
Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Itoobiya Oo Loo Jaray Waaran Soo Qabasho Ah
,,
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay jartay waaran lagu soo qabanayo Askar badan oo ka tirsan Ciidankeeda, kadib markii loo jeediyay eedeymo la xiriira Afduub iyo kuwo kale.
Ciidamada waaranka loo jaray ayaa ka kala tirsan Ciidamadda cirka Itoobiya, Ciidamada difaaca iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, kuwaasi oo gaaraya 40 Askari oo lasoo eedeeyay.
Saaraakiisha waaranka soo qabashada loo jaray waxaa kamida Generaal Tsadikan G/Tinsay oo ah Sarkaal hawl-gab ah, kaasi oo Sawirkiisa lagu faafiyay baraha Bulshada.
Booliska dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay inay abaabulayeen af-duub ka dhan ah xubno ka tirsan ciidamadda cirka Itoobiya iyo Ciidamada Booliska, xilligii lagu guddo jiray hawl-galadii bilaabmay 4-tii bishii November ee lagula jiray Gobolka Tigree-ga.
Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga ayaa waxaa dhexmaray dagaal xoogan oo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, iyadoo ugu dambeyn lala eegtay Caasimadda Maamulkii Tigree-ga.
Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Itoobiya Oo Loo Jaray Waaran Soo Qabasho Ah
,,