Taageerayaal Farabadan Oo Buux Dhaafiyay Garoonka En.Yariisoow
Iyadoo saacado kooban ay ka harsan yihiin in la baasto kulanka Finalka ah ee u dhexeeya Cayaartooyda Kala matalaysa Maamulka Galmudug iyo Gobolkani Banaadir, ayaa waxaa Magaalada si weyn looga dareemayaa saameynta uu leeyhay kulankaasi, iyadoo Tageeraayaal farabadan ay buux dhaafiyeen Garoonka ENG. Yariisoow (Ex-Koonis).
Taageerayaasha oo subaxnimadii hore ee Saaka gaaray garoonka ayaa hadda waxaa uu Garoonku la ciir-ciirayaa taageerayaal labada dhinaca u kala sacabba tumaya, waxaana wali jira taageerayaal kale oo si raxan raxan ah u gaaraya Eng.Yariisoow Stadium.
Cayaarta u dhexeysa Ciyaartoyda mataleysa Maamulka Galmudug iyo Gobolkani Banaadir ayaa loo arkaa tii ugu xisiaha iyo xamaasadda badneyd cayaaraha tar-tanka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana labada dhinaca ay horay kaga soo adkaadeen Maamulada Koonfur galbeed iyo Puntland.
Tar-tanka Maamul Goboleedyada ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxaa uu sii yeelanaya Xiiso gaar ah, waxaana labadii sano ee u dambeyay Qaaday Tar-tanka maamulada Punland iyo Jubbaland, waxaana sanad kaan Semi-final ku haray Cayaartooyda matalaysa maamulka Puntland, halka Jubbalanday ku hartay wareegga koowaad ee tar tanka.
Taageerayaal Farabadan Oo Buux Dhaafiyay Garoonka En.Yariisoow
...