Wuxuu sheegay Dhibaatada ugu weyn inay soo gaartay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo qaybtii Saalada Isbitaalka ay gubatay.
Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay qaybta Saalada Isbitaalka ee Qaliinada lagu fuliyo inay muhiim u tahay Isbitaalka, islamarkaana shaqooyin adag loogu qabanaayay Bulshada Muqdisho ku nool.
Cismaan Daalo, wuxuu tilmaamay Xukuumadda inay gacan ka geysan doonto dayactirka iyo wax ka qabashada dhibaatada soo gaartay Qaybta Qaliinta Saalada Isbitaalka Madiina.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) waxaa kale uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay waddo qiimeyn ku saabsan ogaanshaha inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabka Cisbitaaladaasi ka kacay, isla markaana ay warbixin ka soo saari doonto Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.
Dabkii xalay fiidkii ka kacay Isbitaalka Banaadir, ayaa baabi’iyay Daawadii ku jirtay Qaybta Kaydka, daawadaasi oo aheyd mid loo isticmaali jiray daryeelka caruurta xanuunsan ee Isbitaalka jiifto.
Labadan Isbitaal oo shaqooyin muhiim ah dadka u qabta, ayaa Dabka kacay waxaa lagu sheegay kaliya inuu ka dhashay Koronto, balse faah-faahin intaasi ka badan lagama haayo.



0 



Wasaarada caafimaadka oo dalbatay in baaris deg deg ah lagu sameeyo dabkii ka kacay Isbitaalada Madiina & Banaadir
Iyadoo saacadihii la soo dhaafay dab siyaabooyin kala duwan ay uga kaceen Isbitaalada muhiimka ah ee Banaadir iyo Madiina, ayaa Xukuumadda Somaliya, waxa ay dalbatay in Baaris deg deg ah lagu sameeyo, sababihii ka dambeeyay dabka ka kacay labadaasi I