iyo shacabka Turkiga taageerada iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed, ayaa she egay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah sin eyso bixinta adeegyada taabanaya nolosha sha cabka Soomaaliyeed sida Caafimaadka, Waxba rashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan goobjo ob u noqdo ballaarinta isbitaalkan iyo in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan muwaadiniinta Soo maaliyeed”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan cid walba oo ma algashanaysa dalka.
Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Dowladda Turk iga u fadhiya Soomaaliya, Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan 2da gole ee DF Somaliya.
QOOR QOOR OO WAJAHAYA HALIS WEYN OO SOO ROGAAL CELISAY
Ciidamo ka amar qaata maamulkii Ahlu-Su nna ee xoogga looga saaray Galmudug ayaa Axaddii si buuxda u qabsaday degmada Matab aan ee G/Hiiraan Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidanka qabsaday D/Matabaan ay yihiin ciidankii Ahlu-Sunna ee lagu daray qeybta 21-aad ee Milateriga Sooma aliya, waxeyna markii hore ka tirsanaayeen Ah lu-Sunna.D/Matabaan oo ka tirsan Hiiraan wax aa sanadihii ugu dambeeyay ku sugnaa ciida mada Ahlu-Sunna waana degmo muhiim ah oo soohdin la leh M/Guri ceel oo ka tirsan Galgaduud, isla markaana ka mid ah goobihii lagu Aas-Aasay Ahlu-Sunna.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wajahaya cul eys weyn oo dhanka ammaanka ah iyo soo rog aal celinta kooxda Ahlu-Sunna oo ay suurta-gal tahay inay ku wajahan tahay M/Guriceel iyo de egaano kale oo ka mid ah Galmudug.
Soo rogaal celinta Ahlusunna waxey ku soo aadeysaa xili adag oo ay shacabka magaalooy inka Dhuusamareeb, Guriceel, Balanbal iyo Ma tabaan ay ka jiraan dhibaatooyin waaweyn oo Amni, kuwaas oo sababi kara inay garab helaan ciidanka Ahlu-Sunna.
Ammaanka Galmudug ayaa aad u xumaad ay wixii ka dambeeyey markii uu xukunka la war eegay Qoor Qoor, oo shaqadiisa ka mashquu lay, waqtigiisana ku lumiyey inuu dhex fadhiyo Muqdisho, si uu uga shaqeeyo danaha Villa So malia, oo markii horeba kursiga xoog ku gaysay
Xigasho:Caasimadda.Net
GOLAHA AMMAANKA EE QM OO KULAN GAAR AH KA YEELANAYA XAALADDA SOMALIYA
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Shalay oo tallaado waxaa lagu wadaa in kul an gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin ka yee shaan xaaladda siyaasadeed ee dalka Sooma aliya oo haatan u muuqata mid Cakiran.
Kulanka Golaha Ammaanka ayaa inta uu soc do waxaa aad loogu falanqeyn doonaa xaalad da dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida do orashada ka dhaceysa dalka , waxaana kulan kaas codsatay Boqortooyada Ingiriiska.
Kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in lagu ga aro go’aanka Qaramada Midoobay ee ku aadan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada, isla markaana la diyaarin doono qorshe siyaas adeed, si looga fogaado qalalaaso ka dhaca da lka oo ay xaalad ka jirto.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Q/M. Step hane Dujarric oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay weli fursad u arkaan inay kulamo xal raadin ah yeeshaan hoggaamiyeyaasha Soo maalida, si xal looga gaaro khilaafka taagan.
"QM.waxa ay weli u aragtaa in ay kulmi kara an hoggaamiyaasha Soomaalida oo ay u heelan yihiin dhowrista nidaamka, waxa ay si adag uga wada shaqeeyeen dhisidda hay’adaha dastuuri ga ah” ayuu yiri Stephane Dujarric.
Kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa ku imaanaya, iyadoo Dorraad uu dhammaaday mud do xileedka Madaxweyne Farmaajo, ayna Mu sharaxiinta shaaciyeen in Farmaajo aysan Mad axweyne u aqoonsaneyn wixii ka dambeeyay 8-da bishaan Febraayo.
MID KA MID AH BEELAHA GALMUDUG OO QAA DAC DAY SOO XULISTA GOLAYAASHA DEEGAAN KA DHUUSAMAREEB
Mid ka mid ah beelaha dega dowlad gobole edka Galmudug ayaa ku eedeysay madaxda do wlad goboleedka Galmudug in ay duudsisay xa qa ay u lahaayeen ka mid noqoshada golayaa sha deegaanada Galmudug.
Qoraal ay soo saareen waxgaradka iyo duq eyda dhaqanka Beesha Saruur ayaa waxa ay ku tilmaameen inay tahay caddaalad darro hab ka loo qeybiyay kuraasta golayaasha deegaana da degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.
HALKAN HOOSE KA AQRISO QORAAL AY SOO SAAR TAY BEESHAN; QAADACDAY SOO XULISTA
Ujeedo : Qaadacaad soo xulista Goleyaasha deeganka Dhusamareb iyo Galkacyo Taariikh: 08/ 02/ 2021 Beel weyn ta SARUUR oo kamid ah beelaha degaanka ballaaran ka dega Dowl ad goboleedka Galmudug isla markaana leh xaquuq la siman 11 ka beelood ee ku midoobay dhismaha dowladda Galmudug oo dhammaan tood metelaadoodu ka soo muuqatay golayaa sha deegaanka Caasimadda Dhuusamreeb iyo M/Gaalkacyo ee caasimadda G/Mudug ayaa no qotay Beesha kaliya oo aan ka helin wax metela ad ah labadaas magaalo oo ay deganyihiin wax aana ka hor istaagay ka qeybgal ka 2daas gole deegaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Wasiirkiisa arimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac (waayeel iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Axmed Cali Xasan (Dheere)
Sidaas daraadeed: annagoo ah odoyaasha dhaqanka iyo wax garadka Beel weynta Saruur ee ku dhaqan Caasimadda D/Galmudug waxa an kasoo horjeednaa oo aan qaadaceynaa sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaari ye (Qoorqoor), Wasiirkiisa arimaha gudaha Cab di Maxamed Jaamac (waayeel) iyo wasiiru-dowl aha W/Arimaha Gudaha Axmed Cali Xasan (Dheere) u maamuleen qeybta Golayaa sha Deegaanka ee Caasimadda Dhuusamareb & Gaalkacyo oo Beesha SARUUR lagu faquuqay .
BAAQ
Ugu danbeyn Beel weyn ta Saruur wexey ugu baaqeysaa:
1. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye (Qoorqoor) in uu kasiiyo Beesha SARUUR xaquuqda uga maqan Golayaasha Deegaanka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo iyo dhamaan xa quuqaha kale ee siyaasadeed hadii kale uu cad deeyo in aysan beesha SARUUR ka mid eheyn beelaha Galmudug maamulkeeda wax ku leh.
2. Hey’adaha Caalamiga ah ee taagera dhisid da goleyaasha deegaanka Galmudug in eey joo jiyan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee ay siiyaan dhisidda golayaasha deegaanka Galmudug maadaaba uu ku sifoobay caddaalad darro iyo wax isdaba marin.
3. Waxaan sidoo kale ugu naaqeynaa dhamma an siyaasiyiinta , waxgaradda, aqoon yahanka, dhalinyarada iyo haweenka Beesha Sauur ineey ka dhiidhiyaan caddaalad darrada iyo faquuqqa ay Madax weynaha Galmudug iyo Wasaaradda arimiha guduhu kula keceen beesha Saruur.
TIRADA DADKA UU SOO RIDANAYO DALKA SOO MAALIYA CUDURKA COVID-19 OO KORORTAY
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in uu sare u kac ku yimid dadka uu soo ridanayo cudurka Covid-19.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga helay 58 qof, kuwaasi oo baaritaano Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay Cudurka.
Illaa 58 ruux ayaa laga helay cudurka Covid-19 iyadoo 35 kamid ah ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir, 14 Somaliland, 10 Puntland, dadkan ayaa 45 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka 13 kalena ay yihiin Dumar.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay cudurka ay u dhinteen 2 ruux halka 13 kale ay ka bogsadeen.
Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaartay 4,920 ruux, iyadoo 136 qof ay u geeriyoodeen cudurkan Covid-19.
MIDOWGA YURUB OO DIGNIIN KASOO SAARAY XAALADDA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA
Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga ha dlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mu ranka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.
Mid owga Yurub ayaa marka hore ka digay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka oo uu weli ka taagan muran xoogan, iyadoona lagula kala tegay wada-hadalladii socday.
Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibe dda ee Ururka Midowga Yu rub, ayaa ugu baaqay ma daxda Soomaaliyeed inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka jira dalka, isaga oo tilmaa may haddii uu sii socdo inuu halis ku keenayo xasiloonida Somalia.
"Wax kasta oo isbarbar socda ama qeyb ka ah howlaha loo xilsaaray hay’adaha doorashoo yinka, oo aan ahayn farsamo ahaan, waxaa loo qaadan doonaa dib u dhac xoog leh,” ayuu yiri Josep Borrell.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dhi nacyada isku haya doorashada inay xal u raad iyaan is marin-waaga u dhexeeya, si loo qabto doorasho loo dhan yahay.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli be esha caalamka ay waddo dadaalkeeda ku aa dan doorashada 2021- waxaana socda qorshe la’isugu keenayo madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale,si looga wada-hadlo doorashooyinka.
GUDDOOMIYAHA DEGMADA BALEDWEYNE OO SI ADAG UGA HORYIMID SHAQO JOOJIN LAGU SAMEEYAY
Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cism aan Dhicisoow Dhuuboow ayaa si cad uga soo horjeestay shaqo joojin uu Shalay ku sameyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan. Guddoomiye Dhuuboow ayaa sheegay in sharci darro ay tahay shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoona sheegay inuusan shaqada ka joojin karin maadama hal meel laga soo wa da magacaabay sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Dhuuboow.
"Dhowr jeer ayaa cabasho ka dhan ah Cali Jeyte u gudbiyay madaxda Hirshabeelle taaso la xiriirtay musuqmaasuqa guddoo miyaha maamulka Hiiraan Cali Jeyte, taasi aya ana keentay isku dhaceena iyo inuu shaqo joo jin igu sameeyo" Ayuu yiri guddoomiye Dhuu boow
Guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa si toos ah ugu eedeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan inuu musuqmaasuqay qalab gargaar ah oo loo keenay Beeraleyda Baledweyne.
Hadalka iyo eedeynta guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa imaaneysa xili uu Shalay soo saaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jey te amar uu shaqada kaga joojinaayo guddoomi yaha degmada Cismaan Dhicisoow Dhuuboow
XUBNO KA TIRSAN SHABAAB OO HOWL-GAL LAGU SOO QABTAY
Saraakiisha ciidamada ammaanka ee maam ulka Puntland ayaa faah faahiyey howl-gallo ball aaran oo laga sameeyey gobolka Bari. Howl-gal lada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ci idamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntl and ka fuliyeen dhanka Buuraha Cal Madow ee gobolkaasi.
Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ay aa warbaahinta u sheegay in howl-galladooda ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugna ayen Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaad ay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen, walow aysan shaacin tirada iyo waxa ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen.
Deegaanada howl-gallada laga sameeyey ay aa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ka fuliyaan halkaasi.
Si kastaba Puntland ayaa xoojisay maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ee ay ka wado G/Bari ee maamulkaasi oo qeybo ka heys taan Al-Shabaab & Daacish.
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA XFS OO DAAH FURAY OLOLAHA TALAALKA CUDURKA SAMBABKA ARIGA
Mashruucan oo loogu talagalay in lagu talaa lo cudurka ku dhaca sambabka looga talaalo In ka badan Afar iyo Toban milyan oo Ari ah oo ku dhaqan dalka oo dhan ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen waxaana munaasabada daahfurka ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, Wasiirada Xa naanda xoolaha ee maamul goboleedyada, dhaqaatiir, Iskaashatooyinka iyo ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha iyo Wakiilo ka soc day hey’adaha caalamiga ee Taageere wax soo saarka Xoolaha.Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud iyo Wasiirka Xananada Xoolaha ee Hirshabelle Maxamed Ibraahim Cali ayaa ku taliyay in laga wada qeyb qaato horumarinta Caafimaadka Xoolaha.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daa qa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xus een oo mashruuca daahfuray ayaa sheegay In talaalkan uu qeyb ka yahay olole balaaran oo ay wasaaradu ugu talogshay horumarinta caafimaa dka xoolaha lagana fulin doono dalka oo dhan.
Dhinaca kale wasiir Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen ayaa xusay in ay ka wasaaradda Xa naanada xoolaha ahaan ay ku guuleysteyn qo dobo badan oo ka mida barnaamijkii 100-ka ma almood ee uu kula balamay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Sooma aliya ayaa wada dadaalo is dabajooga oo ay ku hormarineyso caafimaadka xoolaha oo kamida ilaha dhaqaale ee uu dalkeeno ku xisaabtamo.
NIN TAKSIILE AHAA OO CAAWA LAGU DILAY M/ KISMAAYO
Faah faahino ayaa ka soo baxaya dilka nin taksiile ahaa Xalay Maqribkii loogu gaystay Mag aalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Taksiilaha oo lagu magacaabi jiray Cabdik aafi Faarax Cabdille ayuu nin askari ah ku dilay agagaarka Xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Oly mpic ee xaafadda Farjano.
Aadan Maxamed Salaad oo ka mid ah ehe lada marx uumka ayaa Dhacdo.com u sheegay in lagu hor dilay afaafka hore labaajo uu she egay in gaari loogu dhaqa ayay.
"Walaalow Cabdikaafi Faarax Cabdille wuxuu ka mid ahaa takaasileyda magaalada ka dhex shaqeysa. Maqribkii isagoo horfadhiya labaajo gaari loogu dhaqayay baa waxaa u yimid nin tuu teysan oo qori wata, halkii ayuuna shan xaba dood kula dhuftay.” Ayuu yiri Aadan Maxamed Salaad.
Aadan Maxamed ayaa xusay inaanan la gar anayn sababta loo dilay marxuumka, isagoo dhanka kalena aan rajo badan ka muujin in gac anta lagu soo dhigi doono dembiilaha.
"Lama yaqaano sababtuu u dilay, dadka dhan way yaaban yihiin, isagoo meydaa la geeyay Isb itaalka weyn ee magaalada, haddana meesha ayuu yaallaa. Koley in ninka dilka gaystay lagu daba maqan yahay baa naloo sheegay, mana ogin in la soo qaban doono iyo in kale.” Ayuu yiri Aadan Maxamed.
Hay’adaha ammaanka ayaan ka hadlin dilka ninka taksiilaha ahaa loogu gaystay xaafadda Farjano ee Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Jubbaland ayaa billihii ugu damb eeyay Magaalada Kismaayo ku bartilmaameed sanayay dad beel gaar ahi ka soo jeeda. Xigasho:Dhacdo.Com
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SOO DHOWEYAY SHIRKA UU FARMAAJO KU BAAQAY IN LAGU QABTO GAROWE
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land Saciid Cabdulaahi Deni ayaa si taxader ku jiro u soo dhaweeyay shirka la gu baaqay 15 Febraayo, ink asta oo uu sheegay in aan lag ala tashan in Garoowe lagu qabto
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ma daxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in shi rka lagu baaqay uu yahay mid aan laga tashan ayna ku talineyso in lagu qabto magaalada Muqdisho.
"Dowladda Puntland waxay soo dhaweynay saa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, ma adama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’a ddaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku tal inaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Maamulka Puntland.
Maxamed Cabulaahi Farmaajo Madax weynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa shir isu gu yeeray xalay Madaxda Dowlad Goboleedya da iyo Gobolka Banaadir, shirkaasi oo dhame ystir u ah fulinta heshiiskii ay ku gaareen maga alada Muqdisho 17kii Sebteembar ee Sanadkii hore ee 2020-kii.
IMAARAADKA OO LACAGTA KA JARAY FALASTIINI YIINTA
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa jartay lacagtii ay ku maal-gelin jirtay hay’adda QM ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta 2020-kii, sanadkaas oo Imaaraad ka ay heshiis taariikhi ah oo ay xiriir kula yeeshe een la galeen Israel.
Hay’addan oo loo yaqa an UNRWA ayaa waxbarasho, daryeel caafim aad iyo adeegyo kale oo muhiim ah siisa 5.7 mil yan oo ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku kala su gan dhowr dal oo bariga Dhexe ah.
Imaaraadka ayaa 2018 iyo 2019 waxay hay’ addan ku tabaruceen 51.8 milyan oo dollar san adkiiba, hase yeeshee waxay 2020 bixiyeen kal iya 1 hal milyan, sida uu xaqiijiyey afhayeenka hay’adda Sami Mshasha, kadib markii arrintan ay shaaciyeen warbaahinta Israel.
"Waxaan rajeyneynaa in 2021 ay lacagtaas dib ugu laaban heerka sandihii hore,” ayuu yiri.
Saraakiisha Imaaraadka Carabta, weli kama jaw aabin shaac ka qaadistan.
Sanadkii tegay, Imaaraadka Carabta ayaa ca adiyeeyey xiriirka Israel, isaga oo jebiyey faham guud oo sanado badan ay Carabta qabeen oo ah in aqoonsiga Israel uu ku xiran yahay han aanka nabadda Falastiin.
Maamulka Trump ayaa 2018-kii joojiyey lacag tii uu Mareykanka ku deeqi jiray hay’adda UNRWA oo sanadkii aheyd 360 milyan oo dol lar. Is kataba maamulka Biden ayaa sheegay in ay dib u billaabi doonaan lacagtaas.
M/YURUB OO BAAQ KASOO SAARAY CIID AMADA ERETERIYA EE KU SUGAN GOBOLKA TIGREEGA
Golaha Midowga Yurub (EU) ayaa xoojiyay baaqii dowladda Mareykanka ee ku aaddanaa in ciidamada dalka Eretariya ay ka baxaan gobolka Tigray eek a tirsan waddanka dariska la ah ee Itoobiya. Warka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in joogitaanka milit ariga Eretariya uu sii hurin ayo colaadda ka taagan gobolka Tigray.
Dowladaha Itoobiya iyo Eretariya labaduba waxay horay u beeniyeen ee deymaha la xiriira in ciidamada Eretariya ay ku sugan yihiin Tigray, laakiin inkiraaddooda waxay mararka qaar ka iskhilaafayeen hadallo ay jee dinayeen saraakiil ka tirsan isla dowladda Itoobiya.
Bayaanka Midowga Yurub ayaa lagu shee gay in goluhu ‘uu aad uga walaacsan yahay mu diibada bani’aadannimo ee ka taagan’ gobolka Tigray, waxayna dowladda Itoobiya ku boorriy een in ay si aan xaddidneyn u fasaxdo howlaha gurmadka bani’aadannimo, sidoo kalena ay ilaaliso dadka rayidka ah iyo qaxootiga.
Wasiirka Warfaafinta ee Eretariya, Yemane G. Meskel, oo ka jawaabayay warka kasoo bax ay Golaha reer Yurub, ayaa hadalkooda ku tilm aamay "wax laga naxo marka la eego qodo bbada aasaasiga u ah.”
Dhanka kale, hayadda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee NRC, oo laga leeyahay Norway, ayaa sheegtay in la gubay dhismeyaal iyo xaru mo ay ugu talo gashay inay ku bixiso gargaarka bani’aadannimo.
Hayadda ayaa sheegtay in Sawirro uu qaa day qalabka Satellite-ka ay muujinayaan in wax yeelladaas ay dhacday intii u dhaxeysay 5-tii ilaa 8-dii bishii January, xilligaas oo ah in ka ba dan 2 bilood kaddib markii ay dowladda fede raalka ku dhawaaqday in ay guul ka gaartay da gaalka ayna si buuxda gacanta ugu dhigtay caasimadda gobolka Tigray.
labo xero oo dhibaatooyin la gaarsiiyay waxay hoy u ahaayeen in ka badan 20 kun oo qaxooti reer Eretariya ah, haddana ma tagi karaan koo xaha gurmadka.
Shalay dowladda Itoobiya qaabilsan qaxoot iga ayaa horay u sheegtay in "toogashooyin me elo gaar ah lagu bartilmaameedsaday” iyo "har aadiga xoogagga TPLF oo geysanaya weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah” ay ku adkeeyeen in ay gaaraan labada xero.
Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu gobolka Tigray ka qarxay dagaal u dhaxee ya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa xisbiga TPLF.
Adeegyadii bulshada ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo noqonaya gobolka.Shirkadda isgaarsii nta gobolkaas ee Ethio Telecom ayaa sheegtay inay dib usoo celisay adeegyadii telefoonnada gacanta iyo kuwa guryaha ee in ka badan 300 oo meelood.
Dhanka kalena, 25 xubnood oo ka mid ah Shaqaalaha Q/Midoobay ayaa loo fasaxay in ay gudaha u galaan gobolka Tigray, halka 60 kale oo shaqaalaha gargaarka ah ay sugayaan oggo laanshaha dowladda.
KU DHAWAAD 30 QOF OO KU DHINTAY DAADAD KA DA’AY MOROOKO
Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Dalka Mor oko ayaa waxaa fatahaado ka dhashay ku dhin tay 28 qof oo shaqaale warshad dharka soo sa arta ah, sida ay sheegaaan wararka hordhaca ah ee soo baaxaya.
Shaqaalaha gurmadka ayaa 10 qof ka badbaad iyeen warshaddii, iyada oo Samatabbixiyeya ashu kuwa kale ka baadi goobaya go’doonka daadadka lama fila anka ah.
Tirada guud ee shaqaalaha goob ta ayaanan si ras mi ah loo ogeyn, waxaana bilawday baaritaano lagu raadinayo tir ada goobta ku sugneyd ee masiibadu ku dha cday. Haweeney laga soo badbaadiyay goobta ayaa u sheegtay wargayska TanjaNews, in ays an jirin cid u diyaar garowday daadadkaan hal ista ah.
"Ma jirin wax laga walwalo. Waxaan u shaq eynaynay sidii caadiga ahayd, ”ayay tiri hawe eneyda. "Kadibna maadaama roob da’ayay, si daad aragtay biyuhu waxay bilaabeen in ay soo galaan goobta” ayaa ay tiri.
Warshado badan oo ku yaal Marooko, gaar ahaan Casablanca iyo Tangier, ayaa samaya xif aaltan ka dhan ah Wax soo saarka wadamada Shiinaha iyo Turkiga, si ay u soo saaraan dhar qiima ka jaban kan ay u dhoofiyaan.
Dhibataadan ka dhacday dalka moroko ayaan ilaa iyo hadda wax war ah kasoo bixin dowlada dalkaasi.
ABIY AXMED OO SHEEGAY IN XUKUUMADII SA AYSAN KALA QEYBIN DOONIN SOOMAALIYA
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay aa sheegay in xukuumadiisa aysan ka shaqeyn doonin kala qeybinta Soomaaliya, isagoo xoo gaggii TPLF ku eedeey ay kala qeybinta wada mada Geeska Afrika.
Xukuumadda uu talade eda haayo Abiy Ahmed ayaa gobolka Waqooy iga Itoobiya ku yaalla ee Tigreega kula daga allamayTPLF, wuxuuna guushaas ku tilmaamay mid dan u ah dhamaan wadamada Geska Afrika
Warbixin lagu daabacay Project Syndicate ayuu ku sheegay ra’iisul wasaare Abiy in TPLF ay qas ku wadeen dalalka Geeska Afrika, islam arkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, bal se ay soo afjareen.
"Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid cee yriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatada ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasa deed,” Ayuu yiri Abiy Ahmed.
Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah madaxw enaha wakhtigiisa Shalay ku eg yahay ee Max amed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu san ka shaqeyn doonin xasiloonni darrada Soo maaliya oo muddo 30-sano ah dhibaatooyin dhexda uga jirta.
Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegaa in siyaasadda xukuumadiisa ay tahay in laga wada shaqeeyo xal u helidda duruufaha ku gadaaman dalalka Geeska Afrika
SOOMAALIYA
OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA
OGEYSIIS HALKAN BAA LAGU SIIYAY in calaamadda ganacsi ee kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga:
Martell & Co, of Place Edouard Martell, 16100 Cognac, France
waxaana loo isticmaalaa laxiriira:
Sharaabyada noocyadooda kala duwan.
OGEYSIIS SIDOO KALE OO LA SIIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof ama shirkad kasta oo isticmaala calaamada ganacsiga la sheegay ama ku dayasho midkood ama haddii kale ku xadgudba xuquuqda shirkadda la sheegay
AQALGAL FARXAD LEH
Aabbe Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy},Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud, Aayo Aahro Muxamuud Sahruuni}, Ayeeyo Faadumo Cabdulle siy aad, Hooyo Sacdiyo cismaan maxamuud Heesoow Abti Cismaaciil Maxamed Marwaan Adeer Maxmuud Axmed Jimcaale {Xaaji Shataar}, Adeer Mux uddiin Axmed Jimcaale {Tusbax} Eeddo= Salaado Axmed Jmcaale.Madiino Axmed Jimcaale, Xabiibo Axmed Jmcaale {Biibto} Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrabeey} ,Maryan Axmed Jimcaale, Safiyo Axmed Jimcaale, Maxamed Cismaan Axmed,Qaalid Cismaan Axmed {Karaama} ,Munasar Cis maan Axmed, Maahir Cismaan Axmed,Ayuub Cismaan Axmed,Xannaan Cismaan Axmed iyo seygeeda, Muna Cismaan Axmed, Cabbiir Cismaan Ax med, Ayaan Cismaan Axmed,Maxamed Xasan Xuseen {Anaaleh} Caasho Axmed M/xmud Karaani , Salaad Shataar iyo xaaskiisa, Maxmaed Cadi gaa foow iyo xaaskiisa, Cabdi Maxamed Axmed jmcaale iyo xaaskiisa, Farxiyo Maxamed Axmed ,Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa, Najiib Cali Cumar, Nuu raddiin Cali Cumar iyo Xaaskiisa, C/hi siidoow axmed jimcaale. Xaliimo Saiidoow axmed Zakariye Siidw Axmed, Batuulo Nuur Hadaafoow, C/dir Nuur Hadaafoow Kalsoon Maxamed Salaad,C/raxmaan C/hi Cuunsheeye, Maxamed C/hi Cuunsheeye, Qadro C/hi Cali Hagareey. Maxamed Xuseen Coon,Xamdi Cumar Xasan Maryan Maxamed Maxamuud {M.Shantaay} Nuurta Cali Cumar, Aaamino Sahro Saciid. Suleymaan C/laahi Cali, Nimco Cali Cumar, Nasro Cali Cumar, Hibaaq jeeloow, Hiddaayo C.casiis, Ilhaan Xasan Bassar,Maryan Cabdi Gees, Farxiyo C/ Casiis, C/lhi C/casiis,Axmed nuur {Nuunoow} C/casiis, Mahad C/Casiis,Faadumo Maxamed Xasan, Xabiibo Maxamed Xasan,Batuulo Maxamed Xasan, Maryan Maxamed Xuseen, C/xafiid Maxamed Xuseen, Nasro yariiseey,Shkri X.Xuseen,Qaali Xaaji Xuseen,Nadiifo X.Xuseen Sahro X.Xuseen, Sahro Muxuddiin Muqt aar,Faadumiin Najiib Cali Ikraar C/Fitaax Maxamuud Salaad, Cabdi Cali Xasan {Yuubane} Safiyo Axmed Rooble{Shiino},Faadumo Cabdi Cali. Caasho Cabdi Cali ,Ceyni Cabdi Cali, Axmed Nuur Cabdi Cali, Maa’iddo Cabdi Cali,Ruweydo Cabdi Cali, Cali Cabdi Cali, Anfac Cabdi Cali . , Nuur Maxamed Cali {N.Qamadi} Macallin Xasan, Maxamuud Axmed Xasan{Xuurshe}, iyo Jabriil Maxamuud Nuur{Jabra} dhammaan dadkaasi waxaay tahni yada Aqalgal Farxad leh u dirayaan AROOSKA CISMAAN MAXAMED AXMED {USAAMA} IYO AROOSTADDA WARDO CISMAAN AXMED {RAYAAN} OO HABEEN 7-2-2021-KA AXAD AHEYD AQAL GALAY DEGMADA SHIBBIS EE M. MUQDISHO waxaana leeynahay Guurk iina guur Qeyr Gurigiina Guri Nagi Guulloow ka yeel Allena ha idin Siiyo Ubad Aaya wacan Aamiin Aamiin. Aamiin.
SHARCIGA MA U OGGOLAANAYAA IN UU MADAXW EYNE FARMAAJO SII JOOGA XAFIISKA
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farm aajo oo maalintii Dorraad ay uga ekeyd muddo xilkeedka xafiiska loo dha ari yay ee afarta sano ayeey dood badani ka taaggan tahay awooda sha rci ee uu ku sii joogayo xafiiska.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo midowga musharixiinta intaba waxaa ay u soo jeediyeen madaxweynaha in uu xafiiska banneeyo, kuna wareejiyo awo oda dalka guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Qoraal ay soo saareen ayeey sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradku ku sheegeen in aysan u aqoosaneyn Farmaa jo in uu yahay madaxweynaha Jahmuuriyada.
Garyaqaan Cabdiwaaxid Cusmaan Qalinle oo ku sugan gobolka Minnes ota oo su'aashan la weydiiyay ayaa sheegay in sharcigu u ogolaanayo madaxweyne Farmaajo in uu xilka sii hayo, isaga oo tusaale u soo qaatay sharci uu horrey Baarlamaanku u meelmariyay oo ahaa in xilka sii heyn doonaan hay'addaha Dastuuriga ah ilaa laga helayo hay'addo kale oo sharci ah oo tallada kala wareega.
Wuxuu intaa ku darray in taasi macnaheedu aheyn in ay meesha iska sii joogayaan, laakiin loo baahan yahay in madaxtooyada iyo xukuum adda intaba muddo gaaban uga shaqeeyaan sidii uu dalka doorasho u aadi lahaa.
''Waa in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka muddo gaaban doorasho uga dhici laheyd, waa in sii joogista madaxweynuhu aysan noqon mid iskafur ran laakiin waa in deg deg jadwal doorasho loo diyaariyaa '' ayuu yiri Ga ryaaqaan Cabdiwaaxid Cusmaan Qalinle oo la hadlayay VOA.Waxaa uu meesha ka saaray erayga ah in Farmaajo loo aqoonsanayo waqtigan ma daxweynihii hore ee Soomaaliya ilaa uu xafiiska ku wareejinayo madaxw eyne kale oo isaga badala.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdira xmaan ayaa dabayaaqadii sanadkii hore magaalada Garoowe ka sheeg ay haddii ay dhici weydo doorasho heshiis lagu yahay ka hor waqtiga u dhiman dowladda, in ay xilka sii heyn doonaan sida uu hadalka ku dhig gay hay'addaha Dastuuriga ah ee hadda jira.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu eedeynayaa inuusan ka shaqeyn muddadii uu xafiiska joogay sidii ay doorasho dalka uga dhici laheyn, sidaa daraadeed ay tahay in uu xafiiska banneeyo, ma daama uu ku fashilmay in uu dalka doorasho u diyaariyo ka hor inta uus an dhamaan muddo xileedkiisa.
Laakiin Cabdiwaaxid Qalinle ayaa sheegay in ujeedadu tahay in aan dalka meel cidlo ah looga dhaqaaqin oo aysan dhicin fariiq dowladdeed, laakiin mar walba looga baahan yahay madaxda hadda joogta in ay ku dhaqsadaan doorasho wadar ogol ah oo dalka laga hergaliyo.
''Iyaga hadda shaqo kale oo u taalaa ma jirto, go'aamo waaweyn oo ay gaari karaanna ma jirto, oo aan aheyn kaliya in ay doorashada ka sha qe eyaan'' ayuu yiri Garyaqaanka. Dhawaan mar uu khudbad ka jeedina yay Md.Farmaajo G/Shacabka ayuu sheegay in wali ay jirto rajo ah in isfaham laga gaaro khilaafka dhin aca doorashada ah ee taagan, laakiin madaxw eynuhu mauusan sheegin waqti go'an oo doorashada heshiis Looga gaari karo. XIGASHO:- VOA/ SOMALI
HALKAAN-KA-AQRISO-W.MOGTIMES-EE-SAAKAY-OO-ARBACO AH 10-KA FEBARAAYO-2021-KA
....