Xukunka Ciyaalka Xaafadda!!!.=Fur 20-ka Gal dacwadeed oo ay soo Gudubsadeen Qurba joogta=

0
Saturday January 16, 2021 - 22:45:28 in Wararka by
  • Visits: 2729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukunka Ciyaalka Xaafadda!!!.=Fur 20-ka Gal dacwadeed oo ay soo Gudubsadeen Qurba joogta=

    Fadlan, fur 20-ka Gal dacwadeed oo ay soo Gudubsadeen Qurba joogta qaarkood, kadibna u Gar qaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadlan, fur 20-ka Gal dacwadeed oo ay soo Gudubsadeen Qurba joogta qaarkood, kadibna u Gar qaad.
1.Ummaa Abti Safiir ha iga dhig Nooh, magacaa in la iigu yeero waan jecelahay. Weliba Gaariga waxaan dhinaca hore uga xirayaa Laba Callan, kan Qaranka iyo kan Maamul Gobaleedkeena.
 
2. Baraadarkeyga, Fasaxsan waxa ey ka shidan tahay Paris, Lool.
 
3. Gacalisadeyda New year-ka, Jasiiradda "Bali” ayaan dhalxiis u geeynayaa, Gunnadii iyo Gaadgaadkii ayaa ii uruuray.
 
4. Makhaaydii Toronto aan ka shaqey jiray Daarta ka soo hor jeedo waa in aan soo iibsadaa oo aan illinka hore ku qoraa ( Haadaa min fadli rabbii).
 
5. Sodon Sanno Qurbaha wixii aan ku tacbi waayay 3 Bil ayaan ku tacbay, ha la ii qaado heesta ” Hatiyeey macaan waa midaan hooy lagaa oraneey ” .
 
6. Todoba Sanno ayaan Makhaayda khasanji ka ahaa, maxaa la iigu diiday in aan noqdo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka. taasi waa cadaalad daro.
 
7. Aniga oo Tareel wadi jiray, sideen Cumar oo Taxi wadi jiray aan Wasiir ku xigeen ugu noqonayaa.
 
8.Aniga oo ahaa Cheif security of London Super market, oo ey tiil Hanti dhan Malaayin Dollar, sidee la iigu Aamini waayay in aan noqdo Cheif of Staff Jenaarlka Xakumu Ciidamada Xooga Dalka Qeybta 105B, soow Cadaalad daro ma ahan.
 
9. Xaliimo, Aniga ayeey Dahab iga "Dabal caarifaan” jirtay marka ey aadee Aroosyada Menasotta, markii ey la-taliso ka noqotay Somaliya, waxa ey Dubai ka soo gadatay Dahab dhan 10 Kg iyo Suun Dahab ah.
 
10. Somali Community in Chicago ayaa loo diiday in uu xubin ka noqdo, Haddana waa Ugaaska Beesha.
 
11. Lix mar ayaa Maxkamadda Oslo lagu soo eedeeyay, Jeeb siib, Ciyaal Bilbil, isticmaal Mukhaadaraad, kufi Caruur, isku day Laaluush Sarkaal Dowladeed, ku xad gudub Sharci, haddana waa gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Darajda 9aad.
 
12. Xilkii Garsooraha Ciyaarta Ciyaalka Xaafadda Magaalada ” Rome” waxaa looga qaaday, markii uu u garsoori waayay Labada kooxood ee Ciyaalka Somalida ee Amoore iyo Aloore, hadda waa gud. Guddiga Doorashada Gobalka.
 
13. Laba Sanno ayaan Dalka joogaa, isagana waxaan ka soo horeeyay 3 Bil, sideey ku dhacday in isaga lagu wado Baabuur Bullet proof ah, Aniguna aan raaco Mooto Bajaaj, waa cadaalad daro.
14. isaga oo Laba Shahaado oo kaliya Manchester ka soo iibsaday ayuu Imtixaankii ku gudbay, Aniga oo 4 Shahaado soo iibsaday, sideen ugu dhacay Imtixaankii.
 
15. Anigu waxaan Madax ka ahaa Nadaafadda "Bus Station” ka oo dhan, isaga oo 24 Musqulood oo kaliya Nadiifiye ka ahaa, sidee looga dhigay Agaasimaha waaxda Nadaafadda Dowlada Hoose.
16. Mid yar oo Abwaan ah oo ku Gabyo Af Somaliga oo kaliya ayaa laga dhigay Madaxa Guddiya Suugaanta Somalida, Aniga oo Luqadda English ka wax ku shukaansan karo in kasta oo aanan Qori karin , haddana Shaqadii Madaxa Guddiga Suugaanta Somalida waa la ii diiday, isagaa Qabyaalad lagu siiyay.
 
17. waxa aan Aqaan Magacyada iyo Taariikhda 13ka Ciyaartooy ee ugu Caansan Kooxda Kubadda Arsenal waa aqoon Casri ah. isagu waxa uu yaqaan Taariikh hore ee laga tagay oo ah Magacyada iyo Taariikhada 13 kii Asaase ee SYL, Badawgaa miyaan Shaah la cabayaa.
18.Naayaa, ma Aniga oo Baadhiga dhalashadeyda Sannadkiiba Laba mar dhigto ayaad ila tartami kartaa, Adiga oo aan aqoon waqtigii aad dhalatay.
 
19. Tikidhadii Dayaarda iyo kii Ciyaaraha Aduunka wey ii go’aan yihiin, weliba VIP da Boqordda Ingriiska dhinaceed Kursiga ah, Adiguna Ciyaarta Gobalada ayaad Garoonka Eng. Yariisoow saf ugu jirtaa, Badaw.
 
20. Doqon yaheey, Dhagaha oo kaliya ayaa kuu duran iyagiina Jalbaab ayaad ku qarisay foolxumidaada. Aniga oo dhagaha, Sanka, Carabka, Faruurta iyo meela kale durtay Banaanka ayaan soo dhigay New Modelkaa baro.
 
intaasi waa Cinwaanada ku Dul qoran Feyl Dacwadeedyada Qurba joogta qaar ey u soo gudbiyeen Maamulka Ciyaalka Xaafadda . Waxaa lagaa rabo in aad u Gar qaado.
Mid mid ma u Furnaa Feylasha Dacwada?.
 
Ga’ iga sii Nooh, Adigu kuma Jirtid Qurba Joogta Dacwada soo Gudubsatay.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip