DIGNIIN: Milkiile iyo Weriye yaan la isku Khaldin oo yaan Waraabe Hilbo lagu Raran!

0
Tuesday March 22, 2016 - 19:26:16 in Maqaallo by
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIGNIIN: Milkiile iyo Weriye yaan la isku Khaldin oo yaan Waraabe Hilbo lagu Raran!

    Jahwareerka siyaasadeed ee dalka hareeyey ayaa gaaray halkii ugu sareysey markii shay walba madxiisa majaha loo rogey waxaana laga dheregsan yahay heerka musuqa ee Soomaliya iyadoo sanad walka halka ugu saraysa ka gasha liiska International Transpare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jahwareerka siyaasadeed ee dalka hareeyey ayaa gaaray halkii ugu sareysey markii shay walba madxiisa majaha loo rogey waxaana laga dheregsan yahay heerka musuqa ee Soomaliya iyadoo sanad walka halka ugu saraysa ka gasha liiska International Transparence oo ah hay'ad soo saarta liiska wadamada musuqu hareeyey. waxayna dad badani la yaaban yihiin waxa ay madaxda Soomalidu uga gilgiln la'dahay ihaanada joogtada noqotay, waxaana mudan in la is waydiiyo waxa la isaga warsan la' yahay halka sartu ka qurunsan tahay.
Markaad eegto dhainacyada kale waa Naaru meel qabow ma leh, oo waxa maalin walb la dulmiyaa dad aan waxba galabsan, bal eeg xabsiyda kala duwan ee Muqdisho oo kaliya ku yaala iyo dadka tuhunada aan marqaatiga lahayn loo haysto mudo dheer tasoo sharciga ka soo horjeeda, sidaas oo ay tahayna dadkaasi ma helaan cadaladdii loo baahnaa, mana jirto dhinaca kale cid wax iska waydiisa.

IMG_2697

Warbaahintu waxay ahayd cidda kaliya ee ay jagadaasi u banaanayd oo loo baahnaa iney debeda u soo bixiso dhibaatada jirta laakiin waa ay ku fashilantay iney dadka iyo madaxda dalka farta ugu fiiqdo cadaalad darada heerkaas gaarsiisan. tii ugu darnayd ee Warbaahinta saamaysay waxay dhacday markii maxkamada sare shaacisay in Xoghayaha guud ee NUSOJ uu yahay Cumar Faaruuq Cusmaan waxay ahayd la yaab, waxaa taas xigtey gudi sheegay in ay is abaabuleen oo shaaciyey iney xalinayaan khilaafka labada nin ayna kala metelayaan labada dhinac ee NUSOJ isku haysata,

Iyadoo xaalku halkaa marayo ayaa war qoraal ahi ka soo baxay Maxamed Ibraahin Bakistaan iyo Cumar Faaruuq Cusmaan oo sheegaya iney heshiiyeen oo doorasho lagu qaban qaabiyo mudo shan bilood ah. Waxa uu ahaa war wanaagsan waxayna ahayd in la soo dhoweeyo, ma dhicin oo waxaa markiiba mucaaraday gudigii sheegay in ay isu xil saareen xalinka khilaafka labada nin, waxaana arintaasi gadaal ka riixayey Wasaarada Warfaafinta oo shaacisay in aan la sheegan Karin magaca NUSOJ maadaama sida ay hadalka u dhigtay labada nin xilkii ka dhamaaday.

Iyadoo nin walba yaaban yahay oo la fami la’ yahay sida wax u socdaan ayaa waxaa shalay 21 Marso shir isugu yimid Hotelka SYL Gudigii hore isu xil saaray oo ay wehliyan Bakistaan iyo Waasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) markuu shirkaasi soo idlaaday waxaa saxaaafada la hadlay Maxamed Ibraahin Bakistaan oo sheegay inuu isu dhiibey waxa uu ku tilmaamay Gudiga Badbadinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed uuna u hogaansamayo go’amada ay gaaraan, Gudiga nin u hadlay ayaa ka codsaday Cumar Faaruuq inuu qaado talaabada uu qaady Mr. Bakistaan.

Su’aasha cid walba maskaxdeeda ka guuxaysaahi waxay tahay gudigni waa gudi noocee ah? Hadii aan is kiin baro ugu horayn gudigaan ma jirto cid dooratay oo u idmatay howsha ay ku jiraan, iyagaa is magacaabay mana jirto cid ay wakiil ka yihiin sababtoo ah gudigani waxa uu ka kooban yahay Milkiilayaal Idaacadeed oo tacadiyo loo haysto, Agaasimayaal isugu jira kuwo Telefishin iyo kuwo Raadiye, waxay go’aaminayaan masiirka saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyadoo laga dheregsan yahay dhibatooyinka iyo hagar daamaynta ay hada iyo horeba ugu hayeen dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba leh ee ku abtirsada bahda warbaahinta,

Waa la yaab iyo amakaag in ay ka hadlaan masiirka Weriyaasha Soomaaliyeed, lamana aqbali karo gudi is magacaabay oo ka kooban Milkiilayaal Idaacadeed iyo hor joogayaasha xarumahooda, in ay magaca saxaafadda soomaliya ku metelaan weriyaasha soomaaliyeed, waxay la macna tahay milkiile Bakhaar oo shaaciya inuu dhisayo ururkii u doodi lahaa xuquuqda xamaaliyaasha Bakhaarkiisa, waxay kaloo ka dhigan tahay Ari Waraabe la raaciyey..waxayna ku soo idlaanaysaa hadii arintan aan laga hor tegin ma hadho madaxa gacmha la saarto!!

Waxa kale oo lala yaaban yahay is bed bedelka ay maalin walba ku talaab- sanayaan gudigan is magacaabay oo ay Wasaarada Warfaafintu ku sidkan tahay, shalay waxay shaaciyeen iney yihiin Gudiga Xalinta Khilafaadka Cumar-Faaruuq iyo Maxamed-Bakistaan, maantana waxay taagan yihiin Gudiga Badbaadinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed berina waxay sheeganayaan Gudiga Doorashada Saxafiyiinta Soomaliyeed saadanbana waxay ku hadaaqayaan oo ay balan qaadkeeda haystaan Golaha Saxaafadda Qaranka. Waa cajiib! hadii xal la rabo waa iney gudigu noqdaan weriyaal soocan maadaama masiirkooda iyo mustaqbalkooda laga hadlayo, waxaana sheekadayda ku soo qatimayaa hala kala garto Milkiile iyo Weriye ama waxay noqonaysa Dhurwaa Hilbo ku raro.

W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle

Email. Naasirx1@gmail.com

Tel. 00-252-61-5503978




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip