Iska hor imaad ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Tuesday December 15, 2020 - 09:59:32 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor imaad ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is-rasaaseyn khasaare geysatay oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ayaa waxa uu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo muddo kooban dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo Booliis ah oo kala dareerinayey dad dhigayey dibad-bax looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo kale oo milatari ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadkaasi, kuwaas oo ah dhammaan dad shacab ah.

 

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan-baxyo looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/lahi Farmaajo.

Iska hor imaad ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip