Trump iyo Ayatullah: Hoggaamiyaha Iiraan oo ku hanjabay duqeynta Trump oo golf ciyaaraya

0
Friday January 22, 2021 - 21:02:34 in Wararka by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump iyo Ayatullah: Hoggaamiyaha Iiraan oo ku hanjabay duqeynta Trump oo golf ciyaaraya

    Ciwaanka Twitter-ka ee uu leeyahay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu soo bandhigay wax u muuqda codsi lagu doonayo in la weeraro Donald Trump, si looga aarguto dilkii sanadkii lasoo dhaafay loo geystay taliyihii sar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciwaanka Twitter-ka ee uu leeyahay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu soo bandhigay wax u muuqda codsi lagu doonayo in la weeraro Donald Trump, si looga aarguto dilkii sanadkii lasoo dhaafay loo geystay taliyihii sare ee militariga Iiraan. Sawir farshaxan ah uu soo bandhigay Khamenei ayaa lagu muujiyay nin loo ekeysiiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, oo ku ciyaaraya golf meel uu hayo hooska diyaarad dagaal oo weyn, taasoo ah nooca uusan duuliyaha saarneyn. "Aargoosigu waa hubaal inuu dhaco," ayaa lagu dul qoray sawirka. Qaar ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa shirkadda maamusha Twiiter ka codsaday in ay xirto ciwaanka Ayatollah Khamenei. Twitter ayaa horaantii bishan xirtay ciwaankii saameynta badan lahaa ee Donald Trump kaddib markii uu soo dhigay qoraallo loo arkay inay si weyn u dhiirrigaliyeen rabshadihii US Capitol. Iiraan ayaa dhowr jeer ku celisay in ay u aargudi doonto Jeneraal Qaasim Suleymaani, oo duqeyn uu Mareykanka ku dilay isagoo ku sugan dalka Ciraaq. Ninkaas, oo Iiraan u suurogaliyay in ay sameysato maleyshiyaad iyada ka amar qaata oo dalal kale ka howlgala, ayaa sidoo kale saameynta ciidamada Iiraan ku ballaariyay dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Dowladda Suuriya ayuu ka caawiyay sidii ay isaga caabin lahayd xoogagga fallaagada ee doonayay in ay afgambiyaan madaxweyne Bashaar al-Aasad. Hal sano ka hor ayaa Suleymaani lagu dilay weerar ay diyaarad uusan duuliye saarneyn ka fulisay magaalada Baqdaad. Mr Trump ayaa xilligaas sheegay in Jeneraal Suleymaani uu "si toos ah iyo si dadban mas'uul uga ahaa dhimashada malaayiin qof". Iiraan ayaa dilkiisa durbaba uga jawaabtay weerar gantaallo ah oo ay ku qaadday saldhig ciidamada cirka ee Mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Baqdaad, waxayna ku hanjabtay in ay Mareykanka u geysan doonto weerarro kale. Ayatollah Khamenei ayaa markaas sheegay in "aargoosi aad u weyn uu sugayo dambiileyaasha". Qoraalka ugu dambeeyay ee lasoo dhigay Twitter-ka oo ku qornaa luuqadda Faris-ka waxaa erayga "aargoosi" laga dhigay midabka casaanka ah, halka qoraalka intiisa kalena lagu yidhi: "Qofkii dilay Suleymaani iyo qofkii amarka bixiyay waa in ay dhabarka u ritaan wixii ka dhasha". Agaasimaha guud ee shirkadda Twitter, Jack Dorsey, ayaa lagu lifaaqay tiro jawaabo ah oo laga bixiyay waxa uu soo dhigay hoggaamiyaha Iiraan. "Sidey ku dhici kartaa in nicaskan uu si cad u dalbado dilka madaxweynihii hore ee Mareykanka, oo waliba aan laga xirin Twitter-ka? ayuu yidhi qof ku qoraalkiisa ku sheegay luuqadda ingiriiska. "Trump waa laga mamnuucay Twitter-ka balse kan wuu saxan yahay. Waxan ma kaftan baa?" ayuu soo qoray qof kale. Daqiiqado kaddibna waxaa la xiray ciwaankii lagu soo qoray hanjabaadda ku saabsan in la duqeynayo Trump. Twitter ayaa horaantii bishan mamnuucday ciwaan Twitter ah oo uu ku qoran yahay magaca ayatollah balse aan la xaqiijinin laakiin la ogyahay in uu xiriir la leeyahay hoggaamiyaha. Waxaa ciwaankaas la xiray kaddib markii lagu soo qoray in tallaalka fayraska corona ee lagu sameeyay Mareykanka iyo UK uu yahay "mid aan u qalmin in lagu kalsoonaado".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip