Farqiga u dhexeeyo Kaadida Wiilasha iyo Gabdhaha. (Diinta iyo Seyniska).

0
Thursday January 07, 2021 - 19:35:00 in Wararka by
  • Visits: 2957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farqiga u dhexeeyo Kaadida Wiilasha iyo Gabdhaha. (Diinta iyo Seyniska).

    Rasuulkeena Runlooga ahaa SCW, Run ayuu noo sheegay. Xadiithka laga soo wariyay Umu Qeys ee Muslim iyo Bukhari isku raaceen. Umu Qeys waxa ey tiri: Wiilkeeyga oo yar oo weli aan quudan wax caana ka badan, ayaa ku kaadiyay Rasuulka SCW dharkiisa, Lama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasuulkeena Runlooga ahaa SCW, Run ayuu noo sheegay. Xadiithka laga soo wariyay Umu Qeys ee Muslim iyo Bukhari isku raaceen. Umu Qeys waxa ey tiri: Wiilkeeyga oo yar oo weli aan quudan wax caana ka badan, ayaa ku kaadiyay Rasuulka SCW dharkiisa, Lamana dhaqin ee Biyo ayaa lagu shushubay. Fiiri, Xadiithka kale ee uu soo xigtay Tarmadi: oo leh Wiilasha kaadidoodu haddii ey dharka kaa gaarto biyo ayaa lagu shushubaa, laakin Gabdhaha kaadideedu haddii ey dharka kaa gaarto waa la dhaqaa. waxa laga hadlayo waa kaadada Ubadka aan quudan wax Cabitaan iyo Caano ka badan ee Saxaradu kuma jirto. Xaqiiqda Allaah ayaa ku cilmi leh. Culimada qaar ayaa leh Caruurta iyaga oo yar yar Rasuulku uu dhabta saaray ee ku kaadiyay dharkiisa, waxaa ka mid ah: Xassan, Xusein, Cabdullahi bin xubeyd, Suleymaan bin Haashim iyo Wiilkii Umu Qeys, Biyo ayuuna ku shushubay ee lama dhaqin dharkii. Culimada qaar oo Fasirayay Xadiithkaan, ayaa leh, sababtu waxa ey tahay, Asalkii uumista Wiilasha waxaa laga abuuray, Biyo iyo Carro dhoobo ah "Nabi Aadam RC" Labada laga uumay midna ma ahan Nijaas. Gabadha waxaa laga sii abuuray jirkii Nabi Aadam . Cad hilib ah iyo dhiig, Dhiigu waa Nijaas waana in laga dhaqo hadduu gaaro Dharka. Tan kale Wiilku waxaa uu ku Qaan gaaraa Markii "Maniyadu" ka timaad, Maniyadu Nijaas ma ahan, haddii ey dharka kaa gaarto uma baahno in la dhaqo. laakin Gabadhu waxa ey ku qaan gaartaa, markii dhiiga Caado uu ka yimaad waana Nijaas Dhiiga Caado dharkana waa in laga dhaqo. Culumada Seyniska ee Casrigaan, waxa ey leeyihiin : Gabadha hadda dhalatay Kaadideeda waxaa ku jiro Jeermiga ( E. Coli bacteria) oo ah 96%, Kaadida Wiilka hadda dhashay waxaa ku jiro, 46% ( E.Coli Bacteria), Laba laab ayeey Bacteria-da Gabartu ka badan tahay tan Wiilka. Taa ayaa u muuqato Sababta midna loo dhaqo midna Biyo loogu shushubo. Inta Badan Bacteriada E.Coli, Bacteria ahaan iyadu male wax dhibaata ah, Laakin waxa ey fududeysaa Cuduro kale sida Shubanka. Bacteria daan ilmuhu waxa ey ka soo qaadi karaan Hooyada haddii Bacteria daani ey hore jirkeeda ugu jirtay. Bacteriadaan waxaa looga faa'iideeystaa marka Hidda sidaha dhiiga DNA, marka in la baaro oo la ogaado la doonayo ,E.Coli waa Nuucya badan tahay.( F.S: 1- 3aad). Mar hore ayaa Diinteenu noo sheegtay in Kaadida Wiilka iyo Tan Gabadhu marka ey dhashaan ey kala duwan yihiin, habka looga daahiriyo Dharkuna ey kala duwan tahay. Maanta ayey Culumada Seeynisku Ogaadeen in uu jiro Farqi u dhexeeyo Kaadida Dhalaanka Markaa dhashay ee Lab iyo Dhidig kala ah. FG: Allaah ayaa ku Cilmi leh, Rasuulkeenuna Runta ayuu noo sheegay, Wixii aan khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip