Guddigan ayaa waxaa dhamaan xubnaha ku jira ay ka tirsan yihiin Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana Guddoomiye u ah Iimaan Nuur Iikar oo ah Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in Golaha deegaanka uu yeelan doono Gobolka Banaadir uu noqon doono mid soo doorta Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho, taasoo meesha ka saari doonta in la soo magacaabo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in maamulka xiga ee isaga bedeli doono aanu noqon doonin mid la soo magacaabo, balse uu doorasho ku imaan doono.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa beri-samaadkii lahaa gole deegaan oo xubin walba laga soo dooranayay degmooyinka Gobolka Banaadir.
xigasho;-jowhar.com



0 


Guddi ka soo tala bixinaya dhismaha Gole deegaan uu yeesho Gobolka Banaadir oo la magacaabay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo ka soo tala bixinaya dhismaha Gole deegaan uu yeesho Gobolka Banaadir.