Ciidanka Gorgor oo soo bandhigay Shabaabkii madaafiicda ku garaacay Dhuusomareb

0
Tuesday February 02, 2021 - 18:58:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Gorgor oo soo bandhigay Shabaabkii madaafiicda ku garaacay Dhuusomareb

    Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka dhowr qof oo lagu sheegay in ay xalay hoobiyaasha ku tuureen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciiddanka xoogga ayaa sheegay in maydadka lasoo badhigay o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka dhowr qof oo lagu sheegay in ay xalay hoobiyaasha ku tuureen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciiddanka xoogga ayaa sheegay in maydadka lasoo badhigay oo ahaa saddex qof ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab uuna ku jiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb. Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in lasoo qabtay nin kale oo dhaawac qaba iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen dableydan, kadib markii Ciidanka Gor-Gor ay weerar ku qaadeen goobaha ay dablaydan ku dhuumaalaysanayeen. Madaafiicdii xalay lagu weeraray magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo beegantay xilli uu halkaas ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, iyadoo halkaas uu shirka wada tashiga ka furmayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip