Maxaabiis iyo meydad kale, ayaa lagu soo bandhigay Deegaanka Garacad Ee Waqooyiga Gobolka Mudug. Maxaabiista qaarkood waxaa la soo qabtay iyagoo dhaawacyo qaba.
Maxaabiista lagu soo bandhigay Garacad oo tiradoodu lagu sheegay 30 nin, ayaa waxaa qaarkood ay Saraakiisha Puntland sheegeen inay isa soo dhiibeen.
General Muxudiin Axmed Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Toga Suuj, ayaa waxaa uu galabta ku dhawaaqay inay si buuxdo u soo gaba gabeeyeen Shabaabkii galay Togaasi.
General Muuse wuxuu sheegay inay firxadeen toddobo ka mid ah Shabaabkii ka dagaalamaayay Toga Suuj, isla-markaana ay u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah toddobadaasi xubnood.
Si kastaba ha-ahaatee maxaabiista ay Puntland soo bandhigtay, ayaa waxaa ku jira wiilal yar yar oo qaarkood aad mooddo inaanay weliba qaan-gaarin.



0 















Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis iyo meydad ka tirsan Xoogaga Al Shabaab (SAWIRRO)
Saraakiisha Ciidamada Puntland, ayaa waxay maanta siyaabooyin kala duwan ay u soo bandhigeen meydad iyo maxaabiis sida la sheegay ka tirsan Xoogagii Ururka Al Shabaab, ee Isniintii hore soo weeraray qaybo ka mid ah Deegaanada Xeebaha Puntland.