Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada Garowe ayuu kaga hadlay safarkiisa, duulaankii Al-Shabaab iyo arrimo kale, waxaana uu soo dhoweeyay taageerada shacabka u fidiyeen Ciidamada, intii ay ku guda jireen howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa uu ku ammaanay Ciidamada Puntland sida geesinimada ah ee ay isaga difaaceen Al-Shabaab, waxaanauu tacsi u diray askartii kaga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay Puntland isaga filan tahay Al-Shabaab, isla markaana aanay u baahneyn Ciidamo shisheeye.
Waxaa uu uga baaqay beesha Caalamka inay xaq u leeyihiin inay Puntland hesho taageero kasta oo lagu bixinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland.









0 



Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo dib ugu laabtay Garowe
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, iyadoo Mas'uuliyiin iyo dadweyne ay ku soo dhoweeyeen garoonka diy