Haweenay Mayd Ah Oo Laga Helay Guri Ku Yaalla Dooloow

0
Thursday December 31, 2020 - 13:02:07 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay Mayd Ah Oo Laga Helay Guri Ku Yaalla Dooloow

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Bulshada Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa shalay Galinkii dambe helay Haweenay Mayd ah oo dhowr maal mood Mayd ahaan ugu jirtay guri ay ka daggan tahay Dooloow.

              ayaa la yaab ku noqotay dadka degaanka waxaana sheegeen in ay Seddex maalimood ay ku jirtay guriga iyadoo meyd ah, waxaana markii dambe ay dareemeen Urka kasoo baxaya Guriga, taasi oo keentay in ay gudaha u galaan ayna baraan waxa ka uraya Guriga, waxaana markii dambe ay heleen Haweenayda oo Meyd ah.

            Marxuumadda ayaa lagu magacaabaa Wiilo, waxaana ay ka mid ahayd dadka ku ganacsada Suuqa xafada Qansaxley ee Degmada Doolow.

Dadka degaanka waxaa ay sheegeen in aysan jirin Qof kale oo marxuumadda kula noolaa Guriga, waxaana ay ahayd dadka danyarta ah ee ganacsiyada yar-yar ku leh, Magaalada Dooloow, sida ay sheegayaan dadka degaanka ee ku nool xaafadda ay dhacdadaasi ka dhacday.

           Lama oga waxa sababay geerida haweenayda, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka degmada iyo maaamulka Gobolka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip