WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA MAARSO 2016-KA

0
Sunday March 27, 2016 - 10:11:46 in Wararka by
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA MAARSO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII HORE EE CAAFIMAADKA DR AADAN XAAJI IBRAAHIM Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka gee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII HORE EE CAAFIMAADKA DR AADAN XAAJI IBRAAHIM Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ahaa wasiirkii caafimaadka xilliyadii xukuumadihii ku meel gaarka.

"Innaa Lillahi wa inaa Ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Aadan Xaaji Ibra ahim la wadaagaya qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahayna ha ka abaal mariyo wanaaggii iyo shaqadii uu qaranka u soo qabtey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

R/WASAARE CUMAR AYAA KA TACSIYEEYAY GEERIDII KU TIMID WASIIRKII HORE EE CAAFIMAADKA DR. AADAN XAAJI IBRAAHIM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marx uum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo xanuun hayey muddooyinkii ugu danbeeyay u geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda, dha mmaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u nax ariistee marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim, isagoo sheegay in marxuumku door weyn ka soo qaatay dibusoo kabashada dalka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim inuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun.

DHAMAAD

MA LAGA YAABAA IN MADAXWEYNAHA UU MAR KALE FARA MARNAAN KALA LAABTO BELEDWEYN ?

Xaalada magaalada Beledweyn ayaa degan, kadib banaan bax rabshado watay oo dad ku dhaawacmeen, kaasoo gelinkii hore ee shalay ka dhacay bariga magaalada.

Kulamadii Madaxweynaha uu la lahaa Odayaasha dhaqanka ayaa u muuqda kuwo lagu kala tagay, mana jirto illaa iyo hada wax kulamo ah oo ka socda Xarunta Maamulka ee uu degan yahay Madaxweynaha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo Madaxweynaha uu dib ugu soo laabto magaa lada Muqdisho, inkastoo aan wali warkaas la hubin, balse xilligan oo qoraxda sii dhaceysa bnimo ay aa la sheegayaa in suura gal aheyn in Madaxweynaha ka soo tago Beledweyn.

Wariye ku sugan Beledweyn ayaa soo sheegayaa in kulamadii shalay dhex maray Madaxwey naha iyo Ugaasyadii uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu mar kale ku dhamaaday is faham waa, waxaana xubnaha odayaasha ay Madaxweynaha hordhigeen saddex qodob.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in Madaxweynaha aanu u mu ujin diidmo iyo aqbalaad toona, balse ay wali ku adkeysanayaan qodobada saddexda ah sida in Gobolka Hiiraan wax la qeybsato 8dii gobol, ama sida loo ballaariyay loo ballaariyo, in shir dib u heshiisiin la qabto iyo in Gogosha lagu soo celiyo Beledweyn.

Odayaasha dhaqanka ayaa ka horyimid dalab markii hore Madaxweynaha ka yimid oo ahaa in hal hal ula kulmo odayaasha, balse ay ka biya diideen odayaashii uu horkacayay Ugaas Xasan.

Lama oga dadaalkan ugu dambeeya ee Madaxweynaha uu wado sida uu ugu guuleysan karo inuu xal uga gaaro tabashada ay qabaan iyo diidmada badan ee ay qabaan Odayaasha dhaqanka reer Hiiraan.

WASIIRKA WARFAAFINTA GALMUDUG "WAXAAN QABANAY DOON AY KU BAXSANAYEEN HORJOOGAYAAL SHABAAB AH” ..

Shir jaraa’id oo uu shalay magaalada Cadaado ku qabtay wasiirka warfaafinta dawlad gobole edka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan ayuu ku sheegay in dagaalladii shalay ay kula galeen kooxda Shabaab deegaanada Galhagiig, Dinooda, iyo Tawfiiq ee bariga gobolka Mudug ay jab iyo qasaaro wayn gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee isku dayday inay amnigooda qalqal galiyaan.

Wasiirka ayaa xusay inay habeen hore qabteen Doon ay wateen horjoogayaal ka tirsan Al- shaab oo baxsad ahaa.

Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan ayaa shee gay in maxaabiis hor leh ay shalay ku qabteen dagaalka ay ciidamada Galmudug ku sifaynayaan Shabaabka.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo lagu sifaynayo kooxda shabaab ka waday bariga gobolka Mudug.

CHINA OO MALAAYIIN DOLLAR UGU DEEQDAY DALAL AY SOOMAALIYA KA MID TAHAY

Dowladda China ayaa sheegtay ub lacaf gaareysa illaa 10 Million oo dollar ay ugu deeqeyso dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo xilligaan ay ka taagan yihiin abaaro xoogan oo saameyn ku yee shay dadka dalalkaas ku dhaqan.

Wasiirka Dhaqaalaha ee China ayaa sheegay in lacagahaasi ay u sii marin doonaan dalalkaa si Barnaamijka Cuntada Qaramada Midoobay WFP si halkaasi loo gaarsiiyo gargaar beni’aadanimo.

Labo Million oo ka mid ah lacagtaasi ayuu Shiinaha sheegay in lagu gargaari doono dadka Soomaaliyeed ee ay heystaan abaaraha ka jira dalka , lacagaha kalena loo wareejin doono dalka Ethiopia oo ka mid ah dalalka ugu daran dhinaca abaaraha ee Bariga Africa.

Wasiirka Dhaqaalaha China iyo saraakiisha ugu sareysa Hay’adda WFP ayaa ka wada hadlay sidii loo maareyn lahaa deeqahaasi loogu tala galay in lagu samata bixiyo dadka faraha badan ee ay dhibaatada ka soo gaartay abaaraha ka taagan geeska Africa.

UGAAS XASAN "MADAXWEYNAHA WAXAA HORDHIGNAY IN HIIRAAN 8DII GOBOL EE DALKA WAX LA QEYBSATO”

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa faah faa hin ka bixiyay kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan magaalada Beledweyn.

Ugaaska ayaa sheegay in Madaxweynaha ay hordhigeen saddex qodobo oo kala ah in marka ah Gobolka Hiiraan ay wax la qeybsato 8dii Gobol ee uu dalka lahaa, in dib u heshiisiin la dhigo iyo in gogosha lagu soo celiyo Beledweyn.

"Waxaan hordhignay Madaxweynaha saddex qodob in Hiiraan 8dii Gobol wax la qeybsato, in dib u heshiisiin la sameeyo, iyo in gogosha dib loogu soo celiyo Beledweyn, sagaal bilood ayay gogo sha halkan ka furneyd, dowladda codsi ayaa u jeedinay”ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaaska ayaa sheegay in aanay wax diidmo iyo aqbalaad midna aanay kala kulmin Madaxwe ynaha, waxaana uu xusay in horay codsigan ay ugu jeediyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ra’ iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa wali kulamo la leh odayaasha dhaqanka, waxaana uu habeen hore u gudbay galbeedka magaalada, gaar ahaan xaafada Howlwadaag, halkaasoo odayaal ka soo jeeday kula kulmay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha ay is afgarteen Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Galbeedka Beledweyn, balse wali uu culeys kala kulmayo beesha degta bariga Bele dweyn.

Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee ay gogoshiisa taalo Jowhar ayaa wali hakad uu ku jiraa, iyadoo dowladda Federaalka isku dayayso sidii shirka dib loo fu ri lahaa, odayaasha dhaqanka ee saluugsan ay uga qeyb geli lahaayeen.

Lama oga dadaalkan ugu dambeeya ee Madaxweynaha ugu jiro sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Odayaasha dhaqanka reer Hiiraan u guuleysan doono, waxaana marar badan uu Madaxweynuhu ku noqday Beledweyn aanu wax natiijo ah ka keenin, marka la eego diidmada Odayaasha ka imaanaya iyo shuruudaha adag ee ay wataan.

NIN UGANDHESE AH OO LA SHEEGAY INUU KA TIRSANAA HAWLGALKA AMISOM OO LALA XIRIIRINAYO ALSHABAAB .

Boliska Kenya ee Xuduudka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay Uganda, kaasi oo lala xiriirinayo inuu xubin ka yahay Alshabaab.

Madaxa Dembibaarista Boliska ee Degaanka Kajiado, Mr. Nagatia Iregi ayaa sheegay Baar itaan kadib in ninkaasi oo lagu magacaaba Sawalah Baluku qirtay inuu tababar ku so oqaatay Xero Alshabaab ku leeyihiin gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Eedeysanaha Mobaylkiisa ka heleen Muuqaalo Goosgoos ah oo ku saabsan Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ka wadaan gudaha Somalia, waa sida uu Sarkaalkaasi hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Sarkaalka oo u waramay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in Eedeysana ha ahaan jirey Askari ka hoos shaqeeya AMISOM, isla markaana uu u ku sii jeeday dalka Tanzania si uu u soo booqdo Xaaskiisa.Eedeysanahaasi ayaa la sheegay in lagu hayo Xabsiga lagu magicaa bo the Kajiado GK Prison.

Xigasho: radio Dalsan

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBEDDEA EE IGAD OO MARKII UGU HORREYSAY SHIR KU YEELAN DOONA PUNTLAND.

Idaacadda Radio Dalsan ayaa ogaatay inay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee lixda Waddan ee xubnaha ka ah Ururgobaleedka IGAD qorsheynayaan inay Toddobaadka soo socda Shirk u yee shaan caasimadda Maamulgobaleedka ee Puntland.

Ilo rasmi oo lagu kalsoonaan karo ayaa Dalsan Radio u xaqiijiyey inay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD Kulankaasi kaga hadli doonaan Arrimaha Somalia, Abaaraha iyo Doorashooyinka Somalia ka dhici doonto dabayaaqadda sannadkan 2016ka.

Kulankaasi waxaa la qorsheynayaa inay ka soo qeyb galaan Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda, Sudan, South Sudan iyo Somalia oo martigelinayso.

Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu midkooda ka qeyb galo Furitaanka Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururgobaleedka IGAD, waana markii ugu horreysay ee ay Wasiiradda IGAD shir ku yeeshaan mid ka mid ah Maamulgobaleedyadda Somalia.

Dhinaca kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Maamulka Puntland iska waabiyeen, kana guuleysteen dagaalkii ay la galeen Alshabaabkii bilowgii bishan gaaray qeybo ka mid ah Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkii ugu horreeyey ee ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD ku yeeshaan Somalia wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo, waaxa uu ka dhacay Caasimadda dal ka Somalia ee Muqdisho bishii xay bishii Janaayo 10dii ee sannadkan.

Shirkaasi oo ahaa kii 35aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 25 qoddob, iyadoo Qoddobka 24aad lagu muujiyey in Shirka xiga ee Was iiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD in lagu qaban doono Somalia inta lagu gudajiro sannadkan 2016ka, waana kan la filayo in Toddobaadka dambe ka furmi doona magaalladda Garowe ee Ma amulka Puntland.

DIBAD BAX LOOGA SOO HORJEEDO KOOXDA MONITORING GROUP OO MUQDISHO KA DHACAY

Boqolaal ruux Soomaali ah ayaa isu soo bax looga soo horjeedo Kooxda la socodka hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa shalay ka dhigay magaalada Muqdisho, iya doo dowladda Federaalka loogu baaqay inay qaado tallaabo ka dhan ah Kooxdan.

Isu soo baxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Gana csatada, Aqoonyahanada, Ururada xirfadleyda, Ardayda Jaamacadaha, haweenka iyo dhalinyarada.

Dadweynaha ka qeyb galay isu soo baxa oo ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee maga alada Muqdisho ayaa waxaa wateen hal ku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah xadgudubka ay Koo xda ku heyso shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee bulshada magac ku leh inay ku tilmaamaan inay yihiin is miidaamiyaal sida ay ku sheegeen warbixinadooda.

"Eedaymahaasi qariibka ah iyo meel ka dhaca saraakiisha dadweynaha ayaa ah habab ay ho ggaanka kooxda la socodka Soomaaliya iyo Erteriya ee hore iyo haatan” sidaasi waxaa yiri Muxudiin Xasan Axmed oo ku hadlayay magaca dhaqanka.

Ka sokow doodahaasi ee kooxda ka warqabka ee cunaqabataynta Hubka Q.M. ee Soomaaliya saaran waxay beegsanayaan si joogta ah inay hoos u dhigaan horumarka Soomaaliyeed iyagoo meel xun dhigaya iyo weecinta xaqiiqaha dhulka ka jirta ee Soomaaliya.

"Waa waqti dowladeenna Soomaaliya inay soo bandhigto xad gudubka iyo ka hortaga qatara ha soo wajahaysa kooxda la socodka Soomaaliya iyo Ereteriya ay ku hayso dalka iyo muwaadinini inta Soomaaliyeed sidaasi waxaa yiri Mr. Daahir Xasan oo ah xubin muhiim oo ka tirsan bulshada ganacsatada kuwaasi oo wax ka soo qaban qaabiyay isu soo baxaasi ka hor jeeday kooxda ka warq abka Soomaaliya iyo Ereteriya.

Warbixinada kooxda la socodka Soomaaliya iyo Ereteriya waxay sii wadaan inay sumcad rid aan dad aan waxba galabsan oo Soomaaliyeed iyadoo aysan jirin la’aanta eedaymo aan raad laha yn iyo waqtiyo ay isticmaalaan sheekooyin argagaxiso si ay u xoojiyaan xaalada haatan taagan taasi oo si cad waxay u dhiiri galinaysaa is xukun la’aan iyo aragti qalalaase ee dalka ka jirta. Sida cadday mo aad u liita ayaa ah kuwo lagu bur burinayo dabeecada hanaanka nabad dhisida Soomaaliya, sidoo kale waxay hoos u dhigaysaa dadaalada ay dowlada Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ee inay la dagaasho argagaxisada. Isu soo baxayaashaasi waxay ugu yeereen Madaxweynaha Sooma aliya, Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya inay si xooggan ugu codsadaan in Golaha Ammaanka ee Q.M. inay si deg deg ah u kala diraan xubnaha kooxda ka warqabka Soomaaliya iyo Ereteriya.

DOWLADA BELGIUMKA OO GACANTA KUSOO DHIGTAY SADDEX RUUX OO LALA XIRIIRINAAYO WEERARADII BELGIUMKA.

Afhayeen u hadlay booliska dalka biljimka ayaa sheegay in shalay oo sabbi ah ay gacanta ku soo dhigeen saddex nin oo si weyn loola xiriirinaayo weeraradii talaadadii ka dhacay magaalada barasalis ee dalka biljimka.

Ragaan ayaa laga soo qabtay magaalada baraasalis oo ay ku dhuumanayeen.

Laba ka mida ah ragaan ayaa dhaawac dhanka lugta ah uu kasoo gaaray weerarkii qaraxy ada ahaa ee ka dhacay dalka Belgiumka.

Qabashadaan ragaan ayaa imaanaysa iyadoo shalay saalax cabdi salaam uu diiday in uu hadlo kadib suaalo ladoonayey in la weydiiyo.

Saalax ayaa afar maalin soo qabashadiisa waxaa dhacay qaraxyada barasalis waxaana nin kaasi lagu eedeenayaa in uu ka dambeeyey weeraradii sanadkii hore ka dhacay magaalada paris ee dalka France.

Weeraradii barasalis ee dalka Belgiumka ayaa dhacay maalinkii taladaada waxaana ku dhint ay in ka badan 30 ruux halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.

MAXKAMADA SARE EE CIIDANKA SOMALIA OO SHALAY MAR KALE DIL KU XUKUNTAY XASAN XANAFI XAAJI

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa shalay mar kale ku xukuntay dil toogasho, Xasan Xanafi oo horay loogu xukumay dil toogasho, balse xukunkaas ka qaatay rafca an, iyadoo maxkamaddu ay tuurtay rafcaankii uu qaatay Xasan Xanafi Xaaji C/salaan.

Xasan Xanafi ayaa loo haystay inuu ku lug lahaa dilal weriyayaal kala duwan Muqdisho ay ugu geysatay Alshabaab iyo inuu ka tirsanaa Xarakada Alshabaab oo Dowladda Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kula jira dagaallo hubeysan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka sida ee Somalia, Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka togashada ah oo Xasan Xanafi Xaaji ay mar kale ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada Somalia.

"Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Somalia waxay shalay xukun dil Toogasho ah ku ridday Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo 28jir ah, xukunkan oo ah Qisaasta dilkii uu u geystay She ekh Nuur Maxamed Abkeey,” ayuu yiri Col. Liibaan Cali Yaroow.

Wuxuu Marxuum Sheekh Nuur Abkeey, ayaa ka mid ahaa Hawlwadeennadii ka Hawlgeli jiray Warbaahinta Dowladda Federaalka Somalia, iyadoo lagu dilay Muqdisho 05tii Bishii May ee sannad kii 2010kii xilli uu gurigiisa kusii socday.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida ee dalka, ayaa 03dii bishan Maarso dil toogasho ah ugu xukuntay Xasan Xanafi Xaaji, balse rafcaan ayuu ka qaatay, taa soo keentay in shalay mar kale xukun dil ah lagu riday.

Col. Liibaan Yaroow, ayaa sheegay in xukunka shalay ay Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku riday mar kale Xasan Xanafi uu yahay mid ay maxkamadda Daraja da Koowaad ee ciidamada ku raacday, isla markaana aan Rafcaan laga qaadan karin, balse ma uu san sheegin xilliga dilkan ay ku rideen lagu fulin doono.

Ugu dambeyn Xasan Xanafi X. C/salaan ayaa waxaa laga soo qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya dhammaadkii Sannadkii 2014kii, iyadoo isla xilligaas loo soo gacangeliyay ciidamada Nabadsugidda Somalia oo tan iyo xilligaas xabsiga ku hayay.

DOWLADAHA INGIRIISKA IYO JORDAN OO HOWLGALLO QARSOODI KA SAMEEYAY SOOMAALIYA

Ciidamo gaar ah oo ay leeyihiin Ingiriiska iyo Jordan ayaa la sheegay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay bartilmaamsadaan goobo ay ku sugan yihiin Al Shabaab.

Boqorka Dalka Jordan Cabdullaahi Ibnu Xuseen ayaa sheegay in mar weliba ay isha ku hayaan halista Al Shabaab oo uu sheegay in ay xiriir laleedahay Ururka Al Qaacida isagoo walaac ka muujiyay Khatarta Al Shabaab ee ammaanka Gobolka.

Boqorka ayaa xusay in Jordan mar weliba ka go’antahay la dagaalanka Argagixisada oo uu sheegay in ay dhibaatooyin ku hayaan Caalamka.

Sidoo kale Boqorka waddanka Jordan ayaa shaaca ka qaaday in ay haatan diyaariyeen Ciida mo gaar ah oo ka socda dalkiisa kuwaas oo caawinaya Ciidamo ay leeyihiin dalalka Kenya iyo Ingir iiska oo Al Shabaab kula dagaalami doona gudaha Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la qaadi doono weeraro ka dhan ah Al Shabaab si looga hortago in awoodooda ay ku fido meelo ka baxsan Soomaaliya iyo Kenya.

QARAMADA OO WAQTIGA U KORDHISAY HOWLGALKA AMISOM EE SOMALLIA.

War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobe ee ku yaala Magaalada new york ayaa lagu sheegay in ay qaramada midoobe ay muddo kordhin u sameysay howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom.golaha ayaa sheegay in muddo 1 sano ah ay u kordhiyeen mudada ka howl galayo xafiiska nabad ilaalinta ah ee amisom.

Golaha amaanka ayaa amaanay doorka nabada ay amisom ku la haayeen soomaaliya.

Golaha waxaa kaloo ay amisom ku amaaneen la dagaalanka Alshabaab iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyey oo ay alshabaab la galeen.

Dowlada Kenya oo 4000 ciidan ay ka joogaan soomaaliya ayaa ka hortimid muda kordhinta loo sameeyey howlgalka amisom maadaama ay midowga yurub ay yareeyeen mushaaradkii ay ciid anka amisom ku ay qaadan jireen.

Wasiirka difaaca Omamo ayaa daraad waxaa ay qaramada midoobe ka dalbatay in howl galka ay la kordhiyo mushaaradkiisa iyo in qalab cusub lagu caawiyo si ay Alshabaab kaga adkaadaan.

Madaxeynaha Kenya ayaa isagana bishii hore sheegay in howlka uu u baahan yahay in laga taageero dhinacyo badan oo ay ugu horeeyso dhanka tafsiilaadka iyo in howlgalka lagu soo kordhiyo dhinacyada ka maqan sida awoodii badda iyo cirka.

Howlgalkaan Amisom ayaa bilowday sanadkii 2007dii.

Howlka ayaa sidoo kale waxaa ku mideysan dalal ay ka mid yihiin Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti, iyo dalka Ethiopia.

BOGGA CAYAARAHA

HALYAYGII BARCELONA IYO SPAIN EE XAVI HERNANDEZ OO XULKA QARANKA ENGLAND KU TAAGEERAY IN AY FURSAD WAYN U HAYSTAAN KU GUULAYSIGA EURO2016 EE FRANCE LAGU QABAN DOONO

Xidigii koobka aduunka iyo laba koob ee qaramada Yurub ah kula soo guulaysatay xulka qaranka Spain ee Xavi Hernandez ayaa ku dooday in xulka qaranka Hoy Hodgson ee England in ay fursad fiican u haystaan ku guulaysiga koobka qaramada yurub ee Euro2016 oo xagaaga France ka furmi doona. Xavi ayaa sheegay in jiilka cusub ee England aanu markan cadaadis saarnayn isla markaana ay taasi ka caawin karto in ay fursad fiican helaan si la mid ah qarankiisii Spain ee sanadkii 2008 kii.

Xavi ayaa sheegay in xulka qarankiisa Spain uu culays badani haystay ka hor intii ayna ku guulaysan koobka qaramada yurub ee 2008 kii oo ay guulo cajiib ah ka soo hooyeen, wuxuuna ku adkaystay in jiilka cusub ee saddexda libaax ay fursad fiican ka heli doonaan marka ay France kaga qayb galaan tartanka qaramada yurub.

Xavi says Roy Hodgson's England team have a 'real chance' at Euro 2016 in France this summer

Xavi ayaa kooxda xulka qaranka England barbar dhigay kooxdii Spain ee sanadkii 2008 kii guusha ka soo hoysay tartnakii qaramada yurub oo markii danbe aduunka ka yaabsatay, wuxuuna sidoo kale soo qaatay jiilkii England ee ay Lapard, Scholes iyo Gerrard ku jireen iyo sida uu markasta cadaadisku ugu saarnaa in ay koobab ku guulaystaan.

The Spain legend compared the Three Lions to his own national team prior to their first trophy in 2008

Xavi oo ka hadlaya xulka qaranka England ayaa yidhi: "Anigu waxaan filayaa in England ay haysato fursad xaqiiq ah.Ka hor intii aanaanan anagu(Spain) ku guulaysan koobkii noogu horeeyay, waxaan aaminsanahay in uu cadaadiska ahaa in aanaan waligayo sideed dhamaadka soo gaadhin intii hore, sababtoo ah tayadayada waxaa jiray cadaadis aad u badnaa oo na saarnaa, taas ayaa na heshay anaga”. ayuu Xavi u sheegay Mirror.engtrain0209f

Laakiin Xavi ayaa sheegay in jiilka cusub ee England oo ay ka mid yihiin Dele Alli, Harry Kane, Raheem Sterling iyo waliba xidigaha Leicester City in ay fursad haystaan wuxuuna sidoo kale soo qaatay xidigihii hore ee England soo maray wuxuuna yidhi: ” Markii ay England haysatay jiilkii dahabiga ahaa ee Frank Lampard, Paul Scholes, David Beckham iyo Steven Gerrard, waxaa haystay cadaadis la mid ah, waana wax adag in aad la tacaasho, maskax ahaan ayuu kuu xidhayaa”.england

Xavi ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Hadda England waxay haysataa jiilka cusub ee Harry Kane, Raheem Sterling, Dele Alli iyo nimanka England ee shaqada aan caadiga ahayn ka qabanaya Liecester City. Waxay haystaan ciyaartoy aad u fiican, laakiin ma filayo in uu jiri doono filshao la mid ah in ay taranka ku guulaystaan, taas ayaa u shaqayn karta iyaga, sababtoo ah waxay taasi u ogolaanaysaa in ay tagaan oo ay ciyaaraan”.

KULAMADA ENGLAND EE KA HOR EURO 2016

vs. Germany, tonight, 7.45pm

vs. Netherlands, March 29, 8pm

vs. Turkey, May 22, waqtiga lama shaacin

vs. Australia, May 27, 7.45pm

vs. Portugal, June 2, 7.45pm

Kooxda Hadda Ee England:

GOOLHAYAYAASHA: Butland, Forster, Heaton

DIFAACA: Cahill, Clyne, Jagielka, Rose, Smalling, Stones, Walker

DHEXDA: Alli, Barkley, Dier, Drinkwater, Henderson, Lallana, Milner

WEERARKA: Kane, Sturridge, Vardy, Walcott, Welbeck

LIVERPOOL OO CIYAARYAHAN KA DOONEYSO KOOX KA DHISAN HORYAALKA ARGENTINA

Lucas Alario oo weerarka uga ciyaara kooxda reer Argentina ee River Plate ayaa xaqiijiyay inuu albaabada u furayo ku biirista kooxda Liverpool.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa soo jiitay indhaha kooxdaLiverpool tan iyo markii Colon kaga soo biiray xagaagii la soo dhaafay,

Xiddigaan Alario ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa u dhaliyay 10 gool 22 kulan oo uu u saftay xili ciyaaredkan aynu weli ku jirno.

Waxaa la weydiiyay su’aalo ku saabsan dareenka uu ka qabo inuu ku biiro Anfield, Alario ayaa u eegay Argentina TV channel hadii ay ila soo xiriiraabn ma diidi doono dalabkooda.

"Marka la eego doorashada, waxaan jeclaan lahaa in aan ka ciyaaro Premier League, waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro Liverpool. Waxaan iyaga mar walba xushaa marka aan ciyaarayo Playstation. ”

JOSE MOURINHO OO MUSHAAR WAALI AH KA HELAYA MANCHESTER UNITED

Macalinka reer Portugal ninka lagu magacaabo Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in ay Manchester United ay u gacan u gelin doonto aduun lacageed lagu sheegey in ay gaareyso 60 Milyan oo ginni taa oo ah lacagta uu United macalinka ugu noqonayo.

heshiis seddex sanno ah ayaa lagu wadaa inuu u saxiixo kooxda United,waxaana uu ka sara mari doonaa Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola.

Heshiiska, waxaa kujiro gunno loogu tala galay marka uu ku guuleysto horyaal iyo koob kale, Mourinho ayaana noqon doona tababaraha ugu mushaarka badan kubadda cagta taariikhda.

Waxaa ku dhowaad laba jibbaar uu ku noqon doonaa tababare Louis van Gaal ayaa oo haatan shaqada United haya.

Sidookale United ayaa la sheegayaa in heshiis afka ah ay la gaartay Mourinho, kasoo shaqada uu kula wareegi doono bisha May.

Sidaa darteed Tababaraha reer Portugal ayaa suurta gal ay tahay inuu £ 20m sanadkiiba ka qaato kooxda United.

Waxaa muddo dheer Mourinho lala xiriirinayay garoonka Old Trafford. ka dib markii Alex Ferguson oo ka fariistay shaqa Manchester United.

CIYAARYAHAN AY ISKU ERSANAYEEN LIVERPOOL IYO ARSENAL OO WEST HAM KU BIIRAYA

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Havard Nordtveit ayaa umuuqda mid ku biiraya kooxda West Ham xagaagan.

Taasi waa sida laga soo xigtay Daily Mail, oo sheegay in xiddiga caalamiga ah Norway uu ku biiri doono bariga London koox ka dhisan.

Xididgan 25sano jirka ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka doortay kooxda Slaven Bilic 12 kooxood kale oo xiiseynayay, laba ka mid ah kooxahaas ayaa ka dhisan Premier League waana Arsenal iyo Liverpool.

QAXA XAMAR IYO TAARIIKH LA AASAY

Xamar iyo daafahiisa dhowr qax ayaa hore uga dhacday kanise aniga iyo caruurteeyda waa nagu daba dheeraaday. Waxaana hore uga jiri jiray dagaalo gobanima doon ah ama dulmi diid.bal fiiri mar kale booga Marqaati BAQIYATUL AAMAALKA. lmaam Maxamuud lmaam Axmad Imaam Maxamad Imaam Cumar Hilowle asigoo Xamar Xukumaya ayaa maalin Axad ah bisha Jamaadul Aakhir.

Sanadkii S 1112 Hijriya, waxaa Xamar lagu soo Weerara 7markab Waana la jebiyay kuwii ku soo duulay, qaxna waa jiray. Mar kale qarnigii 16aad bilowgiisii Abgaalkii Xamar degenaa ayaa la cadaadiyay markaa ayeeyna xamar xoog ku qabteen ayigoo dibadda ka soo weeraray taa oo keentay qaxii ugu weeynaa ee Xamar laga qaxo. Waxa kale oo uu qorayaa buugu in markaa kadib uu jiray qax kale laakin markaan ma aheeyn dagaal ee waxaa xamar looga qaxay daacuun, mar kale inginiiska ayaa badda madaafiic uga soo garaacay Xamar inkastoo dhibaato culus loo geystay deg. Boondheere, haddana markaan lama qixin waase lagu sigtay.

Mar kale ayaa magaaladu cabsi iyo qalqal qax dareentay Fiiri Marqaati buuga L’ Italia Nel Banadir 18841896 ee uu qoray Giuseppina Finazzo cutubka XIV, qeybta 6aad bogga 304305, weerarka ciidamadii taliye Trevis & 90 askari ee uu watay ay duulaan isaga horyimaadeen Diinle Mataan. markii Diinle diiday inuu raaco amarka Talyaaniga. Diinle wuxuu ka baxay Xamar wuxuuna isku urursaday meel 24Km u jirta oo la yiraah (Sciauri) waa sida uu u goray Giuseppino, Diinle oo doonayay inuu Xamar halkaa duulaan uga soo qaado. Duulaankaa dhinac waqooye uga imaanayay kaliye cabsidu kuma koobneyn ee dhinacii koofure ee loo qixi lahaa ayaa cabsi kale ka timid. Fiiri Margaati kale isla buugaa bogga ay 336, 23 Nov. 1896 dagaalkii Lafoole ku dhex maray Wacdaan iyo Talyaaniga, cidamadii Talyaaniga oo ay hogaaminayeen taliyeyaasha Stafetta Volturno & saraakiil kale ayaa ku warbixiyay :Wacadaan ayaa anaga iyo 70askari oo aan watay na weeraray, hantidii waa naga qaateen, 17 waa naga dhaawaceen, 18na waa naga dileen, inteenii kale firxad ayaan Xamar ku soo galnay kaddibna qunsulkii Talyaaniga Sinyor Marvesi ayaa amar ku bixiyay in la xiro odayaasha Wacdaan ee Xamar jooga. Xagee loo qaxaa dhinaca xeebtu waaba halkii uu ka bilaawday dagaalka gumeeysi diidka ahaa ee lagu dilay.

Ajnabigii ugu horeeyay oo reer galbeed ah ee soomaaliya soo galay.Shaqsigii ugu horeeyey ee la dilo kadib markii gumeysigu Afrika qeybsaday 1884kii, wuxuu ahaa: "TANEETI SAVAGLI” (com. Volta). Ka dibna sawir qaadihiisii Bertorello iyo lix nin oo ciidan ah oo la socotay ayaa lagu dilay magaalada Warsheekh, 24kii Abril 1890kii, fiiri marqaati L’Italia Nel Banadir. kadib markii ay dooni yar ka soo qaateen markab xeebta u yiil. kaba sii darane cadale u gudub. koox ajnabi gumeeysi ah ee lala dagaalamo tii ugu horeeysay , fiiri marqaati L’Italia Nel Banadir bogga 226aad oo leh "Bishii Juun 1891kii, oo ay ku qoran tahay.

Beesha cabdalla Caroone oo ka tirsan Abgaal ayaa soo weerartay magaalada cadale, si ay u ridaan calanka Talyaaniga oo shirkadda Filonardi ay ka taagtay cadale. Wasaaradda arimaha dibadda ee Talyaaniga waxey ka cabatay weerarkaa lagu qaaday ciidan uu hor socday Caqiid Saalim iyo 50askari oo ajnabi ah, 45ka mid ah ajnabigii ayaa goobta lagu dilay, dhaawaciina waa la dhameystiray sida ku qoran dokumentiga turjubaankii Filonardi Abuubakar Bin Aohod oo hadda aad ka heli karto wasaarada arrimaha dibada ee talyaaniga iyo buuga L’Italia Nel Banadir. Xamar iyo hareerihiisa mar kasta waa la qixi jiray.

( qax xamar u soo qax ka sii qax. hanoo dambeeyee,taariikh kasta ee gumeesi lagula dagaalamay meeshii ay doonto somaliya haka dhacdee ,waxaa ku faani kara qof kasta oo Somali ah.haddaba aqristoow maxaa taariikhdan gumeeysi la dirirka ee exbanaadir naloogu bari waayay isgoolada, ama meel un loogu magacaabi waayay geesiyadii exbanaadir?.FG: ogoow anigu kuma dhan exBanadir ,deegaan ahaana kama soo jeedo laakin waan ku faani karaa wixii xamar, balcad, warshiikh ,cadale iyo lafoole ka dhacay,ka Somali ahaan).

Qore: yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip