Dowladda Soomaaliya Oo War Kulul Kasoo Saartay Dagaalkii Balad-Xaawo

0
Monday January 25, 2021 - 09:51:13 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Oo War Kulul Kasoo Saartay Dagaalkii Balad-Xaawo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo xalay gudaha degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda ee Haramcad iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan.

Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Jabhad ay soo hubeysay dowladda Kenya ay weerar xoogan kusoo qaaday Gobolka Gedo gaar ahaan Balad-xaawo, iyadoona dagaalkaas Cambaareeysay.

Dowladda ayaa sheegtay Ciidanka Xoogga dalka ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Jabhadda ay soo hubeysay Kenya, isla markaana weerarkaas ku tilmaamatay mi sharci darro ah oo shisheeye soo abaabulay.

   "Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo ah ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin duulaankii gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha Kenya, kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

"Waxan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo” ayaa lasii raacsiiyay Qoraalka.

Dagaal khasaaro geystay ayaa xalay gudaha degmada Balad-xaawo ku dhexmaray Ciidamo uu watay Wasiir Janan iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ciidanka Janan ay qabsadeen qeybo kamid ah degmadaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip