War Ciyaalka, Diblomaasiyadda macnaheeda ha loo sheego=Nasashada Jimcaha.Q- 231=

0
Friday December 18, 2020 - 10:28:49 in Wararka by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Ciyaalka, Diblomaasiyadda macnaheeda ha loo sheego=Nasashada Jimcaha.Q- 231=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Laba Nin ayaa isagu faanay Anigaa kaa xaasidsan iyo Anigaa kaa xaasidsan. Mid ayaa yiri: waxa aan sameeynayo fiiri: Waddada ayaa waxaa soo maray Oday jiis ah oo 80 Sanno jir ah. kii ayaa Duqii jalaafay, Duqii ayaa si xun Dhulka ugu dhacay. Markaa ayuu Saaxiibkii ku yiri: Ma aragtay xaasidnimadeeyda, Sidaan Duqa u galay, weliba markii uu dhulka ku dhacay sooma qaban.

 
Kii kale ayaa yiri: intaas bis miyaa Xaasidnimadaadu. Aniguba markii uu Duqu Dhulka ku dhacay sooma qaban. Ma ogide Duqu waxa uu ahaa Aabaheey. ( F.S: 1aad).
 
(Siyaasadda Somalida waan ku wareeray ee ma labadii Xaasid ayaa xil loo dhiibay)
 
2. Oday Reer Miyi ahaa ayaa waxa uu lahaa, Dameer, Eey, Wiil iyo Gabar. waxaa laga dilay Dameerkii. waxa uu is yiri: Dameer wax Dagaal loo galo male ee Colaad ha Abuurin.
 
Haddana waxaa laga dilay Eeygii. Haddana waxa uu is yiri: Eey dartii Dagaal ha u galin. Haddana waxaa laga dilay Wiilkii. Qalabkiisii Dagaalka ayuu soo qaatay, Middi, Waran iyo Gaashaan, si uu wiilkiisii ugu Aargudo.
 
Gabadhiisii ayaa Gacanta ka qabatay oo ku tiri: Aabe iska joog, Dagaal waxa uu kuu ahaay, markii Dameerka lagaa dilay. Hadda hadadaadan hureeyn Dagaal, kaaga hari maayo ee waan kula galayaa, ileeyn Cid iiga kaa dambeeyso malehe. ( F.S: 2aad),
 
(Waxaan la hureeyn horaa loo sameeyaa).
 
3. Oday Caruurtiisa la dardaarmayay ayaa yiri: Marba Haddaad ogolaato, Dacay, Galaan ama Liijaan in laguugu hogaamiyo, Muhim ma ahan Cidda kugu hogaaminee in ey tahay, Caruur yar, Haween, Nin waalan, ama in Rati kale laguugu xiriiriyo. ( F.S: 3aad)
(Somaliyeey, Haddad ogolaato in lagu Gumeeysto, Muhim ma ahan Cidda ku gumeeysanee: Kenya, Ethiopia, Ingriis, Carab ama Hindi).
 
4. Wiil ayaa Gabar Fool xun oo 50 Sanno Jir ah, Cideeda ka doontay, Deriskii ayaa Gabadhii u hambalyeeyay, Waalidkeed ayaa ku farxay. Kadiban iyadii ayaa ku diiday. Markii la weeydiiyay Sababtana, waxa ey tiri: Ninkaanu Hanti male. ( F.S: 4aad).
 
( Iska samir, weli lama arag, Nin Naagtiisa ku eryay Hanti la’aanteeda, waase la arkay Naag Ninkeeda ku Eriday Hanti la’aantiisa).
 
5. Wiil yar oo 8 Sanno jir ah, ayaa Hooyadii ku yiri: Hooyo, haddaad mar kale Ciddaa deriskeena ah soo salaanto, ama aad igu khasabto in aan Dugsiga aado, Xiriirka Dibloomaasiyadda ayaan kuu jarayaa.
 
( War Ciyaalka, Diblomaasiyadda macnaheeda ha loo sheego).
 
6. Wasiir Qurba joog ah oo UK ka yimid ayaa la qayilaayay Wasiir kale oo Norway ka yimid, waxaana u shidnaa Heestii Sharma Boy. Wasiirkii Reer UK ayaa yiri: Shaqo waxaan ka bilaabay, Nadiifiye, kadiban waxaan noqday Taxi Driver. weligeey isma leheeyn Tolkaa ayaa Xildhibaan kuu dooranayo, kadibna Wasiir ayaad noqonee. Kii Reer Norway ayaa ugu jawaabay. ME TOO, me too ……..Anigaba sidaa oo kale.
( No Comment )
Qore : Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip