Ciidamada Amniga dalka Masar oo boqolaal Soomali Tahriib ah ku qab qabtay beer u dhow magaalada Aliskandariya iyo amniga oo baadi goob ugu jira muqalisiinta Soomalida dadka waday

0
Monday March 21, 2016 - 10:20:02 in Wararka by
  • Visits: 1569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amniga dalka Masar oo boqolaal Soomali Tahriib ah ku qab qabtay beer u dhow magaalada Aliskandariya iyo amniga oo baadi goob ugu jira muqalisiinta Soomalida dadka waday

    maal mahii u danbeeyey ayaa Soomali badan oo tahriib ah waxay ku soo qul qulaayeen dalka Masar kuwaa oo lug ahaan kaga soo galo xadka ay Masar la wadaagto dalka Sudaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maal mahii u danbeeyey ayaa Soomali badan oo tahriib ah waxay ku soo qul qulaayeen dalka Masar kuwaa oo lug ahaan kaga soo galo xadka ay Masar la wadaagto dalka Sudaan

Dad ka badan dhowr kun oo qof oo Soomali ah ayaa xiligaan ku sugan dalka Masar kuwaa oo doonayo in ay halkaas uga sii tahriibaan dalka Talyaaniga

Xiligaan oo ah xili qaboob ayaan jirin doon ka baxdo dalka Masar ee gasho Talyaaniga iyadoona Muqalisiinta Soomalidana ay dadka mar waliba ku war galinaayo in ay jirta dooni baxeysa taa oo sida muuqata been ah madaama lagu jiro xili dabeelo ka dhacayaan xeebaha ku teedsan dalka Masar xiligana uu yahay mid qaboow ah lakiinsa muqalisiinta oo badan ayaa Tahriibiyaasha ku kala tartamaayo madaam,a dadka Tahriibka doonaayo ay doonayaa in ay mar uun dhagahooda ku dhacdo in ay jirto dooni bexeysa taana waxay keentay dhowr maalin ka hor la bilaabo safar in uu jira sidaana lagu daabulay Soomali badan iyadoona kuwa haray loogu sheegeeyey in dadkii la waday durba doonta la saaray sidaana ay keentay in uu bato qul qulka Tahriibka ah

Gabal dhacii xalay ayaa amniga dalka Masar waxay beer ku taalo magaalo u dhowr xeebta Aliskandariya ay u dhaceen halkaana waxay ka soo qab qabteen dadk badan oo Soomali ah oo tira ahaan lagu qiyaasay 180 qof kuwaa oo xiligaan ku jira gacanta amniga dalka Masar iyadoona sida wararka aan ku heleyna dadka la qabtay la weydiinaayey Suaalo ah muqalaska waday taana waxay keentay in caawa qaxwooyinka waaweyn ee Soomalida ku badan tahay laga waayo Muqalasiintii dadka waday

Mar lala xariiray heyda qaramada madoobay qeybta qaxootiga dalka Masar ayaa xaqiijisay in Amniga dalka Masar la soo xariireen laguna war galiyey in ay soo qab qabteen Tariibayaal Soomali ah oo doonaayey in ay doon ka racaan Masar ina tahriibaan dalka Talyanaiga waxayna Qaramada midoobay qeybta Qaxootiga dalka Masar noo xaqiijiyeeen in ay Maalinta Maanta  ah  aadi doonaan dadkaas xir xiran soona baari doonaan xaaladooda good




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip