WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EEMAANTA OO AH TALAADO 22-KA MAARSO 2016-KA

0
Tuesday March 22, 2016 - 09:40:51 in Wararka by
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EEMAANTA OO AH TALAADO 22-KA MAARSO 2016-KA

    G.MADAALE "WAA LA BARAYAA WAXA ISKU SOO AADIYAY GUBASHADA ISBITAALADA BANAADIR IYO MADIINA" Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) oo shalay booqday isbita alada Banaadir iyo Madiina oo uu hab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

G.MADAALE "WAA LA BARAYAA WAXA ISKU SOO AADIYAY GUBASHADA ISBITAALADA BANAADIR IYO MADIINA" Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) oo shalay booqday isbita alada Banaadir iyo Madiina oo uu habeen hore dab uu ka kacay qeybo ka mid ah isbitaaladaas ayaa sheegay in la baarayo sababta isku mar isku soo beegtay inuu dab ka kaco isbitaaladaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Isbita allada ay dalka ku yar yihiin, isla markaa na ka xun yihiin labo ka mid ah isbitaaladii adeegyada caafimaad qabanayay inuu dab ka kaco.

"Isbitaalada Banaadir habeen hore fii dkii waxaa qabsaday dab, qeybtii bakhaar ada keydka daawada caruurta, dalkeena isbitaalada waa ku yar yihiin, sidoo kale waxaa bas beelay Isbitaal Madiina qeybtii saalada qaliinka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in su’aal badan la Iska weydiiynayo waxa isku soo aadiyay in labada Isbitaal xalay uu dab ka kaco, waxaana uu xusay in baaritaan lagu sameynayo.

"Su’aal badan ayaa la iska weydiinayaa waxa isku soo aadiyay in habeen hore iyo labada isbitaal uu dab ka kaco, Wasaarad da Caafimaadka iyo hey’adaha amniga oo shaqo ka wada dhaxeyso ayaa wax is ka weydiin doono”ayuu yiri Guddoomiya ha Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Ma xamed Yuusuf ayaa sheegay in dabkii ha been hore ka kacay qeybta saalada qali inka isbitaalka uu gebi ahaanba baabi’iy ay wixii qalab ee looga qeyb qaadanayay qaliinada, isagoo xusay in la joojiyay howl ihii qaliinka ee Isbitaalka u yaalay shalay oo isniin aheyd, Sidoo kale Agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegay in illaa 30 tan daawada caruurta oo ku jirtay La bo Bakhaar, waxaana uu xusay in isbitaa lka maalin walba uu daawo siin jiray boqo laal caruur ah.

dadka reer Muqdisho ayaa shalay hadal hayay dabka ka kacay habeen hore laba da isbitaal ee Madiina iyo Banaadir, iya doo aan wali si rasmi ah loo shaacin sab abta dhalisay, balse looga shaki qabo in ay tahay cilad dhanka korontada ah.

RA’IISUL WASAARAHA "LOOMA BAAHNO IN AMISOM XILLIGAN LA GEEYO PUNTLAND”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dorraad dib ugu soo laabtay magaalada Muqdi sho, ka dib safar uu ku tagay dalka Talya aniga ayaa ka hadlay dagaalada u dhax eeya Ciidamada Puntland iyo AlShaba ab. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ay aa sheegay in xilligan aan loo baahneyn in ciidan AMISOM la geeyo Puntland.

"Wax hadda looga baahan yahay AMIS OM inay meesha tagto ma jiraan, Ciida mada Puntland ayaa ku filan, anagana ga can ayaa ka geysanay intii dagaalada soc deen, wixii aan diri karno waa u dirnay, haddii waxyaabo kale oo baahi badan ay jiraan gacan xoog leh ayaa ka geysanayn aa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Ca bdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ee gaaray dee gaano ka tirsan Puntland inay yihiin firx ad, isagoo xusay inay isku dayayaan inay meelo badan tagaan. Waxaa uu sheegay in Xukuumadda iyo dowlad goboleedyada ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, lagana saari doo no meelaha ay ku hareen.

Madaxweynaha Puntland C/wali Ma xamed Cali Gaas ayaa dhowaan sheegay inaanay u baahneyn Ciidamo AMISOM, isla markaana Puntland ciidankeeda ay ku filan yihiin, isagoo ka codsaday dowla dda federaalka iyo Beesha Caalamka in lagu taageero dagaalka AlShabaab.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaal iya ayaa dhowaan saanad hub u dirtay Pu ntland, si ay kula dagaalanto AlShabaab.

WASIIRKA WARFAAFINTA OO LA KULMAY GUDDIGA BADBAADADA SUXUFIYIINTA

 

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS Md.Maxa med Cabdi Xayir "Maareeye” oo shalay kulan la qaat ay guddiga badb aada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa kala ha dlay halka ay mareyso howshii saxaafadda dalka ay u xilsaartay oo ah dhameyntii khilaafkii hog aanka ururka Suxufiyiinta Qa ranka iyo qaban qaabada doorasha da la gu dooranayo Hoga anka cusub ee NUSOJ, iyagoo maantana la kulm ay mid ka mid ah garabyadii isku khilaafsanaa hogaanka ururka.

Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah xoghayihii NUSOJ ayaa sheeg ay inuusan aheyn musharax u taagan qabashada xilka NUSOJ, isa goo tilmaamay in xafiiska uu kuwareejin doono hoggaanka cusub oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed soo doort aan.

"Aniga waxaan idin cadeynayaa inaanan aheyn musharax oo aan wax xil ah ka doneyn ururkan, balse aan gaarsiin doono inta hoggaan cusub laga soo dooranayo,” ayuu yiri Maxamed. Gudo omiyaha gudiga badbaadada suxufiyiinta Soomaaliyeed Ca bdimaalik Yuusuf Maxa muud, Malyuun Sheekh Xeydar iyo Ca bdulla ahi Xirsi Kulmiye oo xub no ka ah guddiga ayaa soo dhow eeyay go’ aanka Maxamed Ibraa him Bakistaan, iyagoo ku tilm aamay guul u soo hooyatay dhamaan suxufi yiinta Soomaal iyeed.

Guddoomiye g/xigeenka G/badbaada suxufiyiinta Soomaal iyeed Ismaaciil Sh.khaliifa ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabs oomeen. "Gebagebadiisa waxaa lagu heshiiyay in la wada taageero ho wsha guddigan uu wado iyo sidii loo qaban lahaa shirweyne guud si loo helo hogaan mideysan oo ay leeyihiin Suxufiyiinta Soomaaliy eed,” ayuu yiri Khaliifa. GBS/ Soomaaliyeed ayaa mudooyinkan dambe waxa ay dadaal u gu jireen sidii loo heli lahaa hoggaan mid ah oo uu yeesho ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

AXMED MADOOBE OO SAFAR KEDIS AH KU TAGAY QOOQAANI, DIBNA UGU LAABTAY DHOOBLEY

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoo be), ayaa safar aanan horay loo sii shaa cin wuxuu ku tagay Deegaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, ma alin ka dib dagaal culus oo ciidanka Ken ya ku qabsaday inta u dhaxeysa Afmado ow iyo Dhoobley.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku wehliyay Saraakiil ka tirsan ciid amada Jubbaland, iyadoo qorshaha uu u tagay Qooqaani ay tahay abaabulka ciida nka Jubbaland. Axmed Madoobe, ayaa Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubba da hoose kula kulmay Saraakiisha ciida mada Amisom iyo kuwa Jubbaland, wux uuna u jeediyay dar daaran ku aadan dag aalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Intaasi ka dib, ayaa Madaxweynaha Jub baland wuxuu dib ugu laabtay Dhoobley, oo Saldhig wayn ay ku leeyihiin ciidanka Kenya ee hawlgalka Amisom qaybta ka ah.

Saraakiisha ciidamada Kenya, ayuu halkaasi kula kulmay Md.Axmed Madoo be isaga oo booqday dhaawacyada Aska rtii ay waxyeelada ka soo gaartay dagaal kii ka dhacay maalin ka hor Deegaanka Xayo oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoo se.

Axmed Madoobe M/ Dhoobley uu kula shiray Saraakiisha ciidanka Dhoobley ku sugan Hogaaminaysa si ciidamada ay isu gu diyaarinayaan qaadista howlgalo ka dhan ah Ururka Al shabaab. Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku cel celinaysay qaadista howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, xilli guud ahaan Go bolka Jubadda Dhexe Shabaab ay gacan ta ku hayaan Qooqaani

BOOLISKA OO QABTAY MAANDOORIYE LAGU BEERAY KAAM KU YAALA MAGAALADA MUQDISHO

Booliska Gobolka Banaadir, ayaa wax aa uu gacanta ku dhigay maandooriye la gu beeray kaam ku dhex yaala Degmada Hodan Ee Bartamaha M/Muqdisho.

Maandooriyahan oo noociisu uu xashii sh/xa shiishad ahaa, ayaa waxaa si qarso odi ah lo ogu beeray xero ay degan yihiin dadka barakacayaasha, oo ku taala xa afadda Siigaale.Taliyaha Ciidanka Boolis ka G/Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab) oo shalay Saxaafadda u soo bandhigay maandoor iyahaasi, ayaa shee gay in uu isagu ahaa maskaxdii ka damb eysay in la fashiliyo.

Taliyaha, ayaa wax lala yaabo ku tilma amay in kaam ay degan yihiin dad barak acayaal ihi lagu dhex beero xashiishka, isagoona su’aal ka keenay haddii kaam la ga dhex helay beer xashiishad ah, waxa laga fillan karo qaybaha kale ee Magaa lada. Cali gaab, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in lix qof loo soo qabtay falkaasi, hadana ay gacanta ku hayaan laamaha ammaan ka, islamarkaana ay sharciga horkeeni doonaan.

Gen.Cali Gaab, ayaa dadka reer Muqd isho ugu baaqay inay isaga fogaadaan be erista iyo ka ganacsiga waxyaabaha ma anka dooriya.

PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY MAXAAB IISTII LAGU QABTAY DAGAALKII TOGGA SUUJ

Ciidamada Puntland ee ka dagaalamay Togga Suuj ayaa soo bandhigay maxaa biis ay ku qabteen dagaalkii halkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay, waxaa na saraakiisha Puntland ay sheegeen in ay si rasmi u soo afjareen dagaalkii halka as ka socday.

War saxaafadeed ka soo baxay Madax tooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la soo qabtay maalinimadii dorraad, waxaana xalay fiidkii la geeyay M/Garowe ee caasimada Puntl and.

Maxaabiistan oo gaareysay illaa 20tame eyo dhalinyaro aad u da’yar ayaa waxay u badnaayeen kuwo da’dooda u dhaxey say 13 illaa 19 jir Saraakiisha Puntland ay aa sheegay in illaa lix dagaalamayaal ku dileen dagaaladii ka dhacay Togga Suuj, isla markaana ay ku daba jiraan qaar kale oo ka firxaday halkaas.

14kii bishan ayay aheyd markii dagaa lyahano ka tirsan AlShabaab oo doonyo watay ay ka dageen xeebta Garacad iyo Garmaal, dagaalyahanadan ayaa lagu qiy aasay inay gaarayaan boqolaal, lama oga halka jaan iyo cirib dhigeen kuwa kale.

YUHUUD YEMENIYIIN AHAA OO SI QARSOO DI AH LOOGA DAADGUREEYAY YEMEN IYA DOO LA GEEYAY ISRAA’IIL

Qaar ka mid ah Yuhuudii ku sugnaa da lka Yemen oo ay dagaallo ka socdeen tan iyo sanadkii hore ayaa si qarsoodi ah loo ga daadgureeyay dalkaas, iyadoo la gee yay Israa’iil. Iyadoo howshan ay gacan ka geysatay hay’adda Jewish Agency.

Hay’addan oo Israa’iil laga leeyahay ka na shaqeysa gargaarka ayaa sheegtay in ay Israa’iil geeyeen 19ruux oo ka mid ah aa dadkii u dambeeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Yemen.

Sidoo kale, hay’adda Jewish Agency ay aa Isniinta shalay ahyed sheegtay in dad kan asalkoodu yahay Yemeniyiinta ay ee Yuhuudda ah ay geeyeen Israa’iil maalmi hii u dambeeyay, ayna daadgureyntooda dhibaato badan kala kulantay.

Hay’addan ayaa si dhaw ula shaqaysa xukuumadda Israa’iil, waxayna matashaa iskuxirka Yuhuudda Caalamka ku nool. Iyadoo xustay in Yuhuudda Yemen lagu qaaday hawlgal aad u adag oo qarsoodi ah.

Warbixin uu baahiyay telefishinka Isra a’iil, ayaa lagu xusay in hawshiid waddan ka Yemen looga daadgureeyay Yuhuud an ay ka qaadatay xukuumadda Mareyk anka, taas oo ku timid inaanu jirin xiriir u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil. Dhanka ka le, Hay’addan Yuhuda ah ayaa waxay int aas ku dartay in weerarrada ku salaysan isirnacaybka iyo dagaallada sokeeye ay halis galiyeen bulshada Yuhuuda ah ee u dhashay dalka Yemen.

Ugu dambeyn, Illaa 50,000 oo ruux oo Yuhuud ah ayaa waddanka Yemen ka tag ay, iyagoo Israa’iil aaday tan iyo iyo sann adkii 1949kii. Waxayna hay’addan sheeg tay in 50 Ruux oo Yuhuudda ay doorteen inay iska sii joogaan dalka Yemen.

SARAAKIISHA CIIDAMADA DOWLADDA OO KA HADLAY DAGAALKII CUSLAA EE HABEEN HORE KA DHACAY XERADA LAANTA BUURO

Iyadoo habeen hore weerar Abaabul an Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Millateriga Guutada Shanaad ee Xerada Ciidan ku leh deegaanka Laanta Buuro, ayaa Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda waxa ay ka hadleen dagaalka asi.

Taliska Ururka 1aad Guutada Shanaad ee Ciidanka Xooga dalka Somaaliyed Ga ashaanle Axmed Absuge Cabdulle, ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid ay soo qaaden Ururka Al Shabaab ciidamo ka tirsan. Gaashaanle Axmed Absuge Ca bdulle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa qiray in Shabaab ay gaadiid dagaal ka ka xeysteen Xerada Laanta Buuro oo weera rka qorsheysan ay ku soo qaadeen.

Wuxuu qiray Sarkaalkaan saddex Baa buur oo nooca Cabdi bilaha ah inay kaxe ysteen Shaba abka, isaga oo sheegay cii damada Dowladda inay ka soo furteen Shabaab gaari noociisa uu yahay Cabdi Bille oo uu saaran yahay Qoriga loo yaq aan 37 (Teedhi Saban).

"Waxaan joogaa Laanta Buuro xaalka waa caadi dagaal waa dhacay mid aad u abaabulan ayuu ahaa sida ay rabeen wax uma dhicin, Taliska laanta Buuro hada ani ga ayaa joogaa, hal baabuur iyo labo la qaatay wax qiimo ah ay leeyihiin malah an, meesha dagaal ayaa ka dhacay, hade dagaalkana waa lagu kala adkaadaa waa ku kadin iyo ka badin sida ay rabeen uma dhicin, durbadiiba gurmad ayaa na soo ga aray, wax ay naga gacmeesteen ma’aha nee oo ay la fakadeen wax kala ma qaad an, gaari uu saaran yahay Qoriga 37ka waan ka soo ceshanay, saddex baabuur ayeey qaateen oo qoryihii kore laga furay oo dul banaan ah, laakiin nimankaasi ku ma guuleysan ujeedkooda inay degaan ayeey rabeen, saacaan aan kula hadlaa yo ciidan badan ayaa ku daba jira firxad kooda.” Ayuu yiri Sarkaal Absuge.

Kasokoow hadalka ka soo yeeray Sa rkaalkaan ka tirsan ciidamada Millateriga Laanta Buuro, wararka Madaxa Banaan ayaa sheegaya in ciidamada Millateriga dagaalkaasi Khasaare xoogan lagu gaars iiyay oo ciidamo badan laga dilay.

Xilliga weerarka uu dhacaayay ayaa inta badan ciidamada Millateriga ee Xera daasi ku sugnaa waxaa la sheegay inay hurdeen, taasi oo keentay In Khasaare ba dan ciidamada uu soo gaaray, maadaa ma lagu gaaday dagaalka.

Xigasho:dhacdo.com

KUURIYADA WAQOOYI OO DHAWR GANTAAL OO HOR LEH TIJAABISAY

Sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa dalka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap dawlada Kuuriyada waqooyi ayaa tijaabo ahaan u gantay tiro gantaalo no oca ridada gaaban ah maalmo ka dib mar kii ay tijaabisay gantaal nooca ridada dhe xe ah.Warkaan waxaa lagu sheegay in gantaalah aan ay ciidamada Kuuriyada wa qooyi u rideen dhanka xeebta m/Hamh ung oo waqooyi bari dalka Kuuriyada wa qooyi ku taala waxaana saacadii ay jari karaan masaafo dhan 800 oo km.

Inkastoo ay willi xukuumadda Pyong Yang ka hadlin gantaalahaan ay tijaabis ay hase ahaatee militeyga Kuuriyada Koo fureed ayaa sheegay inay baarayaan noo cayada gantaladaas.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND C/WALI GAAS OO DIB UGU LAABTAY GAROWE

Madaxweynaha Puntland C/wali Max amed Cali Gaas oo maalmahan ku sug naa M/ Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ay aa shalay dib ugu laabtay M/Garowe ee Caasimada Puntland, iyadoo Mas’uuliyiin iyo dadweyne ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha.

Md.C/wali Gaas ayaa markii uu gaar ay M/Garowe waxaa uu durbadiiba booqd ay Isbitaalka Ma gaaladas, halkaasoo ay ku jiraan dhaawacyada qaar ka tirsan Ciid amada Puntland oo ku dhaaw acmay dag aaladii ka socday deegaano ka tirsan Nug aal iyo Mudug.Shir jaraa’id oo uu ku qabt ay Madaxt ooyada Garowe ayuu kaga ha dlay safarkii sa, duulaankii AlShabaab iyo arrimo ka le, waxaana uu soo dhowe eyay taageera da shacabka u fidiyeen Cii damada, intii ay ku guda jireen howl galka ka dhanka ah AlShabaab.

Waxaa uu ku ammaanay Ciidamada Puntland sida geesinimada ah ee ay isa ga difaaceen Al-Shabaab, waxaana uu ta csi u diray askartii kaga geeriyootay daga aladii ay la galeen AlShabaab. Md.Gaas ayaa sheegay inay Puntland isaga filan tahay AlShabaab, isla markaana aanay u baahne yn Ciidamo shisheeye.

GUDDOOMIYAHA KULMIYE OO KULAN LA YEESHAY WEFTI KA SOCDA GOLAHA DEEGAANKA TOWER HAMLETS

Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda dadkii ka shaqeeyey aqoo nsigii Golaha Deegaanka ee Tower Ham lets oo ku yaal bariga M/Lon don uu siiyey madaxbannaanida Somaliland.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Gudd oomiyaha KULMIYE shalay, kaas oo ay wehelinayeen mas uuliyiin iyo xildhibaan no ka tirsan xisbiga KULMIYE, halka dha nka weftiga oo ka koobnaa afar xub nood ay hoggaaminaysay xildhibaannada reer Somaliland ee Golaha Deegaanka Tower Hamlets Marwo Aamina Cali, waxa ujeed dadiisu ahayd isxogwaryasi ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ictiraafraadinta ee ko oxdani wado iyo waxyaabaha ay ku arke en Somaliland oo muddo ay joogeen soc daallo ku mareen gobollada.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xa san Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi) oo markii kulanka asi dhammaaday warbaah inta la hadlay, ayaa ka warramay nuxurka kulankaasi daarranaa iyo qod obada laga ga wadahadlay."Weftigu waxayG/X/KUL MIYE uga warramayeen waxyaabihii ay qabt een, waxa kaloo ay ka warramay een waxyaabihii intii ay dalka joogeen la kul meen iyo wixii talo bix in ay hayeen. Sidoo kale, waxa laga wadahadlay wixii dambe ee laga ballamayo waxqabashadooda iyo sidii looga wada hawlgali lahaa,”ayuuyiri

WASAARADA CAAFIMAADKA OO DALBATAY IN BAARIS DEG DEG AH LAGU SAMEEYO DABKII KA KACAY ISBITAALADA MADIINA & BANAADIR

Iyadoo saacadihii la soo dhaafay dab siyaabooyin kala duwan ay uga kaceen Isbitaalada muhii mka ah ee Banaadir iyo Madiina, ayaa Xukuumadda Somaliya, wa xa ay dalbatay in Baaris deg deg ah lagu sameeyo, sababihii ka dambeeyay dabka ka kacay labadaasi Isbitaal. Wasiir ku xig eenka Wasaarada Caafimaadka XS.Cus maan Maxamed Cabdi (Daalo), ayaa ugu baaqay laamaha amma anka Dowladda Somaliya inay baaris ku sameeyaan dab ka kacay 2daasi Isbitaal oo Khasaarooyin kala duwan geystay.

Wuxuu sheegay Dhibaatada ugu weyn inay soo gaartay Isbitaalka Madiina ee M/ Muqdisho oo qaybtii Saalada Isbitaalka ay gubatay. Wasiir ku xigeenka ayaa tilm aamay qaybta Saalada Isbitaal ka ee Qalii nada lagu fuliyo inay muhiim u tahay Isbi taalka, islamarkaana shaqooyin adag loo gu qabanaayay Bulshada Muqdisho ku nool.

Cismaan Daalo, wuxuu tilmaamay Xuku umadda inay gacan ka geysan doonto da yactirka iyo wax ka qabashada dhibaata da soo gaartay Qaybta Qaliinta Saalada Isbitaalka Madiina. Wasiir ku xigeenka Md .Daalo waxaa kale uu sheegay in Wasaar adda Caafimaadka Somaaliya ay waddo qii meyn ku saabsan ogaanshaha inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dab ka Cisbitaaladaasi ka kacay, isla markaa na ay warbixin ka soo saari doonto Wasa aradda Caafimaadka Somaliya.

Dabkii habeen hore fiidkii ka kacay Isbi taalka Banaadir, ayaa baabi’iyay Daawa dii ku jirtay Qay bta Kaydka, daawadaasi oo aheyd mid loo isticmaali jiray daryeel ka caruurta xanuunsan ee Isbit aalka jiifto.

2-dan Isbitaal oo shaqooyin muhiim ah da dka u qabta, ayaa Dabka kacay waxaa la gu sheegay kal iya inuu ka dhashay Koron to, balse faahfaahin intaasi ka badan lag ama haayo.

DAGAALLO MAR KALE SHALAY KA QARXAY DULLEEDKA DEEGAANKA GARACAD EE GOB OLKA MUDUG

Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Puntl and iyo kuwa Alshabaab ayaa shalay mar kale ka qarxay duleedka deegaan xe ebeedka Garacad ee gobalka Mudug, iy adoo dagaalkaasi la sheegayo in la gu qa btay ku dhawaad 50maxbuus oo ka tir san Alshabaab.

Qaar ka mid ah dadka Reer miyiga ah ee ku dhaqan hareeraha halka uu dagaa lku ka socdo, ay aa kusoo waramaya inay maqlyaan dhawaaqa rasaasta fudud iyo mida culus ee dagaalka ay dhina cyada dir iraya ay u adeegsanayaan dagaalka oo ah mid culus.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Alshabaab, ayaa ka sheegtay Dagaalkii shalay guulo, xilli ay u warramayeen qaar warbaahinta ka hawlgasha Puntland ka mid ah.

Inksatoo, aan la xaqiijin karin khasaara ha dhimashada iyo midka dhaawaca dag aalka kasoo ga aray 2da dhinac, Haddana wararku waxay sheegayaan in khasaara ha uusan ahayn mid yar, maa dama u soc do muddo ka badan lix saacadood.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Pun tland, Maxamuud Xasan Soocade oo isna la hadlay warb aahinta ayaa sheegay in la soo gunaanaday dagaalkii ka socday Tog ga Suuj ee gobalka Nugaal, Dhawaanna maamulkoodu soo bandhigi doonaan Ma xaabiista iyo Meydadka Qaar ka mid ah xoogagga ururka Alshabaab.

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII GEDDI SOCODKA DIB U EEGISTA DASTURKA

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa war martiyeed ka soo saaray shir socday saddex cisho oo ka dhacay M/Baydhabo, kaasoo looga hadlayay gee ddi socodka dib u eegista dastuurka qaby ada ah.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa la isku weydaarsaday talooyin iyo aragtiyo la xiriiray qaabka dib u eegista iyo helita anka da ay u dhan yihiin umadda Soom aaliyeed. Haddaba war murtiyeedka laga soo saaray shirkaas oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:

Shirka Wacyigelinta ee Geedi Socodka Dib u Eegista Dastuurka

14 17 Maarso 2016

Olalaha wacyigelinta ee arrimaha dib u eegista dastuurka ayaa markii ugu horee ysay laga bilaa bay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 1417 Maarso 2016. Barna amijka waxaa martigelisay Dowlad Gobol eedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, wax aana soo agaasintay Wasaaradda Arrima ha Dastuurka ee Dowl adda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Midow ga Yurub, Norway, Sweden UK iyo UN DP.

Madashadu waxay kulmisay hay’adaha u xilsaaran geedi socodka dib u eegista dastuurka, sida Guddiga La Socodka Baa rlamaanka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Higelinta Dastuurka oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarad da Arrimaha Dastuurka ee DFS Xil. Xuse en Maxamuud Sh. Xuseen.

ka qeyb galayaasha ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaali ya, waxaa kamid ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa, xubna ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka, Siyaasiyiin, Bulsha da Raydka, Odoyaasha Dhaqanka, Indhe er Garad, Naafada, Ganacsato iyo Urur ada Dhalinyarada iyo Haweenka.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Do wlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo soo dhaw eeyay Xubnihi ka socday DFSoomaaliya oo isugu jiray Wasaaradda Arrimaha Das tuurka, Guddiga La Socodka ee Baar lamaanka, Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda K/Galbeed iyo Guddiga Mad axa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelin ta Dastuurka. Madaxweynuhu wuxuu hoo sta ka xarii qay ahmiyadda ololaha wacyi gelinta gee ddi socodka dib u eegista dast uurka ay u leedahay maamulka iyo shac abka Dow lad goboleedka K/Galbeed isa goo ku dhii ri geliyay guud ahaan bulsha da oo isugu jira ururada bulshada rayidka, W/Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastu urka ee D/Goboleed k/Galbeed yo Xildhib aanada Dowlad Goboleed ka K/galbeed inay si buuxda uga qeyb qaataan ugana lug yeeshaan arrima ha dib u eegista da stuurka iyadoo loo mar ayo ololaha wax barshada madaniga iyo hanaanka wada tashiyada dhawaan xiga doonta wacyi ge lintaan.

Muddada 3da maalmood ee uu socd ay shirka, ka qeyb galayaashu waxay uga doodeen hanaanka hanaanka dib u eegi sta dastuurka iyo maraaxishii uu soo mar ay, dowrka iyo waajibaadka hay’adaha u xilsaaran arrimaha dib u eegista dastuur ka, wada tashiyada laga sameeyn doono arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaa sadeed, cutubyada wax ka badelka farsa mo lagu sameeyay, iyo weliba su’aalaha soo socda. Waa maxay Dastuur?

Maxay muhiim u tahay in soomaaliya ay yeelato dastuur?

Maxay muhiim u tahay in dhammaan muwaadiniinta soomaaliyeed ugu lug yeeshaan waxna uga ogaadaan dastuur ka? Maxaad jeclaan lahayd in laguugu daro dastuurka? Sidee lagu heli kar aa dastuur soomaali leedahay loona wada dhanyahay?

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFSoomaaliya, Xubnaha Guddiga La Soc odka Baarlam aanka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxey qabteen kulamo gaar gaar ah oo lala yeeshay xubnaha Ba arlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galb eed oo uu hor kacayo Guddomiyaho oda, Haweenka iyo Dhalinyarada iyadoo diiradda lasaarayo lagana doodayo dowr ka iyo ku lug lahaanshaha reer koonfur ga lbeed hanaanka dib u eegista dast uurka, arrimaha habeenka (saamiga 30%, IWM) iyo arrimaha dhalinyarada sida ay u kala horee yaan. In kabadan 200 qof ayaa ka qeyb gashay shirka socoday saddexda maalmood oo ay soo qab an qaabisay Wa saaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS.

Gunanadka shirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS, isagoo ku hadlaya mag aca Guddiga La Socodka Baarlamaanka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Xubnaha BF ka soo jeeda K/Galbeed, ayaa u mahadceliyay dhammaan shacab ka K/Galbeed soo dhaweyntooda diiran iyo martigelinta muddada saddexda maa lmood oo uu shirka socday. Waxuu sidoo kale uga mahadceliyay ka qeyb qaad ashadooda iyo sida wax ku oolka ah ay u soo bandhigeen fikradahooda.

Wuxuu sidoo kale Wasiirku u mahad celiyay aadna u bogaadiyay taageerada beesha caalamka iyo saaxibada Soomaal iya gaar ahaan Qaramaday Midoobay (U N), Midowga Yurub (EU), DFID, Sweden iyo Norway oo suurta geliyay qabsoomi dda shirkaan. Wasaaradda Arrimaha Das tuurka ee DFS ayaa diyaarin doonta war bixinta shirka oo tifatiran m/hasoo socda

MOGADISHU WAA CAASIMADA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA ISLA MARKAASNA WAXEY NOQONEYSAA REGIONAL STATE (DOWLAD GOBOLEED).

Waxaa Ilaaheey Mahadiisa ah in hogaanka Baarlamaanka FS iyo dadka ka soo jeeda Gobolka Banadir isla garteen in gobolka banadir noqdo dawlad Goboleed ka madax banaan DF Waxaa taas lagu cadeeyey oo lagu qeexay in markii Dastuurka dalka dib u eegis lagu sameeyay, gaar ahaan maqaamka caasimada Muqdisho sida lagu xusay Article 9, Magaalo Madaxda So omaaliya ee Muqdisho waxay yeelaneysaa Maqaam u gaar ah waxaana laga soo saaray 6 qodob oo kala ah:

1) Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya; (2) Caasimadu waxey noqoneysaa Regional State (Dowlad Goboleed). (3) Caasimadu lama midoobi karto gobol kale, mana noqonkarto qeyb ka mid ah Dowlad Goboleedyada kale si ay dhulkeeda u ballaarsato. (4) Ma amulka caasimada Federaalka iyo Dowladda Federaalka waa inay ku dhaqmaan mabaadiida wada shaqeynta sida uu qorayo Dastuurka. (5) Si gaarah Dowlada Federaalka iyo maamulka caasimada waa inay ka wada xaajoodaan arrimaha canshuuraha iyo shuruucda dhulka iyo daaraha ay leeyihiin ama ay deganyihiin Dowladda Federaalka ee ku yaala caasimada. (6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shuruuc u gaar ah ka soo saari doona xaalada Muqdisho. Ayada oo taas i farxad geleineeyso ayaa hadan waxaan rabaa in aan dadka soomaaliyeed uga war bixiyo waxa aay kala yihiin Gobolka Banadir iyo magalo madaxda muqdisho.

Gobolka Banadir Maaha caasimada Soomaaliya ee waa gobol ka mid ah gobolada dalka soom aaliya tirsigiisuna yahay 18 ka gobol ee wadanka Soomaaliya ka jira, Casimada soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Muqdisho waxayna ku dhax taalaa Gobolka Banaadir, Dad ku dhow ilaa 3 milyan qof ayaa ku nool gobolka banaadir dadkaas oo kala ah dadka u dhashay ee ka soo jeedo gobol, dad dhaqaalo doon oo ganacsato ah, kuwo mansab doon ah, kuwo nolol doon ah kuwo baro kacayaal ah, kuwo waxbarasho doon ah iyo kuwo kale oo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Haddaba weli ma aaysan dhicin oo fursadna looma siin in dadka ka soo jeeda Gobolka banadir si taxadar leh ineey uga fekeraan ayahooda iyo masiirka mustaqbalkooda sida uu noqonaayo.

Markii la soo hadal qaado Gobolka Bandir dadka Soomaaliyeed waxaay soo hadal qaadaan Caasi mada wadanka Soomaaliya laakiinse hadal kaasi sax maaha waayo? Gobolka Banaadir waa Gobol la xaquuq ah gobolada kale ee Dalka Soomaaliya ka jira.

Dadka kale ee deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada kale waxaa aay ku guuleeysteen in aay ka dhistaan maamul federaali ah ee gobolada aay ka soo jeedaan ayagoo raali isaga ah xitaa haduu san waafaqsaneeyn Dastuurka Dalka

Dadka ka soo jeeda Gobolada kale uma haystaan in Gobolka banadir inuu yahay Gobol la mid ah Gobolada kale ee dalka waxay u haaystaan caasimada soomaaliya iyo meel u dhaxeeysa soo maaliya oo idil Gobolka Banadir waa gobol la xaquuq ah Gobolada kale la siman.

Sidoo kale dawladihii isbedbedelaayey waxaa aay ku magaacabaan waraqad ka soo baxda xafiiska madaxweynaha waxaana gudoomiyaha gobolka ee yimaada wuxuu si toos ah u hoos tagaa madaxda dowlada dhexe wuxuuna islamarkiiba ku dhax milmaa hay adaha dawlada dhaxe umana dhaqmo sidii Gobol madax banaan oo la mid ah gobolada kale.

Balse taas wax aay dhaxalsiisay Gobolka Banadir in xaquuqdii uu lahaa la duudsiiyo.

Waxaan ognahay daqliga soo galo Gobolka banadir waxaa uu si toos ah ugu dhacaa Khasnada dowlada dhaxe taas oo aan jirin daqli soo galo Gobolka Banadir aduunkana dhaqaalo ayuu ku xiran yahay mar haduusan dhaqaalo meesha jirin waxaa dhumaayo amnigii nolashii aasaasiga ahaa ee in si siman loo noolaado la helo waxbarasho lacag la aan ah, caafimaad lacag la aan ah, dhalinyarada loo abuuro shaqo iyo xirfado aay ku shaqeeystaan waxaas oo dhan waay ka qatan tahay Gobolka Banadir. Allaa wax og!

Yaasiin Maaxi Macallin maaxi@hotmail.com

www.ssup.se

DIGNIIN ! ISKA JIR INTAADAN DUGAAG U EKAAN *QORMO KU SOCOTA…*

Qormo, By Weriye C/risaaq IndhaJaceyl – Sida la cadeeyey dawooyinka Dumarku isku caddeeyaan waxa ka mid ah kuwo loogu talogalay in lagu daaweeyo xasaasiyadda iyo caabuqa nabarrada, qaar kalena ku yihiinba khatar jirka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah daawooyinkaas.

Wagixuux By Indho

Sheerli Diyana, Moofeed,Roose, Farableen, Biliij,Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfa ana, Betnoofa ad, Rii koo dhiiqo, Super Roser iyo qaar kaloo cusub islamarkaana fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay Soomaalidu degto oo aanan ku soo ko obi karin magacya dooda halkan, loona istim aalo qaybaha kala duwan ee jirka, ga ar ahaanna wejiga, gacmaha, lugaha, qoorta iyo qaar la mar iyo jirka oo dhan.

Waxa intaa dheer bacaha lagu xiro gacmaha, lugaha iyo qaar lagu seexdo habeenkii loo ga shado sida dharka oo kale. Bad anaa dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay dhibaatooyin la xa adle u gaystaan caafimaadka qofka ismariya, waxana ka dhalan kara cudurro hor leh, tusaale ah aan: Waxay dilaan unugyada difaaca maqaarka Waxay raadad xunxun ku reebaan maqaarka qofka isticmaala.

Waxa uu u nuglaadaa qofka istimaalaa inuu ku dhaco kansar ka maqaarka. Wuxuu dhibaato u gaystaa aragtida indhaha ee qofka isticmaala Waxa aan hore u bogsan nabarrada ku dhaca jirka qofka ismariya dawooyinkani.

Waxaa ku sameeyaa maqaarka cuncun badan iyo xasaa siyad. Waxa uu ka soo saaraa jirka qofka ismariya xaad fara badan iyo diirka oo ka qubta qofkaas. Waxaa uu cimridegdeg ku keenaa maqaarka. Waxa uu dibadda u soo saaraa xadidada dhiigga qaada. Waxay ku abuuraan maqaarka qofka ismariya, canbaar iyo finan fara badan.

Waxaa kale oo ay dhibaato dhaqaale ku haysaa qofka istim aala oo har iyo habeen ay u noq otay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi karin, iyadoo taas ay u dheer tahay dumarka in biilkooda ka mid tahay dawada la isku caddaynayaa oo dhawrkii maalmoodba maalin gaara kharashkaaga baxaayo .

Waxaan uga digayaa hablaheenu inay waan toobaan oo ay ka fogaadaan isticmaalka suntan (Daawo ma ahee) waayo jirka qofka isticmaalaa suntani waxaa uu jirkiisu samaynayaa ur aan fiic nayn, waxaa engagaya maqaarkiisa, waxay feenanaysaa suntani hilibka qofka iyo dheehiisa dabi iciga ah sidaa darteed waxaan leeyahay Dumarkeena SOOMAALIYEED *Iska Jira Inta aydaan Dugaag u ekaanin* .

Weriye C/risaaq C/laahi Maxamed (IndhaJaceyl).

[email]Daauus1@gmail.com – Indhojaceel2003@hotmail.com

Call : – +27783420920

JABUUTI OO LAGU SOO XIRAY SHIRKA CULUMADA BARIGA AFRIKA EE LOOGA HADLAY XAGJIRNIMADA

Shirkan oo ay isugu yimaadeen culumada Bariga Afrika oo looga hadlayay kahortaga falalka Argagaxisada, Xagjirnimada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyay Jabuuti. Madaxweynaha Jabu uti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo xiray shirka, isagoo la hadlay ay culumadii ka qaybgalay shi rkan ayuu sheegay inay Diinta Islaamku tahay nasteexo, balse ay dhawaanahan soo baxeen dad dano gaar ah la leh oo u adee gsanaya dariiq aan habboo nayn.

Intii uu socday shirka culummada Bariga Afrika ayaa lagu gor feeyay sidii looga hortegi lahaa argagaxisada iyo xagjireynta dhallinyarada, taasoo lagu sheegay inay dhaawac ku tahay dii nta Islaamka, loona baaha nyahay in culummadu ay u istaaga an sidii bulshada ay u fahamsiin lahaayeen diinta Islaamka.Ugu dambeyn, shirkan ayaa ahaa kii Afraad oo culummada Bariga Afrika ay ku yeeshaan magaalada Jabuuti, sannadkanna waxaa kasoo qayb galay culmmaa’uddiin ka yimid dalal kala duwan.

 

OBAMA OO BOOQASHO TAARIIKHI KU TAGAY M/ HAVANA EE CUBBA

Barack Obama ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku taga dalka Cuba, muddo 90sano ku dhow, isagoo kulamo la qaadan doono Hogaamiyaha Cuba Raul Castro.

Madaxweyne Obama oo ay wehliyeen Xaaskiisa, labadiisa ga bdhood iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhoweeyay gar oonka diyaaradaha M/Havana Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba. Obama ayaa markii uu ka degay diyaarada Air Force One waxaa uu si toos ah u abaaray Safaarada dib loo furay ee Mareykanka ku leeyahay Havana, halkaasoo uu kula hadlay shaqaalaha Safaaradda.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in booqashadiisan ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana isu soo dhoweyneyso dad ka Mareykanka iyo Cuba.

Mareykanka iyo Cuba ayaa xiriirkooda uu aad u xumaa tan iyo sanadkii 1959,markii uu is bedel ka dhacay Cuba, xukunk ana uu la wareegay Hogaamiyi hii hore Fidel Castro. Obama ay aa muddo saddex cisho ku sugn aan doona magaalada qa diim iga ah ee Havana, isagoo xoojin doona xiriirka Mareykan ka iyo Cuba oo muddo 55 sano uu aad u xumaa

Arrimaha la filayo inuu kala hadlo Hogaamiyaha Cuba ayaa ka mid ah sidii is bedel loogu sameyn lahaa dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimo kale. Aqalka Cad ayaa sheegay in booq ashadan ay ka turjumayso xiriir cusub oo dhexmara labada wad dan ee daqaalka qaboobaa uu ka dhaxeeyay.

BOOQASHADA OBAMA EE CUBA OO GASHAY 2MAALMOOD

Madaxweyne Obama oo ay u gashay maalintiisii 2aad ee bo oqashada taariikhiga ah ee uu ku joogo jaziiradda shuuc iga ah ee Cuba, ayaa isaga iyo dhigiisa marti galiyay waxa ay bilaaba yaan in ay ka wadahadlaan arrimaha xasaasiga ah.

Obama, ayaa ballan qaaday in uu Madaxweyne Raul Castro, lasoo qaadi doono su'aalaha ay ka midka yihiin xoriyatul qowlka iyo in dadku ay si xor ah shirar u qabsan karaan, saraa kiisha ay aa sheegaya in ajandaha uu sidoo kale ka mid noqon doono dib u habeyn lagu sameeyo dhaqaalaha.

Cuba ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadaxaajood, has aye eshee aanay wax gorgortan ah ka geli doonin in wax laga badelo hannaanka halka xisbi ee uu dalkaasi leeyahay.

TURKIGA OO SOO BANDHIGAY MAGACA NINKII FULIYAY WEERARKII ISMIIDAAMINTA EE MAGAALADA ISTANBUL

Turkiga, ayaa aqoonsaday ninkii maalintidii Sabtida isku qarx iyay goob laga dukaameysto oo ku taala Bartamaha M/Istanbul, waxaana weerarkaasi ku dhimatay afar ruux oo ninkaasi uu ku jiro, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay.

Bayaan ay soo saartay Dowladda Turkiga, ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu fuliyay nin Turkish ahaa, laakiin xiriir la lahaa Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka), ee ka dagaalanta Wadamada Ciraaq & Suuriya. Ninkan, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Efken Ala, waxaana uu xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, iyadoo uu u muuqday mid ku qan cay fekerka khalafsan ee Daacish.

Baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga Turkiga, ayaa wa xaa lagu xaqiijiyay in Ala uu ahaa ninkii ka masuulka ahaa qara xa xoogan, ee Sabtidii gil gilay M/Istanbul. Daacish weli ma she egan masuuliyadda weerarkaasi. Qarax xoogan oo gaari loo ad eegsaday, ayaa toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Ank ara Ee Xarunta Wadanka Turkiga, iyadoo ay ku dhimatay in ka badan 34 qof, waxaana masuuliyadda qaraxaasi sheegatay Jabhadda PKK.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavusoglu, ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga uu Midowga Yu rub iyo Caalamkaba uu ka fillaayo taageero, uu sheegay lagula dagaalamaayo argagaxisada. Wasiirka, ayaa wacad ku maray in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah xargjiriinta, is lamarkaana uu kula dagaalami doono gudaha iyo dibadaba.

Billihii la soo dhaafay, ayaa waxaa Magaalooyinka Ankara & Istanbul ku soo badanaayay weerarada ismiidaaminta, ee ay ka gaysanayaan Ururka Daacish & Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga

(PKK).

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip