"Wax hada looga baahan yahay AMISOM inay meesha tagto ma jiraan, Ciidamada Puntland ayaa ku filan, anagana gacan ayaa ka geysanay intii dagaalada socdeen, wixii aan diri karno waa u dirnay, hadii waxyaabo kale oo baahi badan ay jiraan gacan xoog leh ayaa ka geysanaynaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ee gaaray deegaano ka tirsan Puntland inay yihiin firxad, isagoo xusay inay isku dayayaan inay meelo badan tagaan.
Waxaa uu sheegay in Xukuumadda iyo dowlad goboleedyada ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana saari doono meelaha ay ku hareen.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan sheegay in aanay u baahneyn Ciidamo AMISOM, isla markaana Puntland ciidankeeda ay ku filan yihiin, isagoo ka codsaday dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka in lagu taageero dagaalka Al-Shabaab.
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan saanad hub u dirtay Puntland, si ay kula dagaalanto Al-Shabaab.



0 



Ra'iisul Wasaaraha "Looma baahno in AMISOM xilligan la geeyo Puntland"
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay dalka Talyaaniga ayaa ka hadlay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.