Wariye ha wareysan maxbuus dagaal, balse adigu ka warbixi. By Macalimuu

0
Thursday March 24, 2016 - 18:49:10 in Maqaallo by
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye ha wareysan maxbuus dagaal, balse adigu ka warbixi. By Macalimuu

    Waxa aan baraha bulshadu ku xiriirto iyo qaar ka mid ah warbaahinta aan ka daawaday suxufiyiin wareysanaya maxaabiis da' yar oo Alshabaab looga qabtay duulaankii ay ku qaadeen Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan baraha bulshadu ku xiriirto iyo qaar ka mid ah warbaahinta aan ka daawaday suxufiyiin wareysanaya maxaabiis da' yar oo Alshabaab looga qabtay duulaankii ay ku qaadeen Puntland.

Sharciga caalamiga ah ee warbaahinta ma ogola in la wareysto maxbuus dagaal (Prisoner of War) waxii uu doono ha ahaado .

Sida uu qabo qodobka 13aad ee Geneva Convention waa mamnuuc in lagu digto qof maxbuus ah isla markaana sawiro iyo muuqaallo laga qaado isaga oo aan diidi kirin ,ogollaanna karin amaba in la wareysto.

Wariyayaasha waa ay ka warami karaan waxa indhahoodu qabanayaan ,dadka maxaabiista ee la qabtay xaaladoodu ,da’dooda iyo dayac iyo daryeel hadii uu jiro iyaga oo aan soo bandhigeyn maxaabiista muuqaalkooda . Waxaa kaloo haboon in laga waresyto saraakiisha ciidamada iyo kuwa dowladda oo dhinacooda faahfaahin ka bixiyo waxii dhacay.


Qodoboka 13aad ee Geneva Convention waxa uu qabaa sidatan.

( Prisoners of war must at all times be humanely treated. … Prisoners of war must at all times be protected, particularly against acts of violence or intimidation and against insults and public curiosity).

Sharceeadeena Islaamiga si weyn ayay uga hadashay sida loola dhaqmayo maxaabiista dagaalka (Xuquuq Alasraa) lagu qabto ,waxa ayna ku caddahay nussuusta . Dagaalki Beder Rasuulku SCW waxa uu amray in la soo dhaweyo maaxaabiista oo xitaa cuntada marka la cunayo iyaga la hormariyo ,Allah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu quraankiisa ku yiri ” {وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَى حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا}

Nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa dhacday marar badan in ay wareysteen maxbaabiis dagaal waana ku qalad sharciga caalamiga ah iyo sida uu qabo article 13 of Geneve Convention .

Alshabaab dhankoodu waxa ay askar ka dhigteen carruur waana mid gef ku ah dhamaan xeerarka caalamiga ah .

Ugu danbeyn ujeedkeygu dhaleeceyn maaha ,deegaan iyo duul gaar ah ulama jeedo ee waa inta ay la’eg tahay fahamkeyga yar ee saxaafadda.

By.Maxamed Ibraahim Macalimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip