DIGNIIN ! Iska Jir Intaadan Dugaag u ekaan *Qormo Ku Socota…*

0
Monday March 21, 2016 - 19:42:38 in Maqaallo by
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIGNIIN ! Iska Jir Intaadan Dugaag u ekaan *Qormo Ku Socota…*

    Qormo, By Weriye C/risaaq IndhaJaceyl – Sida la cadeeyey dawooyinka Dumarku isku caddeeyaan waxa ka mid ah kuwo loogu talogalay in lagu daaweeyo xasaasiyadda iyo caabuqa nabarrada, qaar kalena ku yihiinba khatar jirka qofka isticmaalaya, waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormo, By Weriye C/risaaq IndhaJaceyl – Sida la cadeeyey dawooyinka Dumarku isku caddeeyaan waxa ka mid ah kuwo loogu talogalay in lagu daaweeyo xasaasiyadda iyo caabuqa nabarrada, qaar kalena ku yihiinba khatar jirka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah daawooyinkaas.
Sheerli Diyana, Moofeed,Roose, Farableen, Biliij,Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo dhiiqo, Super Roser iyo qaar kaloo cusub islamarkaana fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay Soomaalidu degto oo aanan ku soo koobi karin magacyadooda halkan, loona istimaalo qaybaha kala duwan ee jirka, gaar ahaanna wejiga, gacmaha, lugaha, qoorta iyo qaar la mariyo jirka oo dhan.

Waxa intaa dheer bacaha lagu xiro gacmaha, lugaha iyo qaar lagu seexdo habeenkii loo gashado sida dharka oo kale. Badanaa dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay dhibaatooyin la xaadle u gaystaan caafimaadka qofka ismariya, waxana ka dhalan kara cudurro hor leh, tusaale ahaan: Waxay dilaan unugyada difaaca maqaarka Waxay raadad xun-xun ku reebaan maqaarka qofka isticmaala.

Waxa uu u nuglaadaa qofka istimaalaa inuu ku dhaco kansarka maqaarka. Wuxuu dhibaato u gaystaa aragtida indhaha ee qofka isticmaala Waxa aan hore u bogsan nabarrada ku dhaca jirka qofka ismariya dawooyinkani.

Waxaa ku sameeyaa maqaarka cun-cun badan iyo xasaasiyad. Waxa uu ka soo saaraa jirka qofka ismariya xaad fara badan iyo diirka oo ka qubta qofkaas. Waxaa uu cimri-degdeg ku keenaa maqaarka. Waxa uu dibadda u soo saaraa xadidada dhiigga qaada. Waxay ku abuuraan maqaarka qofka ismariya, canbaar iyo finan fara badan.

Waxaa kale oo ay dhibaato dhaqaale ku haysaa qofka istimaala oo har iyo habeen ay u noqotay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi karin, iyadoo taas ay u dheer tahay dumarka in biilkooda ka mid tahay dawada la isku caddaynayaa oo dhawrkii maalmoodba maalin gaara kharashkaaga baxaayo .

Waxaan uga digayaa hablaheenu inay waan toobaan oo ay ka fogaadaan isticmaalka suntan (Daawo ma ahee) waayo jirka qofka isticmaalaa suntani waxaa uu jirkiisu samaynayaa ur aan fiicnayn, waxaa engagaya maqaarkiisa, waxay feenanaysaa suntani hilibka qofka iyo dheehiisa dabiiciga ah sidaa darteed waxaan leeyahay Dumarkeena SOOMAALIYEED *Iska Jira Inta aydaan Dugaag u ekaanin* .

Weriye C/risaaq C/laahi Maxamed (IndhaJaceyl).


[email]Daauus1@gmail.com – Indhojaceel2003@hotmail.com
Call : – +27783420920

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip