Madaale "Waa la barayaa waxa isku soo aadiyay gubashada Isbitaalada Banaadir iyo Madiina"

0
Monday March 21, 2016 - 20:24:44 in Wararka by
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaale "Waa la barayaa waxa isku soo aadiyay gubashada Isbitaalada Banaadir iyo Madiina"

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta booqday isbitaalada Banaadir iyo Madiina oo uu xalay dab uu ka kacay qeybo ka mid ah isbitaaladaas ayaa sheegay in la baarayo sababta isku mar isku soo beegta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta booqday isbitaalada Banaadir iyo Madiina oo uu xalay dab uu ka kacay qeybo ka mid ah isbitaaladaas ayaa sheegay in la baarayo sababta isku mar isku soo beegtay inuu dab ka kaco isbitaaladaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Isbitaalada ay dalka ku yar yihiin, isla markaana ka xun yihiin labo ka mid ah isbitaaladii adeegyada caafimaad qabanayay inuu dab ka kaco.

"Isbitaalada Banaadir xalay fiidkii waxaa qabsaday dab, qeybtii bakhaarada keydka daawada caruurta, dalkeena isbitaalada waa ku yar yihiin, sidoo kale waxaa bas beelay Isbitaal Madiina qeybtii saalada qaliinka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in su’aal badan la iska weydiiynayo waxa isku soo aadiyay in labada Isbitaal xalay uu dab ka kaco, waxaana uu xusay in baaritaan lagu sameynayo.

"Su’aal badan ayaa la iska weydiinayaa waxa isku soo aadiyay in xalay labada isbitaal uu dab ka kaco, Wasaaradda Caafimaadka iyo hey’adaha amniga oo shaqo ka wada dhaxeyso ayaa wax iska weydiin doono”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dabkii xalay ka kacay qeybta saalada qaliinka isbitaalka uu gebi ahaanba baabi’iyay wixii qalab ee looga qeyb qaadanayay qaliinada, isagoo xusay in la joojiyay howlihii qaliinka ee Isbitaalka u yaalay maanta oo isniin ah.

Sidoo kale Agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegay in illaa 30 tan daawada caruurta oo ku jirtay Labo Bakhaar, waxaana uu xusay in isbitaalka maalin walba uu daawo siin jiray boqolaal caruur ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa maanta hadal hayay dabka ka kacay xalay labada isbitaal ee Madiina iyo Banaadir, iyadoo aan wali si rasmi ah loo shaacin sababta dhalisay, balse looga shaki qabo inay tahay cilad dhanka korontada ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip