Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Degmada Wanla-Weyn

0
Wednesday January 27, 2021 - 23:43:49 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Degmada Wanla-Weyn

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

wararka aan ka helayno Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramay in goordhweyd uu qarax khasaaro gaystay ka dhacay halkaasi, waxaana laga helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidan ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed lala eegtay qaraxaasi, waxaana Ciidanku ay la socdeen Gaari nooca dagaalka ah, kaasi oo la sheegay in bur-bur xooggan uu soo gaaray.

        Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Degmada Wanla-weyn ayaa soo sheegaya in Qaraxu ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay xaafaha ay ka kooban tahay Degmadaasi.

             Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana wararku ay tilmaamayan in ugu yaraan shan Askari ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladdooda Caafimaad laga dayrinayo, iyadoo la geeyay goobaha Caafimaadka eek u yaalla degmadaasi.

             Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, sidoo kale maamulka Gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmada wali wax ah kama soo saarin Qaraxaasi la sheegay in lala beegsaday Ciidanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip