Antoine Griezmann oo ka carooday sida shirkadda Huawei ay ula dhaqanto Muslimiinta shiinaha.

0
Friday December 11, 2020 - 10:39:53 in Wararka by
  • Visits: 5015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antoine Griezmann oo ka carooday sida shirkadda Huawei ay ula dhaqanto Muslimiinta shiinaha.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xiddiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa sheegay inuu soo afjarayo heshiiskii Maalgelinta xayeeysiinta ku saleysan ee uu kula jiray shirkada Huawei kadib markii uu sheegay in shirkada isgaadhsiinta ee Shiinaha ay ku lug lahayd dabagalka Muslimiinta Uighurs.

Warbixin dhowaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in shirkadda Huawei ay tijaabisay barnaamij aqoonsi oo wajiga ah, kaasoo booliska ka caawin kara inay ogaadaan dadka Uighurs.

Shirkadda Huawei ayaa si adag u beenisay sheegashadaas waxayna BBC-da u sheegtay inay "ka xun tahay” go’aanka Griezmann.

Shiinaha ayaa wajahay cambaareyn culus oo ku aadan sida uu ula dhaqmo dadka laga tirada badan yahay.

Waxaa la rumeysan yahay in dowladda Shiinaha ay ku xirtay illaa hal milyan oo muslimiinta laga tiro badanyahay ee Uighurs ah ee gobolka Xinjiang taas oo dowladu ku micneysay "xeryo dib wax loogu barayo dadka”.



Beijing waxay si joogto ah isaga fogaysay eedeymaha ah in si xun loola dhaqmo muslimiinta Uighur waxayna sheegtay in xeryaha loogu talagalay in looga saaro fikradaha argagixisanimo iyo lagusoo bandhigo fursadaha shaqo.

Griezmann, oo 29 jir ah, ayaa safiir caan ah u ahaa shirkadda Huawei tan iyo sanadkii 2017, wuxuuna si aad ah uga dhex muuqday xayeysiinta shirkadda ee Faransiiska.

Kadib markii si adag looga shakiyey in Huwei ay qayb ka ahayd horumarinta hab lagu baarayo dadka Uighurs ee Shiinaha oo wajigooda lagu aqoonsanayo ayaan dhamaanba joojiyey wada shaqeeyntii aan la lahaa”

Warbixin ay soo saaareen shirkado Maraykanka ah oo agabka sirdoonka sameeysa ayaa sheegtay in Huwaiwa ay qayb ka ahayd nidaamkaasi wejiga dadka lagu aqoonsanayo oo Shiinahuna u isticmaali karaan inay dadka Uighur ku aqoonsadaan

Afhayeen u hadlay shirkadda Huawei ayaa BBC-da u sheegay "in luuqadda lagu qoray warbixintaan ” ay ahayd ” mid aan la aqbali karin”


.

Waxaanu raaciyey” ma aha wax ka turjumaya habka iyo dhaqanka shaqda ee shirkadda, tiknaloojiyadayada uma isticmaalo in dadka lagu cunsuriyadeeyo, shirkadaydu way kasoo horjeedaa faquuqa ” ayuu yiri afhayeenku ” dabcan waanu ka xunahay inuu joojiyo xidhiidkii naga dhexeyey.

Horaanti sanadkaan ayay ahayd markii lasoo saaray warbixin lagu sheegay in kumannaan qof oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ayaa ku shaqeeya duruufo adag, iyaga oo lagu khasbay in ay ka shaqeeyaan warshadaha alaabaha u sameeya shirkadaha ugu caansan caalamka.

Machadka daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyada ee dalka Australia ee magaciisa loo soo gaabiyo ASPI ayaa sheegay in arrintani ay tahay wejiga labaad ee "dib wax-u-barista” dadka Uighur-ka ee dalkaasi Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa in muddo ah ku dhawaad hal milyan oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Uighur ku haysay xeryo dadka lagu xiro, halkaasi oo lagu ciqaabo isla markaana lagu dhaqan doorinayo.

Saraakiisha dalkaasi Shiinaha ayaa sheegaya in xeryahani loogu talagalay in looga hortago afkaarta xag-jirnimada



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip