Mourinho oo la gaaray Spurs Finalkii ugu horeeyay

1
Saturday January 09, 2021 - 20:48:05 in Wararka by
  • Visits: 4719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho oo la gaaray Spurs Finalkii ugu horeeyay

    Jose Mourinho ayaa sheegay in "wax qarsoodi ah" aysan aheyn guusha uu ka gaaray Carabao Cup, laakiin wuxuu qirtay inuu aaminsan yahay in Tottenham ay leedahay hal ujeedo oo u horseedeysa koobab. Mourinho iyo Spurs ayaa boos ka ballansada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa sheegay in "wax qarsoodi ah" aysan aheyn guusha uu ka gaaray Carabao Cup, laakiin wuxuu qirtay inuu aaminsan yahay in Tottenham ay leedahay hal ujeedo oo u horseedeysa koobab. Mourinho iyo Spurs ayaa boos ka ballansaday finalka League Cup xalay, iyagoo Brentford 2-0 si ay boos uga kaga badiyay Wembley. Halkaas waxay ku wajihi doonaan midkoodna Manchester United ama Manchester City bisha Abriil, iyadoo Mourinho uu isku dayi doono inuu gacanta ku dhigo Carabao Cup markii afaraad. Wuxuu seddex jeer kula guuleystay Chelsea iyo Manchester United. markan, wuxuu rumeysan yahay inuu markale sameyn karo tii oo kale. Inkastoo uusan ka dhigin wax qarsoodi ah baahida uu u qabo Carabao Cup, Mourinho ayaa sheegay inay jirto hal fure oo koobabka ay ku qadi karaan kooxdiisa. "Ma jirto wax qarsoodi ah. Waxaan imid England 2004tii waxaan xasuustaa in mudadaas bartay macnaha koobabka halkaan mar walbana waxaan u joogo guul," ayuu yiri ciyaarta ka dib. "Haddii uu jiro wax sir ah, waa in si dhab ah loo qaadaa, in la ixtiraamo waxa kubada cagta Ingariiska ay tahay ayaa muhiim ah, waxa kooxaha Ingariiska ay yihiin ayaa muhiim ah. Spurs ayaa raadineysa inay soo afjarto 13 sano oo koob la'aan ah, iyadoo aan wax koob ah ku guuleysan tan iyo 2008.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip