
Dr. Maxamed Yuusuf: "Shaqada Isbitaalka maanta waa la hakiyay, waayo ma jiro qalab…"
"Shaqada isbitaalka maanta waa la hakiyay, waayo ma jiro qalab lagu shaqeeyo oo dabkii xalay ayuu ku baaba’ay” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka Madiina oo sheegay in isbitaalka uu qabto howlo caafimaad oo aad u ballaaran.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in qeybtaan uu xalay dabka ka kacay halkii mar lagu qali jiray ilaa lix ruux, wuxuuna tilmaamay inay ka mid tahay qeybaha ugu shaqada badan isbitaalkaasi.
Agaasime Dr. Maxamed Yuusuf waxaa kale oo uu sheegay inuu isagu soo jeeday markii uu isbitaalka dabka qabsanayay, isla markaana waxa uu sheegay in ugu horeyntiiba ka war helay korontada isbitaalka oo la dambiyay.
"Markii aan weydiiyay sababta korontada loo damiyay waxaa la ii sheegay inuu dab ka kacay qeybta qalliinka markaas ayaan si dhaqsi leh ku tegay, waana kaa qalabkii saalada yaala oo dabka ku gubtay” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka Madiina.
XIGASHO;-SOMALIWEYN.COM


0 


Dr. Maxamed Yuusuf: "Shaqada Isbitaalka maanta waa la hakiyay, waayo ma jiro qalab…"
Isbitaalka Madiina oo ka mid ah goobaha ugu shaqada badan xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa dabka xalay ka kacay wuxuu baabi'iyay qeybtii ugu muhiimsaneyd ee qalliinka lagu sameynayay, halkaasi oo ay ku baaba'een dham