HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 06-January-2021

0
Wednesday January 06, 2021 - 10:29:01 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 06-January-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Cadaadiska QM oo sii kordhay iyo James Swan oo la kulmay Mahdi Guuleed

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Md.Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta M/Muqdisho ee caasimadda Soomaal iya kula kulmay Wakiilka Q/Midoobay ee arrima ha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay ar rimaha doorashooyinka oo xilig an xiisad hor leh ka abuuray dal ka iyo arrimo kale oo la xiriira ka almada Q/Midoobay. 2da mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray muranka doorashooyinka iyo sidii loo gaari lahaa xal kama dambeys ah oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan saamileyda siyaasada.

Mr.James Swan ayaa saacadihii u dambeeyay M/Muqdisho ka waday kulamo gooni-gooni ah, kuwaasi oo uu la qaadanayay saamileyda siy aasada dalka. Waxa uu mas’uuliyiintaas kala ha dlayay James sidii xal looga gaari lahaa khilaaf ka doorashada, iyada oo uu ugu dambeeyay ma daxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu horey kulan ula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka, dhamaantoodna waxa uu cadaadis ku saarayay in xal kama dambeys ah laga gaaro muranka doorashada.

Doorashada soo socota ee 2021-ka ayaa wa xa hareeyay muran baahsan, iyada oo ilaa had da aysan muuqan u diyaar garow dhab ah, xili muddo kooban ay ka harsan tahay.

14 qodob oo xasaasi ah oo laga soo saaray shirweynaha Beelaha Hawiye

Maanta waxaa M/Muqdisho ka qabsoomay shirweynaha Beelaha Hawiye kaas oo ay kasoo qeybgaleen Odayaasha Dhaqanka, Waxgarad ka iyo qeybaha kala du wan ee bulshada.

Shirka waxaa laga soo saaray war-murtiy eed lagu soo koobay xaaladda wadanka dhanka doorashooyinka, arrimaha amniga iyo xaaladda kala guurka, waxaana ku jira baaqyo loo diray madaxweyne Farmaajo.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga dhex heli ka ro war murtiyeedka waxaa ka mid ah in dowlad da loogu baaqay iney qabato doorasho wakhti geeda ku dhacda oo xalaal ah iyo iney joojiso in saraakiisha ciidamada ay siyaasadda ku dhex lifaaqdo.

Halkaan ka Akhriso War-murtiyeedka:

1-In Beelaha Hawiye is cafiyaan, meelna uga soo wada jeestaan danahooda.

2- In degdeg la dhiso Gole Guurti oo taladu ka go’do.

3- In la dhiso Dowlad Goboleedka Banadir State iyo Guddi loo magacaabo dardar gelinta maamu lkaasi,

4- Si loo badbaadiyo dalka waa in la qabto door asho la isla ogol yahay oo ku dhacda waqtige eda

5- In talada xal u raadinta Doorashada in laga qeyb geliyo dhamaan Saamileyda siyaasadeed sida dowladda, maamul Goboleedyada iyo mu shirixiinta xilka Madaxweynaha si loo helo doo rasho la isku racsan yahay.

6-Shirweynaha wuxuu uga digayaa Madaxwey naha dowladda Federaalka cawaaqib xumidda ka dhalan karta fuquuqda iyo heyb sooca lagu hayo saraakiisha iyo ciidamada kasoo jeeda beelaha Hawiye.

7- In ciidamada qaranka laga qeyb galinaayo ku lug lahaanshaha loolanka siyaasadeed

8- Shirweynaha wuxuu uga digayaa shirkadaha Caalamiga ah ee Batroolka soo saara inaysan hehsiis la gelin dowladda watigeeduu dhamma aday, heshiisyadaa sina aysan ka dhaqan geli doonin degaana da Beesha hawiye

9-In la joojiyo daandaansiga lagu hayo mushar ixiinta madaxweynaha ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

10-In lagu dhaqmo dastuurka dalka oo caddeyn aya in ogolaansho la’aan la abaabuli karo, lag ana qeyb geli karo bannaabaxyada nabadeed.

11- Shirweynaha wuxuu cambaareynayaa falkii lagu rasaaseeyay shacabkii bannaanb axa na badeed dhigayay, waxayna dalbade en in askar igii rasaasta ku riday bannaan baxayaasha la hor keeno maxkamad.

12- In Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaa shi looga danbeeyo xulista xildhibanan ada Waq ooyi

13- Haddii la gaaro muddada xil heynta ka ho rna la gaari waayo xal siyasaded in la dhiso Go le Qaran oo xilka sii haya mudada kala guurka .

14- In Dowladda ay joojiso qalalaasaha iyo isku dirka ay ka wado Gobolka Hiiraan.

Lafta-gareen oo billaabaya doorashada kadib markii la siiyey laba xil

Guddiga doorashada ee lagu muransan-yah ay ayaa bilaabay hirgelinta jadwalkii doorasho ee dhawaan qarka u saarna fashi lka, kadib mar kii ay maanta xubno guddigaas kamid ah ka dag een magaalada Baydhabo.

12 xubnood oo kamid ah guddiga do orashada ee lagu muransan-ya hay ayaa gaaray caasimada maa mulka K/Galbeed, iyada oo la dej iyay xarunta Madaxtooyada maamulkaas.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, xubnaha guddigan ayaa Baydhabo u tagay sidii ay uga qaban lahaayeen maamulkaas doorasha da Aqalka Sarre, taasi oo ka dhigaysa maamul kii u horeeyay ee lagu qabto doorashada lagu muransan-yahay.

Waxa weli uu khilaaf xoogan ka taagan ya hay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ah aan hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17-kii Sept ember ee sanadkii hore lagu gaaray M/ Muqd isho.

Arrintan ayaa daba socota heshiis hoose oo ay madaxda dowladda federaalka la galeen ma daxweynha K/Galbeed, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Lafta-Gareen ayaa qabashada doorashada Aq alka Sarre oo bilow u noqoneysa hirgelinta doo rasho ay dood ka taagan tahay uu ku bedeshay labo xil oo muhiim ah.

Waxa uu dhawaan madaxda Dowladda fed eraalka u gudbiyay labo xubnood oo uu watay kuwaas oo loo kala magacaabay xilalka Xoghay aha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, iyo G/Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Xiisada cakiran ee ka dhalatay hanaanka doora shada dalka ayey arrintan uga sii dari kartaa, maadama ay hore uga digeen musharaxiinta mucaaridka qabashada doorasho aan loo dha meyn.Xigasho:-caasimadda.net

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & Madaxweynaha Puntland?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna gu ddoomiyaha xisbiga Midow ga Nabadda & Horu markaXasan Sheekh Max amuud oo weli ku sugan M/Garoo we ayaa kulan la qaatay Ma daxweynaha Maamulka Pu ntland Saciid Cabdu llaahi Deni.

Kulanka ayaa labada ma s’uul waxaa ay uga wada ha dleen xaaladda siyaasadde ed ee dalka iyo arri maha doora shooyin ka oo weli caqabado ay ku hor gudban yihiin.2da mas ’uul ayaa sidoo kale isla gartay in dadaal farab adan lagu bixiyo sidii loo qaban lahaa shir xal lo oga gaarayo arrimaha doorasho oyinka si horay loo gu socdo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku celceliy ay inay muhiim tahay in xal waara laga gaaro Ar rimaha doorashooyinka maadaama waqti koob anay ka harsan tahay mudada xilheynta Madax da dowladda Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kamid yahay kulam ada ka socda Magaalada Garoowe oo looga ha dlayo xaalada dalka gaar ahaan arrimaha door ashooyinka dalka.

Xubno Ka Tirsan Guddiga Doorashada 2da Aqal Ee Heer Federal oo Gaaray K/galbeed

Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta G/ Ba ay waxaa maanta dib ugu soo laabtey xubnaha Guddiga Maamuli doona Doorashooyinka 2da aqal ee dowlad Gobaleedka K/Galbeed, Soo maaliya oo Maalamahan Safar Shaqo ugu maq naa M/Muqdisho oo uu uga Socday Tababaro Ku saabsan Habraacyada doorashooyinka iyo Qaabka ugu Wanaagsan ee Degaanada K/Galb eed ugu Qabsoomi lahayd Doorashada 2da Go lle ee Soomaaliya 2020-2021 ayadoo La Raac ayo Heeshiiskii Iyo Haabraaca Lagu Heshiiyay Ee Doorashooyinka.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku Soo Dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Mad axtooyada K/Galbeed Md. Abdulaahi Ali Watiin iyo Masuliyiin Ka Tirsan Maamulka G/Baay ,

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada K/Galb eed oo Goobta ka Hadlay ayaa Soo Dhaweeyay Xubnaha Guddiga.

Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Hirgalinta Dooradhooyinka K/Galbeed ahna Kusimaha Gu doomiyaha Guddiga Nuuradiin Ibraahim Aadan ayaa sharaxay ujeedka Safarkooda iyo Howlihii Usoo Qabsoomay.Xubnaha Guddiga Doorash ooyinka K/Galbe ed ayaa dhawaan

bilaabu doonna howlaha door ashooyinka.


Midowga Yurub oo muddada u kordhiy ay Ciidamada ka jooga Xeebaha Soomaaliya

Muddo laba sano ah ayaa waxaa loogu kor dhiyay Ciidamada Midowga Yurub howlgalka ay ka wadaan Biyaha Soomaaliya , iyada oo Go ’aankaas ay dhaqan geliy een Golaha Midowga Yur ub. Warbixin kasoo baxday Golaha Midowga Yu rub ay aa waxaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay Biy aha Soomaaliya sii joogi doonaan ilaa 31ka Dis eembar 2022, iyada oo Ciidamada la faray waaj ibaad Cusub.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in Ciidamada ay qaban doonaan Shaqooyin ay ka mid yihiin, la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, daroogada, hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Sanadkii hore ee 2020 Warbixin kasoo baxd ay guddi katirsan qaramada Midoobay ayaa wa xaa lagu sheegay in gacanta Cadan uu ka mid yahay marinada waaweyn ee lasoo marsi iyo hu bka sharci darrada ah ee soo gala Soom aaliya.

Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Sooma aliya ayaa bilaawday markii Xeebaha Soomaal iya ay kusoo kordheyn Kooxaha Burcad Bade eda Soomaalida, in kastoo Sanadihii la soo dha afay ay aad u yaraadeen

Daahir Geelle”Madaxtinimada Dalka hadii aan ku guuleysto Ciidamada la geeyay Gedo soo celin maayo”

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Da ahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiy ay sida uu ka yeelayo hidii uu ku guuleysto Mad axweynenimada Soomaaliya Ciidamada ay dow ladda Soomaaliya geeysay Gobolka Gedo. Musharaxa oo Barnaamij uga qeyb-galay Magaalada Garoowe ay aa sheegay in Ciidamadaas aan la soo celin doonin, hayeeshee uu la imaan doono siyaasad sahli karta inay hal meel ku wada qad eeyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubba land.

Waxaa uu sheegay in sababta Ciidamada G/Gedo loo geeyay ay tahay Colaad qabiil, ba lse aysan jirin dagaal ka dhaxeeya Soomaaliya & Kenya, balse isaga uu sameeyn doono qo rsho sahli kara in heshiis lgu wada joogo Gobol ka Gedo.

Amiirka Qadar oo Dalka Sacuudi Carabi ya uga qeybgalaya Shirka Wadamada Gacanka.

Amiirka Qatar Amiir Sheikh Tamim bin Ha mad al-Thani ayaa u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka wadamada Khaliijka oo la filayo in lagu saxiixo heshiis rasmi ah oo ku saabsan soo afjaridda khilaafka Qadar kala dhexeeya xul ufada uu ho gaamiyo Sacuudi ga.Tallaabadaan ayaa timid ka dib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Kuwe yt uu ku dhawaaqay gal Inkii dambe ee Dorraad in Sacuudi Carabiya ay dib u fureyso hawad ee da, iyo sidoo kale xuduu da dhulka iyo bada ee ay la wadaagto Qatar, taasoo wadada u xaar aysa heshiis lagu xalin ayo xiisada khaliijka.

Bishii Juun 2017-kii, Sacuudi Carabiya, Isuta gga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Ma sar waxay ku eedeeyeen Qadar inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhow dahay Iran. Qatar ayaa marar badan beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin cudur daar sharci ah oo ku aadan xiriirka loo jaray.

Madaxweynaha Galmudug & Wakiilka QM oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha D/Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) oo ku su gan M/Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Erge yga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil san arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada had leen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashoo yinka heshiis kii doorashada ee u dhaxeey ay madaxda DFS & madaxda D/ha Xub naha ka ah DFS.

Madaxweynaha D/Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay Qaramada Midoobay dadaalka ay ku bixineyso geedi-socodka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhankiisa markale ku celiyay inay muhiim tahay in Madax da dowladda, dowlad Goboleedyada & saamile yda kale inay ka wada hadlaan xalna ka gaara an Arrimaha doorashooyinka.

Habeen hore ayay aheyd markii Wakiilka Q/Midoob ay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,Jam es Swan uu kulan dhinaca Khdaka Internet-ka ah uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha So omaaliya & Madaxweynaha Hir-Shabeelle, isa goo kala hadlay sii xal deg deg ah looga gaari la haa arrimaha ka taagan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Doorasho ee lagu mursan yah ay oo farriin u diray Beesha Caalamka.

Guddiga lagu mursansan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kulan la qaatay Massimiliano Bertollo, Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

War kasoo baxay Gud diga ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhin ac ayaa waxaa ay ka wa da hadleen howlaha doorashada iyo talaab ooy inka hore loo qaaday si waafaqsan heshii skii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowl adda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talya aniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaal iya. Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaalada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay in ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xiligee da ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo u digay Saraakiisha saldhigyada booliska

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidan ka Qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan Da lab oo maanta xilka la wareegay ayaa digniin ad ag u diray Saraakiisha Ciidanka dowladda Soo maaliya ee ka howlgalla Saldhigyada. Waxaa uu sheegay in talisyada Saldhigyada looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qa btaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkam ada C/Q/sida. Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale looga ba ahan yahay in ay hubiyaan oo ee ggaan galka iyo marqaatiyada dadka lasoo qab to si waafaqsan sharciga dalka u yaalla.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa ade eg caddaaladeed oo tayaysan ay na ku qanacsan yihiin dhammaan bulshada So omaaliyeed iyo ciidanka qalabka sida. Dhaw aan ayay aheyd markii xilkaan loo ma gicaabay ka dib markii xilkii laga qaaday gudo omiyihii Ma xkamada Ciidanka Qalabka sida ee Sare Liiban Cali Yarow.

Taliyaha Ciidanka lugta oo Maamulka G/Ge do kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Ciidanka xoog ga dalka Soomaliyeed,Jaeraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa halkaasi kula kulmay, guddomiyaha G/Gedo ee dowladda Soo maaliya Cusma an Xaaji Maca limow & Waxgaradka, Oda yaa sha Dhaqanka D/ Doolow.

Kulanka oo ahaa mid soo dha weyn ah ayaa waxaa looga ha dlay xaaladda amni ee degaa nnada G/Gedo oo DFS diya arado ku geeysay Ciidamo farabadan.

G/G/Gedo Cus maan Xaaji Mac alimow, Was iir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Jub aland Cabdira xmaan Maxamed Xuseen iyo ma amulka deg mada Doo low ayaa uga mahad cel iyay Taliyaha safarkiisa G/Gedo, iyaga oo shee gay in Gobolka Gedo uu yah ay amni giisa mid wan aagsan.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Somaliya, jane raal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka Mahad celi yey, soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu faray saraakiisha Ciidamada ee kulanka qeyb galay inay bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si culeyska looga qaado degmoyinka Gobolka Gedo.

Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in uu booqn doono degmoo yinka kale ee Gobolka Gedo si uu uga kuurgalo xaaladda Ciidamada iyo in la dardar geliyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shacab ka ka dalbaday arin ku cusub ololaha doorashada Soomaaliya

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir dhinaca kal ana ah musharax u taaggan xilka mada xweyn aha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horreysay ku dhawa aqay arin ku cusub marka la eego gu ud ahaanba olol aha doora shada Soo maaliya.

Muharaxan ayaa bartiisa Facebook soo dhiggay codsi uu u dirayo shaca bka Soo maaliyeed oo uu ka dalbaday in ay ka taageer aan dhaqaalaha ololihiisa doorashada, isaga oo sababta uu arintaa u sameynayo ku mi cneeyay in aysan muhiim aheyn in dalal shish eeye laga raadiyo dhaqaale lagu galo doora shada.

''Si looga gudbo gacan hoorsi ajnabi iyo in talada uu shisheeye nala yeesho, ayuu ololaha doorashadeenna si toos ahu shacabka So omaaliyeed u waydiisanaynaa taageero dhaqa ale, waxey rajeyneynaa in aad farriintan si togan u ga falcelin doontaan.'' ayuu qoraalkiisa ku sheegay.

Farriintan uu dirray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa noqoneysa mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan marka la eego ololaha doorashada Soomaaliya oo siy aasiyiinta aan looga barran in ay dhaqaale weyd iistaan bulsha da, taa badalkeedana mar walba jiraan dow laddo waaweyn oo hadba siyaasiga

ay doonaan ku taageera dhaqaalaha dora shada


Qoysas Turkiga Ah Oo Baroor Diiq U samae eyay Dadkii Looga Dilay Somaliya

Qoysaska Turkiga ah ee ku nool waqooy iga gobolka Çorum iyo caasimada Ankara ayaa u baroor diiqaya ehelladoodii kuwaas oo lagu dilay qarax ka dhacay Somaliya sabtidii aan soo dhaafnay kaas oo ka dhaca deegaanka Lafoole, oo ku yaaal meel 22 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan caas imadda Muqdisho.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa fuliyay weerarka ay ku dhinteen shan qof, oo ay ku jiraan laba u dhashay Turkiga oo lagu kala mag acaabo Selami Aydoğdu iyo Erdinç Genç, oo u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasi mada Soomaaliya sidoo kale ay ku dhaawacm een dhowr kale.

Genç oo ah 44 jir Aabe leh 3 caruur ah ayaa loola cararay isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho si loogu dabiibo laakiin waxaa u dhintay dhaawicii soo gaaray kaas oo ahaa mid aad u daran.

Xaaskiisa Melek Genç ayaa u sheegtay wak aalada wararka ee Anadolu in aaga uu ka shaq eynayay ninkeeda ay ilaalinayeen ciidamada ba lse la dilay. Selami Aydoğdu oo 22 jir ah ayaa guursaday.

Lix bilood uun ka hor dhacdada waxaa uuna ka mid noqday dadkii dhaawacmay. sidoo kale Aabihiis ayaa isna ku dhaawacmay weerarka.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha di bedda ee Turkiga waxay ku sheegtay Sabtidii in weerarka uu ka dhacay agagaarka mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afg oya, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar, is la markaana ay fulisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga

Wasaaradda arrimaha dibedda oo ballanqa aday garab istaag dowladda iyo shacabka Afar shaqaale ah oo ku dhaawacmay dhacdada iyo meydadka dadka dhintay ayaa dib loogu soo celiyey Turkiga diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines.

Koox Injineerro Turki ah ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay qarax ay ku dhinteen ugu yara an 90 qof bar koontarool oo ku taal Muqdisho bi shii Diseembar 2019.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo So omaaliya ee casriga ah wuxuu soo bilowday 1979-kii markii dal walba laga furay xafiisyadii u gu horreeyay ee diblomaasiyadeed. Tan iyo xilli gaas, Turkiga wuxuu ballaariyay joogitaankiisa waddanka Afrika ku yaal. Taas hadda ka dhigan in saafarada ugu weyn caalamka uu turkigu ka leeyahay ay ku taal Mugadishu.

Turkiga ayaa sidoo kale ka mid ah saa xiibada shisheeye ee ugu dhow Soomaaliya wu xuuna ka mid yahay dowlado dhowr ah oo tab abaraya askarta si ay ula wareegaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika, ee AMISOM, kuwaas oo ciidamadooda lagu wado inay sanadkan ka baxaan dalka 14 sano kadib.

Kusimaha Madaxweynaha Galmudug oo farriin u diray laamaha Ammaanka

Wasiirka Cadaalada Galmudug Cabdi Max amuud Fiidow ahna kusii simaha Madaxweyna ha Galmudug ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan ku saab sanaay Amniga Deegaanada Gal mudug Kulanka oo kadhacay Xarun ta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Ga lmudug ayaa waxaa kusugnaay qaar ka mida Wasiirada Galmu dug Xoghaya Guud ee Baarla maanka Galmudug Xasan Max amuud Faarax iyo Sar aakiisha Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida Gal mudug, wax aa kulanka si guud looga ha dlay Amniga Galmu dug Gaar ahaan Caasi mada Dhuusamareeb.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa Warbixi no ku saabsan Amaanka ayaa waxaa looga dha geystay Saraakiisha Ciidamada ee kulanka ka soo qeyb gashay, waxaana uu ugu baaqay adkeynta Ammaanka Caasimada.

Cabdi Maxamuud Fiidow Wasiirka Cadaala da Galmudug ahna kusimaha Madaxweynaha Galmudug ayaa Laamaha amaanka ku ama anay shaqada ay uhayaan Bulshada Galmudug.

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku dhawaa qay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka So omaaliyeed Gen. Maxamed Tahaliil Biixi oo ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada dowladda, isa ga oo kala hadlay arrimaha dardar gelinta sug ida amniga.

Taliye Gen. Biixi ayaa sheegay in ujeedka u gu wyen ee uu u tegay degmada Doolow ee G Gedo ay tahay u kuurgelida Ciidamada, amaan ka Gobolka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu faray saraa kiisha Ciidamada dowl adda ee ku sugan G/Ge do inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga dulqaado culeyska ay ku hayaan 8-da degmo ee Gobolka Gedo.

Shacabka ku nool degaannada iyo deg mooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ugu ba aqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo hwlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadalka Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Tahaliil Biixi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xilli mararka qa ar Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Saldhigy ada Ciidamada dowladda ee qaar kamid ah degmooyinka G/Gedo.

Dowladda UK oo sheegtay in Covid 19 noocy ada ugu khatarsan ay ka jiraan Koonfur Afrika

Xoghayaha Caafimaadka Ingiriiska Matt Ha ncock ayaa sheegay in noocyada cusub ee loo yaqaano cudurka Karoonaha ee lagu aqoonsa day Koonfur Afrika ay ka khatar badan yihiin noocyada aadka u faafa ee Ingiriiska.

"Aad ayaan uga walwalsanahay noocyada ka la duwan ee Koonfur Afrika, waana sababta aan u qaadnay tallaabada aan ku xaddidnay dham maan duulimaadyada ka yimaada Koonfur Afr ika,” ayuu Hancock u she egay BBC Radio Isniintii.

Waxaa uu intaasi kusii da ray "Tani waa dhibaato aa d iyo aad u daran waana ka sii dhib badan ta hay noocyada cusub ee UK.”

Hancock wuxuu sheeg ay in Britain ay u baa han tahay inay adkeyso xayiraadaha meelaha qaar ee dalka si wax looga qabto faafitaanka degdega ah ee nooc cusub oo ka mid ah coro navirus ka dib markii kiisaska ay soo bateen 7yadii la soo dhaafay.

Axadii, waxaa jiray ku dhowaad 55,000 kiis oo cusub guud ahaanna in ka badan 75,000 oo qof oo dalka ku nool ayaa u dhintay COVID-19 intii lagu jiray faafida – tirada labaad ee ugu ba dan Yurub iyo tan lixaad ee adduunka ugu xun.

2da wadan ee Ingiriiska iyo K/Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay ka helay noocyo cusub oo ku saabsan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’

Dowladda Qatar oo dhanka Biyaha ka taageeraysa Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha XFS Md.Xasan Cabdi Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Mas’uul iyiin ka socday Hay’adda Qatar Charity oo uu ho ggaaminayay wakiilka Hay’adaasi ee Soomaali ya Md.Cabdinuur Xaaji Cali, waxaana ay ka wa da hadleen horumarinta biyaha dalka iyo arrimo kale.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta Marwo Shukri Maxmuud Afrax, Wasiir ku-xigeenka Wasaa ra dda Md.Daahir Cabdi Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md.Cabdiwaaxid Ibra ahim Axmed, La taliya asha dhanka Biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Tamarta.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa W/Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Hay’adda Qatar Charity ayaa ka wada Hadlay arrimaha horumarinta Biy aha Dalka iyo sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd Hay’adda hirgalinta Ceel Biyoodyo laga qodo goobaha biyo yarida ay ka jiraan, iyaddoo Wasaaradda ay qaadaneyso doorkeeda ah in ay hagto goobaha laga fulinayo Mashaariicda horumarinta Biyaha.

Xubnaha ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa aad u boggaadiyay kulanka ay la yeeshe en Madaxda Wasaaradda Tamarta, waxayna ku amaaneen sida ay uga go’an tahay wax u qa bashada dadka tabaaleysan ee u baahan in ay helaan Biyo nadiif ah oo ku Filan, Kan hay’ad ah aanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha Wasaaradda uga degsan hirgalinta arrim aha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iya doo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso Hay ’addu ku Hawl gali doonto.


Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday dada ladii uu waday Madaxweyne Qoorqoor

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa aqbalay dadaaladii uu waday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ergo ka ahaa Madaxweynay aasha Puntland iyo Jubbal and, si loo xaliyo caqabadaha ka jira doorashooyinka.

Sida wararku sheegayaan kulamo qaatay sa acado ayaa shalay illaa xalay waxaa uu Muqdi sho ku dhex maray Madaxweynayaasha Galm udug iyo K/Galbeed oo dhinac ah iyo Madaxwey ne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Kulamadan oo soo bilowday shalay duhurkii ayaa kulankii u horreeyay Madaxweynayaasha Galmudug & KGalbeed waxay la yeesheen Tal iyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta G/Gedo & arrinta doorashada G/la da Waqooyi. Intaas ka dib Madaxweynayaasha Galmudug &K/Galbeed ayaa waxay Madaxtoo yada Villa Soomaaliya kula kulmeen Madaxwey ne Farmaajo, kulankaas oo shalay gelinkii dam be bilowday ayaa illaa xalay saqdii dhexe soo gaaray.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay ergadii uu keenay Madaxweyne Qoorqoor, iyadoo la isku fahmay in arrinta Gedo la xaliyo doorashada ka hor, lana furo dib u heshiisiin labada dhinac.

Is fahamka ayaa waxaa qeyb ka ah kuraasta Gedo, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in 3 kursi la kala bedesho, oo ah kuraas si gaar ah loo daneynayo oo kala taalla Garbahaarey iyo Kismaayo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa laga war suga yaa inuu jawaab ka keeno Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku wada sugan Gar owe.

Dhinaca kale waxaa iyana is faham hordhac ah laga gaaray arrinta muranka ka taagan doora shada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, si do o kale waxaa is bedel kooban lagu sameyn doo naa Guddiyada muranka ka jira. Xigasho:-jowh ar.com

Jeneraal Galaal oo farriin xasaasi ah u diray beelaha Hawiye

Jen.Maxamed Nuur Galaal oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgarad ka beelaha Hawiye oo ka dhacay M/Muqdisho ayaa ku taliyey in Soo maaliya hoggaanka loogu dhiibo be elweynta Hawiye, isagoo shaaciyey sababta uu u yiri sidaas.

Waxa uu sheegay in beelweynta Hawiye ay u gu dad badantahay qoymiyadda Soomaaliyeed, isla markaana ay haatan ku haboonaa laheyd in hoggaaminta Soomaaliya looga dambeeyo Haw iye, sida uu hadalka u dhigay.

"Markii tira koob la sameeyey waxaa la ogaad ay in dadka Soomaaliyeed 38% ay yihiin Hawi ye, waxaa ku xiga Isaaqa oo 25% ah, waxaa ku sii xiga Daaroodka oo 18% ka ah Soomaalida,” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "Waxaad fiirisaan 38 iyo 18 tirada u dhaxeysa, marka dadka ugu badan waa Hawiyaha, sharciguna waxa uu qabaa in tirada badan ay wax hogga amiso, marka waa in Hawiyuhu hoggaamiyaa Soomaalida.”

Waxa uu sheegay in Beesha Hawiye la yiraa hdo ay tiro iyo tayaba leedahay, balse waayihii dambe ay wax ka jireen dhanka talada, sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Inaan hormuud noqono Soomaaliweyn oo xu quuqdeenii raadsano, tii dadka kalena raadino, wax ka yari nama deeqaane, waxaan soo jeedi nayaa inaan Soomaaliweyn ku raadino tirade na iyo tayadeena intaba,” ayuu Jeneraal Galaal hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo adkeysi badan oo soo marti gel isay dhibaatooyin lixaad leh, isagoo soo jeedi yey in Muqdisho loo aqoonsado inay tahay ‘ma gaaladii geeinimada’ xigasho:caasimadda.net

Mareykanka oo dib ula baxay markabkii uu Somalia usoo diray kadib isbedel yimid

Dowladda Mareykanka ayaa isbedel deg-deg ah ku sameysay go’aanka uu Markabka Marey kanka ee lagu magacaabo USS Nimitz uu kusii joogi lahaa meelo kamid ah biyaha Soomaaliya, xili uu Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka.

USS Nimitz ayaa waxa dib looga celinaya bi yaha Soomaaliya, sida lagu sheegay amar ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga dowl adda Mareykanka oo markii hore usoo fasaxday imaanshaha Soomaaliya.

Markabka oo ah nooca diyaaradaha qaada ayaa markii hore waxa uu qorshuhu ahaa inuu gacan weyn ka geysto howl-galka Bariga dhexe ee Mareykanka, si uu caawimaad dhanka Haw ada ah u siiyo ciidamada Mareykanka ee howl-galada wada.

Amarkan cusub ayaa lagu tilmaamay inuu qe yb ka yahay oo uu ku yimid daabulitaanka Ciid amada Mareykanka iyo cabsi la xiriirta in xuku umadda Iiraan ay fuliso weerar aargoosi ah oo la xiriira dilkii uu Mareykanka u geystey hoog aamiyaheedii Qaasim Suleymaani.

Madaxweynaha kasii dagaya xilka Mareykan ka, Donald Trump ayaa hore u amray in cii damada Mareykanka ee ka jooga Soomaaliya la ga soo saaro, kuwaasi oo loo daabuli doono dal alka Kenya iyo Jabuuti, oo ay ka fulin doonaan howl-galadooda qaarada Afrika.

Ciidamada laga saarayo Soomaaliya ayaa waxay kor u dhaafayaan ku dhawaan 700 As kari, kuwaasi oo badanaa dowladda iyo ciidam ada Soomaaliya ka caawin jirey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dowladda Faransiiska oo Xabsiga Dhigt ay Hoggaamiyihii Hore ee Fallaagada ee dalka Kongo.

D/Faransiiska ayaa xabsiga u taxaab tay hog gaamiyihii hore ee fallaag ada Kongada Dimoq raadiga Roger Lumbala. Faransiiska ayaa baari taan ku wada hoggaamiyahan, Nin kan ayaa ku eedeysan inuu ku lug lah aa gabood-fallo ka dhan ah baniaad amka kuwaas oo uu ku kacay xilligii uu dagaal ka sokeeye ka socday dalka Kongo 2002-dii.

Wakaaladda wararka Faransiiska ayaa she gtay in ninkan uu ku eedeysanyahay iska hor ke en iyo isku soofeyn uu ka dhex abaabulay laba da qowmiyadood ee Nande iyo Twa. 2003-dii ayay ahayd markii Qaramada Mi doo bay ay ku eedeysay xisbiga (RCD-N) oo uu ka ti rsanaa mudane Lumbala ku tagri fal xuqu uqda aadanaha ee dalka Koongo. Lumbala ayaa ho ray u ahaan jiray Mudane mucaarad ah oo ka tirsanaa baarlamanka dal kaas

Georgia: Tartanka Xisbiyada ee Kuraasta Aqalka Odayaasha oo sii Kululaanaya

Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyn aha la doortay ee Joe Baiden ayaa si gooni go oni ah dadweynaha gobolka Georgia kula had lay meel fagaare ah.

2da masuul ayaa dadweynaha ka codsanay ay inay usoo baxaan door asha da maanta ee 2da xisbi ay ugu jir aan 2da kursi ee Aqlka odayaa sha oo ah kuwa go’ aamin doona xisbiga yeelan aya aqlabiyadda Aqalka Odayaasha ee dalkaas.

Trump oo ah Jamhuuri iyo Baiden oo ah Dim oqraadi ayaa mid waliba waxa uu sheegay in co deynta labada kursi ee Aqlka odayaasha ay no qon doonaan kuwo tusmo u noqda dalka Mare ykan sanadaha soo socda.

In kabadan saddex milyan oo reer Georgia ah ayaa codadkooda dhiibtay taas oo u dhigan ta 40% dadkii isu diiwaangeliyay doorashada gobolkaas.

Haddii ay labadaasi kursi ku guuleystaan xis biga Dimoqraadiga ah waxa ay hantin doonaan kongareeska iyo Aqalka Cad intaba.

Aqalka odayaasha oo ka kooban boqol kursi ayay haatan 52 ka mid ahi ku fadhiyaan mudan ayaal ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyada oo ha ddii kuraasta Georgia ay ku guuleystaan Xisbiga Dimoqraadiga ah Aqalku noqon doono kuraasta labada xisbi kuwo isla eg, taasina ay marwo Ka mala Harris u oggolaanayso in ay ade egsato codka kala saarista labada xisbi.

Seychelles oo Diiwaan-gelisay Dhima shadii Ugu Horreysay ee COVID-19

Dalka Seychelles ee Bariga Afrika ayaa sha aciyay in ay diiwaangeliyeen kiiskii ugu horre eyay ee dhimasho ah ee la xariirta xanuunka COVID-19.

Laamaha caafimaadka Seychelles ay aa sheegay in bukaanka geeriy ood ay oo ahaa nin 57 jir ah ayaa la shee gay in isbitaalka la dhigay habeenkii uu curanayay sanadka cusub.

Seychelles ayaa Axaddii diiwaangelisay 16 kiis oo xanuunka Korona ah kuwaa saddex ka mid ah laga diiwaan geliyay jasiiradda Praslin oo ahaa jasiiradda ugu dadka badan.

Seychelles oo ka kooban ilaa 115 jasiirado od ayaa kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka COV ID-19 ah diiwaangelisay 14 bishii March 2020.

Guud ahaan tirada bukaannada xanuunka Kor ona ee halkaas laga diiwaangeliyay ayaa ah 322 bukaan oo 223 kamid ah ay ka bogsadeen xanuunka.Xukuumadda Seychelles ayaa 7aad kii hore soo rogtay xayiraado la xariira xanuun ka Korona iyada oo albaabada u laabtay dugsiy ada waxbarashada, kaniisadaha iyo goobaha jimics iga si loo yareeyo faafitaanka xanuunka oo kusii badanaya dalkaas.

Sidoo kale xayiraado ayaa la saaray dhan ka duullimaadyada iyada oo shirkadahana loogu baaqay in ay ku shaqeeyaan hannaanka online-ka ah marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada

asaasiga ah.


TACSI TIIRAANYO LEH

Bahda Saxaafadda Somaaliyeed u tacsiyaynayaan maamulka wargeyska Mogadisho Times Geeridii ku timidMarxuumad Xaawo Axmed Jimcaale,

Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Axsaab kaleba oo ka la ah Wari iye Cali Muuse Cabdi, Muuse Maxamed Cismaan {M/Kiimiko},Maxamuud Axm ed Xasan {Xuurshe},C/laahi Maxamed Cumar {Mucjis}, Jabriil Maxamu ud Nuur {Jabra},Naasir Cali Cumar,Cismaan Xuseen Axmed {War yeel},Maxamuud Maxamed Nuureey {Jimcaale},C/laahi Maxamed Salaad {Dal le} Aweys Foodeey Nuur,C/fitaax Maxamed Salaad {Diyees he}, Daa'uud Maxamed Salaad, Yaaquub Calaahi Guure, Muxuddiin Cab di Calsoow, Xasan Maxamuud Axmed {Fanax},Cabdi Jamaal Xaaji Maki, C/q aadir Cab di Caddaan, Nuur Maxamed Cali {N.Qamadi},Macaallin Xasan,Cabdi Aad an Guuleed,C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab},Xuseen Cabdi Calaso ow, Qaasin C//lle {Q.Neero},Cali Muxuddiin Cali, C/qaadir Maxamed Calas oow {Calas},Maxamed Cali Maxamud {Madka},Xasan Maxamed Geesey, C/Raxaam Cumar Madoobe {Caaqil Dalmar}, Cismaanciil Cumar Mado obe, Falastiin Axmed Xaaji,Malyuun Sh. Xeydar, Aamino Ladan Axmed, Leyla Cadceed Cismaan, Khadiijo Cabdi Maxmed, Yuusuf Cali Cabdi, Maxamuud Xasan Cumar {Adduunyo} Maxamed Cali Nuur {Socdaal},Cali Muxumud Aadan {C.Madoobe}, Amiin Yuusuf Qasaaro , Axmed Maxam uud Dhicisoow, Cismaan Xuseen {Niino}, Maxamuud Maxamed Aadan {Kuurdo},Safiyo Ibaarihin Cali {S.Loren,} Ing.Cadi Siyaad Maxamed, Ing. Cabadiiraxmaan Maxamuud Cilmi, Maxamuud Maxamuud Juun, C/raxm aan Yuusuf Sh. Alca ddlla, Maxamed Muuse Yuusuf {Afrika} Maxamuud Yuusuf,C/hi Maxamed Xasan{Black} ,Maxamuud Yuusuf Cali {Sagaar} Aadan C/laahi {Aada amo},Barre Sh.C/laahi {Bangaaladeesh,}Aadan Sala amiin,Farxaan Maxamed Jimcaale {FMJ} ,Faarax Cumar Nuur,Maxamed Ibaraah in Isaaq {Baksi taan}, Maxamed Ibraahin Nuur {Macallimuu}, Ciise Faarax Maxamud,C/laahi Xasan Axmed {Sheekhaaloow C/rashiid Cadulle {Dayl} Farxiyo Cali Qa jo,Yuusuf Xasan,Safiyo Cali Sheekh {Safoon}, C/la ahi Xasan Xuseen {Kalgacal}, Caasho Ibaraahin Cali {Caasho Cuud}, Xas an Cali Geeseey, Abuu kar Muxuddiin {Xasharo}, C/laahi Calas Jimcaale, {Mukhtaar Nuur Maxamed {Lovey} Maxamed Shiil Xasan {Shiil}, C/Raxm aan Koronto,Shariif Maca llin Maxmuud {Shig-shigoow}, C/raxmaan Xude yfi,Mahad Caraboow Cali,Seynab Abuukar Maxamed, C/qaadir Maxamed Cabduule {OKey} Sahro Yuusuf Maxamed,Caasho Cabdi Maxamed, Qa mar Salaad Cumar,Shamso Cabdi Qayax, C/hi Axmed Cali {Faat}, Max amuud sheekh Cabdi {Max amed Fat},Cali Maxamed Cismaan Ameeriko, Sacdiyo Xuseen Macoow {Sacduuni}, Sacido Sh.Axmed {VIP}, Burhaan Diini Faarax, C/hi Maxamed Sul daan, Maxamed Cabdiwahaab, Xaashi C/lle Abiikar, C/rashiid C/dir C/lle {Baang},Dhammaan Bahada Saxaafad daiyo madaxda Urur weynaha Saxa afadda Soo maaliyeed ee FESOJ, SIMHO SOMA,SJS & SWJ,Waxay Tacsi u Tiiraanyo leh u dirayaan Milkiilaha Wargeyska M.Times Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto} oo walaa sheedXaawo Axmed Jimcaale ku geeriyootay Isbitaalka Daaru shifaa ee M/Muqdisho Isniin 3-da Jannaayo 2021-ka sidoo kalena ugu Tacsiya deynaya Carruurta Marxuumadda oo kala ah:-Maxamed Xasan Xuseen {Annaa leh},Khadro Cabdullaahi Cali Hagareey, Xa mdi Cumar Xasan , Ra xmo Maxamed Maxamuud {Lajecel} iyo walaalaha marxuumadda guud ahaanba ay ka geeriyootay waxayna Alle ugu baryaya an in Marxuumad Xaawo Axmed Jimcaale uuJannadii fardowzo uu ka waraabiyo ehelka iyo axsaabatana samir iyo imaan saadaq ah ka siiyo

Aamiin Aamiin Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN

TACSI TIIRAANYO LEH

Cabdulle Cali Xasan , Cabdi Cali Xasan {Yuubane} iyo Xaaskiisa Safiyo Axmed Roobele {Shiino} Faadumo Cabdi Cali, Caasho Cabdi Cali, Ceyni Cbdi Cali, Amed Nuur Cabdi Cali Maa’iddo Cabdi Cali. Ruweyda Cabdi Cali, Cali Cabdi Cali,Maxamed Cabdi Cali, Hooyo Xaliimo Maxamuud Cali,aabbe Axmed Rooble, Abti Maxamed Maxamuud Cali, Abri Nuur maxamuud Cali {Ganaceey} Xaaskiisa & Carrurtiisa, Abti Axm ed Maxamuud Cali iyo Xaaskiisa iyo carruurtiisa,Abti Cumar Maxamuud Cali Xaskiisa &carrut iisa dhammaan dadkaasi waxaay tacsi tiir aanyo leh u diryayaan Ilmo Reer Ax med Jimcaale Cigalle guud ahaan oo ay Walaashood Xaawo Axmed Jimcaale ku Geeriyootay M/Muqdisho 3-1-2021 sidoo kalena caruurta ay ka tagtay Marxuumadda ayey ugu tacsiyadeynayaan Geerida Hooyadood, waxayna Alle ugu barayayaan inuu marxuumadda jannadii fardowzo ka waraabiyo ehelka iyo Axsabtan uu Samir iyo Iimaan Saadaq ah ka siiyoo Aamiin AamiinAamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN


 

BOGGA CAYAARAHA


Macallin aweys aar "som united waxa an ugu mahad celi naynaa garab istaagooda wanaagsan ”

Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaal ka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa maal iyadaha lagu sameeyo tababarka ku wareejisay Akadeemiyada Itaal FC ee ka dhisan magaal ada Muqdisho,mana ah markii 1aad ay Som United qalab isboorti ku wareejiso da’yarta Itaal FC,waxayna madaxda Som United balanq aad een in ay garab istaagayaan horomarka dhall inyarada Itaal FC. Maamulaha ahna Aas-Aasaha Akadeemiya da Itaal FC Aweys Xaaji Nuur ayaa u mahad cel iyay madaxda Som United sida marwalba ay u gu war qabaan horomarka Akadeemiya da, isa goo sheegay in tani ay ku dhiirigelinayso ho rum arka ay ka lee yihiin kubbadda cagta Soom aaliya.

Tababaraha kooxda Da’yarta Som United Hat un Cabdiqaadir Daahir ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanahay hamiga ay lee yihiin maamulka iyo ciyaartooyda Itaal FC,isagoo balanqaaday in marwalbo ay garab taaganyihiin hadafka horom arineyd ee Itaal FC.

12-December 2020 ayay aheyd markii 1aad ay kooxda Som United caawiso Akadeemiyada Itaal FC,waxaana xiligaa da’yarta Itaal lagu war eejiyay qalab dhameystiran,iyadoo madaxda Som United ay warbaahinta u sheegeyn inay xili walbo garab taaganyihiin horomarinta kooxda Itaal FC.

Si kastaba Som United iyo Itaal FC ayaa shanta sano ee socota rajanaya in ay si wadajir u soo saraan dhalinyaro tayo wanaagsan oo wax badan ka badasha hanaanka farsamo ee kooxaha kubbadda cagta iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle


GAARI UU LAHAA AFHAYEENKA BOOLISKA OO QARAX MIINO LALA BEEGSADAY


Waxaa xalay waddada 21 October ee degmada Waaberi qarax miino lagula eegtay gaari uu lahaa Afh ayeenka Ciid anka Booliska Sadiiq Aa dan Cali, iyadoo hal qof oo haweeney aheyd ay ku ge eri yootay.

Gaariga ayaa waxaa soo gaaray burbur dha nka mu raayadaha, wax aa na xilliga qaraxa lala beegsanayay ma aanu saa rneyn Afhay eenka.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay falkan aa nu cabsi gelin doonin, is la markaana uu horay naftiisa ugu qidmeeyay umadda Soomaaliyeed. "Xalay abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhi gay wadada 21- Oct dhin aceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro ga arigayga, walow xiligaas aanan la socon, Ilaahay mahadii cidna waxba ku ma gaarin gaar igayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaare en, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Waddada 21 October ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo Miino, iyadoo bilo ka hor wadadaas qarax lagula eegtay Guddoomiyaha

D/Hodan, waxaana ka soo gaaray dhaawac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip