Booliska oo qabtay maandooriye lagu beeray kaam ku yaala Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

0
Monday March 21, 2016 - 19:52:26 in Wararka by
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo qabtay maandooriye lagu beeray kaam ku yaala Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

    Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu gacanta ku dhigay maandooriye lagu beeray kaam ku dhex yaala Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu gacanta ku dhigay maandooriye lagu beeray kaam ku dhex yaala Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Maandooriyahan oo noociisu uu xashiish/xashiishad ahaa, ayaa waxaa si qarsoodi ah loogu beeray xero ay degan yihiin dadka barakacayaasha, oo ku taala xaafadda Siigaale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab) oo maanta Saxaafadda u soo bandhigay maandooriyahaasi, ayaa sheegay in uu isagu ahaa maskaxdii ka dambeysay in la fashiliyo.

Taliyaha, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in kaam ay degan yihiin dad barakacayaal ihi lagu dhex beero xashiishka, isagoona su’aal ka keenay haddii kaam laga dhex helay beer xashiishad ah, waxa laga fillan karo qaybaha kale ee Magaalada.

Cali Xersi Barre, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in lix qof loo soo qabtay falkaasi, hadana ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanka, isla-markaana ay sharciga horkeeni doonaan.

General Cali Gaab, ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay isaga fogaadaan beerista iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

SiigaaleSiigaale1Siigaale2Siigaale3Siigaale4Siigaale5Siigaale6






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip