Somaliland Oo Xukun Ku Riday Rag Kufsi Ka Geystay Magaalada Hargeysa

0
Sunday December 06, 2020 - 17:51:22 in Wararka by
  • Visits: 5130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Xukun Ku Riday Rag Kufsi Ka Geystay Magaalada Hargeysa

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Maxkamadda Racfaanka ah ee Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa maanta markale go’aan kasoo saartay kiiska Cawo Xariir Raage oo ah Gabadh 14jir ah oo lagu kufsaday gudaha xarunta agoomaha ee Hargeysa.

Maxkamadda Maroodijeex ayaa 7 nin oo lagu eedeeyay kiiska kufsiga ah ee Cawo Xariir laba kamid ah lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka 5ta kale lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

Eedaysanayaasha kiiska Gabadha ayaa horey loogu xukumay 2 kamid ah saddex sano oo xabsi ah, halka 5ta kale lagu xukumay 6 bilood oo xabsi dibadjoog ah, balse xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex ayaa xukunnadaas racfaan ka qaadatay.

Cawo Xariir Raage oo ah Gabadh 14-jir ah ayaa kamid aheyd Gabadha agoonta ah ee ku jiray Xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa, hayeeshee raggaas ay kula kacay fal kufsi ah, waxaana horey deegaano ka tirsan Somaliland uga dhacay falal kufsi ah.

Somaliland ayaa maalmo kahor xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu fal isugu jiray kufsi iyo dil ka geystay Magaalada Burco, waxaana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in xukunkaas si deg deg ah loo fulinayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip