SAWIRRO: Jabuuti oo lagu soo Xiray Shirka Culumada Bariga Afrika ee looga hadlay Xag-jirnimada

0
Monday March 21, 2016 - 10:30:48 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Jabuuti oo lagu soo Xiray Shirka Culumada Bariga Afrika ee looga hadlay Xag-jirnimada

    Shirkan oo ay isugu yimaadeen culumada Bariga Afrika oo looga hadlayay ka-hortaga falalka Argagaxisada, Xag-jirnimada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo ay isugu yimaadeen culumada Bariga Afrika oo looga hadlayay ka-hortaga falalka Argagaxisada, Xag-jirnimada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo xiray shirka, isagoo la hadlayay culumadii ka qaybgalay shirkan ayuu sheegay inay Diinta Islaamku tahay nasteexo, balse ay dhawaanahan soo baxeen dad dano gaar ah la leh oo u adeegsanaya dariiq aan habboonayn.

Intii uu socday shirka culummada Bariga Afrika ayaa lagu gorfeeyay sidii looga hortegi lahaa argagaxisada iyo xag-jireynta dhallinyarada, taasoo lagu sheegay inay dhaawac ku tahay diinta Islaamka, loona baaha nyahay in culummadu ay u is-taagaan sidii bulshada ay u fahamsiin lahaayeen diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa ahaa kii Afraad oo culummada Bariga Africa ay ku yeeshaan magaalada Jabuuti, sannadkanna waxaa kasoo qayb galay culmmaa’uddiin ka yimid dalal kala duwan.

C/qaadir Muuse Mohamuud

Muuse_26@hotmail.com
Magaalada Jabuuti, Djibouti

xigasho:-hiiraan.co

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip